Dhageyso:Yaa sameeyay heesta gilgishay baraha bulshada Carabta iyo Soomaalida kadib khilaafka Muqdisho iyo Abu Dubai?

Xigashada Sawirka, Youtube
Maalmahaan waxaa warbaahinta iyo barah bulshada Carabta iyo Soomaalida qabsaday Hees, ay qaadayaan fannaaniin Soomaaliyeed oo ka hadlaysa Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo erayada heesta ay tilmaamayaan in Abu Dubai faragelin ku sameysay.
Magaca Heesta ayaa ah "Imaaraad ha gurteen alaabada"
Heesta oo qaadeen fannaanin ka tirsan kooxda hoballada Waaberi ee magaalada Muqdisho, ayaa la sameyay isla markaana la qaaday bishii Jannaayo ee sanadkan markii dowladda Soomaaliya ay laashay heshiisyada Imaaraadka ay horey ula gashay.
Hadda oo mar kale khilaafku soo laba kacleyay ayaa heestu aad u baahaday kadib markii lagu turjumay Af Carabi, taasoo keentay in ay gaarto dad badan oo Carab ah, kuwaas oo qaarkood ku ammaanay fannaaninta Soomaaliyeed in ay ugu hiiliyeen dalal walaalahood ah.
Haddaba heestu sidee ku timid, ma dowladda ayaa ka dalbatay abwaanka sameyay mise isaga ayaa go'aanka lahaa.
Si aan wax badan uga ogaanno arrintaas waxaan waraysi la yeelanay Abwaan Jamaal Cabdi Nuur oo ah nin dhalinyaro isla markaana smaeyay heesta, waxaana waraysiga uu kaga hadlayaa waxyaabo badan.
Halkaan hoose ka dhageyso waraysiga Abwaan Jamaal Cabdi Nuur


















