Baarlamaanka Israa'iil oo mabda' ahaan ansixiyay hindise lagu dhisayo guddi baaritaan oo ku saabsan weerarkii 7-dii Oktoobar

Xigashada Sawirka, EPA
Baarlamaanka Israa'iil ee Knesset ayaa Arbacadii akhrinta koowaad ku ansixiyay hindise sharciyeed lagu dhisayo guddi baaritaan oo baara weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Hindisahan waxaa soo gudbiyay Gadi Eisenkot, oo loo xilsaaray inuu soo dhiso dowladda soo socota.
Hindisaha waxaa taageeray 65 xildhibaan, halka 50 kale ay ka soo horjeesteen.
Intii uu ku jiray ololihiisa doorashada, Eisenkot wuxuu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono dhismaha guddi baaritaan oo rasmi ah oo madax-bannaan, kaas oo baara fashilaadihii suurageliyay in Xamaas ay fuliso weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof.
Dowladda Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo xilka haysay xilligii weerarku dhacay, ayaa horay u diidday baaqyo ku saabsanaa in la dhiso guddi baaritaan oo rasmi ah oo madax-bannaan.
Taa beddelkeeda, waxay soo jeedisay in la sameeyo guddi ay ku jiraan wakiillo ka socda isbahaysiga talada haya iyo mucaaradka, iyadoo siyaasiyiintu ay soo magacaabayaan xubnaha guddiga.
Hindisaha sharciyeedka ayaa hadda loo gudbin doonaa mid ka mid ah guddiyada baarlamaanka si looga doodo, ka hor inta aan loo marin saddex akhrin oo kale. Haddii la ansixiyo, wuxuu noqon doonaa sharci dhaqan-gal ah.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay baarlamaanka Israa'iil ee Knesset, guddiga baaritaanka ee la soo jeediyay wuxuu ka koobnaan doonaa shan xubnood, waxaana waajib ku noqon doonta inuu soo saaro warbixin hordhac ah muddo sannad gudaheed ah laga bilaabo maalinta la dhiso.
Hindisaha sharciyeedka ayaa guddiga loogu qoondeeyay miisaaniyad dhan toddoba milyan oo shekel, oo u dhiganta ku dhowaad laba milyan oo doollar, si loo dhiso loona bilaabo hawshiisa.
War ay soo saartay xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Eisenkot ayaa lagu sheegay in dhismaha guddi baaritaan uu yahay "mid lama huraan u ah in runta la ogaado, lagana barto casharrada lagama maarmaanka u ah ilaalinta amniga Israa'iil."
Lieberman: Ma jirto sabab Israa'iil ay mustaqbalka dhow weerar keligeed ah ugu qaaddo Iiraan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hoggaamiyaha xisbiga Yisrael Beiteinu, Avigdor Lieberman, ayaa Arbacadii sheegay inaysan jirin sabab Israa'iil ay mustaqbalka dhow weerar keligeed ah ugu qaaddo Iiraan. Waxa uu sidoo kale su'aal geliyay ujeeddada dowladda ku-meelgaarka ah ee Israa'iil
Maalin kaddib markii wasiirka gaashaandhigga, Yisrael Katz, uu Tehran ku eedeeyay inay ka shaqaynayso samaynta hubka kiimikada.
Hadalka Lieberman, oo xulafo la ah Gadi Eisenkot oo loo xilsaaray dhismaha dowladda cusub, ayaa yimid maalin kaddib markii uu saxiixay heshiis uu kaga mid noqonayo isbahaysiga dowladda ee uu Eisenkot hoggaaminayo.
Lieberman ayaa ra'iisul wasaaraha xilka ka degaya, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirka gaashaandhigga Yisrael Katz ku eedeeyay inay "ku waalan yihiin awoodda", isagoo sheegay in arrintaasi ay sababtay inay "maskaxdooda lumiyaan".
Lieberman ayaa bartiisa X ku qoray in hadallada sheegaya in Iiraan haysato hub kiimiko ah ay yihiin "kuwo khatar ah". Hase yeeshee, waxa uu intaas ku daray in "aysan jirin sabab dhinaca sirdoonka iyo xaaladda dhulka ah midna ku salaysan oo Israa'iil ay mustaqbalka dhow weerar keligeed ah ugu qaaddo Iiraan".
Lieberman ayaa saadaaliyay in Eisenkot, oo hore u ahaa taliyaha guud ee ciidamada Israa'iil, uu dhowaan soo dhisi karo dowlad.
Waxa uu warbaahinta dowladda Israa'iil ee Kan u sheegay in dowlad leh aqlabiyad cad oo Yuhuud ah la dhisi karo dhammaadka toddobaadka soo socda.
Lieberman ayaa ka soo horjeeda in dowladda lagu dhiso codadka xildhibaannada ka tirsan bulshada laga tirada badan yahay ee Carabta ee ku jira baarlamaanka Knesset.
Netanyahu ayaa 18-kii bilood ee la soo dhaafay amray laba dagaal oo ka dhan ah Iiraan, isaga oo la kaashanayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Waxa uu sidoo kale sii waday hanjabaadaha ku saabsan in dagaalka dib loo bilaabo toddobaadyadii ka horreeyay doorashadii Israa'iil ee 27-kii Oktoobar.
Netanyahu ayaa ku guuldarreystay inuu helo aqlabiyad u saamaxaysa inuu sii ahaado ra'iisul wasaare.
Wararka ayaa sheegaya in Trump uusan weli oggolaansho ka bixin in dagaalka dib loo bilaabo, kaddib markii xisbigiisu uu guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dhexe ee Mareykanka ee la qabtay horraantii bishan.

























