Warbixin ka digtay in shaqaala dhimista xigta ee BBC-da ay si weyn u dareemi doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha

Warbixin cusub ayaa ka digtay in shaqaalaha oo la dhimo iyo barnaamijyo cusub oo la xiro BBC-da ay saameyn muuqata ku yeelan doonaan daawadayaasha iyo dhageystayaasha, marka loo eego tallaabooyinkii hore ee kharash-dhimista.
BBC-da ayaa horaantii sannadkan ku dhawaaqday qorshe ay ku dhimayso ku dhowaad 1,800 shaqo, isla markaana ay ku xirayso qaar ka mid ah barnaamijyadeeda iyo adeegyadeeda.
Hase yeeshee, waxaa weli u harsan dhimista kharashyo dheeraad ah si ay u gaarto yoolkeeda ah in ay kaydiso 500 oo milyan oo gini.
Warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Britain (NAO) ayaa saadaalisay in wareegga xiga ee tallaabooyinka kharash-dhimista BBC-da uu ka adkaan doono sidii hore, isla markaana ay si weyn u dareemi doonaan dhageystayaasha iyo daawadayaashu.
BBC-da ayaa soo dhaweysay warbixinta, iyada oo sheegtay inay muddo dheer ku doodeysay in qaabka hadda loo maalgeliyo BBC-da uusan sii jiri karin, loona baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo.
Warbixinta NAO ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinka hadda socda la filayo inay saddex sano gudahood ku yareeyaan tirada shaqaalaha BBC-da boqolkiiba 11.
Gareth Davies, oo ah madaxa Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, ayaa yiri: “Maaddaama BBC-du ay wax ka yar sannad iyo bar u jirto cusboonaysiinta axdigeeda, shaki kuma jiro inay horyaallaan go'aanno adag.”
Xaaladda dhaqaale ee BBC-da ayaa sannadihii u dambeeyay sii xumaanaysay, taas oo ay sabab u yihiin hoos u dhaca dakhliga ka soo gala lacagta rukhsadda daawashada telefishinka iyo kororka kharashaadka soo saarista barnaamijyada.
Xafiiska NAO ayaa sheegay in BBC-du ay ilaa hadda kharashka ku yaraysay dhimista tirada shaqaalaha, yareynta hantida iyo xarumaha ay maamusho, casriyeynta teknoolojiyadda, fududeynta habraacyada shaqada iyo wax ka beddelka noocyada iyo baaxadda barnaamijyada iyo adeegyada ay bixiso.
BBC-da ayaa hore ugu dhawaaqday qorshe ay kharashaadkeeda ku dhimayso ku dhowaad 10%, taas oo ay ku jiraan dhimista barnaamijyada waaxyaha wararka, adeegyada dalalka iyo gobollada Britain, iyo qaybaha kale ee soo saara barnaamijyada.
Warar dheeraad




