'Shaqadaydu waa inaan uur u qaado haweenka aan uur yeelan karin'

Lorna
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Lorna Fidelia waxay ka shaqaysaa sidii hooyo oo kale balse doorkeedu uu ku egyahay in ay uurka ku qaaddo ilmo dad kale. Waxay dhowr sano ka hor qaadday uurka saddex-mataano ah, haddana waxay doonaysaa inay mar kale ilmo qaaddo.

Lorna waxay ka mid tahay haweenka u guntaday shaqadan si ay u caawiyaan qoysaska aan carruur dhali karin.

"Waxaan ka fikiray sida aan u ahaa hooyo keligeed-jir ah oo carruurteeda korisa muddo sanado badan ah. Waxaan ka fikiray naftayda iyo carruurtayda intaba. Waan shaqeeyaa inkastoo lacagtu aysan nagu filnayn, balse waxaa jira qof aan carruur lahayn oo hanti haysta—awood u leh bixinta kirada, cuntada, iyo kharashka waxbarashada —hase yeeshee aan ilmo haysan. Waxaan arkay inaan caawin karo qof aan carruur lahayn, isla markaana aan naftayda iyo carruurtaydaba ​​caawin kara," ayay tiri Lorna Fidelia.

Ka hor inta aysan aqbalin qaadista uurka, haweeneyda uurka qaadaysa iyo waalidka ilmaha iska leh waxay kala saxiixdaan heshiis sharci ah. Heshiiskaas, waxay ku heshiiyaan lacagta iyo shuruudaha, sida in aysan haweeneyda uurka qaadday xaq u lahayn inay ilmaha qaadato marka la dhalo ka dib.

Intaas ka dib, hawsha oo dhan waxay ka bilaabataa isbitaalka, halkaas oo khabiir ku takhasusay arrimaha dhalmada uu baaritaan ku sameeyo waalidka, kana soo saaro unugyada taranka (ukunta iyo shahwada), ka dibna uu baaro caafimaadka haweeneyda uurka qaadaysa, ugu dambeyntiina uu sameeyo tallaalka ama gelinta uurjiifka.

Dr. Susan Karanja, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha hooyada uurka u qaadda qof kale oo ka howl-gasha Isbitaalka Nairobi West ee magaalada Nairobi, ayaa sheegtay in dalka Kenya ay tahay in haweeneydaas ay da'deedu u dhaxayso 25 ilaa 45 sano, isla markaana ay marto baaritaanno caafimaad ka hor inta aan la aqbalin.

"Haweeneydan uurka qaadaysa waxay mareysaa habraac baaritaan caafimaad. Waxaa la hubinayaa xaaladdeeda caafimaad iyo in dhiiggeedu uu yahay mid caadi ah; marka aan taas dhammeynno, dhakhtarku wuxuu hubinayaa xaaladda ilmo-galeenka si loo xaqiijiyo inuu yahay mid wanaagsan. Marka aan soo saarno ukumaha, ninkuna uu soo saaro shahwada, waxaan isku darnaa shahwada iyo ukumaha haweeneyda, kadibna waxaan haweeneyda uurka qaadaysa u wareejinnaa xarunta daryeelka uurka."

Marka la sameeyo ilmo beeritaanka, haweeneyda uurka leh waxay u baahan tahay inay nasato oo aysan qaban shaqooyin culus si uusan uurku khatar u gelin .

Waxaa jira faa'iidooyin dhaqaale oo laga helo qaadista uurka, maadaama waalidku ay haweeneyda uurka leh siiyaan lacag bille ah oo ay daboolaan baahideeda maalinlaha ah. Lorna ayaa ka faa'iideysatay markii ay qaadday uurka saddex-mataano ah.

'Haddii ay jirtay xilli aanan u baahnayn inaan ka walwalo cuntada, kharashka dugsiga ama kirada guriga, waxay ahayd xilligaas.'

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lacagaha la siiyo haweenka uurka u qaada dadka kale ee Afrika ayaa u muuqda kuwo aad u hooseeya marka la barbar dhigo waddamada horumaray.

Tusaale ahaan, dalka Mareykanka, habkan ayaa faa'iido u yeelan kara haweeneyda uurka qaadaysa, iyadoo heli karta lacag u dhaxaysa $120,000 iyo $220,000 halkii uurba.

Dalka Kenya, sharcigu ma ogola bixinta lacagahaas, marka laga reebo lacag lagu muujinayo mahadcelinta waalidka; lacagtaas oo ka bilaabata ugu yaraan kun doollar bishii si loo daboolo baahiyaha haweeneyda uurka leh, ilaa siddeed kun oo doollar, iyadoo ku xiran xaaladda.

Magaalada Nairobi waxaa ku yaalla 15 xarumood oo lagu daweeyo dhibaatooyinka dhanka taranka. Habka bacriminta shaybaarka (IVF) iyo habka haweeneyda kale ay uurka ugu qaaddo qof kale ayaa caan ka noqday Afrika ka dib markii ay hoos u dhacday heerka taranka boqolkiiba 37.

Inkastoo xaaladdu ay si wanaagsan ugu toostay Lorna, haddana dadka kale ayaa la kulmay dhibaatooyin ay sababeen dillaaliinta ku xira waalidka doonaya adeeggan.

Dillaaliintan ayaa ugu dambeyntii qaata lacag aad u badan oo laga qaaday waalidka adeegga doonaya, halka haweeneyda uurka qaaddayna ay helayso lacag aad u yar.

Waxaa sidoo kale jira khilaafyo dhexmari kara waalidka iyo haweeneyda uurka qaadday, tusaale ahaan, haddii haweeneydu ay diido inay wareejiso ilmaha.

.

Ayieta Lumbasyo, oo ah qareen ku takhasustay xuquuqda taranka, ayaa sharraxaysa in la'aanta sharciyo nidaamiya teknoolojiyadda taranka ee dalal badan oo Afrikaan ah ay sababtay dhibaatadan.

"Waxaad arkaysaa in gabadhu aysan fahamsanayn waxa ku qoran heshiiska. Sharci La'aanta waxay keentaa in qofku uusan garanayn waxa la filan karo. Gabdhaha ayaa lacag laga dhacaa... qof ayaa kula heshiiya 700,000, laakiin marka la furo heshiiska, qof kale ayaa sheegaya inay tahay 400,000." – Ayeta Lumbasyo.

Dalalka sida Kenya, Uganda iyo Tanzania ma laha sharciyo ku saabsan teknoolojiyadda caawisa taranka. Dalka Kenya, waalidiinta waxaa lagu qasbaa inay si rasmi ah u qaataan carruurtooda isla marka ay dhashaan ka dib; waa hab qaata waqti dheer maadaama ilmaha lagu diiwaangeliyo magaca hooyada dhashay.

Hase yeeshee, Kenya ayaa hadda ku jirta marxalad ay ku meelmarinayso sharci ilaalinaya teknoolojiyadda taranka. Sharciga cusub ayaa meesha ka saaraya shuruudda ah in waalidku ay ilmaha si rasmi ah u qaataan (adoption) dhalashada ka dib, beddelkeedana wuxuu u oggolaanayaa waalidka inuu ilmaha qaato isla marka uu dhasho.

Waqtigan xaadirka ah ee Kenya, waalidiinta waxaa lagu qasbaa inay si rasmi ah u qaataan ilmaha cusub ee u dhashay sababtoo ah magacyada lagu diiwaangeliyay isbitaalka waa kuwa hooyada kale ee ilmaha u sidday (surrogate mother).

Qareenada ayaa qabta aragti kale oo ah in arrintani ay fududeyn karto in carruurta la afduubto.

"Dhibaatada ku jirta hindise-sharciyeedkaas ayaa ah inuu abuuri karo fursado dadka ay carruurta ku xadaan. Waxaan kaliya doonaynaa inay meesha ka saaraan dhibka ka haysta qofka inuu qaato ilmihiisa."

Inkastoo ay jirto ceeb ama dhaliil bulsho oo ku wajahan dadka isticmaala hababka taranka, haddana teknoolojiyadda caawisa taranka ayaa si weyn ugu sii fideysa Afrika; balse iyadoo aysan jirin sharciyo ku filan, qaybtan ayaa sii wadi doonta inay wajahdo muran iyo caqabado.