Dil lagu tilmaamay mid "argagax iyo uur ku taallo reebaya sanado badan" oo ka dhacay Beledweyne

Baladweyn
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Allaha u raxmadee waxaa maalmo ka hor magaalada Beledweyne lagu asaasay Macallim Cabdullaahi Taakooy, oo sida ehelkiisu BBC-da u sheegeen loo dilay aano qabiil owgeed.

Marxuumku, wuxuu dhowr iyo toban sano ahaa macallin dugsi Qur'aan oo caan ka ahaa magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda.

Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Ahmed, oo ay qaraabo yihiin marxuunka ayaa BBC-da u sheegay in dilkiisu isaga ku noqday uur ku taallo iyo xanuun gaar ah.

"Saamayn aad u culus, aad u culus ayey igu yeelatay, hooyaday yaraanteeda Canab ayaa 8 carruur ah u haysay, macalin Cabdillaahi, oo iyada iyo macalinku subac ay isla gali-jireen ayay isku calmadeen,"ayuu yiri Sheekh Cumar.

Wuxuu intaas ku daray in welwelka ugu badan ee hadda haya uu yahay in walaashii ay siddeed carruura oo marxuunku ka tagay ay hadda kali ku tahay.

Dhanka kale Sheekh Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in arrinta dilka aanada qabiil ah ee labada qoys dhexmaratay ay isaga ku noqotay "kugu dhimay kaana dhimay"

Isagoo ka hadlayey sida cidda lagu tuhunsanyahay dilkiisa ay u yihiin ehel ay dhalyo ka dhaxayso ayuu sheegay… "Reerka ay walaalah yihiin reerkan kale ee lagu tuhmayo macallin Cabdullaahi dilkiisa, iyadana Faadumo Sheekh Axmed Sheekh Cabdullaahi oo walaashay ah ayaa 8 carruura u dhashay oo carruurtii joogaan, marka hashii labada dhinac ka gubnayd baan ahay"

Sheekh Cumar, wuxuu BBC-da u sheegay in mudadii ka horeysay ee cabsida ay jirtay uu is waydiinayey "War see yeeshaa Canab iyo Faadumaa dirirayee, war seen yeellaa Canab iyo Faadumaa xabad isku ridayee, saasa warkaygu ahaa , laakiin saamayn culus ayey nagu yeellatay aniga iyo walaalahay iyo ehelka oo dhan".

Wuxuu isagoo dareemaya dhibta gaarka u gaartay iyo sida aanada qabiilku u tahay mid qoys iyo qofba uur ku taallo ku ah uu sheegay in wax badan isbeddeleen.

"Waxaan leeyahay ha la waantoobo, waxa aniga igu dhacay kaligay qofkasta ha ka fekaro, oo dhibtaasi yeysan sii socon"ayuu hadalkiisa ku gunaanaday Sheekh Cumar isagoo si dareen leh uga codsay Soomaalida in la ilaaliyo dadka Birmo-Gaydada ah.

Yaa Biri-ma-geydo ah?

Dadka aysan birtu gayin waxaa loo kala saaraa 2 kooxood oo kala ah Biri-ma-geydo joogto ah oo xilli kasta ka caagan in aano loo dilo iyo kuwo xasaanadoodu ku kooban wakhti cayimin.

Biri-ma-geydada joogto ah

Haweenka

Carruurta

Culimada diinta

Farriin sidayaasha

Hoggaanka dhaqanka

Naafada iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Dadka laga tirada badan yahay.

Biri-ma-geydada wakhtiyeysan

Ergada nabaddoonka ah

Waayeelka

Dhaawaca

Maganta

Musaafirka khabaar moogga ah

Maxaabiista dagaalka

Xirfadleyaasha dadweynaha u adeega, sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta IWM.

Xeerka Biri-Ma-Geydada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaalidu waxay leedahay xeerar soo jireen ah oo qeexaya xiriirka ka dhexeeya bulshooyinka danwadaagta ah iyo sida loo maareynayo xaaladaha ku xeeran noloshooda. Xeerarkaas waxaa ka mid ah mid xeerinaya badbaadada dadka loo yaqaan Biri-ma-geyda, gaar ahaan xilliyada colaaddahu jiraan.

Haddaba Abwaan Cali-Deeq Maxamed Xaashi oo aqoon durugsan u leh Dhaqanka Soomaalida ayaa BBC-da uga warramay sababihii keenay in la dajiyo Xeerar Biri-ma-geyda, kuwaasoo ay dejiyeen odayaal hore, ilaa haddana lagu dhaqmo.

"Xeerka Biri-ma-geydadu wuxuu si cad u qeexayaa dhaqamada ka reebban dhinacyada diriraya, gaar ahaan in aan la iska dilin dadka bulshada waxtarka u leh iyo kuwa nugul.

Ujeeddooyinka laga lahaa sameynta xeerkan way badnaayeen waxaanse ku soo koobayaa 7 qodob oo ku qotomay aragti fog, ku waas oo looga jeedey in looga gaashaanto mahadhooyinka ka dhalan kara dagaallada sokeeye, sida:

In la yeesho kala-har, oo dhinacyada colka ah aysan isku talaxtagin, jirtoo dagaalka ay nabadi ka danbayn doonto.

In dagaalka aan lagu dilin qof dhinacyada dirirsan iyo ummadda oo dhanba wada anfici kara.

In colaaddu aysan sii daba-dheeraan.

In dagaalku uusan reebin cadaawad iyo uur-ku-taallo aayaha ma-hadho ku noqda isma-hurtada markaas colka ah.

In aan la dilin qof markaas aan halis ku ahayn nolosha qof kale.

In aan la galabsan ciribxumada nabsiga iyo habaarka ka yimaadda xeergudubka dagaalka.

In la dhawro sharafta beesha oo aan magac xumo loo soo jiidin".

Gabayada ku soo arooray xeerkan

Xeerka Biri-ma-geydadu wuxuu Soomaalidii hore uga dhignaa digniin ku lammaan hormuudka beelaha dirirtu ka dhexayso, ku waas oo abbaanduulayaashooda kula dardaarmi jirey in aysan xeerka ka tillaabsan.

Tusaale waxaa noogu filan tuducdan soo socota oo Abwaan Jimcaale Jaamac Lugey oo noolaa qarnigii tagey uu sida muuqata kula dardaarmayo col duulaan u geyfan. Wuxuuna asagoo ciidanka garansiinaya habdhaqanka goobta dagaalka yiri:

Guluf xoogle Xaashoow haddii, la isku soo xoomo

Xamarray fardood goor haddii, xawli lagu fuulo

Xogtaan qabo xusuus hore haddaan, xarafka kuu sheego

Xarrago lagama tago duul haddaad, xinif wadaagtaane

Inkastoo xumaantay faleen, xiisadda abuurtay

Qofkii xeerku kuu diido waa, laga xishoodaaye

Xidid yaan la dilin iyo ergada, xumaha duugaysa

Xaaskiyo cirroolaha ayaan, xumo la gaarsiinnin

Xarbi haddaad gaashaan maatidana, dib u xannaaneeya.