Shan dal oo dalxiiska ku habboon: Yaan lagaaga hormarin 2027

Xigashada Sawirka, Getty Images
Uma baahnin inaan kugu qancinno inaad booqato New York ama Venice. Balse ma ogtahay in mid ka mid ah jasiiradaha ugu fog dunida ay hadda soo dhoweynayso dalxiisayaal xiiseeya sahaminta iyo ogaanshaha meelo cusub, si ay u booqdaan xeebihiisa?
Sannadka 2027, dadka u safraya Japan waxay fursad u heli doonaan inay goobjoog ka noqdaan munaasabad diimeed oo soo jireen ah, taas oo dhacda hal mar oo keliya jiil kasta.
Waxaan idiin soo bandhigaynaa meelaha ugu wanaagsan ee la booqan karo sannadka 2027. Waa goobo ka duwan meelaha dalxiisayaashu sida joogtada ah u booqdaan, annaga oo diiradda saarayna meelaha leh waxyaabo gaar ah oo sannadka soo socda mudan in la ogaado.
Mid kasta oo ka mid ah goobahani waxay ku siinaysaa waayo-aragnimo aan la illaawi karin, sidoo kalena fursad aad wax wanaagsan ugu tari karto bulshada iyo deegaanka ka dhigaya meelahan kuwo gaar ah.
1. Madagascar
Maxaa loo booqanayaa?
Waxaad fursad u heli doontaa inaad indhahaaga ku aragto duurjoog gaar ah oo halis ugu jira dabar-go', adiga oo isla markaasna taageeraya dadaallada lagu ilaalinayo.
Maadaama boqolkiiba 92 ka mid ah naasleyda Madagascar aan laga helin meel kale oo dunida ah, dalkaasi waa mid ka mid ah meelaha ugu wanaagsan ee loo dalxiis tago si loo daawado duurjoogta.
Xayawaannada sida jirjirroolaha loo yaqaan Panther Chameleon iyo daanyeerka Verreaux's sifaka ayaa ka mid ah noolayaasha gaarka ah ee laga helo kaymaha roobka ka da'aan, dooxooyinka dhagaxa ciideed iyo dhulalka leh muuqaal u eg adduun kale.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo dalkaasi uu rajaynayo inuu saddex jibbaaro tirada dalxiisayaasha labada sano ee soo socota, dalxiiska masuuliyadda ku dhisan ayaa gacan ka geysan kara ilaalinta deegaannadiisa dabiiciga ah iyo ku dhowaad 10,000 oo nooc oo dhir iyo xayawaan ah oo aan laga helin meel kale oo dunida ah.
Sannadka 2027, keydka dabiiciga ah ee Mitsinjo ayaa soo gabagabayn doona mashruuc ballaaran oo dhir lagu beerayo dhul cabbirkiisu dhan yahay 150 hektar. Tallaabadan ayaa gacan ka geysan doonta dib u soo celinta deegaannadii ay ku noolaayeen daanyeerrada lemur, xayawaanka loo yaqaan fossa iyo noocyo kala duwan oo xamaarato ah.
Keydka Bulshada ee Anja, dakhliga ka soo xarooda lacagaha laga qaado dadka soo booqda ayaa loo adeegsadaa maalgelinta adeegyada caafimaadka iyo mashaariicda waxbarashada.
Sarah Faith, oo ka tirsan shirkadda Responsible Travel ayaa tiri: "Keydkani waxa uu hoy u yahay tirada ugu badan dunida ee daanyeerrada lemur ee dabada leh xariijimaha madow iyo caddaanka ah (ring-tailed lemurs), waana mid aad u fudud in halkaas lagu arko."
Dalxiisayaashu waxay degi karaan hoyga Anja Reserve Lodge, halkaas oo ay ka heli doonaan qolal casri ah iyo cunto laga diyaariyo wax soo saarka beeraha deegaanka, iyagoo sidoo kale ku raaxaysanaya muuqaalka quruxda badan ee buuraha loo yaqaan Three Sisters.
2. Magaalada Quebec, Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Quebec, oo ah caasimadda gobolka Quebec ee dalka Canada, lagana hadlo luuqadda Faransiiska, ayaa caan ku ah waddooyinkeeda dhagaxa ah iyo muuqaalada quruxda badan ee ku teedsan webiga St. Lawrence.
Dalxiisayaashu waxay ku soo hirtaan bilicdeeda taariikhiga ah, balse sidoo kale waxay fursad u helaan inay ku raaxaystaan ciyaaraha bannaanka, sida barafka lagu dul siibto ee beerta Plains of Abraham.
Dadaallada ay Quebec ugu jirto ilaalinta deegaanka iyo horumar waara ayaa ka dhigay magaaladii ugu horreysay dunida ee guud ahaan loo aqoonsado Kaydka Biosfeerka ee UNESCO (UNESCO Biosphere Reserve).
Xeebta magaalada ayaa dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyay, waxaana ka mid ah L'Oasis du Port de Québec, oo ah goobtii ugu horreysay ee lagu dabaasho gudaha deked ku taalla bartamaha magaalo ku taal Waqooyiga Ameerika.
Sidoo kale, laga bilaabo bisha Diseembar 2026, dadka booqda magaalada waxay fursad u heli doonaan inay ku raaxaystaan sauna casri ah oo dul sabbaynaya biyaha.
Marka laga soo tago dhaxalka gumeysiga, dalxiisayaashu waxay booqan karaan bulshada asaliga ah ee Huron-Wendat ee ku nool Wendake, halkaas oo ay fursad u helayaan inay wax ka bartaan taariikhda iyo sheekooyinkii awoowayaashood.
Waxay sidoo kale booqan karaan waddada kaynta dhex marta ee Onhwa' Lumina, halkaas oo bandhigyo muuqaal iyo iftiin isugu jira ay ku soo bandhigayaan dhaqanka iyo hiddaha bulshadaas.
3. Dhulka qoyan ee Okefenokee, Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhulka qoyan ee Okefenokee (Okefenokee Swamp) waa deegaan dabiici ah oo ku yaalla Waqooyiga Ameerika, kaas oo muuqaalkiisa dabiiciga ahi uu ku dhowaad sidii uu ahaa u soo jiray in ka badan 6,500 oo sano.
Deegaankan oo ku teedsan gobollada Georgia iyo Florida, waxaa mara marinno biyoodyo dhex mara kaymaha geedaha biyaha ka dhex baxa, jasiirado yaryar iyo dhir biyood.
Dhulkan qoyan ee ay ku badan yihiin biyaha iyo dhirtu, waxaa hoy ka dhigtay boqolaal yaxaas iyo noocyo kala duwan oo shimbiro ah. Arrintani waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee dalxiiska deegaanka ee dalka Maraykanka.
Socdaalka doomaha yaryar ee lagu maro deegaankan ayaa qofka siinaya dareen ah inuu dib ugu laabtay waayihii hore ee dabiiciga ahaa.
Sannadkii 2026, qaybo ka mid ah Okefenokee ayaa UNESCO u aqoonsatay goob ka mid ah Dhaxalka Adduunka, taas oo ka dhigaysa goobtii ugu horreysay ee dabiici ah ee Maraykanka ee hesha aqoonsigaas muddo ka badan 30 sano.
Tallaabadani waxay xoojisay ilaalinta deegaankaas, gaar ahaan ka hortagga mashaariicda macdan qodista ee khatarta gelinayay nidaamka deegaanka.
Dalxiisayaashu waxay ka qayb geli karaan safarro ay hoggaaminayaan khubaro ku takhasustay deegaanka ama waxay iskood ugu tamashlayn karaan jidad alwaax ah oo si gaar ah loogu sameeyay dadka lugaynaya.
Deegaankani sidoo kale waa goob ku habboon daawashada shimbiraha, doomaha iyo barashada noolaha duurjoogta ah ee ku nool deegaankooda dabiiciga ah.
4. Meghalaya, Hindiya
Meghalaya, oo ah gobol ku yaalla waqooyi-bari Hindiya, ayaa caan ku ah buundooyinka gaarka ah ee laga sameeyo xididdada nool ee geedaha, kaymaha iyo bulshooyinka asaliga ah ee Khasi iyo Jaintia, kuwaas oo qarniyo badan deegaanka ku noolaa.
Sannadka 2027, gobolka ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo xarumaha ugu waaweyn ee dalxiiska bulshada ku salaysan ee dalka Hindiya.
Dawladda ayaa taageeraysa dhismaha iyo casriyeynta 1,000 hoy oo martida lagu dejiyo, si loo hubiyo in dakhliga ka soo xarooda dalxiisku uu si toos ah uga faa'iideeyo dadka deegaanka.
Dalxiisayaashu waxay ka qayb qaadan karaan tamashlaynta dabiiciga ah, barashada farsamada tolidda iyo samaynta agabka gacanta, iyo dhadhansiga cuntooyinka dhaqanka ee laga diyaariyo wax soo saarka deegaanka iyo dhirta duurka laga soo gurto. Waxaana ka mid ah sinjibiisha caanka ah ee Lakadong.
Goobaha kale ee soo jiidashada leh waxaa ka mid ah keydka dabiiciga ah ee Nokrek Biosphere Reserve oo ay UNESCO aqoonsan tahay, kaymaha Mawphlang iyo Bandhigga Ubaxa Cherry Blossom ee Shillong.
Sidoo kale, dadka booqda waxay ku raaxaysan karaan muusigga rokiga ee caanka ka ah Meghalaya, waxayna la kulmi karaan farsamayaqaanno weli sii wada farshaxanka dhoobada madow ee Lyrnai, kaas oo taariikhdiisu ka badan tahay 1,000 sano.
5. Ghana, Afrika
Ghana, waxay xornimadeeda qaadatay sannadkii 1957-kii, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee ka xorooba gumeysiga reer Yurub. Tallaabadaasi waxay dhiirrigelisay halgannadii xornimo-doonka ee dalal badan oo Afrika ah.
Sannadka 2027, dalkaasi wuxuu u dabbaaldegayaa sannad-guuradii 70-aad ee xornimadiisa, iyadoo ay barbar socoto barnaamijka Beyond the Return, oo ujeeddadiisu tahay in dib la isugu xiro Afrikaanka qurba-joogta ah iyo qaaradda Afrika, iyada oo loo marayo taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha.
Xeebaha Ghana, dalxiisayaashu waxay booqan karaan qalcadaha taariikhiga ah ee Cape Coast iyo Elmina, kuwaas oo ay UNESCO u aqoonsatay goobo ka mid ah Dhaxalka Adduunka.
Goobahaasi waxay xambaarsan yihiin taariikh muhiim ah oo la xiriirta ganacsigii addoonsiga ee dadka Afrikaanka ah ee laga gudbin jiray Badweynta Atlaantikada. Sannadka 2027, waxay sidoo kale martigelin doonaan bandhigga fanka iyo dhaqanka ee Panafest.
Caasimadda Accra waxay soo bandhigaysaa wejiga casriga ah ee Ghana, iyadoo leh xarumo farshaxan, naqshadeeyayaal dharka sameeya, muusigga Afrobeats iyo maqaayado isku dara hal-abuurka iyo cuntooyinka dhaqanka ee dalka.
Waa dhinac ka mid ah dalka oo muujinaya horumarka casriga ah, iyadoo isla markaas la ilaalinayo hiddaha iyo dhaqanka.
Xeebta Volta, hoyga dalxiiska deegaanka ee Meet Me There Eco Lodge ayaa martida u soo bandhigaya goob deggan oo ku taalla hareeraha haro biyo-milixeed ah. Dakhliga ka soo xarooda martida ayaa lagu maalgeliyaa mashaariicda waxbarashada iyo nadaafadda ee tuulooyinka deriska la ah.
Dalxiisayaashu waxay halkaas ka heli karaan nasasho xeebeed, iyagoo sidoo kale fursad u helaya inay si dhow u bartaan nolol-maalmeedka dhabta ah ee bulshooyinka reer miyiga ah ee Ghana.

























