Aabbe gacantiisa ku dilay laba carruur ah oo uu dhalay iyo falcelin xooggan oo ka dhalatay

Xigashada Sawirka, princessdlaf
Dilka laba carruur ah oo uu aabbahood ku dilay gobolka Giza ee dalka Masar ayaa dhaliyay falcelin ballaaran oo dalka ka dhacday.
Baaritaannadii hordhaca ahaa ayaa muujinaya in aabbaha, oo ahaa tababare jimicsi iyo daadihiyaha barnaamijyada telefishin, uu carruurtiisa si xun u garaacay, taasoo sababtay dhimashadooda.
Dhacdadan ayaa mar kale dib u soo nooleysay doodda ku saabsan tacaddiyada ka dhanka ah carruurta ee ka dhaca qoysaska dhexdiisa, xuduudaha iyo xaddidaadaha waxa loogu yeero "xaqa ciqaabta", iyo sidoo kale hababka jira ee carruurta lagu ilaalin karo marka mid ka mid ah waalidkood uu khatar ku yahay.
Maxaa dhacay?
Sida ay sheegayaan warbixinnada iyo xogta ay baahiyeen warbaahinta Masar, eedeysanaha oo 40 jir ah ayaa labadiisa carruur ah oo kala jira toddoba iyo sagaal sano jir ku garaacay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Talbiya ee gobolka Giza.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay bilaabatay kaddib muran dhexmaray aabbaha iyo labadiisa carruur ah, kaas oo ka dhashay markii uu aabbuhu ku eedeeyay inay lacago ka qaateen. Intaas kaddib ayuu si xun u garaacay carruurta, taasoo u geysatay dhaawacyo culus.
Warbixinnadu waxay sheegayaan in eedeysanuhu cunugga weyn geeyay isbitaalka, isaga oo ku andacooday inuu ku dhaawacmay shil gaari.
Cunugga ayaa isbitaalka lagu daweynayay muddo ku dhow 10 maalmood, balse ugu dambayn 13-kii Nofeembar ayuu u geeriyooday darnaanta dhaawacyadii soo gaaray.
Dhaawacyadii ka muuqday jirka carruurta ayaa shaki geliyay sheekadii aabbaha, taasoo keentay in ciidamada ammaanku ay baaraan duruufaha ku xeeran dhacdada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baaritaanno dheeraad ah ayaa lagu ogaaday in walaalkii ka yaraa ee cunugga uu isaguna dhintay, meydkiisana lagu aasay dhul saxare ah oo ku yaalla magaalada 6-dii Oktoobar.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in eedeysanuhu intii su'aalaha la weydiinayay uu qirtay inuu labadiisa carruur ah u garaacay si uu "u ciqaabo". Waxa uu sidoo kale ciidamada ammaanka tusay goobta lagu aasay meydka cunugga yar.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Masar ayaa amray in eedeysanaha la xiro inta baaritaanku socdo, waxaana lagu soo oogay dacwad ah dil ula kac ah oo horay loo sii qorsheeyay.
Baaritaannadu weli way socdaan, si loo caddeeyo dhammaan dhinacyada iyo faahfaahinta kiiskan.
Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta maxalliga ah ee Masar, eedeysanuhu waxay kala tageen hooyada labada carruur ah. Hooyadu waxay u guurtay gobolka Minya, halkaas oo ay la degtay qoyskeeda. Ninka ayaa markii dambe guursaday xaas kale, carruurna ay ugu dhasheen guurkiisa labaad.
War-saxaafadeed ay soo saaree shirkadda telefishinka, ayay ku cambaareysay dhammaan noocyada tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, waxayna caddeysay inay si buuxda u ixtiraamayso habka baaritaanka iyo go'aannada hay'adaha garsoorka.
Golaha Sare ee Masar u qaabilsan Nidaaminta Warbaahinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la joojinayo shaqadiisii elefishinkaasi ilaa dhammaadka bishan, si loo saxo loona habeeyo xaaladdiisa.
Ururka Shaqaalaha Warbaahinta ayaa isna sheegay in eedeysanuhu uusan xubin ka ahayn ururka, isla markaana uusan haysan ruqsad sharci ah oo uu si xirfadeysan ugu shaqeeyo.
Ururku wuxuu sheegay in ka soo muuqashadiisa telefishinka ay qayb ka tahay arrin Masar looga yaqaan "iibinta waqtiga baahinta". Tani waxay ka dhigan tahay in shakhsiyaad ama hay'ado lacag ku kireystaan saacado ka mid ah waqtiga baahinta telefishinka, si ay u baahiyaan barnaamijyadooda ama waxyaabaha ay iyagu diyaarsadeen, iyada oo hawlahaasi aysan khasab ahayn inay maraan isla shuruudaha iyo halbeegyada lagu qiimeeyo shaqada warbaahinta xirfadeed.
Dhacdadan ayaa timid xilli Golaha Sare ee Nidaaminta Warbaahinta uu kordhiyay tallaabooyinka uu kula dagaallamayo arrinta loo yaqaan "iibinta waqtiga baahinta".
Yaa carruurta ka ilaaliya tacaddiyada waalidkood?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dooddu kuma koobnayn faahfaahinta dembiga oo keliya, balse waxay sidoo kale dhalisay su'aalo ku saabsan hababka carruurta looga ilaalin karo tacaddiyada qoyska dhexdiisa, gaar ahaan marka qofka tacaddiga geystaa uu yahay waalidka, oo laga filayo inuu ilmaha siiyo badbaado iyo daryeel.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku baaqay in la soo sheego weerar kasta ama tacaddi kasta oo carruurta loo geysto, iyadoon loo eegin xiriirka ka dhexeeya ilmaha iyo qofka tacaddiga geystay.
Qaar kale ayaa ku baaqay in la adkeeyo ciqaabta la marsiiyo waalidiinta carruurtooda u adeegsada rabshadaha, iyagoo aaminsan in sharciyada hadda jira aysan si ku filan u ilaalin carruurta.
Sida ku cad xogta Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF), oo ku saleysan sahankii caafimaadka iyo tirakoobka dadweynaha ee Masar ee sannadkii 2014, boqolkiiba 93 carruurta da'doodu u dhexeyso hal ilaa 14 sano ayaa la kulmay nooc ka mid ah barbaarinta rabshadaha ku dhisan, ha ahaato ciqaab jireed ama tacaddi nafsi ah.
Telefonka caawimaada ee qaabislan carruurt Masar ayaa sannadkii 2025 helay ku dhowaad 584,809 wicitaan, kuwaas oo 27,700 ka mid ah ay ahaayeen warbixinno rasmi ah oo ku saabsan xaalado la soo sheegay.
Tiradaasi waxay muujinaysaa koror dhan boqolkiiba 29.3 marka loo eego sannadkii ka horreeyay.
Warbixinnada la xiriira carruurta khatarta ku jirta ayaa ka koobnaa boqolkiiba 88.5 dhammaan warbixinnada la gudbiyay.
Muxuu sharcigu ka yiri arrintan?
Dastuurka Masar ayaa dowladda ku waajibinaya inay daryeesho carruurta, kana ilaaliso dhammaan noocyada rabshadaha, tacaddiyada, si xun ula dhaqanka iyo ka faa'iidaysiga.
Sharciga Carruurta ayaa sidoo kale ka kooban qodobo ku saabsan ilaalinta carruurta khatarta ku jirta, wuxuuna qeexayaa habka ay u shaqeeyaan guddiyada ilaalinta carruurta ee heer gobol, degmo iyo xarumo maamul.
Guddiyadan waxaa mas'uuliyad ka saaran tahay inay la socdaan xaaladda carruurta khatarta ku jirta, isla markaana ay la shaqeeyaan hay'adaha ay khusayso si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalintooda.
Hase yeeshee, qodob ka mid ah sharciga oo muran dhaliyay marka laga hadlayo kiisaska tacaddiyada qoyska dhexdiisa ka dhaca ayaa ah Qodobka 60-aad ee Xeerka Ciqaabta Masar. Qodobkaasi wuxuu dhigaya in:
"Qodobbada Xeerka Ciqaabta aan lagu dabaqi karin fal kasta oo lagu sameeyo niyad wanaagsan, isla markaana ku jira xuduudaha xuquuq uu shareecadu aqoonsan yahay."
UNICEF ayaa warbixinteedii sannadkii 2024 ee ku saabsan xaaladda carruurta iyo dhallinyarada Masar ku sheegtay in sharciyada dalkaasi aysan si cad u mamnuucin dhammaan noocyada barbaarinta rabshadaha ku dhisan iyo ciqaabta jireed. Waxay sidoo kale xustay in xeerarka la xiriira "xaqa barbaarinta" ay caqabad ku yihiin samaynta ilaalin sharci oo cad oo carruurta loo sameeyo.

























