BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Soomaaliya oo garaacday Kenya, Tanzania iyo Rwanda iyadoo mar kale dhigtay taariikh weyn
Soomaaliya ayaa horey ugu soo badisay xulalka kubada cagta ee 17sano jirka ka yar ee dalalka Tansania, kenya iyo Rwanda oo ay Finalka ugu gudbeen.
TOOS, Masar oo ka taageereysa Sacuudiga dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta
Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa Fox News u sheegay in “97 boqolkiiba maraakiibta isku dayay inay maraan marinka Hormuz ay si guul leh uga gudbeen marin-biyoodka, iyaga oo aan bartilmaameed u noqon gantaallada Iran”.
Titanic: Sheekada ninkii keliya ee Afrikaan ahaa ee saarnaa markabka
Markabka RMS Titanic waxaa saarnaa 2,201 qof, isaga oo ku sii jeeday magaalada New York, markii uu ku dhacay buur baraf ah oo ku taallay Waqooyiga Badweynta Atlaantikada. Afar maalmood kaddib ayuu markabku quusay.
Wax ka ogoow dibadbaxyada Faransiiska ee sababay in la xiro 1,200 oo qof, bililiqo iyo dab lagu dhajiyay dhismayaal
Sabtidii, dalka Faransiiska waxaa ka dhacay dibadbaxyo baahsan oo rabshado wata, kuwaas oo looga soo horjeeday xaaladda dugsiyada iyo kor u kaca qiimaha nolosha.
Ma loo ogol yahay caruurta inay cunaan budada borotiinka?
Sanadihii ugu dambeeyay, tirada alaabada lagu suuqgeeyo inay leeyihiin "borotiin badan" ayaa si weyn u korortay; kuwaas oo ay ka mid yihiin caanaha, caano-fadhiya , rootiga, badarka, cuntooyinka tamarta bixiya iyo budada borotiinka.
Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh lagu xukumay dil, kadib markii lagu eedeeyay inay ku kaceen falal anshax-xumo ah gudaha mid ka mid ah masaajidda ku yaalla magaalada barakeysan ee Makka.
Maxay eersatay xoghayihii warbaahinta ee Trump ee xilka bannaysay?
Katie Zacharia, oo dhawaan loo magacaabay afhayeenka Aqalka Cad, ayaa xilka ka tagtay kadib markii ay la kulantay dhaleeceyn xooggan iyo su'aalo la xiriira aqoonteeda iyo u-qalmitaankeeda shaqada. Waxay xilka haysay shan maalmood oo keliya.
Sheekada dheemanka casaanka ah ee markii ugu horreysay muddo ku dhow 100 sano lagu soo bandhigayo Faransiiska
Dheemanka casaanka ah ee dhifka ah, loona yaqaan Grand Condé, ayaa dib loogu soo bandhigayaa dadweynaha Faransiiska, markii ugu horreysay tan iyo markii la xaday ku dhowaad 100 sano ka hor.
Weerarrada sii kordhaya ee Xuutiyiinta iyo heshiiska difaaca Maka: Muxuu Turkigu samaynayaa si uu u taageero Sacuudiga?
Bayaan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ayaa tilmaamo ka bixiyay qorshaha sharci iyo kan milatari ee la xiriira habka uu Turkigu u taageeri doono Sacuudiga.
Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa'iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay Israa'iil inay joojiso dhismaha "laga dhaqan galiyay" Daanta Galbeed ee la haysto iyo inay dib u celiso tallaabooyinka loo qaaday arrintan.
Sida kareemo isqurxin oo xoog badan ay maqaarkeyga u baabi'iyeen
Kadib markii ay isku dayday in ay wajigeeda qurxiso, muuqaalkii Nice Aston wuxuu isu beddelay mid argagax leh oo laga naxo.
Bukaano silsilado lagu xiray oo laga soo badbaadiyay goob dhaqan celin oo sharci darro looga shakisan yahay
Goobtan, oo laga maamuli jiray kaniisad ku taal gobolka Mpumalanga, ayaa la ogaaday intii lagu guda jiray hawlgal ay sameeyeen mas'uuliyiinta deegaankaas maalintii Khamiista.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar
Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar
Trump oo banaabax ka dhacay Ohio ku weeraray muhaajiriinta Soomaalida ah
Hadalka Trump wuxuu yimid isla maalintii ay saraakiisha Amniga Gudaha baaritaan ku sameeyeen guriga Washington ee Xildhibaanadda Dimuqraadiga ah Ilhaan Cumar
Israa'iil ma waxay muran kala dhex dhigtay Turkiga iyo waddan uu saaxiib dhaw la yahay muddo dheer?
"Labo waddan, hal qaran." Tan iyo sannadihii 1990-meeyadii, halkudhiggan ayaa astaan u ahaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Azerbaijan iyo Turkiga, dad badan oo ku sugan Baku-na waxay Turkiga u arkayeen xulafo siyaasadeed iyo mid militari. Ilham Aliyev ayaa dhowr jeer uga mahadceliyay Turkiga taageerada uu u fidiyay dagaalkii Karabakh, waxaana waddooyinka Baku laga taagay calanka Turkiga.
Maraykanka oo soo saaray amar maxkamadeed si ehelada Ilhaan Cumar su'aalo loo weydiiyo
Ilhaan walaasheed Sahra Nuur ayaa heshay warqad amar maxkamadeed ah, ayadoo ugu yaraan hal xubin oo kale oo ka tirsan qoyskeeda amarkaas loo diray
Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar
Saraakiisha hay'adda socdaalka ee Mareykanka ayaa baaray guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota subaxnimadii Isniinta taa qayb ka ah "baaritaan dambiyeed".
Baaq ka soo baxay shirka El Alamein ku dhex maray madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea
Madaxda shirka ka qayb gashay waxay isku raaceen in arrinta Badda Cas ay tahay arrin u gaar ah oo ay maamulkeeda leeyihiin oo kaliya dalalka xeebta ku leh, iyagoo mar kale adkeeyay muhiimadda xorriyadda marista badda.
Waa tuma Sagal Cabdi Wali, oo ku guulaysatay kuriga ra'iisul Wasaarihii hore ee Uk?
Sagal Cabdi-Wali, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa kursiga ku guulaysatay iyadoo heshay 12,292 cod. Hase yeeshee, aqlabiyadda xisbiga ayaa hoos uga dhacday 11,572 cod ilaa 3,364 oo cod.
Muxuu yahay hadalka doodda iyo falcelinta badan dhaliyay ee uu sheegay duqa New Yorka Mamdani?
Mamdani wuxuu hadalkiisa ku bilaabay cambaareynta weerarkii Xamaas, isagoo ku tilmaamay dembi dagaal oo aad u xun
Eritrea iyo Itoobiya: Xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo marxaladihii uu soo maray
Eritrea: Tan iyo bilowgii xornimadeeda 1991-kii, xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay labada dal, oo ay sabab u ahaayeen xiriirkii xoogganaa ee ay lahaayeen ururradii labada dhinac ee guulo ka gaaray dalalkooda, ayaa si aan khilaaf lahayn ugu gudbay una horumaray xiriir u dhexeeyay labada dowladood.
Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya
Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale ka qaraxday Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka bilaabatay Arbacadii, 23-ka Sebtembar.
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 19 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 16 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 16 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 15 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































