Saadaal tilmaamaysa in Islaamku uu dhaafi doono Masiixiyadda sanadka 2035

Islaamk
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sida saadaal ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Pew (Pew Research Center), diinta Islaamka ayaa la filayaa inay sannadka 2035-ka dhaafto diinta Kiristaanka, isla markaana noqoto diinta ugu badan adduunka la haysto.

Pew, oo muddo 25 sano ah soo saareysay warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan tirada dadka diimaha kala duwan haysta, ayaa ogaatay in inkasta oo Islaamka iyo Kiristaankuba ay sii kordhayaan, haddana tirada Muslimiinta ay si aad uga dhakhso badan u kordhayso.

Xaruntu waxay sheegtay in sababta ugu weyn ay tahay in Muslimiintu guud ahaan dhalaan carruur ka badan dadka haysta diimaha kale ee waaweyn. Arrintan waxaa lagu faahfaahiyay saadaal ay xaruntu soo saartay 9-kii Nofeembar.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, khabiirka sare ee tirakoobka dadweynaha ee Pew, Conrad Hackett, wuxuu sharraxay in qaadashada diin kale iyo isbeddellada kale ee diinta ay saameyn aad u yar ku leeyihiin heerka dhalmada.

Xogta Pew ayaa muujinaysa in muddadii u dhexeysay 2020 iyo 2025, celceliska tirada carruurta ay haweeney Muslimad ahi dhasho uu ahaa 3.1 carruur ah, halka haweenka Kiristaanka ahi ay celcelis ahaan dhaleen 2.5 carruur ah.

Dhanka kale, celceliska dhalmada ee dadka haysta diimaha kale ayaa ahaa 1.6 carruur ah, taas oo ka hooseysa heerka 2.1 carruur ah ee loo arko inuu lagama maarmaan u yahay in jiil kasta uu tiradiisa ku beddelo jiilkii ka horreeyay.

Sida ku cad qiyaasihii hore ee Pew, sannadkii 2020 waxaa dunida ku noolaa 2.27 bilyan oo Kiristaan ah iyo 2.02 bilyan oo Muslimiin ah.

Sida laga soo xigtay saadaashii ugu dambeysay ee xarunta Pew, sannadka 2035-ka waxaa la filayaa in tirada Muslimiinta dunidu ay gaarto 2.57 bilyan, halka tirada Masiixiyiintuna ay noqon doonto 2.52 bilyan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii isbeddellada hadda jira ay sii socdaan, sannadka 2070-ka waxaa dunida ku noolaan doona in ka badan 3.6 bilyan oo Muslimiin ah, halka tirada Masiixiyiintu ay ka yaraan doonto 3 bilyan.

Pew ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka dunidu ay kordhi doonto 29 boqolkiiba inta u dhexeysa sannadaha 2020 iyo 2070.

Kooxaha diimeed ee xaruntu daraasaysay, waxaa la filayaa in Muslimiinta iyo Masiixiyiinta oo keliya ay koritaankoodu la jaanqaado kororka guud ee dadka dunida.

Tirada Masiixiyiinta ayaa la filayaa inay kordho 30 boqolkiiba, halka Muslimiintuna ay kordhi doonaan 80 boqolkiiba.

Pew waxay sheegtay in inkasta oo tirada guud ee dadka Hinduuga iyo Yuhuudda ahi ay kordhayso, haddana saamiga ay ka yihiin dadka dunida uu hoos u dhacayo.

Tirada Buddhistayaasha iyo saamiga ay ka yihiin dadka dunida labadaba waxaa la filayaa inay hoos u dhacaan. Mid ka mid ah sababaha arrintan ayaa ah in tirada guud ee dadka Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan la filayo inay yaraato.

Pew waxay sheegtay in tobannaanka sano ee soo socda, inta badan kororka dadka dunidu uu ka dhici doono Afrika, gaar ahaan dalalka ka hooseeya Saxaraha, halkaas oo dadka intiisa badan ay yihiin Masiixiyiin ama Muslimiin.

Pew waxay sidoo kale xustay in marka laga reebo Shiinaha, oo ay ku badan yihiin dadka aan diin gaar ah haysan balse tirada guud ee dadkiisu si weyn hoos ugu dhacayso, la filayo in tirada dadka aan diinta haysan ee ku nool gobollada kale ay gaarto in ka badan 180 milyan sannadka 2070-ka.