TOOS , Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Kuweyt iyo Baxreyn, xilli Mareykanku weeraray jasiiradda Qeshm
Mas’uuliyiin milatari oo Kuwait ka tirsan ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka, iyagoo sheegay in “difaaca cirka ee Kuwait uu hadda ka hortagayo weerarro ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo cadowtinimo ah”.
Kooban
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka: Maraykanku ma oggolaan doono in dagaalka Iran uu isu beddelo dagaal laba sano soconaya
Shan dal oo ka mid ah waddamada Yurub ee Soomaalidu iska dhiibto oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey inuu qaabilo qaxootiga la soo celinayo
Tebin toos ah
Mareykanka oo lumiyay meeqaamkii ahaa dal laga ciribtiray Jadeecada
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Daawo
Mareykanka ayaa lumiyay maqaamkii uu ku lahaa dalalka si rasmi ah uga ciribtiray cudurka jadeecada, kaddib markii muddo laba sano ah ay sare u kaceen tirada dadka uu cudurku ku dhacay iyo dhimashada ka dhalatay.
Hay’adda Caafimaadka ee Pan American Health Organization (PAHO), oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in nooc gaar ah oo fayraska jadeecada ah uu si joogto ah ugu faafayay qaaradda Ameerika muddo ka badan 12 bilood.
Agaasimaha hay’adda, Jarbas Barbosa, ayaa sheegay in Mexico iyo Bolivia ay sidoo kale lumiyeen maqaamkii ahaa dalal jadeecada lagaciribtiray.
Wuxuu dib u soo laba-kacleynta cudurka ku sababeeyay “farqiga weli ka jira heerka tallaalka dadka.”
Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa dhankooda sheegay inay ka go’an tahay in dalku dib u helo heerka ciribtirka jadeecada, iyagoo ballaarinaya helitaanka tallaalka.
Mareykanka ayaa sanadkan oo keliya laga diiwaangeliyay 5,400 oo kiis oo jadeeco ah iyo 10 qof oo cudurka u dhintay. Waa tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo sagaashamaadkii.
Rubio oo ku adkaystay inaysan jirin khatar degdeg ah oo Mareykanka ku wajahan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Marco Rubio iyo Trump
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa beeniyay sheegashooyinka iyo walaaca ka dhashay cilado isdaba joog ah oo toddobaadkii la soo dhaafay ku yimid nidaamyada tiknoolajiyadda, isagoo sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa inay dhacdooyinkaas xiriir leeyihiin.
Rubio ayaa qiray in dadku ay ka walaacsan yihiin ciladahaas, kuwaas oo sababay in muddo saacado ah la hakiyo dhammaan duulimaadyada gudaha Mareykanka, isla markaana ay carqaladeeyaan adeegyada bangiyada iyo nidaamyada shirkadaha Apple iyo Microsoft.
Hase yeeshee, isagoo la hadlayay wariyeyaasha ayuu yiri: “Mareykanku ma wajahayo weerarro nidaamsan. Dhacdooyinkani sinaba iskuma xirna, mid kastaana wuxuu leeyahay sabab u gaar ah.”
Khubarada amniga internetka ayaa iyaguna sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ciladahaasi xiriir leeyihiin. Waxay intaa ku dareen in dhibaatooyin badan ay u muuqdaan kuwo ka dhashay cusboonaysiinta nidaamyo tiknoolajiyadeed oo duugoobay.
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa cilado waaweyn laga soo sheegay nidaamyada Microsoft, taas oo hakisay adeegyo kala duwan oo shirkaddu bixiso, oo uu ku jiro iimaylka. Sidoo kale, cilad farsamo ayaa sababtay in dhammaan duulimaadyada Mareykanka la hakiyo dhowr saacadood.
Dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegay nidaamyada Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA), bangiyo dhowr ah iyo shirkadda Apple.
Shirkad kasta iyo hay’ad kasta oo ay ciladuhu saameeyeen waxay sheegtay in dhacdadii ku timid aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah.
Hadalkan Rubio ayaa yimid saacado kaddib markii agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Jay Clayton, uu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay telefishinka Fox News. Wuxuu sheegay in ciladahaasi aysan ka dhalan weerarro dhanka internetka ah.
Wuxuu sharaxay in hay’ado badan ay wax ka beddelayaan oo ay casriyeynayaan nidaamyadooda, taasina ay sababtay in adeegyada qaarkood ay hakad galaan.
Rubio ayaa sidoo kale la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka walaacsan yahay in cabsida dadweynuhu ay keento in dadku badeecooyin kaydsadaan ama ay si degdeg ah lacagtooda ugala baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya ammaanka hantidooda.
Rubio oo qiray in walaacaasi jiro ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo ay tahay in dowladda Mareykanku dadweynaha u sharaxdo xogta ay ka hayso dhacdooyinkan.
Milatariga Iran oo xaqiijiyay weerarka lagu qaaday saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait
Xigashada Sawirka, WANA/Reuters
Qoraalka sawirka, Diyaaradaha dagaalka
Saacad kaddib markii ciidamada milatariga Kuwait ay ku dhawaaqeen in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka si ay uga hortagaan gantaallo iyo hub kale oo lagu soo weerarayay dalka, milatariga Iran ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijiyay weerarrada, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuwait, kaasoo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka.
Bayaanka milatariga Iran oo la soo saaray subaxnimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsado, nidaamyada difaaca ee Patriot iyo goobaha laga rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay weerareen ciidamada Mareykanka ee saldhigga Cali Al-Saalim, iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo wax burburiya.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Annagoo difaacayna Iran, uma hoggaansami doonno awood kasta, Jawaabtayada ku aaddan khatar kasta ama gardarro kasta waxay noqon doontaa mid go’aan leh, burbur xooggan geysanaysa, isla markaana aan ku koobnaan doonin xuduud juqraafiyeed.”
Subaxnimadii Arbacada, digniinaha weerarrada cirka ayaa sidoo kale laga maqlay Baxreyn, iyadoo la soo sheegay qaraxyo dhowr ah.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarradaasi uu ahaa nidaamyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn.
Shabakadda sirta ah ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) oo muddo cilad ku timid
Xigashada Sawirka, NSA handout via Reuters
Qoraalka sawirka, .
Shabakad sir oo heerkeedu sarreeyo oo Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA) u isticmaasho isgaarsiinta gudaha ayaa muddo aan la cayimin shaqayn weyday maalintii Talaadada, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.
NSA, oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn Mareykanka, ayaa sheegtay in cilad ku-meel-gaar ahi ay ku timid habsami u shaqaynta qaar ka mid ah nidaamyadeeda, xilli ay socdeen hawlo dayactir oo caadi ah, horayna loo sii qorsheeyay. Hase yeeshee, waxay xustay in awoodaha muhiimka u ah hawlgaladeeda aysan waxyeello soo gaarin.
Wararka ayaa sheegaya in ciladdu saamaysay shabakadda NSANet, oo ay saraakiisha hay’addu u adeegsadaan dirista iyo helista xogta sirta ah ee heerka ugu sarreeya.
Ciladdan ayaa timid xilli maalmihii u dambeeyay Mareykanka laga soo sheegay cilado farsamo oo isdaba joog ah, kuwaasoo saameeyay nidaamyada duulimaadyada, bangiyada iyo kaabayaasha kale. Mas’uuliyiintu dhammaan xaaladahaas waxay beeniyeen in ay ka dhasheen weerarro dhanka internetka ah ama arrimo dibadeed.
Afhayeen u hadlay NSA oo BBC-da qoraal u diray ayaa sheegay: “Inkasta oo ciladdu saamaysay qaar ka mid ah nidaamyada gudaha, haddana adeegyada muhiimka u ah hawlgaladeennu si buuxda ayay u shaqaynayaan, awooddayada difaaca amniga qarankuna way sii socotaa.”
Wuxuu intaas ku daray in kaabayaasha farsamo ee NSA loo qaabeeyay inay hawlgaladu sii socdaan xilliyada dayactirka la qorsheeyay ama marka ay dhacaan cilado lama filaan ah, iyadoo ay jiraan nidaamyo kayd ah oo dhowr heer ah.
Hay’addu ma aysan sheegin goorta ay ciladdu bilaabatay ama goorta la filayo in la xalliyo.
Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciladdu aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah. Hase yeeshee, isku soo beeganka iyo isku xigxiga ciladaha saameeyay nidaamyada duulimaadyada iyo bangiyada Mareykanka ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha.
Mas’uuliyiin milatari oo Kuwait ka tirsan ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka, iyagoo sheegay in “difaaca cirka ee Kuwait uu hadda ka hortagayo weerarro ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo cadowtinimo ah”.
Taliska guud ee ciidamada Kuwait ayaa sheegay in dhawaaqyada qaraxyada laga maqlay dalka ay ka dhasheen gantaallo ama weerarro kale oo ay qabteen nidaamyada difaaca cirka ee dalka.
Dhanka kale, warbaahinta Iran oo soo xiganaysa ilo Carbeed ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay gudaha Kuwait.
Maalmihii la soo dhaafay, Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyada raadaarka ee Mareykanka ee ku yaalla Baxreyn, iyadoo arrintaas uga jawaabaysa duqeymo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay goobo ku yaalla xeebaha Gacanka Faaris, oo ay ka mid yihiin jasiiradaha Qeshm iyo Sirik.
Iran ayaa sidoo kale ka digtay in haddii dalkeeda la weeraro ay bartilmaameedsan karto saldhigyada Mareykanka ee gobolka iyo xitaa kuwa ka baxsan gobolka.
Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16
Xigashada Sawirka, ANADOLU
Daroonka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar Kizil ayaa la sheegay in ay meel fog ka bartilmaameedsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 mar la tijaabinayay gantaalada hawada laysku weydaarsado. Arrintan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray dhinaca difaaca.
"Waxaan dhidibbada u taagnay waa cusub oo taariikhi ah…Turkiga waxa uu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee meel sare ka gaara taariikhda duulista" ayuu yiri Selcuk Bayraktar oo ah guddoomiyaha iyo madaxa shirkadda Bayraktar.
Nidaamka loo yaqaan BVR oo ah kan raadaarada ku soo helaan diyaaradaha, waxaa loo adeegsadaa goobaha dagaalka marka diyaarad ama gantaal meel fog laga soo tuurayo lagu duqeynayo meel aan loo jeedin.
War deg deg ah, Kuuriyada Koonfureed oo si la yaab-leh u uga hortagaysa qishka imtixaanaadka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kuuriyada
Koonfureed ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo adag oo looga hortagayo in
ardaydu khiyaameeyaan imtixaanka gelitaanka jaamacadaha ee Khamiista la
qaadayo.
Qalab
elektaroonig ah lama oggolaan doono in la geeyo goobta imtixaanka. Sidoo kale,
ka hor inta uusan imtixaanku bilaaban, waxaa la diri doonaa dhawaaq digniin ah
oo aan la aamusiin karin, si loo ogaado qalab kasta oo qarsoon.
Muraayadaha
indhaha ee ardayda oo dhan waa la baari doonaa, waxaana laga doonayaa inay daboolaan
badhamada dharka ay xiran yihiin.
Isniintii,
ardaygii kaalinta koowaad ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee xisaabaadka
canshuuraha ee dalka ayaa qirtay inuu adeegsaday dhowr hab oo khiyaano ah, oo
ay ka mid ahayd inuu dharkiisa ku xirto kamarad yar oo qarsoon.
War deg deg ah, Buundo muhiim u ahayd Putin oo la burburiyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ukraine ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo
gantaallo ku weerartay buundada Crimea, oo ah marinka ugu weyn ee isku xira
Ruushka iyo dhulka Crimea ee uu Ruushku haysto.
Ukraine ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab u yahay
duqeymaha Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha dhaqaalaha dalkaas.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in
weerarku ahaa wejigii toddobaad ee hawlgal socday dhowr toddobaad, kaas oo ay
qorsheeyeen iskuna dubbarideen Hay’adda Ammaanka Ukraine iyo taliska milatariga
dalkaas.
Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa ka jawaabay tallaabada
Ukraine, isaga oo sheegay in buundada dib loo dhisi doono, isla markaana ay
noqon doonto mid ka tayo wanaagsan sidii hore.
Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa shalay weeraray laba
buundo oo dul mara webiga Dnipro ee magaalada caasimadda ah ee Kyiv, iyo
kaabayaal kale, sida uu sheegay duqa magaalada, Vitali Klitschko.
War deg deg ah, War cusub: Xog cusub oo laga helay ninkii feylasha fadeexadda horey looga baahiyay ee Epstein
Xigashada Sawirka, Getty Images
Khabiir Maraykan ah oo ku takhasusay hidde-sideyaasha ayaa
BBC-da u sheegay in falanqayntiisa sawirrada meydka Jeffrey Epstein ay
muujinayso in lagu dilay xabsiga.
Professor Michael Freeman ayaa sheegay in markii uu dib u
eegay warbixintii baaritaanka meydka, uu rumaysan yahay in Epstein la ceejiyay,
suuragalna ay tahay in qaab gadaal-gadaal ah loo ceejiyay.
Epstein, oo hore loogu helay dambi la xiriira xadgudubka
galmada carruurta, ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada New York
sannadkii 2019-kii, xilli uu sugayay maxkamadeyn la xiriirtay eedeymo ah inuu
dumar iyo carruur u tahriibin jiray ujeeddooyin galmo.
Si kastaba ha ahaatee, jaamacaddii xilligaas samaysay
baaritaanka meydkiisa ayaa sheegtay in dhaawacyadii laga helay jirkiisa ay
waafaqsanaayeen dhimasho ka dhalatay is-daldalid.
War deg deg ah, Dolwadda Ingiriiska oo qaadday tallaabo ka dhan Israa'iil oo Falastiiniyiinta ugu hiilinayaan
Xigashada Sawirka, EPA
Britain ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay siddeed shirkadood
oo Israa’iili leedaya oo ku lug leh dhismaha deegaamaynta bulshadaYuhuudda ee Daanta Galbeed ee la
haysto. Sidoo kale, cunaqabatayn ayaa lagu soo rogay urur Israa’iili ah oo isku
dayay inuu hor istaago in gargaarku gaaro Marinka Gaza.
Kuwani waa cunaqabatayntii ugu horreysay ee Britain qaaddo
tan iyo markii ay bishii Sebtembar wax ka beddeshay siyaasaddeeda ku aaddan
Israa’iil iyo deegaamaynta Daanta Galbeed.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in tallaabadani ay
ujeeddadeedu tahay ilaalinta suuragalnimada hirgelinta xalka labada dal.
Dhanka kale, haweeney Falastiini ah ayaa la sheegay in ay
toogasho lagu dilay oo uu dilay qof ka mid ah Israa’iiliyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la
haysto, halka 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gaari ku dhow
magaalada Ariixa la weeraray, dhagxaan badanna lagu tuuray, taas oo keentay in
rasaas jawaab celin ah la furo.
Waxaa la sheegay in degaya ay ku sii jeedeen goob cusub oo
ay doonayeen inay ka sameystaan meel ay wax ka daawadaan.
Tirokoobka Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in ku dhowaad
100 Falastiiniyiin ah lagu dilay toogashooyin ka dhacay Daanta Galbeed
sannadkan.
Dhammaan Israa’iiliyiinta deegaamaynta ka wada Daanta
Galbeed ayaa sharci-darro ka ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo muujiyay cabsi ah in Iraan ay weerari karto Washington
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si
dhab ah u qaadanayo hanjabaadda, kaddib markii CNN ay baahisay warbixin ka
hadlaysay suuragalnimada in Iiraan ay weerarto magaalada Washington.
Trump oo ku sugan dalka Filibiin, kana qaybgalaya shirka
ASEAN, ayaa su’aal uu wariye weydiiyay kaga jawaabay: “Waxaan rajaynayaa
inaysan taasi dhicin, balse arrintan si dhab ah ayaan u qaadanaynaa.”
Wuxuu intaas ku daray: “Tani waa sababta aysan u ahayn
inay haystaan hub nukliyeer ah.”
Trump ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu arrintan si dhab ah u
qaadanayo, isaga oo sheegay in Iiraaniyiintu u muuqdaan kuwo khatar ah oo aan
la saadaalin karin.
Wuxuu ku hanjabay in haddii weerar noocaas ah la fuliyo,
Iiraan ay wajihi doonto ciqaab aan dal kale taariikhda hore u arag.
Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa horay u diiday warbixinta CNN ee sheegtay in
Iiraan laga yaabo inay qorshaynayso inay Washington ku qarxiso waxa loo yaqaan
“bambada wasakh ah” isaga oo ku tilmaamay eedeymo aan sal iyo raad lahayn.
War deg deg ah, Trump oo doonaya inuu arko oo la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka qaybgalaya
shirka ASEAN ee ka dhacaya dalka Filibiin, ka hor inta uusan u gudbin shirka
APEC ee Shiinaha.
Waxaa loo qorsheeyay inuu wadahadallo la yeesho
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxa
kale oo uu muujiyay inuu doonayo inuu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi
Kim Jong Un.
Waxaa muuqanaysa suuragalnimada in hoggaamiyeyaashan ay
kulmaan markii ugu horreysay tan iyo markii Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka
Cad.
War deg deg ah, Ciraaq oo qaadday tallaabo muhiim ah
Xigashada Sawirka, Hussein Faleh/BBC
Ciraaq ayaa ku
dhawaaqday in markii ugu horreysay muddo ka badan toban sano uu shidaal marayo
dhuunteeda weyn ee waqooyiga, taas oo isku xirta dalkaas iyo Turkiga.
Dib u furista dhuunta
shidaalka ee Kirkuk-Ceyhan ayaa Ciraaq u abuureysa marin muhiim ah oo ay
shidaalka ku dhoofiso, sidoo kalena yareyneysa ku tiirsanaanta dekedaha
koonfureed ee dalka, kuwaas oo shidaalka looga sii gudbiyo marinka Hormuz.
Dhoofinta shidaalka ee
dhuuntan ayaa hakad gashay sannadkii 2014-kii, kaddib weerarro isdaba joog ah
oo ay fulisay kooxda Daacish.
Ciraaq ayaa rajaynaysa
inay ugu dambayn dhuuntan cusub dib loo furay ay maalin kasta ku shubto ilaa
500,000 oo fuusto oo shidaal ah.
Bal dib u eeg: Wasiirkii Cadaaladda ee Australia ee diiday inuu haysto dhalasho dal kale
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka caddaaladda ee Australia Michael Keenan ayaa diiday in uu haysto dhalasho kale oo Britain ah, ka dib markii uu noqday qofkii u dambeeyay ee ay soo wajahdo fadeexadda labada dhalasho.
Xildhibaannada iyo Senetarada Australia ayaan loo ogolayn in ay labo dhalasho qaataan.
Shan siyaasi oo kale oo Australian ah ayay maxkamaddu go'aan ka gaaraysaa in ay xaq u leeyihiin in ay xilka sii hayn karaan, ka dib markii la sheegay in ay dhalashooyin kale haystaan.
Keenaan ayaa sheegay in uu ka tanaasulay dhalashadii Britain sannadkii 2004tii ka hor intii uusan ka mid noqonin baarlamaanka.
"Waxaan ahay muwaadin Australian ah, dhalasho dal kalana ma haysto" ayuu ku soo qoray barta X,.
War deg deg ah, Ukraine oo weerar culus ku qaadday buundada Crimea iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ukraine ayaa weerartay buundada Crimea, oo ah waddada ugu
weyn ee isku xirta Ruushka iyo dhulka Crimea ee uu Ruushku haysto, iyadoo
adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.
Ukraine ayaa sheegtay in weerarku ahaa aargoosi ka dhan ah
duqeymaha Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha dhaqaalaha dalkaas.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in
weerarku ahaa wejigii toddobaad ee hawlgal toddobaadyo socday, kaas oo ay
qorsheysay iskuna dubbaridday Hay’adda Amniga Ukraine, iyadoo la kaashanaysa
taliska ciidamada.
Afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin-ka ayaa ka jawaabay
tallaabada Ukraine, isaga oo sheegay in buundada dib loo dhisi doono, isla
markaana ay ka tayo fiicnaan doonto sidii hore.
Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa shalay weeraray laba
buundo oo dul mara webiga Dnipro ee caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyo sidoo kale
kaabayaal kale, sida uu sheegay duqa magaalada Vitali Klitschko.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa
sheegay in ciidamadoodu ay jabsadeen nidaamka hagista diyaarad aan duuliye
lahayn oo Maraykanku leeyahay, nooca MQM-10, kaddibna ay soo rideen oo gacanta
ku dhigeen.
War-saxaafadeed ay milatarigu soo saareen saaka ayay ku
sheegeen in diyaaradda lagu qabtay hawada koonfurta Jasiiradda Qeshm, ka hor
inta aan si nabad ah dhulka loo soo dejin.
IRGC ayaa sheegtay in tallaabadan ay ku fuliyeen hawlgal
dagaal dhanka elektaroonig ah oo ay ciidamadooda cirka si xirfad iyo guul leh u
sameeyeen.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka CENTCOM, weli kama
uusan jawaabin sheegashada Iiraan.
War deg deg ah, Trump oo hal mar dhowr Ra'iisul wasaare mid wax ku tilmaamay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Trump oo su’aalo ka jawaabayay xilli sawirro
laga qaadanayay.
Markii wax laga weydiiyay qorshaha kulankiisa
hoggaamiyeyaasha Japan, Hindiya iyo Australia, Donald Trump wuxuu yiri: “Xiriir
wanaagsan ayaan la leenahay dadkan iyo dalalkan.”
“Bilowgiiba... waa saaxiibbaday, taasina way waxbey
taraysaa,” ayuu raaciyay.
Isaga oo tilmaamaya Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra
Modi, ayuu Trump yiri: “Waa nin aad u adag, iyaduna Ra’iisul Wasaaraha Japan
Sanae Takaichi waxaa laga yaabaa inay ka sii adag tahay.”
Markii uu u jeestay Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony
Albanese, ayuu Trump ku daray: “Annaga iyo isaga... xiriirkeennu waa hagaagsan
yahay.”
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo safiiro dalal kala duwan ka socda oo gaaray magaalada Mekelle
Xigashada Sawirka, Tigray Television
Qoraalka sawirka, .
Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, safiiro ka kala socda dalal kala duwan iyo mas’uuliyiin caalami ah ayaa markii ugu horreysay booqday gobolka Tigray, tan iyo markii dowladda federaalka Itoobiya ay la wareegtay magaalooyinka waaweyn ee gobolka.
Wafdiga waxaa ka mid ah safiiro ka socda siddeed dal, oo uu ku jiro safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Masinga, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, sida ay baahisay Telefishinka Tigray.
Ujeeddada booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay in wafdigu si toos ah u qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Tigray, isla markaana uu qorsheeyo taageerada loo baahan yahay mustaqbalka.
Wafdiga ayaa sidoo kale wadahadallo la bilaabay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray. Ajendayaasha kulamada waxaa ka mid ah gargaarka bani’aadannimo, dadka barakacay, hub-ka-dhigista iyo dib-u-dhexgelinta dagaalyahannada bulshada, iyo dadaallada nabadda ee gobolka.
Ato Assefa Abraha, oo ah madaxa fulinta arrimaha maamulka iyo adeegyada dadweynaha, ayaa martida u sheegay in maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray uu dhisay nidaam maamul oo ka shaqeeya heer gobol ilaa heer degmo.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu booqasho shaqo oo rasmi ah oo laba maalmood soconaysa ku tagayo magaalada Mekelle.
Inta ay booqashada ku sugan yihiin, waxay sidoo kale kulamo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha sare ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha dhaqanka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
Walaac laga muujiyay Xuutiyiinta oo ku sii siqaya magaalada Cadan iyo dib u gurashada ciidamada Sacuudigu taageero
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Gaari dagaal
Dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa ku sii siqaya xeebaha Badda Cas, iyagoo ku qasbay ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay inay dib u gurtaan, si ay u difaacaan magaalada Cadan oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda.
Xuutiyiinta ayaa qaybo badan oo Yemen ah qabsaday sannadkii 2014-kii.
Horumarka ay sameynayaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa walaac ku abuuray dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, xulafadeeda Sacuudiga iyo guud ahaan beesha caalamka.
Yemen waa dal buuraley ah oo sabool ah, bulshadiisuna ay ku dhisan tahay qabaa’il. Wuxuu ku yaalla koonfur-galbeed ee Jasiiradda Carabta, waxaana sidoo kale dalkaasi ku baahsan hub aad u badan.
Nicholas Hopton, oo hore u ahaa safiirka Britain u fadhiya Yemen iyo Iran, haddana ah agaasimaha guud ee ururka Middle East Association ee fadhigiisu yahay Britain, ayaa sheegay in dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay mudnaanta siisay difaaca magaalada Cadan, taasoo sababtay inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanno kale.
Wuxuu sheegay in arrintani muujinayso in dagaalku aanu si wanaagsan ugu socon dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero, isla markaana ay tahay xaalad ay tahay in dunida inteeda kale ay ka walaacdo.
Wuxuu ka digay in haddii magaalada Cadan, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 1.25 milyan oo qof, ay gacanta u gasho Xuutiyiinta, ay taasi sii hurin karto xiisadda gobolka, isla markaana khalkhal gelin karto dhaqaalaha dunida.
Sida uu sheegay, sababaha waaweyn ee xaaladdan keenay waxaa ka mid ah dagaalka weli u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.