Kulan dhexmaray dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea iyo Soomaaliya oo la is waydiyay sababta aaney uga qayb gelin

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Suudaan iyo Eritrea
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Sabtidii magaalada Aswan kulan saddex geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Suudaan, Muxyadiin Salem, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cisman Saleh.

Kulanka ayaa ahaa shir doceed Madasha Lixaad ee Aswan ee Nabadda Waarta iyo Horumarinta, waxaana looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee saddexda dal iyo iskaashiga arrimaha muhiimka ah ee gobolka, sida ay ku warrantay warbaahinta Masar.

War-qoraal ah uu wasiir Abdelatty ku baahiyay barta X, kulanka kaddib ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen iskaashiga, madaxbannaanida dalalka, amniga xuduudaha iyo arrimaha Badda Cas.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Saddexda wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in ay sii xoojiyaan wadatashiga ku saabsan danaha ay wadaagaan, iyagoo xusay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee dalalkooda.

Wargeys Masri ah ayaa sheegay in bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ku kulmeen magaalada Al-Alamein, halkaas oo ay kaga wada hadleen natiijooyinka kulankoodii hore.

Warku ma sheegin sababta Soomaaliya aysan uga qaybgelin kulanka Aswan, balse wasiirka Masar ayaa sheegay inuu dhiggiisa Soomaaliya la socodsiin doono natiijooyinka kulanka.

Wasiirradu waxay sidoo kale ka wada hadleen amniga iyo xasilloonida Badda Cas, xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo sugidda amniga marinnada caalamiga ah ee ganacsiga badda.

Shirka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka ay ka soo jeedaan saddexda wasiir ee ku kulmay Masar ayaa dhammaantood xiisadi kala dhaxaysaa Itoobiya.

Waxaa si weyn looga walaacsan yahay suurtagalnimada dagaal dhex mara Eritrea iyo Itoobiya.

Intii uu socday dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee gobolka Tigray intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, Eritrea waxay garab istaagtay dowladda federaalka Itoobiya, waxayna ka qayb qaadatay dagaalka ka dhanka ahaa ciidamada Tigrayga.

Hase yeeshee, kaddib markii dagaalka lagu soo afjaray heshiiskii Pretoria, xiriirka labada dal ayaa xumaaday. Taasi waxay timid kaddib markii mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, ay bilaabeen hadallo iyo ololeyaal soo noqnoqday oo ku saabsan lahaanshaha marin-badeed, kuwaas oo ka careysiiyay Eritrea.

Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysa inay hubayso oo taageero siiso kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda federaalka, oo ay ku jirto Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray.

Masar iyo Itoobiya ayaa sidoo kale muddo dheer isku khilaafsanaa biyaha Webiga Niil.

Itoobiya ayaa iyaduna Masar ku eedeysa inay taageerto TPLF iyo kooxo kale.

Dhanka Suudaan, baaritaan ay wakaaladda wararka ee Reuters daabacday bishii Febraayo 2026 ayaa sheegay in Itoobiya ay taageerto ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan.

Baaritaanka ayaa sidoo kale sheegay in gudaha Itoobiya ay ku taallo xero ay maalgeliso Imaaraadka Carabta, halkaas oo lagu tababaro kumannaan xubnood oo ka tirsan ciidamada RSF.

Milatariga Suudaan ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhowaan weerarrada ku qaaday dadka rayidka ah iyo xarumaha korontada ee bariga Suudaan laga soo diray gudaha Itoobiya.