Dowladda Kenya oo sheegtay in dad ku hoos jira burburka dhismaha Islii xiriir lala sameeyay

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa weli socda howlgallada lagu baadi-goobayo dadka la rumeysanyahay in ay ku hoos jiraan dhismaha shalay ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, oo ka hadlay dhismaha ayaa sheegay in xiriir lala sameeyay dad ku hoos jira burburka.
"Ilaa iyo hadda sida ay noo sheegeen kooxaha badbaadada, todoba qof ayaa la la' yahay. Balse warka wanaagsani waxa uu yahay, sida ay noo sheegeen kooxaha badbaadada oo ay ku jiraan kuwa dowladda ee heer qaran iyo kuwa heer gobol iyo Laan-qayrta Cas, qaar ka mid ah dadka ku jira burburka hoostiisa ee wali nool ayaa xiriir lala sameeyay. Waxaana la sameynayaa dadadaal kasta oo iyaga oo nool meesha looga soo badbaadinayo. Xiriirkaas wuxuu na siinayaa rajo ah in dhamaantood nolol looga soo saari doono goobta".
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baariitaan la xiriira sababta burburka uu socdo balse howsha hadda taallo ay tahay samatabixin.
"Waxaan ku dhiiri galineynaa dhammaan muwaadiniinta Kenya iyo dadka deggan Islii ee ay ka maqan yihiin dadkooda una maleynaya in dhismahaan ay ku hoos jiraan in ay la xiriiraan numberka 1199, si ay u sheegaan in qofi ka maqan yahay. Sidoo kale, waxaan ogsoonnahay in xilligaan dad badan oo reer Kenya ah ay is waydiinayaan waxa sababay burburka dhismahaan. Waxaan hubineynaa in baaritaanadu ay sii socdaan, ayna baaritanka sameeyaan dhowr haayadood oo kala duwan... hadda waxaan diiradda saareynaa wajiga badbaadinta dadka iyo in aan sii wadno inaa taageerno kooxaha badbaadada ee halkaan ku sugan".
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay aqoon iyo farsamo si loo dhameeyo howlaha samatabixinta.
"Waa howlgal badbaado oo halistiisa leh. Sida aad u jeedaan burburku wali goobta ayuu yaalaa, sida aad arki kartaan waa aag aad u halis badan, waxay u baahan tahay aqoon badan oo farsamo si loo xaliyo".
Wasiirka arrimaha gudaha, Kipchumba Murkomen, wuxuu kaloo sheegay in la ciqaabayo kuwa siiya ruqsadda dhismayaasha ka hooseeya heerkii loo baahnaa.
"Waxaa muhiim ah in waaxaha ku shaqada leh heer qaran iyo heer gobolba ay qiimayn ku sameeyaan dhismayaasha. Kuwa qiimaynta ku sameeyay goobaha dhismaha ee siiyay qiimeyn sheegaysa in ay caafimaad qabaan iyaga oo og in dhab ahaantii dhismuhu uu ka hooseeyo heerkii loo baahnaa, waa in loo ciqaabaa xirfadooda, waana in xayiraad looga soo rogaa dalkeena, hadii ay yihiin injineero ama farsmayaaqano tignoolajiga dhismaha iyo cid kasta oo masuul ka ah shaqadaan. Waa in lala xisaabtamo hadii lagu cadeeyo in ay dambiga wax ku leeyihiin".
Wasiirka waxa uu sheegay in 67 qof oo dhismaha ka shaqeynayay markii uu dumay ay badqabaan balse waxaa la sheegay in qof ka mid ah shaqaalaha uu dhawacmay kaddibna loo qaaday isbitaalka.
Wasiirka waxa uu sheegay in 11 dukaan oo ku yaalay qeybaha hoose ee dhismaha ay shaqeynayeen markii uu dhismaha soo dumay.

Xigashada Sawirka, Cumar goob-jooge
Goobjooge la hadlay BBC-da ayaa sheegay in argagax uu ka jiray aagga kaddib markii uu dhismuhu dumay, ayna ahayd xilli ay dadku aad u mashquulsanaayeen kana soo baxeen salaadda Jimcaha.
"Waxay ahayd dhacdo argagax leh, dadka meesha jooga dhanna way wada naxeen" ayuu yiri.
Dabaqa ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo weli dhismahiisu socday ayaa la rajeynayay in dhawaan la dhameeyo.
Cumar Axmed oo ah isku duwaha guddiga ganacstada xafaada Islii oo ku sugnaa goobta dhismuhu ku dumay ayaa BBC-da u sheegay in dhismaha dabaqa ee dumay uu ka koobnaa ilaa dhowr iyo toban dabaq.
Wuxuu intaas ku daray in dukaamadii ku yaallay dabaqa hoose ay furnaayeen, dadna ay gudaha ku jireen markii uu dhismuhu dumayay.
Wuxuu sidoo kale xusay dad qorsheynayay in ay u guuraan dhismaha ay ku jireen dadkii booqanayay.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay dhacdadan iyo tirada dadka waxyeelladu soo gaartay.

























