Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in 10 qof lagu dilay duqeyn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in
toban qof lagu dilay duqayn cirka ah oo isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu ka
geysteen magaalada dekedda leh ee Xudeyda.
Dagaalyahannada
Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran, isla markaana gacanta ku haya qaybo
badan oo ka mid ah Yemen, oo ay ku jirto magaalada Xudeyda, ayaa dagaal kula
jira ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.
Dowladda Sacuudiga
weli wax faallo ah kama bixin weerarka. Yemen waxaa muddo ka badan toban sano
ka socday dagaal sokeeye.
Dagaalka hadda ka
socda dalka ayaa billowday bishii July ee sanadkan kaddib markii isbahaysiga uu
hoggaamiyo Sacuudiga uu weeraray garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yemen ee
Sanca si looga hortago in diyaarad laga
leeyahay Iran ay halkaas ku degto.
Nvidia ayaa soo celisay, Jensen Huang, oo xilka ka tagay dhawaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadda Nvidia
ee soo saarta qalabka elektaroonikada ee loo isticmaalo garaadka macmalka ah ee
AI-da ayaa dib ugu soo celisay maamulaha guud ee shirkadda, Jensen Huang,
xilkiisii, laba toddobaad kaddib markii lagu khasbay in uu iscasilo sababo la
xiriiray warar sheegaya in uu xiriir jacayl la lahaa haweeney looga shakisan
yahay in ay tahay basaas u shaqaysa Shiinaha.
Mr Huang ayaa sheegay in uu sharaf weyn u arko in uu dib ugu
soo laabto xilkiisa. Shirkadda Nvidia ayaa cadaadis kala kulantay Madaxweyne
Donald Trump oo doonayay in dib loogu soo celiyo xilka. Madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump ayaa ammaanay go'aanka guddiga maamulka shirkadda.
Qiimaha saamiyada shirkadda weyn ee tiknoolajiyadda Nvidia
ee suuqa saamiyada, kaas oo hoos u dhacay boqolaal bilyan oo doollar kaddib
markii Jensen Huang uu xilka ka degay, ayaa si aad ah kor ugu kacay markii
suuqyada saamiyadu furmeen maanta.
Guddiga maamulka Nvidia ayaa sheegay in ay talo iyo
xog-ururin ka heleen mas'uuliyiin ka tirsan heerarka sare ee dowladda
Mareykanka, isla markaana ay ku kalsoon yihiin in dib ugu soo celinta Jensen
Huang xilka aysan wax khatar ah ku ahayn amniga qaranka.
Eisenkot: Ma arko in loo baahan yahay tallaabo militari oo degdeg ah oo laga qaado Iran
Xigashada Sawirka, Kobi Wolf/Bloomberg via Getty Images
Gadi Eisenkot, oo
ku hawlan wadahadallo ku saabsan dhisidda xukuumad cusub oo laga sameeyo Israel,
ayaa sheegay in aysan jirin baahi loo qabo tallaabo militari oo degdeg ah oo ka
dhan ah Iran.
Taliyihii hore ee
ciidamada Israel, kaas oo rajeynaya in uu noqdo raysalwasaaraha, ayaa shir
jaraa'id oo ka dhacay baarlamaanka ka sheegay, "Halista ka imanaysa Iran
waa khatarta ugu weyn ee ay wajaheyso dowladda Israel, balse xilligan la joogo,
ma arko khatar toos ah oo degdeg ah oo u baahan in tallaabo laga qaado ka hor
inta aan la dhisin dowladda."
Benjamin
Netanyahu, oo weli xilka raysalwasaaraha haya kaddib doorashooyinkii Israel,
ayaa ka digay "halista baaxadda leh " ee ku soo wajahan Israel, iyo waxa
ka dhallan kara in khatartaas si fudud loo eego.
Eisenkot wuxuu haystaa ilaa 6-da Diseembar si uu u soo dhiso
xukuumad. Muddadan kama dambaysta ah waxaa laga yaabaa in lagu daro 14 maalmood
oo dheeraad ah. Ma jiro xisbi siyaasadeed oo helay aqlabiyad buuxda oo
baarlamaanka ah.
Sidee ku ogaan kartaa muuqaallada lagu sameeyo garaadka macmalka ah?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, AI
Bogagga warbaahinta bulshada waxa ka buuxa sawirro iyo muuqaallo lagu sameeyay garaadka macmalka ah kuwaas ay adag tahay in mararka qaarkood la kala saaro kuwa saxda ah iyo kuwa kale. Mid ka mid ah siyaabaha lagu garan karo in muuqaal uu been yahay waa in la fiiriyo tayada sawirka.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamadooda jooga Gacanka Cadmeed aysan ka dhigeyn in ay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah Iran
Wasiirka difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay kordhinta
howlgalka ka dhanka ah Burcad-badeedka Gacanka Cadmeed in aysan ka dhigneyn ka
qeybqaadashada dagaal suuragal ah oo Mareykanka iyo Israel ku qaadaan Iran
Kang Shin-chul ayaa u sheegay baarlamaanka Kuuriyada
Koonfureed in ciidamada la geeyay halkaasi aysan noqoneyn kuwa ka qeybgalaya tallaabo
milteri oo dadban oo la xiriirta khilaafka ka taagan marinka Hormuz.
Sida laga soo xigtay Mr. Kang, howlaha Burcad-badeednimada
ee halkaaska jira in ay ka bateen saddex laab sanadkii la soo dhaafay iyadoo ujeedka
howlgakan uu yahay in la ilaaliyo maraakiibta Kuuriyada Koonfureed iyo
muwaadiniintooda ku safraya jidkaas.
Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research Center ee dalka Mareykanka, waxaa la saadaalinayaa in Muslimiintu ay tirada dadka raacsan diinta Kiristaanka kaga badnaan doonaan dunida marka la gaaro sannadka 2035.
Hadaba waxaa sidoo kale warbixintu shaacisay 10 dal ee muslimiinta ugu badan ay noolaan donaan 2050.
Wadamada ayaa sida warbixntu xustay waxa ay akla yihiin sida soo socota.
1. Pakistan
2. India
3. Indonesia
4. Nigeria
5. Bangladesh
6. Egypt
7. Türkiye
7. Türkiye
9. Ethiopia
10. Sudan
Garoomada lagu qabanayo tartanka Koobka qaramada qaaradda afrika oo la shaaciyay
Xigashada Sawirka, online
Qoraalka sawirka, Garoon
Lix garoon ayaa loo doortay in lagu qabto ciyaaraha koobka Qaramada Afrika ee sannadka soo socda, kaas oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda.
Garoomada lagu ciyaari doono tartanka ayaa lagu shaaciyay shirkii xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF, kaas oo toddobaadkii hore lagu qabtay Nigeria.
Magaalada Nairobi, ciyaaraha waxaa lagu qaban doonaa garoonka cusub ee Talanta Stadium, oo qaadi kara 60,000 oo qof, waxaana la filayaa in la furo bisha Janaayo.
Tanzania ayaa tartanka ku martigelin doonta saddex garoon oo ku yaalla magaalooyinka Arusha, Daarusalaam iyo Zanzibar.
Uganda ayaa iyaduna adeegsan doonta garoonka Mandela National Stadium ee magaalada Kampala, iyo garoonka cusub ee Hoima City Stadium, oo xulka qaranka Uganda uu kulamadii caalamiga ahaa ee dhowaan ciyaaray ku qabtay.
Goobta lagu qaban doono ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka, oo ay ka qaybgalayaan 24 xul qaran, weli lama go'aamin.
Tartanka ayaa la qaban doonaa 19-ka June ilaa 17-ka July ee sannadka soo socda.
Tartankii ugu dambeeyay ee Koobka Qaramada Afrika, oo Morocco lagu qabtay intii u dhexeysay Diseembar 2025 iyo Janaayo 2026, waxaa ciyaaruhu ka dhaceen sagaal garoon oo ku kala yaalla lix magaalo.
Taliyaha ciidamada cirka UKayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka nooca ugu casrisan ay noqonayaan
kuwii ugu dambeeyay ee bani’aadam duuliyo.
Janaraal Harvey
Smith ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku qalabeysan garaadka
macmalka ay "wax weyn ka beddeli doonaan" qeybaha duulista
milatariga.
Hadalladiisu
waxay la xiriiraan barnaamijka Dagaalka Cirka ee Caalamiga oo ah mashruuc
wadajir ah oo u dhexeeya Britain, Talyaaniga iyo Japan, kaas oo loogu talagalay
in lagu soo saaro diyaarad dagaal oo ah nooca jiilka lixaad, kuwaas oo la
filayo in ay hawlgalaan marka la gaaro sannadka 2035-ka.
Diyaaraddan
dagaalka ee loo yaqaan 'Tempest', ayaa la filayaa in ay yeelato xawaare sare,
tiknoolajiyad qarsoodi ah, dareemayaal horumarsan, iyo garaadka macmalka. Dhammaan
qalabkaasi ayaa ka caawin doona duuliyeyaasha in ay wax ka qabtaan xaaladaha ay
ku jiraan.
Harvey Smith ayaa
maqaal uu ku qoray wargeyska Telegraph ku sheegay in diyaaraddaas dagaalka ay
“noqon karto tii ugu dambeysay ee ay dad wadaan oo abid la sameeyo.” Wuxuu
xusay in horumarkani uusan ka dhignayn in doorka bini’aadamku uu noqonayo mid
aan muhiim ahayn, balse horumarka tiknoolajiyadda ayaa beddelaya qaabka ay u
dhacaan dagaallada cirka.
Raysalwasaaraha Qatar ayaa Washington kula kulmaya Marco Rubio
Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa la
filayaa in uu maanta kula kulmo Washington raysalwasaaraha Qatar ahna wasiirka
arrimaha dibadda Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.
Kulankan ayaa dhacaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka
iyo Iran ay sii korortay maalmihii la soo dhaafay.
Raysalwasaaraha ayaa horaantii Bishan kula kulmay Washington
madaxweynaha Mareykanka Donad Trump. Kulankaas ayuu madaxweyne Trump ka sheegay
in uu ku dhow yahay dhammaad dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay kula jireen
Iran.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdel Ati,
ayaa sheegay in uu kala hadlay arrimaha gobolka Mr. Al Thani iyo sidoo kale
wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud.
Mr. Abdul-Ati oo dhigay qoraalo bartiisa X ayaa sheegay in
wadahadalladan ujeedkoodu u yahay in lagu yareeyo xiisadda iyo in lagu
dhexdhexaadiyo gobolka.
Dalka Qatar ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah
dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iran ee lagu dhameynayo dagaalkii bilowday
dhammaadkii bishii Feberaayo.
Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, Brad Cooper, iyo wafdi
la socday ayaa jimcihii magaalada Dooxa kula kulmay wasiirka difaaca Qatar Saud
bin Abdulrahman Al Thani iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran Kazem
Gharibabadi. Wafdiga Qatar ayaa habeenkii jimcaha joogay magaalada Tehran
iyagoo halkaas wadahadallo socday labo saac ku yeeshay.
War deg deg ah, Wiilka madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay inuu garaaci doono ragga haweenka ku dhaha "waan ku jeclahay"
Xigashada Sawirka, AFP
Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi
Kainerugaba, ayaa ku hanjabay inuu ul ku garaaci doono ninkii reer Uganda ee uu
ka maqlo isagoo oranaya haweeney ayaan jeclahay. Wuxuu sheegay inuu ninkaas ku
garaaci doono 100 jeedal.
Qoraal uu soo saaray, Muhoozi ayuu ku sheegay inuu isagu
shakhsi ahaan hubin doono in ninkaasi la ciqaabo. Hanjabaaddan ayuu uga
jeediyay ragga goob fagaare ah, hase yeeshee, ma uusan sheegin sababta hadalkan
ku kalliftay, mana uusan magacaabin nin gaar ah oo uu ula jeeday.
“ ninkii aan ka maqlo isagoo leh ‘waan jeclahay’ haweeney,
waxaan siin doonaa 100 jeedal ,” ayuu Muhoozi ku yiri qoraal uu Sabtidii,
21-kii bishaan Nofeembar 2026, soo
dhigay baraha bulshada.
Ninkaan ayaa sidoo kale maalmo ka hor ku hanjabay inuu
xiri doono ciddii wax ka sheegta qoyskiisa oo aabbihii ugu horreyo.
War deg deg ah, Trump oo saaxiibkii ku garab istaagaya in booskiisii lagu celiyo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageeray in
Jensen Huang dib loogu soo celiyo shirkadda Nvidia ee soo saarta qalabka
kombiyuutarrada, gaar ahaan chips-ka.
Trump ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku
yiri: “Waxaan rajeynayaa in guddiga maamulka Nvidia uu dib u soo celiyo Jensen
Huang. Taasi waxay noqon lahayd go’aanka ugu wanaagsan shirkadda iyo
Mareykanka.”
Is-casilaaddiisa ayaa timid xilli muran ka dhashay
noloshiisa gaarka ah, oo ay ku jireen eedeymo sheegaya inuu xiriir guur ka
baxsan la lahaa haweeney lagu tuhunsan yahay inay basaas u tahay Shiinaha.
Nvidia ayaa ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee soo
saarta chips-ka casriga ah ee loo adeegsado teknoolajiyadda garaadka macmalka
ah.
War deg deg ah, Maal-qabeen dhimashada ka dhuumanayay oo dacwad lagu soo oogay
Xigashada Sawirka, MONTGOMERY COUNTY COURT
Nin taajir ah oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa
gurigiisa hoostiisa ka qoday god weyn oo uu ka galo haddii uu dhoco weerar dhanka
Niyuukleerka ah, hase-yeeshee hadda isagii ayaa lagu furay dacwo dil ah, kadib
markii uu dhintay ninkii uu usoo kireystay in uu godkaas u qodo.
Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa
qodayay godkan cabsi uu ka qabo weerar Niyuukleer ah oo adduunka ka dhaca
awgiis, balse ninkii godka u qodayay Askia Kafta oo 21 jir ahaa ayaa ku dhintay
godkii kadib markii uu gudaha godka dab ka kacay.
Booliiska ayaa Daniel ku eedeeyay dacayaad iyo beylah uu
ku sameeyay nafta bini'aadamka.
Godka oo dhirirkiisu dhanyahay 60 mitir ayaa ku yaalla
qaybta hoose ee guriga ninkan oo ku yaalla magaalada Washington.
Waxa ay booliiska sheegeen in markii dabka kacay uu ninkan
guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka degdega ah uu u
sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay.
War deg deg ah, Ilmo saqiir ah oo 14 saacadood ku hoos jiray dhisme dumay oo isagoo nool laga soo bad-baadiyay
Xigashada Sawirka, Ukraine State Emergency Service
Wiil toddoba jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka
dhisme la degganaa oo ku yaalla magaalada Dymer, kaddib markii uu halkaas ku
xayirnaa muddo 14 saacadood ah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay Ruushku ka
fuliyeen gobolka Kyiv, taas oo lagu dilay sagaal qof, sida ay sheegeen
mas’uuliyiinta Ukraine.
Weerarku wuxuu dhacay aroornimadii Axadda. Madaxa
maamulka gobolka Kyiv, Tymur Tkachenko, ayaa sidoo kale sheegay in haweeney 79
jir ah iyadana iyadoo nool laga soo badbaadiyay dhismaha dumay.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay
in saddex qof ay dhinteen, 13 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo shalay ka
dhacay magaalada Vyshneve ee isla gobolka Kyiv. Weerarkaas ayaa lagu qaaday
dukaan raashin.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in wiilka laga soo
badbaadiyay magaalada Dymer uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana
loola cararay isbitaal.
War deg deg ah, Dood adag oo ka dhalatay laba qof oo laga qabtay gudaha Mareykanka iyo hab-dhaqanka ICE
Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Xarigga laba muhaajiriin ah oo ay saraakiisha laanta
socdaalka Maraykanka ee ICE ka qabteen garoonka diyaaradaha Seattle-Tacoma,
xilli ay diyaarad u raacayeen Los Angeles, ayaa dhalisay caro iyo muran.
Labada qof oo u dhashay Mexico, Ricardo Larrando Mendoza
iyo Sofia Hernandez Mejia, ayaa loo xiray inay waqtigii fiisahooda dhaafeen.
ICE ayaa sheegtay in rakaab kale ay farageliyeen oo
weerareen saraakiisha markii Mendoza la xirayay. Waxay sidoo kale ku eedeysay
Mejia inay saraakiisha ku shubtay qaxwo kulul, taas oo keentay in lagu soo oogo
eedeyn weerar.
Shirkadda diyaaradaha ee Alaska Airlines ayaa sheegtay
inaan hore loogu wargelin in saraakiisha amnigu imaanayaan, waxayna ku
dhawaaqday inay baarayso dhacdada. Maamulka garoonka ayaa sidoo kale sheegay
inuu ka xun yahay wixii dhacay.
Qareenka labada qof ayaa sheegay inaysan lahayn wax
taariikh dembiyeed ah, isla markaana ay sharciga u hoggaansanaayeen. Qoyskoodu
wuxuu sheegay in saraakiisha ICE, oo dhar caadi ah xirnaa, aysan aysan aqoonsan
ka hor xarigga.
Guddoomiyaha gobolka Washington, Bob Ferguson, ayaa
cambaareeyay hab-dhaqanka ICE, isaga oo sheegay in hay'addu ay faraha ka baxday
oo waxa ay doontu sameynayso.
War deg deg ah, Cilmi-baaris Haddii aad habeenkii arrimahaan hurdada ku aragto-warbixintaan adiga ayay kaa hadlaysaa.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka ninku riyoodo (biyo baxo) inta uu hurdada ku jiro, khubaradu waxay xaaladdan ku tilmaamaan "riyo baraarug leh" (lucid dream). Rag badan way ka welwelaan arrintan, iyaga oo u arka calaamad hore oo tusinaysa in shahwadoodu yar tahay ama xitaa ay noqon karaan madhalays.
Dhakhaatiirtu waxay sheegayaan in biya baxa intaad hurdo ay tahay arrin caadi ah oo mar walba dhacda.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay leedahay marka wiilku gaaro da'da qaangaarnimada, heerka hormoonka ragga ee testosterone ayaa kor u kaca, taasoo keenta inuu riyoodo, xilliga hurdada.
War deg deg ah, Madaxweynihii ugu horreyay ee Hirshabeelle oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Hiiraan
Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle
Allaha u naxariistee waxaa dalka Masar ku geeriyooday madaxweynihii
hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, sida ay xaqiijiyeen
qaar ka mid ah eheldiisa. Waxaa la sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay uu xanuusanayay.
Lixdan iyo dhowr jir ayuu ahaa.
Waxaa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka
Hirshabeelle lagu aasaasay isla markaana loo doortay 17-kii Oktoobar sannadkii
2016-kii.
Laakin markii dambe khilaaf ayaa hareyay dowladdii uu
hogaaminayay waxaa laga keenay mooshin lagu kala qayb samay oo xildhibaannadii
xilligaasi qaarkood ayaa xilka ka qaaday.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ahaa siyaasi xilal kala
duwan soo qabtay lana soo shaqeyay dowlado kala duwan.
Waxaana geeridiisa ka tacsiyay siyaasiin, qaar ka mid ah
hoggaamiyaasha Soomaaliya, iyo dad badan oo shacab ah.
War deg deg ah, Mareykanka oo ka cabsi qabta in Xuutiyiintu dhibaato u gaystaan muwaadiniintiisa Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa mar kale
muwaadiniinteeda ku sugan Baxrayn kula talisay inay muujiyaan “taxaddar iyo
feejignaan heerka ugu sarreeya ah”, kaddib markii ay soo saartay digniin cusub
oo dhinaca amniga ah.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu Axaddii ku baahisay barta X,
ayay ku sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Baxrayn ay
feejignaadaan, sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee weerarro hubeysan oo
ay geysan karaan Xuutiyiinta Iiraan taageerto iyo isku dayada Iiraan ay ku
beegsanayso mas'uuliyiinta iyo xarumaha dowladda Maraykanka ee gobolka.
“Dadka safraya waa inay u diyaar garoobaan digniino amni
oo degdeg ah, baajinta duullimaadyada, xiritaanka hawada iyo carqalado kale oo
ku yimaada isu-socodka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay weerarro ku
qaadday bartilmaameedyo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla Kuwait iyo Baxrayn.
Waxay sidoo kale sheegtay in Xuutiyiinta ay Iiraan
taageerto ay weerarro ka geysteen Sacuudiga, kuwaas oo ay ku jiraan weerarro
lagu beegsaday garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka
ah.
Weerarradaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray
dad rayid ah, waxayna si weyn u carqaladeeyeen isu-socodka iyo gaadiidka.
War deg deg ah, Netanyahu iyo Eisenkot oo isku mari la' soo dhisitaanka xukuumad
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Xisbiyada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin
Netanyahu, iyo siyaasiga loollanku kala
dhexeeyo, Gadi Eisenkot, ayaa Axaddii soo afjaray wareeg cusub oo wadahadallo
ah, iyaga oo aan heshiis ka gaarin dhismaha dowlad wadaag ah.
Wufuud ka kala socotay xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo
Eisenkot iyo xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa mar kale kulmay,
waxayna muddo afar saacadood ah ka wada hadleen arrimaha la xiriira dhismaha
dowladda. Kulankan ayaa daba socday wareeggii koowaad ee wadahadallada oo
dhacay Axaddii hore.
“Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada dhismaha
dowladda wadaagga ah ayaa soo dhammaaday,” ayay labada xisbi ku sheegeen war ay
si wadajir ah u soo saareen. “Labada dhinac waxay soo bandhigeen oo ay ka wada
hadleen mowqifyadooda ku aaddan dhowr arrimood oo muhiim ah.”
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulan kale la qaban doono,
balse lama cayimin waqtiga uu dhacayo, faahfaahin dheeraad ahna lagama bixin
wadahadallada.
Gadi Eisenkot, oo hore u soo noqday taliyaha guud ee
ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa haysta illaa 6-da Diseembar si uu dowlad u
soo dhiso. Muddadaas waxaa loo kordhin karaa 14 maalmood oo dheeraad ah.
Isbahaysiga uu Eisenkot hoggaamiyo, oo haysta 48 kursi,
wuxuu u baahan yahay 61 kursi si uu aqlabiyad uga helo baarlamaanka. Hase
yeeshee, weli waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo
dowladda.
Fursadaha horyaalla isbahaysigaas waxaa ka mid ah inuu la
shaqeeyo xisbiyada Yuhuudda diinta ku adag, inuu wadahadal la furo xisbiyada
Carabta ama inuu xukuumad midnimo qaran la dhiso xisbiga Likud.
Benjamin Netanyahu ayaa doonaya in la dhiso dowlad midnimo
qaran, taas oo xilka ra’iisul wasaaraha ay isaga iyo Eisenkot si is-beddel ah u
kala qaban karaan.
War deg deg ah, Trump oo qiray arrin Iraan ay sameysay toddobaadkan iyo sababta ay u dhacday
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
Iran ay toddobaadkii la soo dhaafay fulisay weerarro iyadoo adeegsanaysa
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo tiradoodu ka badan tahay intii
ay ridday toddobaad kasta oo kale muddo ka badan hal sano.
Trump ma uusan soo xigan warbixin ama xog taageeraysa
sheegashadiisa, balse wuxuu arrintan ku xiriiriyay guushii Dimuqraadiyiintu ka
gaareen doorashooyinkii Aqalka Kongareeska iyo hoos u dhaca suuqa saamiyada
Maraykanka.
“Qof walba wuu xusuustaa inaan sameeyay daadaalin laba
ah oo ku saabsan doorashooyinkii xilliga dhexe ee 3-dii Nofeembar,” ayuu ku
qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.
“Saadaashaydii koowaad waxay ahayd in haddii
Dimuqraadiyiintu guuleystaan uu suuqa saamiyadu hoos u dhici doono, taasina way
dhacday. Saadaashaydii labaadna waxay ahayd in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee
Iiraan, oo ilaa hadda dishay 81,000 oo dibadbaxayaal ah, ay kordhin doonto
weerarradeeda, taasina iyaduna way dhacday,” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoraalkiisa oo uu
baahiyay ku celiyay sheegashadiisa, isaga oo aan soo bandhigin warbixin cusub
ama xog caddeynaysa waxa uu sheegayo.
“Iiraan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay adeegsatay
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ka badan intii ay ridday xilli
kasta oo kale muddo ka badan hal sano. Ha welwelina, dhammaantood waa la qabtay
ama hawada ayaa lagu burburiyay, waxyeellona ma geysan,” ayuu qoray.
Trump ayaa sheegay in sababta labadaas arrimood ay
tahay, sida uu aaminsan yahay, in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay Dimuqraadiyiinta u
arkaan kuwo tabar daran, aan wax ku ool ahayn isla markaana dalka burburinaya.