Dayaaradaha F-16 ee Turkigu keenay Soomaaliya oo taariikh cusub dhigay. Daawo ayagoo si toos ah hawada ugu qaadanaya shidaal masaafo dheer

Xigashada Sawirka, WasaaraddaDifaaca ee Turkiga
Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee F-16 ayaa duullimaad aan hakad lahayn ku sameeyey in ka badan 11,000 kiiloomitir (6,835 mayl) laba duullimaad, taasoo muujinaysa awoodda ciidamada Turkiga.
Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhammaystiray hawlgal wareeg ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Bandırma oo ku yaal waqooyi-galbeed ee Turkiga, gaar ahaan magaalada Balıkesir, iyaga oo aan deginl Labada dayaaradood ee duullimaadka sameeyey ayaa duulay isugeyn muddo 55 saacadood ah, sida ay Wasaaradda Difaaca ee Turkigu shaaca ka qaadday Talaadadii.
Hawlgalkan waxaa fuliyay duuliyayaal ka tirsan Guutada 161aad ee Taliska Saldhigga Jet-ka 6aad ee Turkiga, taasoo qayb ka ah wareegyada dayactirka diyaaradaha ee loo qorsheeyay ee hoos yimaada Taliska Qaybta Hawada ee Ciidanka Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay wasaaradda "hawlgalku wuxuu muujiyay awoodaha saadaasha ciidamada istaraatiijiga ee Turkiga iyo sida ay uga go'an tahay xasilloonida Bariga Afrika".
"Hawlgalkan weyn oo leh muhiimad oo ku saabsan wareejinta diyaaradaha dagaalka, ayaa mar kale muujiyay rabitaanka birta ah ee duuliyayaashayada geesiyaasha ah iyagoo adeegsanaya baalasha birta ah, ayagoo dunida u muujinaya awoodda istiraatiijiyadeed ee Turkiga ee saadaalinta waxa laga fili karo awoodda istaraatijiyadeed ee Turkiga iyo taageerada joogtada ah ee uu u hayo xasilloonida Bariga Afrika" ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X ee wasaaradda difaaca ee Turkiga.
Waxaa kale oo ay wasaaraddu soo bandhigtay fiidiyow gaaban oo muujinaya dayaaradaha dagaalka F-16 oo hawada ku qaadanaya shidaal intii ay ku jireen duullimaadkaas dheer.
Duulimaadyadu waxay socdeen celcelis ahaan in ka badan 5,500 oo kiiloomitir halkii diyaarad, masaafadaas oo ah mid u baahan taageero shidaal qaadasho cirka ah oo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn.
Wasaaraddu waxay ku tilmaantay howlgalkan guul aad u wanaagsan oo laga gaaray hawelgelinta diyaaradaha dagaalka ee masaafada dheer, iyadoo xoogga saartay awoodaha hawlgalka ee Ciidanka Cirka Turkiga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa markii ugu horreysay ee Turkigu uu sameeyo tijaabo ay dayaaradihiisa dagaalku hawada ku qaadanayaan shidaal
Turkigu wuxuu markii hore Soomaaliya geeyay saddex diyaaradood oo F-16 ah Janaayo 28, 2026, taasoo calaamad u ah ballaarinta joogitaankeeda milatari ee dalka Bariga Afrika.
Diyaaradaha waxaa la dhigay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde ee Muqdisho, halkaas oo laga dhisay hangarro cusub ka hor inta aysan imaan.
Soomaaliya waxaa sidoo ku yaalla saldhigga milatari ee ugu weyn ee dibadda uu Turkigu ku leeyahay iyo xarunta tababarka ee Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu Turkigu ku tababaray in ka badan 5,000 oo askarta amniga ee Soomaaliya ah. Intaa waxaa dheer, askarta Soomaaliya waxay tababar militari ku sameeyaan dalka Turkiga.
Diyaaraddan ayaa waxaa isticmaala wadamo ay ka mid yihiin Turkiga oo ka iibsaday waddanka Maraykanka.
Sanadkii 2024 tii, dowladda Mareykanka ayaa ansixisay $23bn oo doolarka Maryakanka oo 40 diyaaradood oo cusub oo F-16 ah looga soo iibinayo Turkiga - tallaabadaas oo muddo dheer dib u dhacday - kadib markii Ankara ay ansixisay ku biiritaanka Sweden ee Nato.
























