Toddoba cunto oo qaarkood Soomaaliya laga helo oo ay tahay inaad badsato iyo faa'iidada aad ka heleyso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah maaddooyinka caadiga ah waxay saameyn xooggan ku yeelan karaan caafimaadkeenna. Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa toddoba cunno oo mudan inaan badsanno.
Weligeed ma jirin cuntooyin badan oo kala duwan oo la kala xusho. Mararka qaarkood way adkaan kartaa in la ogaado waxa ay yihiin nafaqooyinka la kala hormarinayo hal maalin ilaa maalinta xigta - ma waxaad u baahan tahay inaad diirada saarto borotiinka, ama fiber ama fitamiin C?
Si loo fududeeyo, cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen in ka badan 1,000 cunto cayriin ah waxayna ku qiimeeyeen kuwa na siiya dheelitirka ugu wanaagsan ee shuruudaha nafaqada maalinlaha ah buuxiya.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa toddoba ka mid ah - oo ay la socdaan caddaynta sababta ay u mudan yihiin inaad ku darto liiskaaga markaad wax soo iibsaneyso:
Looska almonds

Xigashada Sawirka, Getty Images
Looska nooca almonds-ka waxa uu hodan ku yahay dufanka aan fadhiisannin iyo fitamiin E. Cunnista joogtada ah ayaa la ogaaday inay suurtogal tahay inay gacan ka gaysato maaraynta xanuunka macaanka, iyo inay kor u qaaddo caafimaadka wadnaha iyadoo dhimaysa kolestaroolka "xun", korna u qaadaysa kolestaroolka "fiican".
Daraasad la sameeyay, saynisyahannadu waxay weydiiyeen 77 qof oo waaweyn inay cunaan 320 kalori oo almonds ah ama buskud maalin kasta muddo 12 toddobaad ah. Ka qaybgalayaasha dhammaantood waxay lahaayeen calaamadaha halista u ah cudurrada dabadheeraada, sida cudurrada wadnaha ama macaanka nooca labaad – sida dhiig-karka. Muddada 12-ka toddobaad ka dib, dadkii cunay almonds-ka waxay lahaayeen heerar hoose oo kolestaroolka "xun" ah, caafimaadka caloosha ah oo ka wanaagsan sidii hore, iyo barark oo yaraaday.
Daraasad la sameeyay sannadkii 2022 oo ay ka qaybgaleen 87 qof, kuwaas oo cunay xaddi ah almonds dhan, kuwo la shiiday ama doolshe laga sameeyay maalin kasta muddo afar toddobaad ah, ayaa lagu ogaaday in cunista almonds-ka ay kor u qaaddo qaadashada dufanka aan fadhiisan, fiber-ka, botasiyamka, iyo nafaqooyinka kale ee muhiimka ah.
Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in maaddada "butyrate" ay aad ugu badnayd dadka almonds-ka cunay. Butyrate waa dufan silsilad gaaban ah oo quudisa unugyada safka hore ee mindhicirkeenna. Unugyadan waxay bixiyaan xaaladda ugu habboon ee ay ku kori karaan bakteeriyada waxtarka leh ee caloosha, si derbiga mindhicirku u noqdo mid xooggan oo caafimaad qaba, iyo in si wanaagsan loo nuugo nafaqada.
Intaas waxaa dheer, dadka cunay almonds-ka dhan waxay isku arkeen koror 1.5 jeer oo caloosha u socotay toddobadkii marka loo eego kooxaha kale.
Swiss chard (nooc koostada ka mid ah)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khudaartan caleenta leh waa il cunto oo dhif ah "Swiss chard (nooc koostada ka mid ah) waxay ka kooban tahay maaddooyinka nitrates, kuwaas oo jirka ka caawiya soo saarista gaaska nitric oxide, waana unug calaamadeed oo hagaajiya caafimaadka wareegga dhiigga," ayuu yiri William Li, oo ah madaxa iyo agaasimaha caafimaadka ee Angiogenesis Foundation, oo ah hay'ad Mareykanka laga leeyahay oo aan faa'iido doon ahayn oo diiradda saarta ka hortagga cudurrada.
Tani waxay caawisaa hoos u dhigista cadaadiska dhiigga, waxay hagaajisaa socodka dhiigga, waxayna bogsiisaa xuubka xididdada dhiigga ee dhaawacmi kara xilliga gabowga, ayuu intaa raaciyay Li.
Swiss chard waxaa sidoo kale ku jira maaddooyinka sunta ka hortaga oo ilaaliya unugyadeenna kana caawiya yareynta bararka," ayuu yiri.
Sidoo kale, Swiss chard waa il wanaagsan oo laga helo maaddada fiber, waxayna ka kooban tahay magnesium (wax ka tara tamarta unugyada), fitamiin K (wax ka tara xinjirowga dhiigga) iyo lutein, taas oo muhiim u ah caafimaadka indhaha iyo maskaxda.
Swiss chard waxay si gaar ah faa'iido ugu leedahay dadka waaweyn ee raba inay hagaajiyaan socodka dhiigga, ilaashadaan caafimaadka aragga, oo ay kor u qaadaan caafimaadka maskaxda, wadnaha, iyo guud ahaan xididdada dhiigga, ayuu yiri Li.
Habka ugu wanaagsan ee loo cuno Swiss chard, ayuu yiri Li, waa in aan si xad-dhaaf ah loo karin, waayo taasi waxay meesha ka saaraysaa qaar ka mid ah nafaqooyinka. Sidoo kale, wuxuu raaciyay, in caleemaha Swiss chard ay ku badan yihiin inta badan nafaqooyinka waxtarka leh.
Watercress

Xigashada Sawirka, Getty Images
Geedkan caleenta cagaaran ee afka qalaad lagu yiraahdo "Watercress" wuxuu ka mid yahay qoyska "brassica" (oo ay sidoo kale ku jiraan brokoli, kaabajka, iyo qaar kale).
Watercress waxaa ka buuxa xaddi badan oo fiitamiinno B ah (B1, B2, B3, B6, C, E), iyo waliba kaalshiyam, magnesium, bir (iron), iyo polyphenols.
Waxaa kale oo ku jira lutein iyo beta-carotene, kuwaas oo gacan ka geysta caafimaadka indaha iyo xoojinta hab-difaaca jirka.
Cunista joogtada ah ee watercress waxay kaa caawin kartaa yaraynta bararka jirka — kaas oo la og yahay inuu kordhiyo khatarta wadne xanuunka iyo macaanka muddada dheer — iyo sidoo kale hoos u dhigista kolestaroolka aan caafimaadka lahayn.
Watercress waxaa ku jira walaxda "phenethyl isothiocyanate," oo ah iskudhis dabiici ah oo lala xiriiriyo awoodda uu u leeyahay inuu gaabiyo koritaanka unugyada kansarka. Iyadoo brokoli lala garab dhigayo, watercress waxaa loo aqoonsan yahay isha ugu wanaagsan ee laga helo walaxdan.
Cilmi-baaris ay samaysay majalladda World Journal of Psychiatry sannadkii 2018-kii ayaa watercress ku qiimeysay inuu yahay geedka ugu sarreeya ee ka hortaga niyad-jabka. Tani waxaa loo sababeynayaa cufnaanta nafaqooyinka ku jira, oo ay ka mid yihiin birta, omega-3, magnesium, potassium, iyo fiitamiinno badan.
Beytraaf (beetroot)

Xigashada Sawirka, Getty Images
In kasta oo baytaraafka si weyn loo isticmaalo, haddana inta badan waxaan cunnaa xididka oo kaliya," ayuu yiri—iyadoo ay ka buuxaan nafaqooyin badan iyo maaddooyin waxtar leh.
Ficil ahaan, baytaraafka waxaa inta badan loo fahmaa inuu yahay xididka laftiisa, waana qaabka caadiga ah ee loo iibiyo, loo diyaariyo, loona xasuusto nolosha maalinlaha ah. Natiijadaas darteed, caleemaha waxay u muuqdaan kuwo ka baxsan caadooyinka cuntada ee caadiga ah, inta badanna si fudud ayaa la isaga tuuraa.
Caadooyinka dhaqanku waxay si xooggan u qaabeeyaan waxa loo tixgeliyo cuntada ama waxa la jecelyahay, xaaladaha qaarkoodna, qaybaha caleenta ah ee khudaarta waxaa loo arkaa kuwo heerka labaad ah ama si fudud looguma yaqaanno karinta maalinlaha ah." Tani waxay sidoo kale khuseysaa khudaar kale oo badan, ayuu yiri Ponte, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay sidoo kale ka buuxaan nafaqooyin.
Caleemaha baytaraafka waxaa ka buuxa kaalshiyam waxtar leh, bir, fitamiin K iyo fitamiinnada kooxda B (gaar ahaan riboflavin).
Caleemaha baytaraafka waxaa ku jira heerar sare oo borotiinno iyo macdan ah, waxayna leeyihiin maaddooyinka 'phenolic' ee lala xiriiriyo liddiga sunta, ayuu yiri Luis Gustavo Sabóia Ponte, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Gobolka Campinas (Unicamp) iyo borofisoor jaamacadeed oo ka tirsan Jaamacadda Paulista (Unip) iyo Xarunta Jaamacadda Senac.
Daraasad sanadkii 2019 lagu sameeyay dadka waaweyn ee cayilan ee leh heerar sare oo ah kolestaroolka LDL ama kolestaroolka "xun", ka qaybgalayaashu waxay cuneen caleemaha baytaraafka ee la qallajiyay muddo afar toddobaad ah, waxayna arkeen in kolestaroolkooda LDL uu hoos u dhacay.
Sannadkii hore, Ponte wuxuu damcay inuu xaqiijiyo in nafaqooyinka ku jira caleemaha baytaraafku ay yihiin kuwo jirku nuugi karo —taas oo muujinaysa inaan awoodno inaan dheefshiidno oo aan ka faa'iidaysanno waxyaabaha ku jira.
Daraasaddu waxay muujisay in caleemaha baytaraafku ay ahaanayaan kuwo si bayooloji ah u firfircoon ka dib markii lagu sameeyay tijaabada dheefshiidka ee shaybaarka. Caleemihii la dheefshiiday waxay muujiyeen inay ka hortagaan sunta waxayna ka caawiyeen inay DNA-da ka ilaaliyaan waxyeellada.
Ponte wuxuu sidoo kale ku tijaabiyay caleemihii la dheefshiiday unugyada kansarka mindhicirka, wuxuuna arkay hoos u dhac ku yimid koritaanka unugyada iyo samaysanka walxo kuus kuusan.
Si kasta ha ahaatee, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado natiijooyinka.
Chia seeds

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abuurkan yaryar ee madow waxay hodan ku yihiin fiber, borotiin, aashitada alfa-linolenic, aashitada phenolic iyo fiitamiino, oo ay ku jiraan xaddi badan oo ah fiitamiinnada B. Waxay ka kooban yihiin kiimikooyin dhirta laga helo (phytochemicals) oo gacan ka geysan kara ilaalinta wadnaha iyo beerka, iyo dufanka omega-3 oo taageera habka difaaca jirka.
Waxaa lala xiriiriyay faa'iidooyin caafimaad oo badan, oo ay ka mid yihiin hoos u dhigista halista cudurrada wadnaha, hagaajinta heerka kolestaroolka caafimaadka qaba, hoos u dhigista cadaadiska dhiigga iyo yareynta khatarta xanuunka macaanka nooca labaad iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka.
Laakiin waxaa jira caddeymo muujinaya in laga yaabo inaanan uga faa'iideysan miraha chia sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.
Rachel Burton, oo ah borofisoor ka tirsan Jaamacadda Adelaide ee dalka Australia, ayaa muddo dheer darsaysay fiber-ka cuntada markii ay go'aansatay inay baarto miraha chia. "Waxaa jiray—wali weyna jiraan—sheegashooyin caafimaad oo badan oo ku baahsan internet-ka oo la xiriira isticmaalka miraha chia, gaar ahaan kuwa lala xiriiriyo faa'iidooyinka ay u leeyihiin mindhicirkeenna, laakiin uma muuqan inay jiraan cilmi-baarisyo saynis oo xooggan oo tan taageeraya," ayay tiri.
Mid ka mid ah faa'iidooyinkan ay aragtay waxay ahayd maaddada fiber-ka ee ku badan. "Fiber-ka cuntada waa qayb muhiim ah, badankeenna ayaana u cunin si ku filan—haddii sheegashooyinka ku saabsan chia ay yihiin kuwo khaldan, dadkuna ay lacag badan ku bixinayaan cunto qaali ah iyadoo lagu saleynayo arrintaas, markaas waa muhiim in la ogaado," ayay tiri.
Daraasaddeedii 2023, Burton waxay samaysay tijaabooyin shaybaar oo isbarbar dhigaya miraha chia ee dhan—waa sida aan caadiyan u cunno—iyo miraha chia ee la ridqay ama la shiiday. Waxyaabihii ay ku ogaatay shaybaarka waxay soo jeediyeen in cunista miraha chia iyagoo dhan ay naga horjoogsan karto inaan si dhab ah u nuugno nafaqooyinka ay ka kooban yihiin.
Miraha chia waxay ka kooban yihiin laba qaybood: dheecaanka dusha sare ee miraha kaas oo ka kooban fiber, iyo dufanka omega ee ku dhex jira miraha, gaar ahaan omega-3. "Cunista miraha chia iyagoo dhan waxay ka dhigan tahay in nafaqooyinka lagu ammaano aysan dhab ahaan diyaar ahayn," ayay tiri.
Dheecaanku kama baxo miraha, dufanka omega-na waxay ku dhex xayiran yihiin gudaha miraha. "Sidaas darteed, haddii aadan wax walba muddo dheer calalin, miruhu waxay marayaan mindhicirkaaga iyagoo aan waxba iska beddelin," ayay tiri Burton.
Sidaa darteed, in miraha chia la shiido waxay ka dhigaysaa dufanka omega mid si fudud loo heli karo. Burton waxay ku talinaysaa in miraha kale-na la shiido isla sababtaas awgeed, sida mirada flaxseeds-ka ama qoondaarka.
Miraha bocorka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bocorka waxaa laga isticmaalaa dacallada dunida iyadoo la cunayo diirkiisa, hilibkiisa – iyo mirihiisa intaba.
Miraha bocorku waxay ka kooban yihiin qaddar aad u sarreeya oo ah aashitada dufanka leh, kuwaas oo lala xiriiriyo faa'iidooyin caafimaad oo badan iyo hoos u dhigista halista cudurro badan.
Laakiin cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in qaddarka dufanka ee ku jira miraha ay ku kala duwanaan karaan noocyada bocorka, iyadoo ay jiraan ilaa 150 nooc oo bocor ah adduunka oo dhan.
Miraha bocorku waxay sidoo kale ka kooban yihiin asiidhada kala ah linoleic acid, oleic acid, iyo palmitic acid, kuwaas oo la muujiyey inay taageeraan caafimaadka wadnaha.
Miraha bocorka waxaa kale oo la xaqiijiyey inay leeyihiin faa'iidooyin difaacaya neerfaha. Tani waxay ka dhigan tahay inay gacan ka geysan karaan ilaalinta nidaamka neerfaha ee waxyeellada maskaxda, neerfaha ama caafimaadka dhimirka ee ka dhasha walxaha sunta ah.
Daraasad la daabacay sanadkii 2025, saynisyahannadu waxay u qaybiyeen 50 jiir ama doolli shan kooxood. Muddo labo toddobaad ah, hal koox waxay heleen cunto aasaasi ah, halka kooxaha kale la siiyey kabaal cunto oo ah miraha bocorka oo la dubay ama kuwo cayriin ah oo labo qaddar oo kala duwan leh.
Jiirkii cunay miraha bocorka dhamaantood waxay muujiyeen horumar xagga walwalka, fahamka iyo xusuusta ah. Miraha bocorka ee la dubay ayaa lagu arkay faa'iidooyinka ugu badan – iyadoo ay suurtogal tahay, sida daraasaddu sheegtay, in habka dubista uu ka dhigo nafaqooyinka miraha kuwo jirku si fudud u nuugi karo, iyadoo la jebinayo unugyada laguna sii deynayo walxaha liddi ku ah sunta ee ku xiran gidaarrada unugga.
Caleenta Dandelion

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markay timaaddo cunista cunto caafimaad leh oo kala duwan, mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn waa helitaanka cuntooyinkaas. Nasiib wanaag, caleenta dandelions-ka waa ay badan tahay, inta badanna waa inoo diyaar marka uu gu'gu curto.
Jaleecada hore, caleenta dandelions-ka uma muuqato inay tahay cunto daruuri u ah jikada. Balse, waxaa ka buuxa maaddooyin faa'iido leh oo leh saameyn lagula dagaallamo bararka iyo xataa kansarka. Daraasadaha qaar ayaa muujinaya xiriir la leh hoos u dhaca halista cudurrada wadnaha; inkastoo, dib-u-eegis ay sameeyeen cilmi-baarayaashu ay sheegeen inaysan jirin cilmi-baaris ku filan oo lagu sameeyay bini'aadamka si halkan looga soo saaro natiijo rasmi ah.
Caleenta dandelions-ku waxay sidoo kale hodan ku tahay aashitada phenolic-ga, flavonoids, fiitamiinnada (A, C, E, K iyo B) iyo macdanno (kaalsiyam, sodiyam, magnesium iyo bir).
Caleenta dandelions-ka waxaa laga cunaa adduunka oo dhan – iyadoo lagu darayo saladhka iyo maraqa, waxaa sidoo kale loo isticmaalo xawaash ahaan, laguna daro khamriga, ama loo cabo sidii shaah iyo bun ahaan.

























