Xusuus-qorka baadarigii geeriyooday oo shaaca ka qaaday in 'wadaadku arkay sheydaanka iyo irdaha cadaabta'

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Emma Harrison
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Baadarigii mad-habta katooligga ee geeriyooday Pope Francis ayaa sheegay inuu saddex jeer noloshiisa ku arkay shaydaanka, iyo sidoo kale "albaabada cadaabta" sida lagu sheegay qaybo cusub oo laga soo xigtay xusuus qorkiisa gaarka ah.
Buugga cinwaankiisu yahay Xusuus qorka Gaarka ah ee Baadari Francis (The Private Diary of Pope Francis) oo la daabacay Talaadadii, ayaa waxaa ku jira qoraal laga qoray sannadkii 2021-kii oo tilmaamaya inuu saddex jeer arkay shaydaanka: mar isagoo gaari saaran, mar kale oo uu ku arkay "goobta heesaaga kaniisadda" intii lagu guda jiray cibaadada, iyo markii saddexaad oo uu ku arkay kulan uu la lahaa mas'uuliyiinta Vatican-ka.
"Ilaa hadda ma illoobi karo codkiisa oo ahaa mid aad u qallafsan oo xoog badan" ayuu qoray Francis, isagoo xasuusanaya mid ka mid ah wakhtiyadaas uu arkay shaydaanka.
Xusuus qorkan oo la qoray intii u dhaxaysay 1992 ilaa 2024, ayuu sidoo kale kaga hadlayaa dareen qoomamo ah oo ku saabsan booqashadiisii 2018-kii uu ku tagay dalka Chile; xilligaas oo uu la kulmay dhaleecayn xooggan ka dib markii uu difaacay baadari sare (bishop) oo lagu eedeeyay inuu qariyay xadgudubyo galmo oo uu geystay wadaad kale.
Pope Francis oo hoggaaminayay Kaniisadda Katooliga muddo 12 sano ah ilaa geeridiisii 2025-kii, ayaa markii dambe raalligelin bixiyay, wuxuuna u yeeray dhammaan hoggaamiyeyaasha kaniisadaha dalkaas inay yimaadaan magaalada Rome, halkaas oo ay dhammaantood ku ballan qaadeen inay xilka iska casilayaan.
"Aad baan uga xumaaday xaaladda ka jirtay Chile" ayuu Francis ku qoray qoraal lagu arkay xusuus qorka 2021-kii.
"Way igu adkayd inaan qirto waxa ka dhacay Chile; uma malaynayn in arrintu sidaas u culus tahay" ayuu sii raaciyey.
Marka laga hadlayo kulamadaas uu Francis u fasirtay inay ahaayeen la kulanka shaydaanka, wuxuu sheegay inuusan weligiis illoobi karin indhaha shaydaanka oo ahaa kuwo "cabsi gelinaya".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Wuxuu i eegay indho ololaya oo uu dab ka baxayo... oo ka xoog badan kii hore. Waxay ahaayeen sida dab dhalaalaya," ayuu ku qoray aragtidiisii labaad oo uu sheegay inay ka dhacday gudaha kaniisadda Carmelite intii uu ahaa hoggaamiyaha Buenos Aires.
Wuxuu sheegay in joogitaanka shaydaanku uu soo dhexgalay safarradiisa, oo ay ku jiraan booqashadii Chile intii lagu jiray fadeexaddii xadgudubka galmada ee wadaaddada, iyo kulan dhowr maalmood ka dib markii uu ku soo laabtay Rome.
"Waxaan arkay oo maqlay codkiisa, sidii in uu guulaystay, wax kastana gacanta ku dhigay" ayuu qoray, isagoo intaa raaciyay "Rabbi wuxuu i siiyay fursad aan kaga xoroobo kulamadan".
Baadariga geeriyooday ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xilli uu isku diyaarinayay inuu seexdo bishii Juun ee 2018-kii, uu "arkay iridaha naarta".
"Wax yar ayaan eegay, aad bayna ii cabsigelisay" ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay inuu "qaatay silsiladda macatabku ku xiran yahay (rosary) oo uu u isticmaalay hub ahaan".
"Waa khatar in loo dhawaado iridaha cadaabta, waayo waxaa ka soo bixi kara olol wax guba" ayuu qoray.
Cardinal Victor Fernandez oo ah madaxa xafiiska Vatican-ka u qaabilsan Arrimaha Caqiidada (Dicastery for the Doctrine of the Faith) ahna saaxiibka Baadari Francis, ayaa tifaftiray qoraallada xusuus qorka; kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay ee uu qoro Baadari (Pope) oo dadweynaha loo soo bandhigo tan iyo sannadihii 1960-meeyadii.
Pope Francis waxaa la doortay sannadkii 2013, wuxuuna geeriyooday bishii Abriil 2025 isagoo 88 jir ah.























