TOOS , Trump: Wada-hadallada Iran si wanaagsan ayay u socdaan, balse lama aamini karo

Trump ayaa yiri: “Wada-hadallada Iran haatan si wanaagsan ayay u socdaan, balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in aanay ahayn kuwo la aamini karo. Waxay galaan heshiisyo, kaddibna si fudud ayay uga baxaan ballanqaadyadooda!”

Tebin toos ah

Trump: Wada-hadallada Iran si wanaagsan ayay u socdaan, balse lama aamini karo.

  1. Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey

    Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia,

    Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu qarxo, “aagga uu dagaalku ka dhacayo uusan ku koobnaan doonin gobolka Galbeedka Aasiya”.

    Waxa uu intaas ku daray in “xarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka, meel kasta oo ay gaari karaan, ay noqon karaan bartilmaameedyo”.

    Isagoo ka hadlayay xoojinta diyaargarowga howlgallada milatari iyo cusboonaysiinta liiska bartilmaameedyada, Akraminia ayaa sheegay in dagaal cusub oo dhici kara uu noqon karo mid “aad uga dheer” kii hore.

    Afhayeenka ciidamada ayaa sidoo kale yiri: “Hannaanka lagu beddelayo istaraatiijiyadda difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, laguna qaadayo mid weerar ku dhisan, wuxuu billowday waqti hore, wuxuuna si dhab ah u muujiyay intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay.”

    Bogga rasmiga ah ee Mojtaba Khamenei ayaa shalay sheegay in kulan uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Iran uu ku amray inay si “degdeg ah oo aan xuduud juqraafiyeed ku xirnayn” uga jawaabaan khatar kasta oo cadowgu keeno.

    Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sidoo kale laga soo xigtay inuu sheegay in haddii Iran lagu qaado weerar cusub oo milatari ama mid “argagixiso”, ay iyadu go'aamin doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda.

  2. Netenyahu iyo Trump oo wadahadal telefoon yeeshay, maxay isla soo qaadeen

    Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khadka telefoonka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

    Sida uu wargeysku sheegay, wada-hadalku wuxuu dhacay xilli Washington ay isu diyaarinayso suurtagalnimada in dib loo bilaabo weerarrada ka dhanka ah Iran.

    Warbixinta Wall Street Journal ayaa imaanaysa kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mark Rubio, uu horay u sheegay in Donald Trump uusan weli go'aan ka gaarin weerar lagu qaado Iran.

    Wargeysku wuxuu sidoo kale tilmaamay cadaadisyada siyaasadeed ee wajahaya Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu, kuwaas oo ay ka mid yihiin saameynta dhaqaale ee dagaalka, sare u kaca qiimaha shidaalka ee Mareykanka, iyo xaqiiqda ah in Netanyahu uu wajahayo wada-hadallo muddo dheer qaadan kara oo ku saabsan dhismaha dowlad cusub.

  3. Xog la yaab leh oo uu sheegay madaxii hore ee hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad

    Subaxnimadii 13-kii Juun 2025, markii Israa'iil ay billowday weerarkeedii ka dhanka ahaa Iiraan intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday, waxaa la baahiyay muuqaal ay ku dhegganayd astaanta rasmiga ah ee sirdoonka Israa'iil ee Mossad. Muuqaalku wuxuu muujinayay saraakiil ka tirsan hay'adda oo diyaarinaya qalab milatari, si ay gudaha Iiraan u geeyaan una hawlgeliyaan.

    Sida ay sheegeen saraakiil Israa'iili ah, muuqaalladu waxay muujinayeen howlgal lagu beegsanayay nidaamka difaaca cirka ee Iiraan. Baahinta muuqaallada hawlgallada hay'ad sirdoon, gaar ahaan saacadihii ugu horreeyay ee dagaal, ayaa ahayd arrin aan caadi ahayn.

    In ka badan 16 bilood kaddib dagaalka, madaxii hore ee Mossad, David Barnea, ayaa hadda sheegay in hay'adda lafteedu ay si ula kac ah u baahisay muuqaalladaas.

    Waxa uu sheegay in ujeeddadu ahayd in ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay xiraan dad badan, iyaga oo isku dayaya inay aqoonsadaan wakiillada Israa'iil. Tallaabadaas ayaa adkaynaysay in la kala saaro wakiillada dhabta ah ee Mossad iyo dadka kale ee tuhmanayaasha ah.

    Sida ay baahiyeen warbaahinta Israa'iil, Barnea ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu jeediyay 22-kii Oktoobar. Waxa uu sheegay in tani ay ahayd sababta keentay in 21,000 oo qof lagu xiro Iiraan "maalintii labaad ee dagaalka".

  4. Xaaladda garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga oo war ka soo kordhay

    Sacuudiga

    Sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka, qiyaastii 94% duullimaadyadii ka ambabaxayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh intii u dhexeysay 10-kii iyo 27-kii Oktoobar ayaa la baajiyay, kaddib weerarradii Xuutiyiinta.

    Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay 10-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 12 qof, isla markaana sababay in mas'uuliyiintu hakiyaan howlihii garoonka diyaaradaha.

    Warbixinta ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ay sii xumeeyeen carqaladaha soo wajahay duulimaadyada gobolka, kuwaas oo horay u saameeyay dagaalka Iran.

    Dhanka kale, xogta dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee FlightRadar ayaa sidoo kale muujinaysa in ay weli jiraan carqalado dhanka duulimaadyada ah oo ka jira garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Fahad, kaas oo ku yaalla magaalada Dammam ee bariga Sacuudiga.

  5. Trump oo war ka soo saaray wadahallada Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada Iran ay haatan si wanaagsan u socdaan, balse uu sheegay in aan si weyn loo aamini karin mas'uuliyiinta Iran.

    Trump ayaa yiri: “Wada-hadallada Iran haatan si wanaagsan ayay u socdaan, balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in aanay ahayn kuwo la aamini karo. Waxay galaan heshiisyo, kaddibna si fudud ayay uga baxaan ballanqaadyadooda!”

    Isagoo sidoo kale wariyeyaasha kula hadlayay hoygiisa ku yaalla gobolka Florida, ayuu yiri: “Goobihii nukliyeerka ee Iran waa la burburiyay, waxaana haray hal ama laba goobood oo kale oo ay tahay inaan wax ka qabanno.”

    Hadalka Trump ayaa imaanaya kaddib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu horay u sheegay in Donald Trump uusan weli go'aan ka gaarin in weerar militari lagu qaado Iran iyo in kale.

    Dhanka kale, mas'uuliyiinta Iran ayaa Sabtidii sheegay in ay qaadi doonaan weerarro aargoosi oo culus haddii Mareykanku soo weeraro Iran.