Maskax qayb bini'aadam ah qaybna jiir ah oo lagu sameeyay horumar sayniseed oo cusub

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Victoria Gill
- Role, Weriyaha Sayniska
- Author, Kate Stephens
- Role, Weriye sare oo sayniska ah
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Saynisyahannada neerfaha ee Maraykanka ayaa si guul leh u sameeyay jiir lagu dhex daray unugyo bini'aadam ah oo si caadi ah uga shaqaynaya maskaxdooda.
Cilmi-baarayaashu waxay rajaynayaan in daaweyn suurtagal ah oo loogu talagalay cudurrada dhimirka iyo xanuunnada horumarinta neerfaha ee ku dhaca oo keliya bini'aadamka, hadda lagu tijaabin karo jiirkan lagu sameeyay shaybaarka.
Inkasta oo jiir maskaxdooda qayb ahaan bini'aadam tahay ay u ekaan karaan tijaabo u ek sheekooyinka khiyaali ah, saynisyahannadu waxay sheegeen in kuwani aysan ahayn "jiir u fikira sida bini'aadamka".
Xayawaankan ayaa hidde ahaan loo farsameeyay, sidoo kalena qalliin ayaa lagu sameeyay, si qayb ka mid ah unugyada maskaxdooda loogu beddelo unugyo bini'aadam ah.
Saynisyahannadu waxay sheegeen in cilmi-baaristooda, oo lagu daabacay joornaalka Nature, lagu sameeyay iyadoo si madax-bannaan loo hubiyay dhinacyada anshaxa.

Xigashada Sawirka, S Pasca/Stanford
Ujeeddada horumarkan cilmiyeed ee dhinaca anshaxa muranka badan ka taagan yahay ayaa ahayd in si wanaagsan loo fahmo bayoolajiga xanuunnada maskaxda ee aan hadda lahayn daaweyn wax-ku-ool ah.
Qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad laguma baran karo jiirka, sababtoo ah jiirku ma qaadaan qaar ka mid ah xanuunnada maskaxda ee ku dhaca bini'aadamka.
Sida uu shir jaraa'id ku sheegay cilmi-baaraha hormuudka ka ah arrintan, Prof Sergiu Pașca oo ka tirsan Jaamacadda Stanford, cilmi-baarista dhimirka ayaa leh "mid ka mid ah heerarka guusha ugu hooseeya ee tijaabooyinka caafimaad".
"Xitaa dawooyinka gaara heerka tijaabada caafimaad — kuwa u muuqda inay si wanaagsan uga shaqaynayaan tijaabooyinka xayawaanka — ayaa si weyn ugu fashilma tijaabooyinka bukaannada," ayuu shir jaraa'id ku sheegay. "Taasi waxay noo sheegaysaa in xog badan oo ku saabsan bayoolajiga bini'aadamka ay naga maqan tahay, helitaanka xogtaasna waxay noqon doontaa arrin lama huraan ah."
Cilmi-baarayaasha Stanford ayaa sheegay in xaaladaha adag qaarkood, oo ay ka mid yihiin suuxdinta, autism-ka iyo curyaannimada maskaxda, cilmi-baaristan ay yeelan karto awood ay ku keento "isbeddel weyn".
Pașca ayaa yiri: "Halkan waxaan ku haynaa nooc cusub oo cilmi-baaris ah oo noo oggolaanaysa inaan si dhab ah u fahanno qaybo ka mid ah shaqada maskaxda bini'aadamka, si aan horay loo awoodin."

Xigashada Sawirka, Luis Alvarez
Jiir aan lahayn 'maaddada cawlka'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maskaxda bini'aadanku waxay ka kooban tahay balaayiin unugyo ah oo isku xira malaayiin shabakadood, taas oo adkaynaysa in la fahmo sida ay u korto iyo waxa dhab ahaan ka dhacaya heerka unugyada marka ay wax khaldamaan.
Inkasta oo cilmi-baaristani aysan ahayn markii ugu horreysay ee neerfayaasha bini'aadamka lagu beero jiirka lagu farsameeyay shaybaarka, haddana saynisyahannadani waxay habkaas gaarsiiyeen heer cusub.
Ugu horreyn, waxay hidde ahaan wax uga beddeleen jiirka si ay u yeeshaan ku dhowaad waxba oo ka mid ah qolofka maskaxda ee iyaga u gaarka ah — kaas oo ah lakabka sare ee maskaxda, mararka qaarna loo yaqaan "maaddada cawlan". Qaybtani waxay mas'uul ka tahay fikirka heerka sare, xusuusta iyo dareemayaasha.
Kadib cilmi-baarayaashu waxay qaateen unugyo maqaarka ah oo laga helay bini'aadamka, waxayna "dib ugu habeeyeen" si ay ugu koraan qaybo unugyo ah oo u ek unugyada maskaxda.
Kuwani waa dhismeyaal loo yaqaan organoids — ma aha maskaxdoo dhan oo shaybaar lagu koriyay, balse waa ururro ka kooban unugyo nool oo isku xiran.
Markii organoids-kan lagu tallaalay maskaxda jiirkaka, unugyadu way kala qaybsameen oo waxay isu habeeyeen qaab waafaqsan shabakaddii maskaxda ee jiirka, iyagoo xiriir la sameeyay qaybaha kale ee maskaxda iyo xangullaha laf-dhabarta ee jiirka.
Qolofka maskaxda ee jiirka la tallaalay ma ahayn mid dhammaystiran — qolofka maskaxda ee caadiga ahi wuxuu samaysmaa isagoo leh lakabyo nidaamsan oo si habaysan u dhisan. Sida uu sheegay dhakhtar Ilary Allodi oo ku takhasusay cilmiga neerfaha, sawirrada laga qaaday maskaxahan isku dhafka ah ee bini'aadam iyo jiir waxay u muuqdaan "wax xoogaa isku dhex yaacsan".
Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood kadib, unugyada bini'aadamnku waxay bilaabeen inay u ekaadaan oo u shaqeeyaan sida lakabka sare ee maskaxda jiirka.
Qiyaastii lix bilood kadib qalliinka, saynisyahannadu waxay jiirka mariyeen tijaabooyin aasaasi ah oo lagu eegayo hab-dhaqankooda — iyagoo daawanayay sida ay ugu dhaqaaqayeen goob yar oo tijaabo ah oo miis saaran.
Pașca wuxuu sheegay inay u dhaqmeen "inta badan sidii jiirkii caadiga ahaa".
"Wax awood dheeraad ah kuma aysan yeelan," ayuu raaciyay.
Dr Sarah Chan, oo ah khabiir ku takhasustay anshaxa cilmiga noolaha kana tirsan Jaamacadda Edinburgh, oo aan qayb ka ahayn cilmi-baaristan, ayaa BBC News u sheegtay inaysan jirin "wax tilmaamaya in waxa halkan lagu abuuray ay yihiin jiir u fikiri kara sida bini'aadamka, ama maskax bini'aadam ah oo ku jirta jir jiir."
Hase yeeshee, waxay sheegtay in daraasaddu "nagu dhiirrigelinayso inaan ka fikirno waxa ay ka dhigan tahay marka aan billowno inaan beddelno awoodda garashada xayawaanka".
"Sideen ku ogaan karnaa waxa ay tahay in aad noqoto mid ka mid ah jiirarkan? Sideese arrintaas ugu tixgelin karnaa habka aan ula dhaqanno xayawaanka shaybaarka?" ayay intaas ku dartay.
'Barnaamij bini'aadamn ah oo ku shaqaynaya deegaan jiir'
Dr Ilary Allodi, oo ah saynisyahan ku takhasusay cilmiga neerfaha oo ka tirsan Jaamacadda St Andrews, isla markaana aan ka qayb qaadan cilmi-baaristan, ayaa sheegay in shaqada ay saynisyahannadu qabteen ay ahayd "mid aad u cajiib ah".
Gaar ahaan, Allodi waxay tilmaantay xaqiiqda ah in noocyo unugyo ah oo laga helo oo keliya maskaxda bini'aadamka iyo xayawaannada kale — balse aan laga helin maskaxda jiirarka — ay si iskood ah uga samaysmeen jiirka lagu tallaalay unugyadaas.
"Waxaad ku ilaalinaysaa barnaamijka bini'aadamka gudaha deegaanka jiirka — sidii in jiirku yahay qalab lagu koriyo unugyada," ayay BBC News u sheegtay.
Jiirkan, oo cilmi-baarayaashu sheegeen in hidde ahaan loo farsameeyay isla markaana lagu koriyay iyadoo la raacayo xeerar adag oo anshaxa iyo daryeelka xayawaanka ah, waxay u badan tahay in lagu isticmaalo tiro yar oo shaybaarro ah, si loogu sameeyo daraasado ku saabsan dhowr xanuun oo maskaxda ah oo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo.
Prof James Ainge, oo isaguna ah saynisyahan ku takhasusay cilmiga neerfaha kana tirsan Jaamacadda St Andrews, ayaa tilmaamay in inkasta oo horumarkani farsamo ahaan uu yahay mid aad u cajiib ah, haddana jiirkan laga yaabo inay leeyihiin "isticmaal xaddidan".
Wuxuu sheegay in arrintan qayb ka mid ah ay sabab u tahay "arrimaha anshaxa ee ka dhasha korinta unug maskaxeed bini'aadam oo nool oo ku dhex jira gudaha jiir iyo waxa ay taasi uga dhigan tahay waayo-aragnimada xayawaanka".
Allodi waxay tilmaantay in dhammaan saynisyahannada neerfaha ee daraaseeya maskaxda bini'aadamka ay la tacaalaan xaddidaadyo isku mid ah.
"Waxaan isku daynaa inaan fahanno cudurrada bini'aadamka, waxa aan haysannaa waa jiir, unugyo ku nool saxan shaybaar, iyo shabakado neerfayaal ah oo ku shaqeeya kombiyuutar.
"Sidaas darteed, tani waa waddo cusub oo cilmi-baariseed."















