Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka oo bayaan wadajir ah soo saaray kaddib kulankii saddex-geesoodka ahaa

Hadda waxaan idiin soo gudbineynaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray bayaanka wadajirka ah ee ku saabsan nabadda, kaas oo Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku soo saareen kaddib kulankoodii saddex geesoodka ahaa.

Kooban

  • Golaha Khaliijka oo difaacay Imaaraadka, dhaleeceeyayna dowladda Soomaaliya
  • "The price for a dream": Qisada filim ka hadlaya wiil Soomaali ah oo riyadiisa Maraykanka u maraya wax uusan fileyn
  • Maxay Soomaaliya ugu amartay safiirka Imaaraadka Carabta inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah?

Tebin toos ah

  1. Taiwan oo sheegtay in diyaarado milatari oo Ruushku leeyahay ay galeen aagga difaaca hawadeeda

    Diyaarado dagaal
    Qoraalka sawirka, Diyaarado dagaal

    Iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isu diyaarinayo inuu magaalada Shenzhen kula kulmo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa Wasaaradda Difaaca Taiwan waxay sheegtay in laba diyaaradood oo milatari oo nooca Tu-95 ah oo Ruushku leeyahay ay maanta galeen aagga difaaca hawada ee Taiwan.

    Bayaan ay wasaaraddu ku baahisay barta X ayay ku sheegtay in diyaaradahaasi ay koonfurta ka soo galeen aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Taiwan (ADIZ), ayna dul mareen bariga jasiiradda, kaddibna ay ka baxeen aagga dhanka waqooyi-bari ee magaalada Keelung.

    Milatariga Taiwan ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, isla markaana ay qaadeen tallaabooyinkii ku habboonaa.

    Dhacdadan ayaa timid maalin kaddib markii Japan ay sheegtay inay hawada gelisay diyaaradaha dagaalka, isla markaana ay si adag uga cabatay dhacdo Talaadadii dhacday, taas oo laba diyaaradood oo looga shakisan yahay inay Ruushku leeyihiin lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen hawadeeda.

    Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaduna hawada gelisay diyaaradaha dagaalka, halka Taiwan ay sheegtay inay tallaabo qaaday kaddib markii ay diyaaradaha milatariga Ruushka ku aragtay aagagga ay u isticmaasho la socodka difaaca hawadeeda.

    Aagagga ADIZ ma aha xuduudo rasmi ah oo hawada dalalka ka tirsan. Waa goobo amni oo ku fidsan meel ka baxsan hawada qaran, kuwaas oo dowladuhu kula socdaan kuna aqoonsadaan diyaaradaha ku soo dhowaanaya.

    Ilaa hadda, Moscow wax war ah kama soo saarin dhacdadan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Riyaad kula kulmay taliyaha CENTCOM, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Xuutiyiinta

    Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga
    Qoraalka sawirka, Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga

    Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa magaalada Riyaad kula kulmay Brad Cooper, oo ah taliyaha taliska dhexe ee milatariga Maraykanka (CENTCOM).

    Tani waa booqashadii saddexaad ee taliyaha CENTCOM uu si rasmi ah ku tago Sacuudiga tan iyo markii dagaalka u dhexeeya dalkaas iyo Xuutiyiinta uu taageero Iiraan uu dib u qarxay bishii Luulyo.

    Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa Khamiistii sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha milatariga, iyo sidoo kale xaaladaha gobolka.

    Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in Cooper, intii uu booqashada ku joogay Sacuudiga, uu sidoo kale kala hadlay Wasiirka Difaaca dalkaas, Khaalid Bin Salmaan, iskaashiga dhinaca difaaca iyo sidii gobolka looga xaqiijin lahaa amni, xasillooni iyo nabad.

    Sacuudiga oo muddo dheer xulafo dhanka amniga ah la ahaa Maraykanka, ayaa wajahaya xiisad sii kordheysa oo kala dhexeysa Xuutiyiinta tan iyo bishii Luulyo, oo afar bilood ka hor ahayd.

    Xuutiyiinta ayaa kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga iyo kaabayaasha tamarta ee dalkaas. Isla markaana waxay ku sii siqayaan xeebaha Badda Cas ee Yemen, dhanka marinka Baab al-Mandab.

    Bishii Sebtembar, saddex ilo-wareed ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu Madaxweyne Donald Trump ka codsaday taageero milatari oo ka caawisa Riyaad inay la dagaallanto Xuutiyiinta.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Xuutiyiinta oo duqeeyay bartamaha Riyad

    Dhismaha dabaqyada dhaadheer ee ku yaalla magaalada Riyaad, caasimadda Sacuudi Carabiya, kaas oo xarun u ah Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee dalkaas, ayaa waxyeello ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay dad goob-joogayaal ah.

    Warbixintu waxay sheegtay in “dusha sare ee dhismaha ay waxyeello ka soo gaartay dhowr dabaq, daaqadahana ay jajabeen”.

    Subaxnimadii Khamiista, wariyeyaasha AFP ee Riyaad ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan.

    Ku dhowaad isla waqtigaas, saraakiisha difaaca madaniga ah ee Sacuudiga ayaa ka digay “khatar suuragal ah”, balse daqiiqado kaddib waxay ku dhawaaqeen in khatartii la xakameeyay.

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo la dagaallamaya Xuutiyiinta, ayaa sheegay in “khatar ka dhalatay gantaal ay maleeshiyada Xuutiyiinta ee argagixisada ah ku bartilmaameedsatay Riyaad la xakameeyay”.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay: “Qiimeyntii ugu horreysay waxay muujinaysaa in haraadiga gantaalku uu soo dhacay, isla markaana uu sababay khasaare hantiyeed. Qiimeynta baaxadda khasaaraha ayaa weli socota.”

    Goob-joogayaal ayaa markii dambe AFP u sheegay in waxyeello ay gaartay munaaradda Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga ee Riyaad. Dhismahan oo ka kooban 80 dabaq ayaa ah kan ugu dheer xarunta maaliyadeed ee caasimadda.

    Dhismahan oo dhererkiisu yahay 385 mitir ayaa ku yaalla degmada maaliyadeed ee Boqor Cabdalla.

    Degmadan oo leh dhismayaal dhaadheer, dukaamo qaali ah iyo goobo cagaaran, waxaa ku yaalla xarunta suuqa saamiyada Sacuudiga iyo xarumo ay leeyihiin shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay Goldman Sachs.

    Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga, oo uu hoggaamiyo dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ayaa ka mid ah sanduuqyada hantida qaranka ugu waaweyn dunida, wuxuuna leeyahay hanti ka badan 900 oo bilyan oo doollar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Imran Khan iyo xaaskiisa oo baaritaan caafimaad loogu sameeyay xabsiga Adiala

    Imran Khan iyo xaaskiisa
    Qoraalka sawirka, Imran Khan iyo xaaskiisa

    Mas’uuliyiinta xabsiga Adiala ee magaalada Rawalpindi ayaa sheegay in koox caafimaad oo gaar ah ay baaritaan caafimaad ku sameeyeen ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, iyo xaaskiisa oo xabsiga kula jirta.

    Mas’uuliyiinta xabsiga ayaa BBC Urdu u sheegay in koox caafimaad oo uu hoggaaminayay Dr. Arif Khan oo ka tirsan isbitaalka PIMS ay baartay Imran Khan iyo Bushra Bibi. Kooxdu waxay xabsiga ku sugneyd ku dhowaad laba saacadood iyo bar.

    Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, waxaa la baaray indhaha Imran Khan, waxaana sidoo kale laga qaaday dhiig si shaybaar loogu sameeyo. Intaas kaddib, ra’iisul wasaarihii hore iyo xaaskiisa ayaa loo kala wareejiyay qolal gaar ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Putin: Ukraine waa inay tanaasul sameysaa si dagaalka loo soo afjaro

    Putin
    Qoraalka sawirka, Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa warbaahinta la hadlay kaddib markii uu ka qaybgalay kulankii saddex geesoodka ahaa ee hoggaamiyeyaasha Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka.

    Wariyaha BBC-da ee Ruushka, Steve Rosenberg, ayaa Putin weydiiyay dhowr su’aalood.

    Su’aashii ugu horreysay, wuxuu weydiiyay in kulanka saddexda hoggaamiye uu astaan u yahay sameynta hannaan cusub oo looga wada hadlayo amniga caalamka iyo dhismaha nidaam cusub oo adduunka ah, mise uu ahaa oo keliya fursad ay hoggaamiyeyaashu ku wada galaan sawir xusuus ah.

    Su’aasha labaad, wariyuhu wuxuu tixraacay bayaanka wadajirka ah ee nabadda ee ay soo saareen Putin, Xi Jinping iyo Donald Trump, isaga oo ku tilmaamay mid is-khilaafsan. Wuxuu Putin weydiiyay in Ruushku damacsan yahay inuu soo afjaro dagaalka Ukraine.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aashii koowaad, Putin ayaa si kaftan ah wariyaha u weydiiyay in Trump uu ku dhiirrigeliyay inuu su’aashaas weydiiyo.

    Putin ayaa markaas sheegay in kulanka saddex geesoodka ahi uu ahaa tallaabo muhiim ah, isla markaana dhinacyadu isku raaceen in qaabkan kulanku uu faa’iido u leeyahay wadahadalka. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inaan kulanka loo dejin yoolal aad u waaweyn.

    Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inaan wax heshiis ah laga gaarin in kulamada noocan ah si joogto ah loo qabto.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aasha ku saabsan soo afjaridda dagaalka Ukraine, Putin ayaa diiday in Ruushku ahaa dhinicii bilaabay gardarrada, wuxuuna tusaale u soo qaatay weerarrada Ukraine ay ku qaaday buundada Crimea iyo xarumaha tamarta ee Ruushka.

    Putin ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isaga oo yiri: “Waa dhinaca Ukraine kan ay tahay inuu tallaabo qaado si dagaalka loo soo afjaro, isla markaana uu tanaasul sameeyo inta hawshaasi socoto.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Netherlands oo ka digtay khatarta muraayadaha casriga ah ee adeegsada garaadka macmalka ah (AI)

    Ookiyaale
    Qoraalka sawirka, Ookiyaale

    Hay’adda dowladda Netherlands u qaabilsan ilaalinta xogta gaarka ah ayaa kula talisay dadka inaysan iibsan muraayadaha indhaha ee casriga ah ama kuwa adeegsada sirdoonka macmalka ah (AI), iyadoo sheegtay inay khatar ku yihiin dadka isticmaala iyo dadka kale ee agtooda jooga.

    Hay’addu waxay baaritaan ku samaysay lix nooc oo muraayadahaas ama Okiyaalayaashaasi ah oo laga helo suuqyada Netherlands, waxayna ogaatay inay halis ku yihiin asturnaanta dadka. Waxa kale oo ay noqon karaan kuwo khatar ah, maadaama ay bixin karaan talooyin khaldan ama xog aan jirin oo uu AI sameeyay.

    Hay’addu waxay sidoo kale ugu baaqday xarumaha iyo hay’adaha inay mamnuucaan isticmaalka muraayadahaas meelaha xasaasiga ah sida isbitaallada iyo maxkamadaha.

    Dhanka kale, hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan ilaalinta xogta ayaa hore ugu baaqday in muraayadaha casriga ah ay si cad u muujiyaan marka wax lagu duubayo, iyadoo laga walaacsan yahay duubista qarsoodiga ah ee dadka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Shiinaha ayaa Putin siiyay kursiga ugu sharafta badan kulankii saddexda hoggaamiye: Wakaaladda wararka dowladda Ruushka

    Hogaamiyayasha Shiinaha iyo Ruushka
    Qoraalka sawirka, Hogaamiyayasha Shiinaha iyo Ruushka

    Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin la siiyay kursiga ugu sharafta badan intii uu socday kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu la yeeshay madaxweynayaasha Shiinaha Xi Jinping iyo Maraykanka Donald Trump.

    Warbixin ay wakaaladdu kaga hadashay qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulankii ugu horreeyay ee taariikhda dhex mara hoggaamiyeyaasha Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka, ayay ku sheegtay in Putin uu fadhiyay dhinaca midig ee Xi Jinping, halka Trump uu ka fadhiyay dhinaciisa bidix.

    TASS ayaa xustay in marka la eego hab-maamuuska diblomaasiyadeed, kursiga dhinaca midig ee martigeliyaha uu yahay kan ugu sharafta badan.

    Waxay sidoo kale sheegtay in Putin uu hadlay isla markiiba kaddib Xi Jinping, halka Donald Trump uu isaguna hadlay intaas kaddib.

    Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in wafdiga Putin ay ku jireen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday dhammaan qaybaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga. Mas’uuliyiinta ka tirsanaa wafdiyada Shiinaha iyo Maraykanka ayaa iyaguna ahaa kuwo darajo sare leh.

    Kulanka ayaa socday ku dhowaad saacad iyo bar. TASS ayaa sheegtay in dhammaadkii kulanka Xi Jinping uu Putin ku sii sagootiyay gaarigiisa, iyadoo saddexda hoggaamiye aysan wax war ah si wadajir ah uga soo saarin kulanka kaddib.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay oo go’aamisay in Myanmar ay xasuuq u geysatay Muslimiinta Rohingya

    Garsoorayaasha ICJ
    Qoraalka sawirka, Garsoorayaasha ICJ

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa go’aamisay in dowladda Myanmar ay xasuuq u geysatay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.

    Maxkamaddu waxay codad sagaal ah iyo lix ka soo horjeed ku gaartay go’aanka ah in Myanmar ay damacsanayd inay gebi ahaan ama qayb ahaan baabi’iso bulshada Rohingya.

    Tani waa markii ugu horreysay taariikhda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee dal lagu helo inuu geystay xasuuq.

    Hase yeeshee, Myanmar laguma helin eedda ah inay dadka ku dhiirrigelisay inay xasuuq geystaan.

    Guddoomiyaha maxkamadda, Yuji Iwasawa, ayaa amray dowladda Myanmar inay xaqiijiso in qaxootiga Rohingya ay si ammaan ah dalkooda ugu laaban karaan, isla markaana ay magdhow siiso dadkii dhibaatadu saameysay.

    Go’aankan taariikhiga ah ayaa la filayaa inuu tusaale u noqdo dacwado kale oo la xiriira xasuuqa, oo ay ku jirto dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil, kuna eedeysay inay xasuuq ka geysatay Qasa. Israa’iil ayaa eedeymahaas ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

  9. Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka oo bayaan wadajir ah soo saaray kaddib kulankii hoggaamiyeyaashooda

    Madaxda Shiinaha, Ruushka iyo Mareykanka
    Qoraalka sawirka, Madaxda Shiinaha, Ruushka iyo Mareykanka

    Hadda waxaan idiin soo gudbineynaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray bayaanka wadajirka ah ee ku saabsan nabadda, kaas oo Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku soo saareen kaddib kulankoodii saddex geesoodka ahaa.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xi Jinping, Vladimir Putin iyo Donald Trump ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida istaraatiijiyadeed iyo amniga caalamka.

    Waxa kale oo ay ka wadahadleen sugidda amniga tamarta, waxayna qorsheynayaan inay kordhiyaan wax-soo-saarka iyo sahayda shidaalka la sifeeyay.

    Bayaanka ayaa sidoo kale taabtay arrinta xasaanadda ay leeyihiin mas'uuliyiinta dowladuhu. Waxa uu sheegay in saddexda hoggaamiye ay isku raaceen in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) iyo hay’adaha kale ee la midka ah aysan si aan habboonayn u adeegsan awoodahooda sharci.

    Dhanka hubka nukliyeerka, saddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in “aan lagu guuleysan karin dagaal nukliyeer ah, isla markaana aan marna la qaadin”, waxayna sheegeen in wadahadalladu socdaan si looga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Dedeg: Dowladda soomaaliya oo 72 saacadood u qabatay inuu dalka uga baxo safiirka Imaaraadka

    Degdeg
    Qoraalka sawirka, Degdeg

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go'aan ku aadan xiriirka Imaaraadka iyo soomaaliya

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib ugu yeerta safiirkii u fadhiyay Imaaraadka carabta .

    bayaan dhawaan ay soo saartay dowladda ayaa sidoo kale 72 saacadoodu qabtay in safiirka Imaaraadka uu uga baxo Soomaaliya.

    Qaraarradaan ayaa ka soo baxay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada dowladda federaalka ee soomaaliya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Xi Jinping: Hubka nukliyeerka waa “seef halis ah oo ka dul suran bani’aadamka”

    Kulanka madaxda Shiinaha , Ruushka iyo Mareykanka
    Qoraalka sawirka, Kulanka madaxda Shiinaha , Ruushka iyo Mareykanka

    Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen hoggaamiyeyaasha Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka, ayay ku ballanqaadeen inay wadahadal ka yeeshaan sidii loo yareyn lahaa khataraha hubka nukliyeerka, loogana hortagi lahaa faafitaankiisa.

    Arrintan ayaa si kooban looga hadlay bilowgii kulanka saddex geesoodka ah. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa hubka nukliyeerka ku tilmaamay “seef halis ah oo ka dul laalaadda bani’aadamka”, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha.

    Xi Jinping ayaa sheegay in hubka nukliyeerka gebi ahaanba la mamnuuco lana burburiyo.

    “Dagaal nukliyeer ah lama guuleysan karo, mana aha in marna la dagaallamo,” ayuu yiri Xi.

    Dhanka kale, intii uu socday kulanka saddexda hoggaamiye, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay muhiim tahay in saddexda dal ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa khatarta faafitaanka hubka nukliyeerka ee dalalka kale ee dunida.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Dadkii ka badbaaday dhul-go’ii khasaaraha badan geystay ee Uganda oo caddaalad ka raadinaya Qaramada Midoobay.

    Dad badan ayaa dhacdadaasi ka barakacay
    Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa dhacdadaasi ka barakacay

    Dadkii ka badbaaday dhul-go’ ka dhacay bariga Uganda sanadkii 2019, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, ayaa dacwaddooda ku saabsan in dib loo dejiyo lagana magdhabo khasaaraha soo gaaray u gudbiyay Qaramada Midoobay.

    48 qof oo dacwadda gudbiyay ayaa dowladda Uganda ku eedeeyay inay ku xadgudubtay dastuurka dalka, maadaama ay ku guuldarreysatay inay degmada Bududa, oo ah dhul buuraley ah oo ay dhul-go’istu ku badan tahay, ka hirgeliso tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortago loogana jawaabo musiibooyinka.

    Dacwaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli roobab xooggan ay kordhiyeen khatarta dhul-go’ kale. Dadka dacwoonaya ayaa sheegay in barnaamijka dowladda ee dib-u-dejinta uusan tixgelinayn badbaadadooda, xuquuqdooda dhulka iyo hab-nololeedkooda.

    Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa dhageysanaya dacwaddan, taas oo la rumeysan yahay inay tahay tii ugu horreysay ee noocan ah ee lagu dalbanayo tallaabooyin lagula qabsanayo saameynta isbeddelka cimilada.

    Go'aanka ka soo baxa ayaa noqon kara mid tusaale u noqda dalal kale oo caalamka ah.

    Dhul-go’a ayaa degmada Bududa ka dhacay sanadkii 2019-kii, waxaana ku dhintay in ka badan 53 qof, oo ay ku jiraan 33 carruur ah.

    Sannado kaddib, dadka ka badbaaday musiibada ayaa sheegaya in mar kasta oo roob xooggan da’o ay dib u soo cusboonaadaan cabsi ay ka qabaan in masiibo kale dhacdo.

    William Tsama, oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay, ayaa sheegay in uu musiibadaas ku waayay afar qof oo qoyskiisa ka tirsanaa.

    Dowladda Uganda ayaa sanadkii 2011-kii soo bandhigtay qorshe dib-u-dejin loogu sameynayo dadka ku nool deegaannada ay dhul-go’istu halista ku tahay, balse wax badan lagama qaban, waxaana ilaa hadda meelo ammaan ah loo raray dad tiro yar.

    Bishii hore, dowladda ayaa bilowday barnaamij cusub oo dib-u-dejin ah, kaas oo qoysaska ay musiibooyinku saameeyeen siinaya 18 milyan oo shilinka Uganda ah, una dhiganta 4,300 oo doollar, si ay ugu guuraan deegaanno ammaan ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Iran, Ruushka iyo Shiinaha o bayaan wadajir ah uga jawaabay hadalladii Rafael Grossi

    Iran
    Qoraalka sawirka, Iran

    Danjirayaasha Iran, Ruushka iyo Shiinaha u fadhiya Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ayaa si wadajir ah uga jawaabay hadalladii Rafael Grossi, iyaga oo soo saaray bayaan ay ku sheegeen in aanay suuragal noqon doonin in kormeerayaasha hay’addu booqdaan xarumaha nukliyeerka Iran, illaa laga joojinayo weerarrada milatari ee dalkaas lagu hayo.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale dhaleecaysay hadallada Grossi, iyadoo ku tilmaantay kuwo ka dhan ah Iran.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa ka jawaabay hadalladii Rafael Grossi, isaga oo sheegay in agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada uusan marmarsiinyo uga dhigan karin in Israa’iil aysan xubin ka ahayn Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka, si uu u qariyo waxa uu ku tilmaamay indho-tirka hay’addu ka indho-tirayso hubka nukliyeerka Israa’iil.

    Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa ka hor kulankii guddiga maamulka ee hay’adda ee Arbacadii sheegay in kormeerka ay khubarada hay’addu ku sameeyaan hawlaha nukliyeerka Iran uu yahay habka keliya ee wax looga qaban karo walaacyada laga qabo barnaamijkaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Ciidamada Israa’iil oo markii ugu horreysay tan iyo xabbad-joojinta hawlgal dhulka ah ka fuliyay Qaza

    Dadweyne ayaa ka barakacay deegaannada ku dhow xeryaha qaxootiga ee Nuseirat iyo Bureij, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay soo saareen amar
    Qoraalka sawirka, Dadweyne ayaa ka barakacay deegaannada ku dhow xeryaha qaxootiga ee Nuseirat iyo Bureij, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay soo saareen amar

    Difaaca madaniga ah ee Marinka Qasa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay duqeymo ay Israa’iil Arbacadii ka fulisay dhulka Falastiiniyiinta. Weerarrada ayaa dhacay maalintii ay ciidamada Israa’iil bilaabeen hawlgal milatari oo ka socda galbeedka waxa loogu yeero “xariiqda jaallaha ah”.

    Taangiyada iyo cagaf-cagafyada ciidamada Israa’iil ayaa ku sii siqay deegaanno ku yaalla waqooyi-galbeedka xeryaha qaxootiga ee Bureij iyo Nuseirat, taas oo qayb ka ah hawlgal milatari oo ay ciidanka Israa’iil sheegeen inay ka bilaabeen galbeedka xariiqda loo yaqaan “xariiqda jaallaha ah”.

    Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in Israa’iil ay xariiqda jaallaha ah u sii riixday gudaha Marinka Qasa.

    Saraakiisha difaaca madaniga ah ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen duqeymaha. Laba ka mid ah ayaa lagu dilay deegaanka Mughraqa iyo magaalada Deir al-Balah ee bartamaha Qasa, halka qofka saddexaad lagu dilay koonfur-galbeedka magaalada Qasa.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inuusan ka warqabin wax weerar ah oo ka dhacay Deir al-Balah, balse wuxuu intaas ku daray inuu bartilmaameedsaday qof uu ku tilmaamay dagaalyahan hubeysan oo ku sugnaa magaalada Qasa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Trump: “Ma oggolaan doonno in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah”

    Trump

    Isagoo tixraacayaa awoodda nukliyeerka ee saddexda dal, isaga oo sheegay in ay “ku jiraan xaalad gaar ah oo u saamaxaysa in ay ka wada hadlaan sidii loo dhimi lahaa tirada hubka nukliyeerka ee dunida”.

    Waxa uu sheegay in ay “muhiimad weyn leedahay” in saddexda dal ay iska kaashadaan “la dagaallanka khatarta faafitaanka hubka nukliyeerka ee dalalka kale ee dunida”, isaga oo intaas ku daray: “Taasi waa waxa aan ka wadno Iiraan”.

    “Ma oggolaan doonno in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah”.

    Trump ayaa intaas kaddib u jeestay arrinta Ukraine, isaga oo sheegay in isaga iyo Putin ay horey “wada-hadal dheer” uga yeesheen dagaalka halkaas ka socda.

    Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in Putin, “isagana waxaan rajaynayaa dhinaca kale”, ay doonayaan in dagaalkaasi dhammaado.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Madaxweynaha Shiinaha oo sameeyey isbarbardhig la yaableh isagoo dhinac taagan Trump

    Xi iyo Trump

    Xi Jinping ayaa isbarbardhig ku sameeyay isbeddelka weyn ee ay magaalada Shenzhen, oo ku taalla koonfurta Shiinaha, isla markaana martigelinaysa shirka APEC, iyo xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

    "Wax ka yar 40 sano gudahood, tuulo yar oo kalluumaysi ayaa isu beddeshay magaalo weyn oo caalami ah," ayuu Xi u sheegay Trump.

    Waxa uu sheegay in isbeddelkaas ay suurageliyeen dhiirranaanta ah "in la sameeyo waxyaabo cusub, tijaabooyin la sameeyo, isla markaana hormuud laga noqdo horumarka".

    "Arrintaas waxaa dabcan qayb ka ah in dadaal iyo shaqo adag la bixiyo," ayuu raaciyay.

    Xi ayaa intaa ku daray in dhisidda "xiriir wax-ku-ool ah oo dhex mara Shiinaha iyo Maraykanka" ay sidoo kale tahay hawl cusub oo hormuudnimo u baahan, isla markaana aan hore loo soo marin.

    "Waxay sidoo kale nooga baahan tahay inaan ku dhiirranno inaan wax cusub bilowno oo tijaabino, inaan si dhab ah ugu taagnaanno xaqiiqooyinka, isla markaana aan shaqadeenna ku dhammaystirno guul," ayuu yiri.

    Guusha magaalada Shenzhen, oo ah xarunta tiknoolajiyadda Shiinaha, ayaa shalay ammaan kala kulantay Xi, xilli uu khudbad u jeedinayay hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo siyaasadda ee dunida.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Hoggaamiyaha sare ee alshabaab ee mar ahaan jiray Sirdoonka Soomaaliya

    Sirdoon hore

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

    Kahor Al-Shabaab iyo burburkii doaladdii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC.

    Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa ka hor burburka iyo ka dib ba ku biiray ururrada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.

    Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu ballaaran, ugu na awoodda weyn ururrada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda Al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen billowgii kooxda.

  18. Ruushka oo war ka soo saray kulankii Putin iyo Trump

    Putin

    La-taliyaha sare ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda, Yuri Ushakov, ayaa sheegay in Putin uu ku jiro "niyad wanaag" kaddib kulankii uu la yeeshay Donald Trump.

    Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Ruushka ee Vesti, Ushakov ayaa sheegay in wada-hadallada labada madaxweyne ay "si wanaagsan u dhaceen".

    Warbaahinta Ruushka ayaa si weyn u baahisay muuqaallo muujinaya Trump oo qolka soo galaya, kadibna Putin ku leh: "Waa kuma ninkan? Waa saaxiibkay!"

    Sida uu sheegay Ushakov, dagaalka Ukraine ayaa ahaa qodobka ugu weyn ee kulanka, kaas oo socday muddo u dhexeysay 35 ilaa 40 daqiiqo. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Maraykanka iyo Ruushka.

    Kremlin-ka ayaa sheegtay in labada madaxweyne aysan soo saarin wax "hadallo waaweyn ah", maadaama ay labada dhinacba isu diyaarinayaan kulanka ay maanta la yeelanayaan hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Intee ayay suuragal tahay in Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku ka gaaraan heshiis ku saabsan hubka nukliyeerka?

    Hubka Nukliyeerka

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Trump uu doonayo inuu hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo Ruushka kala hadlo arrinta ku saabsan hubka nukliyeerka iyo dhimistiisa, taas oo ah arrin weyn oo u muuqata in hoggaamiyeyaasha kale ee kulanka ka qaybgalaya aysan xiiso badan u qabin inay ka hadlaan.

    Shiinuhu ma haysto hub nukliyeer ah oo la eg kan Ruushka iyo Maraykanka, sidaas darteedna ma arko sabab uu awooddiisa nukliyeerka uga dhimo heer la mid ah labadaas dal. Xitaa uma muuqdo inuu doonayo in arrintaas laga wada hadlo.

    Dagaalka Ukraine ayaa sidoo kale muujiyay in haddii Ruushku doonayo inuu ka hortago in beesha caalamku isku raacdo tallaabooyin ka dhan ah, ama heer ka sarreeya in tallaabo milatari laga qaado, hubkiisa nukliyeerku uu yahay awood ka hortag ah oo uu isku difaaci karo.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump oo aaminsan awoodda uu u leeyahay wada-xaajoodka, isla markaana muddo tobannaan sano ah ku doodayay in la dhimo kaydadka hubka nukliyeerka, ayaa doonaya inuu isku dayo inuu arrintan horumar ka sameeyo.

    Waxaa laga yaabaa in taasi ay tahay sababta uu bilowgii kulankiisa laba geesoodka ah ee Madaxweynaha Ruushka u sheegay: "Waxaan aaminsanahay in kulankan ay ka dhalan karaan waxyaabo aan caadi ahayn, ama ugu yaraan uu noqon karo bilowgooda."

    Aqalka Cad ayaa horay u sheegay in aan kulanka lagu gaarayn wax heshiis ah, balse uu noqon karo bilowga wada-hadallo ku saabsan heshiis nukliyeer.

    Horey, madaxweynayaashii Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, markii dambena Ruushka, ayaa ku guuleystay inay heshiisyo ka gaaraan arrintan.

    Hase yeeshee, xaqiiqda ah in tobannaan sano kaddib ay weli dhimista hubka nukliyeerku ku jirto ajandaha hoggaamiyeyaasha dalalkan, waxay muujinaysaa in wada-hadallada noocan ahi, ugu yaraan marka taariikh ahaan la eego, aysan inta badan horseedin heshiisyo waaweyn.

  20. Hadal Trump u sheegay hoggaamiyaha Shiinaha oo hadda la ogaaday

    Waxaan hadda helnay warar dheeraad ah iyo muuqaallo ku saabsan kulanka Trump iyo Xi Jinping.

    Labada hoggaamiye ayaa sawirro wadajir ah ku galay hool ku yaalla xarunta Kylin Villa, ka hor inta uusan billaaban kulankooda laba geesoodka ah.

    Hadda waxay ku fadhiyaan miis dheer oo ku yaalla qolka shirarka, iyaga oo is horfadhiya, waxaana dhinacyadooda jooga mas'uuliyiinta labada dal.

    Trump ayaa ugu horreyn hadlay, isaga oo ammaanay shirkii APEC ee ka dhacay magaalada Shenzhen.

    "Wax walba waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Waa wax laga xumaado in warbaahintu aysan arki karin qaar ka mid ah waxyaabihii dhacay, sababtoo ah tallaabo kasta si qumman ayaa loo fuliyay," ayuu yiri Trump.

    "Waan uga mahadcelinaynaa," ayuu raaciyay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: