Xildhibaan ay kamarooyiinka CCTV qabteen isaga oo xildhibaan kale taleefoon ka jeeb-siibaya

Xigashada Sawirka, Reuters
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Kenya, Moses Wetang'ula, ayaa ka sheekeeyay dhacdo uu xildhibaan lagu eedeeyay inuu telefoonka ka qaatay xildhibaan kale intii uu socday muran kulul oo ka dhex dhacay baarlamaanka, balse uu markii dambe falkaas beeniyay, inkastoo kamaradaha ammaanku duubeen.
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya Wetang'ula ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday xilli xiisad xooggan ay ka jirtay baarlamaanka, kaddib markii ay xildhibaannadu isku khilaafeen arrin.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in muuqaallada kamaradaha ammaanka ee CCTV la keenay xafiiskiisa, halkaas oo uu kula daawaday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka, Kimani Ichung'wah, iyo xildhibaano kale.
Sida uu sheegay Wetang'ula, muuqaalku wuxuu si cad u muujinayay mid ka mid ah xildhibaannada oo jeebka gashanaya telefoon uu lahaa xildhibaan kale.
Hase yeeshee, markii xildhibaanka loo yeeray lagana hor keenay muuqaalka, waxa uu beeniyay inuu telefoonka qaatay, inkastoo uu arkayay caddaynta muuqaalka ah.
"Waxaan aragnay xildhibaan jeebka gashanaya telefoonka xildhibaan kale. Waan u yeernay, balse gebi ahaanba wuu diiday, inkastoo uu kamaradaha ammaanka ka arkayay isaga oo telefoonka jeebka gashanaya," ayuu yiri Wetang'ula.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu xildhibaanka kula taliyay inuu dib uga fiirsado ficilkiisa, isla markaana damiirkiisa la xisaabtamo inta ka harsan muddada baarlamaanka.
"Waxaan ku iri inuu inta ka harsan muddadan la halgamo damiirkiisa, sababtoo ah waxaa jira waxyaabo aan laga filayn dadka xilalka noo haya," ayuu raaciyay.
Wetang'ula ayaa dhacdadan uga faa'iidaystay inuu xildhibaannada ugu baaqo inay ilaaliyaan daacadnimada iyo sharafta, kana fogaadaan falalka dhaawacaya sumcadda baarlamaanka.
"Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad noqotaan rag iyo dumar sharaf leh," ayuu yiri.
Arrintan uu shaaciyay gudoomiyaha golaha shacabka ee dalka Kenya ayaa waxaa si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaabka uu u shaqeeyo baarlamaanka kenya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baarlamaanka Kenya wuxuu ka kooban yahay laba aqal oo dastuurku ah, Golaha Shacabka (National Assembly) iyo Aqalka Sare (Senate).
shaqooyiinka ay golayaasha qabtaan ayaa waxaa ka mid ah.
• Sameynta Sharciyada: Wuxuu ka doodayaa, wax ka beddelaa, oo uu ansixiyaa hindise-sharciyeedyada ka hor inta uusan saxiixin madaxweynuhu.
• Kormeerka iyo La Xisaabtanka: Wuxuu la socdaa shaqada hay'adaha dowladda iyo wasaaradaha, wuxuuna wici karaa mas'uuliyiin si wax looga weydiiyo kharashaadka iyo fulinta siyaasadaha.
• Wakiilada Shacabka: Xildhibaannadu waxay gudbiyaan cabashooyinka, baahiyaha, iyo aragtiyaha dadweynaha ay matalaan.
Golaha shacabka ee baarlamaanka Kenya ayaa ka kooban 290 xildhibaan ee lasoo doortay iyo 47 dumarka ah ee laga soo doortay 47-da degmo ee Kenya iyo waliba 12-ka xildhibaan ee lasoo xulay sida uu qabo sharciga Kenya.
Sida ku cad Qodobka 98-aad ee Dastuurka Kenya, Aqalka Senate-ka wuxuu ka kooban yahay 67 xubnood, waxaana intaas dheer Guddoomiyaha Aqalka, taasoo tirada guud ka dhigaysa 68 xubnood.

























