Sida maskaxda duqsigu u sharxi karo hab-dhaqanka aadanaha

Duqsi

Xigashada Sawirka, getty

    • Author, Gwyndaf Hughes
    • Role, Periodista sénior de Ciencia
    • Author, Pallab Ghosh
    • Role, Corresponsal de Ciencia, BBC
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Saynisyahannadu waxay soo saareen khariidad faahfaahsan oo muujinaysa 124 milyan oo isku-xir ah oo ka dhexeeya dhammaan unugyada neerfaha ee ku jira maskaxda dukhsiga labka ah ee khudaarta ku nool.

Markii ay barbar dhigeen maskaxda dukhsiga dheddigga, waxay heleen kala duwanaansho ku jira isku-xirka neerfaha, kaas oo ay ku micneeyeen inuu yahay sababta ka dambeysa dhaqanka labnimada, sida shukaansiga iyo qaadista heesaha jacaylka.

Kooxda cilmi-baarayaasha waxay xaqiijisay in daraasaddan aysan sharraxayn farqiga u dhexeeya ragga iyo dumarka, maadaama dhaqanka aadanuhu uu aad u qotodheer yahay oo uusan fududayn.

Hasa ahaatee, cilmi-baaristan waxay ka caawin kartaa saynisyahannada inay si fiican u fahmaan hab-dhaqanka aadanaha iyo cudurada dhimirka ee uu keeno isbeddelka hidde-sidaha oo saameeya isku-xirka maskaxda, sida xaaladaha autism-ka oo ah xaalad qofka ku adkeysa xiriirka bulshada, iyo schizophrenia-ga oo ah cudur dhimir ah oo qofka ka dhiga inuu arko ama maqlo waxaan jirin.

Maskaxdu way ka saxsan tahay garaadka macmalka ah ee AI-ga

Professor Gregory Jefferis oo ka howlgala Shaybaarka Bayoolajiga Molecular-ka ee loo soo gaabiyo LMB, oo ka tirsan Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka ee MRC ee magaalada Cambridge, isla markaana ahaa hoggaamiyihii cilmi-baaristan, ayaa BBC-da u sheegay in guushan ay tahay "jid cusub oo aad muhiim u ah oo dhinaca cilmiga neerfaha ah", isagoo ku tilmaamay in muhiimaddeedu ay la mid tahay sidii markii mikroskoobka la alifay oo horumar weyn u horseeday fahamkeenna caalamka.

"Waxyaabo aad u yaab badan ayaan maskaxdeena ku sidnaa, kuwaas oo noo suurta gelinaya inaan qabanno hawlo cajiib ah, sida inaan ku garaacno muusiga sonata-ga ama inaan xallino caqabad cilmiyeed. Guulaha cilmi-baaristan oo kale waxay naga caawin karaan inaan fahanno sida nidaamyadaas yaabka leh u shaqeeyaan."

.

Xigashada Sawirka, Gwyndaf Hughes

Maskaxda Tixsigu waa mid xiiso leh oo la yaab leh. Inkastoo ay cabbir ahaan la eg tahay madaxa biinanka, haddana dhinacyo badan waxay kaga fiican tahay kombiyuutar aad u awood badan, waxayna ka gudbi kartaa nidaamyada ugu horumarsan ee sirdoonka macmalka ah ee AI-ga.

Kooxda Jefferis iyo dadkii la shaqeynayay waxay si qoto dheer u eeg-eegeen neerf walba, waddo kasta oo xog isugu gudbiso, iyo isku-xir kasta oo ku jira maskaxda Tixsiga labka ah ee khudaarta cuna, waxayna xubnahaas oo dhan ku soo bandhigeen qaab muuqaal 3D ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laba sano ka hor, isla kooxdan cilmi-baarayaasha ah waxay diyaarisay khariidaddii maskaxda Tixsiga dheddigga ah, taasoo ahayd qayb ka mid ah hadafkoodii ugu weynaa oo ahaa inay isbarbardhigaan maskaxda labka iyo dheddigga. Tallaabadanina waxay ahayd guul weyn oo laga gaaray dhanka cilmiga neerfaha.

Cilmi-baaristu waxay ogaatay in ku dhawaad 95% unugyada ku jira maskaxda Tixsiga labka ah iyo kan dheddigga ah ay isku mid yihiin.

Hase yeeshee, 5%ka soo haray ayaa ku filan inuu keeno dhaqan gebi ahaanba kala duwan, sida ay sheegtay Isabella Beckett, oo ka mid ah qorayaasha ugu muhiimsan ee warbixinta cilmi-baaristan oo toddobaadkan lagu daabacay joornaalka caanka ah ee Cell.

"Waxaan filaynay inaan heli doono farqi, waana helnay, aad ayaan ugu faraxsanahay natiijooyinkaas," ayay tiri Beckett.

Marka hore ee la eego, maskaxda Tixsiga labka iyo dheddigga waxay u muuqdaan kuwo isku mid ah oo aan lagu kala saari karin muuqaalka dibedda. Laakiin markii si qoto dheer loo baaray sida ay u shaqeyso gudaha, kooxdu waxay ogaatay inay jiraan farqiyo yaryar oo keena isbeddel weyn oo xagga dhaqanka ah.

Tusaale ahaan, xilliga shukaansiga, Tixsiga labka ah wuxuu daba socdaa dheddigga isagoo si gaar ah u eegaya dhaqdhaqaaqeeda.

Cilmi-baarayaashu waxay heleen wareegyada maskaxda ee xakameeya dabeecaddan waxayna ogaadeen farqi weyn oo ku jira qaab-dhismeedka neerfayaasha. Labku wuxuu leeyahay qalab dheeraad ah oo u gaar ah kaasoo hagaajiya habka uu wax u arko.

Farqiga ugu weyn wuxuu ku jiraa wareegyada neerfaha ee la xiriira dagaalka iyo gardarrada.

Tixsiga labku marar badan ayuu dagaalamaa, sidaas darteed wuxuu leeyahay isku xirnaan badan oo neerfaha ah oo la xiriirta dagaalka marka loo eego dheddigga.

Waxaa kale oo jira wareegga loo yaqaan "heesta jacaylka".

Labku wuxuu dheddigga ku shukaansadaa isagoo soo saaraya cod gaar ah. Wuxuu leeyahay nidaam neerfayaal u gaar ah oo codkaas soo saara.

Sida uu sheegay Philipp Schlegel oo ka tirsan LBM isla markaana ah qoraaga wada-jirka ah ee cilmi-baaristan, codkan waa inuu u shaqeeyaa si sax ah oo aan cillad lahayn, haddii kale natiijada labka miskiinka ah waxay noqon doontaa mid xun.

"Shukaansigu wuxuu kaloo ku lug leeyahay labka oo qoob-ka-ciyaaraya dheddigga hortiisa isagoo u heesaya," ayuu sharaxay. "Codka waxaa lagu soo saaraa ruxitaanka baalasha si loo sameeyo hees gaar ah."

"Haddii dheddiggu ay heesta jeceshahay, waxay asal ahaan u oggolaaneysaa inuu u soo dhawaado, haddii ay dooneyso inay xiriirka sii wadato. Haddii aysan rabin xilligaasna, asal ahaan way eryi doontaa, laga yaabee xitaa laad ayay ka siin doontaa wajiga."

Saddexdan farqi ee ku jira nidaamka isku xirka neerfaha ee u dhexeeya Tixsiga labka iyo dheddigga waxaa go'aamiya laba hidde-side oo muhiim ah.

Cilmi-baarayaashu hidde-sidayaashan way yaqaaneen muddo sannado ah waxayna fahmaan sida ay ula xiriiraan mid kasta oo ka mid ah dhaqammadan.

Waxa aysan waligood hore u arkin waa heerka dhexe ee sida ay wax u dhacaan. Hadda, markii ugu horreysay, waxay si cad u arki karaan nidaamka isku xirka neerfaha ee ka dhasha hidde-sidayaashan.

Ujeedka ugu weyn ee cilmi-baaristu ma ahayn in la ogaado farqiga u dhexeeya Tixsiga lab iyo dheddig, hubaalna ma ahayn in la raadiyo sharraxaad neerfaha ah oo ku saabsan farqiga dhaqan ee lagu eedeeyo ragga iyo dumarka.

Sida ay qabto Beckett, isbarbardhigga laba maskaxood oo leh farqi yar oo ku jira isku xirkeeda, taasoo la xiriirta farqi weyn oo la yaqaan oo dhinaca dhaqanka ah, waxay u suurtagelinaysaa saynisyahannada inay si cad u arkaan mabda'a sababa isbeddelka ku yimaada nidaamka isku xirka maskaxda ee la xiriira dhaqan kasta.

"Waxaad haysataa hal qodob oo madax-bannaan, jinsiga, ka dibna waxaad arki kartaa waxa kala duwan. Tani waa riyada saynisyahanka."

Saameynta hidde-sidaha

Kala duwanaanshahan waa tallaabo weyn oo horumar ah oo ay saynisyahannadu ku fahmayaan mid ka mid ah su'aalaha ugu muhiimsan ee bayoolajiga, taasoo ah sida hidde-sidayaashu u saameeyaan dhaqanka.

Saynisyahannadu waxay fahamsanaayeen muddo tobanaan sano ah in hidde-sidayaashu ay saameyn leeyihiin, laakiin si sax ah uma aysan ogeyn sida ay u sameeyaan.

Sida uu qabo Jefferis, jawaabtu waxay ku jirtaa sida hidde-sidayaashu u sameeyaan isku xirka neerfaha ee maskaxda iyo sida isku xirkaas uu u saameeyo dhaqanka.

"Isbarbardhiggan maskaxda Tixsiga wuxuu naga caawinayaa inaan si wanaagsan u fahamno," ayuu BBC u sharaxay.

"Waxaa jira habab dhaqan oo ku jira aadanaha oo u muuqda inay leeyihiin aasaas hidde oo xoog leh. Tusaale ahaan, marka laga hadlayo schizophrenia-ga oo ah cudurka dhimirka ee qofka ka dhiga inuu maqlo waxaan jirin, waxaa jira noocyo badan oo kala duwanaansho hidde ah oo la xiriira autism-ka oo ah xaaladda ka dhigta qofka inuu ku adkaado xiriirka bulshada, iyo cilladaha la xiriira autism-ka, kuwaas oo aan weli si buuxda u fahmin."

.

Xigashada Sawirka, MRC

Qoraalka sawirka, Nidaamka fiilooyinka ku jira maskaxda Tixsiga dheddigga ayaa la dhammeystiray laba sano ka hor

Wuxuu kaloo ku daray in ay jirto suurtagalnimada in barnaamijyo lagu hagaajiyo Sirdoonka Macmalka ah ee AI-ga iyo xoojinta nidaamyada kombiyuutarka.

"Si loo gaaro heer hufnaan AI ah oo u dhigma kan maskaxdeena, waxaan u baahan karnaa dhiirigelin dheeraad ah oo ka timaadda nidaamyada noolaha. Dhiirigelintaas oo laga yaabo inay aad muhiim u tahay waa, xaqiiqdii, sawirro dhab ah oo muujinaya qaab-dhismeedka shabakadda neerfaha ee noolaha," ayuu sharaxay.

"Dadka qaarkiis waxay ku daraan nidaamka maskaxda Tixsiga shabakadaha sirdoonka macmalka ah waxayna isku dayayaan inay arkaan haddii ay caawin karto, bixiso aragtiyo, iyo xakameynta nidaamyadaas."

Saynisyahanno kale oo ka qayb qaatay cilmi-baaristan waxay ka tirsan yihiin HHMI Janelia Research Campus, Kooxda Drosophila Connectomics ee Jaamacadda Cambridge, Google Research, iyo Champalimaud Foundation.