Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?

Taliban Ministry of Mines and Petroleum

Xigashada Sawirka, Taliban Ministry of Mines and Petroleum

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.

Xafladda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Arrimaha Dhaqaalaha ee xukuumadda Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, iyo ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Afghanistan, Zalmay Khalilzad.

Heshiiska waxaa si wadajir ah u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban, Hidayatullah Badri, iyo Madaxa Fulinta (CEO) ee shirkadda Delta International, Shahir Al-Taqqi.

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Taliban ayaa sheegtay in aagga Kashk-Tirpul uu daboolayo baaxad dhan qiyaastii 22,000 oo kiiloomitir oo laba-jibbaaran, isla markaana inta badan kheyraadka ku jira aaggan oo ku yaalla gobollada Herat iyo Badghis uu yahay gaas dabiici ah.

Sida ay sheegtay wasaaraddu, shirkadda Delta International ayaa maalgelin doonta 200 oo milyan oo doollar marxaladda koowaad ee sahaminta iyo ka faa'iidaysiga toddobo goobood (blocks) oo laga helo gaaska. Muddada sahaminta aaggan ayaa loo qorsheeyay siddeed sano, halka muddada heshiiskuna ay tahay 25 sano.

Waxaa la filayaa in sahaminta iyo soo-saarista goobtan ay dabooli doonto baahida gaaska ee Afghanistan, isla markaana billaabidda shaqada mashruucan ay fursado shaqo u abuuri doonto dad badan oo reer Afghanistan ah oo shaqo la'aan ah.

Zalmay Khalilzad ayaa sheegay in saxiixa heshiiskan uu muujinayo in Afghanistan ay diyaar u tahay inay soo jiidato maalgashi, isagoo raaciyay, "Waddankani wuxuu awooday inuu soo jiito maalgashi ballaaran oo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta khayraadkiisa dabiiciga ah, gaar ahaan gaaska, iyo sidoo kale gaadiidka iyo dhoofinta gaaskan ee loo dhoofinayo dibadda Afghanistan."

Kani ma aha markii ugu horreysay ee Khalilzad uu la kulmo saraakiil ka tirsan Taliban iyo madaxda shirkadda Delta International. Sannadkii hore, Shahir al-Taqee ayaa magaalada Kabul kula kulmay Mullah Abdul Ghani Baradar, iyadoo uu goobjoog ahaa Khalilzad, waxayna ka wada hadleen arrimaha ku saabsan sahaminta iyo soo-saarista shidaalka iyo gaaska iyo weliba horumarinta dhuumaha gaaska.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay taasi jirto, wadahadalka u dhexeeya shirkaddan Sucuudiga ah iyo xukuumadda Taliban