WhatsApp: Sida lacag loogu diro kooxaha xagjirka ah

.
Qoraalka sawirka, Kooxda isku magacawda Jihaadiyiinta Suuriya ayaa ka mid ah kooxaha lacagta lagu taageeray...
    • Author, Andy Verity
    • Role, Wakilin Binciken Labarai na BBC
    • Author, Joseph Lee
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Baaritaan ay sameysay Ururka Warbaahinta Yurub ee EBU ayaa shaaca ka qaaday sida madal WhatsApp ah loogu adeegsaday in malaayiin Yuuro loogu diro daafaha caalamka si loogu maalgeliyo kooxaha xagjirka ah.

Guruubka WhatsApp-ka ah oo lagu magacaabo "Traders of Greater Europe" waxaa ku jiray 532 xubnood, kuwaas oo lacagaha isugu kala diri jiray iyagoo isaga kala gudbinaya xuduudaha dalal kala duwan oo ay ka kala joogeen, waxaana ka mid ahaa magaalooyinka Birmingham iyo London ee dalka Ingiriiska.

Maalin ka mid ah xilligaas, waxaa xitaa dhacday in lacag looga diray magaalada Brussels kooxda IS ee joogta Suuriya.

Ururka Warbaahinta a Yurub ee loo yaqaano EBU, oo ay BBC-du xubin ka tahay, ayaa helay xog iyo caddaymo dheeri ah oo caddaynaya in habkan lacag dirista ah loogu adeegsado falalka tahriibinta dadka iyo ka ganacsiga daroogada.

Garsooraha u dhashay dalka Belgium ee lagu magacaabo Vincent Guerra ayaa ah shaqsigii daaha ka qaaday kooxdan, isagoo arrintan ku guuleystay ka dib markii uu helay farriimo gaaraya in ka badan 82,000 oo ay isweydaarsadeen xubnaha kooxda dhexdooda ah, intii u dhexeysay dhammaadkii bishii February ilaa bishii December ee sannadkii 2022-kii.

Guerra wuxuu tilmaamay in lacagaha lagu kala dirayay daafaha caalamka iyadoo la adeegsanayo madashan, balse aan si sax ah loo ogaan karin halka loo dirayay.

.
Qoraalka sawirka, Fariimaha ayaa Ingiriisi loo turjumay, magacyada xubnaha xukunka lagu riday ee kooxda ka tirsanaana waa la qariyay...

Xubnaha kooxdu waxay isugu kala diri jireen fariimaha la xiriira bixinta lacagaha iyagoo ku wada hadlaya afka Carabiga, waxayna u adeegsan jireen nidaamka loo yaqaano Xawaaladda. Xawaaladdu waa hab caalami ah oo lacag la isugu diro, hase yeeshee ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo raad-raaci karin.

Habka Xawaaladdu wuxuu u shaqeeyaa iyadoo ay jiraan laba qof oo dilaal ah oo kala jooga goobo kala duwan, kuwaas oo loo yaqaanno Xawaaladle. Mid ka mid ah ayaa lagu wareejiyaa lacagta, kadibna kan kale ayaa bixiya lacagtii loogu talagalay, iyadoo aan wax ribo ah lagu darin. Waxaa sidoo kale jirta goob gaar ah oo ay Xawaaladleyaashu ku kulmaan si ay u kala saaraan oo ay u xalliyaan xisaabaadka u dhexeeya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xawaaladda inta badan waxaa loo isticmaalaa dano sharci ah, sida marka dadka qurbaha ku nool ay lacag ugu dirayaan eheladooda ku sugan waddamo ay adeegyada bangiyadu aad ugu yar yihiin.

Laakiin dambiilayaasha ayaa sidoo kale u isticmaali kara Xawaaladda si ay uga baxsadaan nidaamka Swift ee ay bangiyadu u adeegsadaan la socodka iyo xakamaynta wareejinta lacagaha badan.

Waxaa la ogyahay in kooxda lagu magacaabo Traders of Greater Europe ay sameysay lacag kor u dhaafaya 5,000 oo Yuuro, taas oo u dhiganta £4,279. Hase yeeshee ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in dhammaan xubnaha ku jira guruubyada WhatsApp-ka ay ku lug leeyihiin falal dambiyeedkaas.

Inkasta oo dalal badan oo ku yaalla Yurub ay mamnuuceen isticmaalka nidaamka Xawaaladda, haddana dalka Ingiriiska wuxuu fasaxay isticmaalkeeda, iyadoo ay adeegsan karaan dilaalayaasha sida rasmiga ah uga diiwaan gashan Hay'adda Canshuuraha iyo Kastamka ee HMRC.

Hay'adda EBU waxay heshay xogta fariimaha WhatsApp-ka kaddib dacwad maxkamadeed oo sannadkii 2024 ka dhacday Belgium, taas oo lagu xukumay 6 qof oo ku eedeysnaa xatooyo lacageed, waxaana ku jiray Abu Adam oo ah madaxa xarun ku taal magaalada Brussels iyo kaaliyihiisa.

Booliska dalka Belgium waxay heleen caddeymo muujinaya sida eedeysanuhu lacag ugu dirayay kooxda IS, si uu u taageero haweenkii dagaalyahannada ahaa ee ka baxsaday xabsiga lagu hayay gudaha Suuriya. Markii ay gacanta ku dhigeen Abu Adam, waxay taleefankiisa gacanta ka heleen farriimo ay is dhaafsanayeen kooxda loo yaqaanno Traders of Greater Europe.

Guerra ayaa sheegay in "lagu guuleystay" in sirta kooxda la fashiliyo. Taleefanka gacanta ayaa sidoo kale lagu arkay 6,000 oo sawir oo muujinaya warqado 5 Yuuro ah oo wata lambarro gaar ah, iyo 6,000 oo sawir oo kale oo ah kaararka aqoonsiga. Xogtan ayaa inta badan loo adeegsadaa sidii calaamad gaar ah oo lagu aqoonsado macaamilka lacagta marka la isticmaalayo nidaamka Xawaaladda. Wadarta guud ee sawirrada warqadaha lacagta iyo kaararka aqoonsiga ayaa muujineysa in Abu Adam uu lacag diray ugu yaraan 12,000 oo jeer, sida uu sheegay Guerra.

"Howshan ma aha mid uu qaban karo qof bilow ah oo keliya; waa shaqo xirfadaysan oo heer sare ah, oo si qarsoodi ah loo fuliyo oo ay adag tahay in la ogaado," ayuu yiri. "Waxay u shaqeynayeen sidii shaqaalaha bangiga oo kale, laakiin ka baxsan nidaamka dowladda."

.

Xigashada Sawirka, VRT

Qoraalka sawirka, Vincent Guerra

EBU waxay sidoo kale soo bandhigtay kooxo kale oo qarsoodi ah oo ku sugan Yurub kuwaas oo nidaamka Xawaaladda u adeegsanaya falal dambiyeed. Nin horey u ahaa dilaal si sharci darro ah lacag u wareejin jiray, islamarkaana horey uga tirsanaa nidaamka Xawaaladda ee Yurub, oo lagu magacaabo Frank, ayaa u sheegay EBU inuu sameeyay macaamilo gaaraya malaayiin Yuuro.

Wuxuu sheegay in markii ugu horreysay ee loo bandhigay habka ay u shaqeyso Xawaaladdu ay ahayd xafiis ku yaal magaalada Rotterdam. Halkaas ayuu ku arkay 5 ama 6 qof oo saacad iyo bar gudahood lacag keenay, kadibna isla goobtaas ka diray ugu yaraan hal milyan oo Yuuro, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan markii dambe ogaaday in arrintu aysan ahayn kaliya dirista lacagta. Arrintu waxay la xiriirtaa abuurista lacag loogu talagalay argagixisada, ka ganacsiga maandooriyaha, ka ganacsiga haweenka iyo falal kale oo dambiyeed," ayuu yiri.

Xaaladaha ka jira Austria, waxay muujinayaan sida nidaamka Xawaaladdu xiriir ula leeyahay tahriibinta dadka iyo hurinta rabshadaha.

Kiis uu soo bandhigay taleefishinka ORF ee Austria, ayaa lagu muujiyay sida booliska Austria ay u weerareen "xarunta weyn ee Xawaaladda ee magaalada Vienna" oo ku taallay maqaayad ay mas'uuliyiintu sheegeen in loo isticmaali jiray bixinta lacagta la xiriirta tahriibinta.

Laba nin oo walaalo ah oo u dhashay dalka Suuriya ayaa lagu eedeeyay falal la xiriira tahriibinta dadka iyo jirdilka shaqaale ka tirsan markab, kaas oo khasaare gaaraya 350,000 Yuuro oo u dhiganta 300,000 oo Gini ee Ingiriiska ah. Sannadkii hore ayaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah.

Booliska Austria oo kaashanaya hay'adda Europol ayaa sidoo kale burburiyay koox tahriibinta dadka ku lug lahayd oo lagu maalgeliyay nidaamka Xawaaladda, taas oo saraakiishu sheegeen inay Yurub soo gelisay ugu yaraan 100,000 oo qof muddo 18 bilood gudahood ah.

Gerald Tatzgern, oo hoggaaminaya baaritaanka ka ganacsiga dadka ee Hay'adda Sirdoonka Austria, ayaa u xaqiijiyay ORF in Xawaaladda loo isticmaalo ka ganacsiga dadka, sidoo kalena loo adeegsado si faa'iido looga helo.

.

Xigashada Sawirka, ORF

Qoraalka sawirka, Gerald Tatzgern wuxuu sheegay in kooxaha qarsoodiga ah ay jirdilaan dadka qurbaha jooga kadib marka ay lacag ka helaan qoysaskooda iyagoo adeegsanaya nidaamka Xawaaladda.

Wuxuu sheegay in lacag bixin lagu dalbaday iyadoo la adeegsanayo nidaamka Xawaaladda si dadka qurbaha jooga loo jirdilo.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska iyo sarkaalka xiriirka dadweynaha ee Europol, Quentin Mugg, oo hoggaamiyay baaritaanno badan oo la xiriira xatooyada lacagta, ayaa sheegay in nidaamka lacag diristu uu yahay "habka ugu weyn ee loo adeegsado xatooyada iyo falalka dambiyeedka".