Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?

Ciidamada Israa'iil
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.

Buuqa ka dhashay buurahan istiraatiijiga ah ee ku yaalla meel sare oo laga arki karo deegaannada ku hareeraysan ayaa laga yaabaa inuu tilmaamayo in la wareegistoodu — haddii la xaqiijiyo — ay tahay tallaabo kale oo ka mid ah horumarka tartiib-tartiibka ah ee Israa'iil ay ku galayso dhulka Lubnaan iyo ballaarinta qabsashada ay ku hayso gobollada koonfureed ee dalka; horumar kaas oo socda iyadoo isla markaasna la xoojinayo oo la xasilinayo qabsashadaas milatari.

Dhanka kale, hadallada iyo aragtida Israa'iil ayaa iyaguna si tartiib-tartiib ah isu beddelay; laga soo bilaabo xoojinta baahida loo qabo abuurista waxa loogu yeero "suunka amniga," ilaa ballaarinta waxa dukumeentiyada rasmiga ah ee Israa'iil loogu yeero "aagga amniga," ugu dambeyntiina ilaa hadallada Wasiirka Difaaca Israa'iil oo ku dhawaaqay in la wareegista Buuraha Cali Dahir ay "tilmaamayso dhammaystirka marxaladda lagu xoojinayo gacan ku haynta aagga amniga."

Inkastoo hadalladani aysan si toos ah u macnaheedu ahayn in la joojiyay ballaarinta dhulka ay Israa'iil ka haysato koonfurta Lubnaan, haddana waxay muujinayaan muhiimadda weyn ee dhanka milatariga ah ee ciidamada Israa'iil ay u hayaan goobtan.

Ihab Hamadeh, oo ah wakiilka Xisbullah ee baarlamaanka Lubnaan, ayaa isku dayay inuu hoos u dhigo muhiimadda arrintan. Wuxuu sheegay in Buurta Ali Taher, "sida meel kasta ama buur kasta oo kale oo ku taal koonfurta Lubnaan, ay leedahay qiimo u gaar ah oo dhanka jiritaanka iyo mid barakeysan ah, balse la wareegista Israa'iil ee buurtaas ma aha musiibo milatari, mana aha dhammaadka arrinta."

Wareysi ay la yeelatay Idaacadda Sputnik, Hamadeh ayaa su'aal ka keenay sheegashada Israa'iil ee ku aaddan inay gacanta ku hayso Ali Taher, isagoo yiri: "Sidee ayay cadowga Israa'iil u sheegan karaan inay la wareegeen Buurta Ali Taher iyagoo weli si joogto ah u duqeynaya? Tani waxay dhacaysaa iyadoo Israa'iil ay goobtaas ku hayso awood dhanka cirka ah ama ay go'doomin dhuleed kaga hayso dhinacyada oo dhan, iyadoo aan ciidankeedu awoodin inay gudaha u galaan goobta ama ay si toos ah dhulka ugu qabsadaan."

BBC-da ayaan awoodin inay si madax-bannaan u xaqiijiso sheegashada Israa'iil ee ku saabsan inay la wareegtay gacan ku haynta hawlgallada ee Buurta Ali Taher.

Buurta Ali Taher waxay ku taal waqooyiga Webiga Litani, iyadoo jooggeedu yahay 600 oo mitir ka sarreeya heerka badda, waxayna qiyaastii 15 kiiloomitir u jirtaa xadka. Buurahaas ayaa ka dul-muuqda qayb weyn oo ka mid ah gobolka Nabatiyeh, waxayna u adeegaan sidii xarun isku xirta aagagga xadka ee koonfurta Lubnaan iyo gobolka Al-Tuffah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka gudub qaybta waxyaabaha ugu badan la daawaday oo sii wad akhriska

Jeneraal Fadi Dawood, oo ah sarkaal ciidan oo hawlgab ah, ayaa sheegaya in Buurta Ali Taher ay tahay "marinka dhex-galka, taas oo ka dhigan albaab ama marin loo maro meelo kale oo ku yaalla koonfurta."

Wuxuu yiri: "Haddii Israa'iil ay doonayso inay ballaariso hawlgalladeeda milateri, waxay ka bilaabi doontaa albaabkan. Halkaas ayay ka geli kartaa qaybta ugu dambaysa ee koonfurta, taas oo ka bilaabanta Webiga Zahran ilaa Webiga Awli; iyadoo qabsanaysa buuraha gobolka Al-Tuffah—oo ah saldhigga ugu dambeeya ee Xisbullah ku leedahay koonfurta Lubnaan—ayay awood u yeelan doontaa inay maamusho Webiga Awli."

Sida ay sheegeen saraakiisha Israa'iil, Xisbullah ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dhistay shabakad ballaaran oo casri ah oo godad dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla Buurta Ali Taher, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kaabayaasha milateri ee ururka. Maamulka Xisbullah ee buurtaas ayaa sidoo kale u suurtageliyay inay gantaallada gaaban iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ku garaacaan waqooyiga Israa'iil.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale warisay, saacado ka hor inta aysan Israa'iil soo saarin ku dhawaaqisteeda, in Iiraan ay u sheegtay Mareykanka inay si xooggan uga jawaabi doonto weerar kasta oo lagu qaado Ali Taher.

Inkastoo ay jiri doonaan doodo badan oo ku saabsan xaaladda cusub ee ka dhalatay koonfurta Lubnaan xilliga "ka dambeeya Ali Taher"—oo ay ku jirto hirgelinta waxa Israa'iil ugu yeerto "xornimada tallaabo qaadista ka hor inta uusan cadowgu weerarin" (preemptive intervention)—haddana hal shay ayaa hubaal ah: Buurta Ali Taher waxay noqotay goob iska horimaad siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo la mid ah midda dagaal milateri; inkastoo dagaalkani uusan noqon mid ay ka dhaceen iska horimaadyo milateri oo toos ah oo dhaqameed.

Marka la eego dhinacan, waqtiga ay Israa'iil ku dhawaaqday inay la wareegtay aaggan ayaa si taxaddar leh loo qiimeeyay, maadaama ay u keeni karto faa'iido siyaasadeed oo gudaha ah xilligan, iyadoo xukuumadda Benjamin Netanyahu ay wajahayso caqabado badan, doorashooyinkii Israa'iilna ay soo dhowaanayaan.

Ku dhawaaqistan ayaa sidoo kale dhaawac cusub u geysan karta sumcadda iyo kalsoonida milateri ee Xisbullah haddii la xaqiijiyo in Israa'iil ay si buuxda u maamusho xaaladda.

Horumarradan ayaa imanaya xilli indhaha lagu hayo suurtagalnimada dib u billaabidda wada-hadallo toos ah oo dhexmara Lubnaan iyo Israa'iil, inkastoo aan weli lagu dhawaaqin taariikh rasmi ah oo ku saabsan wareegga cusub ee wada-hadallada.