Maxay ka dhigan tahay in muuqaalka cusub ee dacaayadda Al-Qaacida uu ka soo muuqdo Xamza bin Laden?

Si ka duwan sidii hore, Xamza bin Laden ayaa si cad loogu arkayaa isagoo farriin toos ah u soo gudbinaya kamaradda, taas oo ku jirta muuqaal cusub oo ay soo saartay Al-Qaacida.

Xigashada Sawirka, AL-QAIDA

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Al-Qaacida ayaa soo saartay muuqaal u eg dokumentari oo soconaya 52 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi, kaas oo lagu xusayo sannad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 ka dhacay dalka Mareykanka.

Muuqaalka ayaa sidoo kale waxaa ka muuqda wiilka Cusama bin Laden, Hamza bin Laden, iyadoo muuqaalka laga yaabo inuu yahay mid aan hore loo arag.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligii uu madaxweyne ahaa muddo-xileedkiisii koowaad, sannadkii 2019, ku dhawaaqay in Xamza bin Laden, oo ahaa wiilka hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama bin Laden, lagu dilay weerar Mareykanku qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Washington weligeed si faahfaahsan uma aysan sheegin goorta, goobta iyo duruufihii uu Xamza bin Laden ku dhintay.

Hadda, muuqaal cusub oo dacaayad ah oo ay Al-Qaacida soo saartay ayaa muujinaya Hamza bin Laden oo farriimo si toos ah ugu jeedinaya kamaradda.

Arrintan ayaa dib u kicisay hadal-heyn ka dhex dhalatay qaar ka mid ah kooxaha jihaad-doonka ah ee internetka, kuwaas oo sheegaya in Xamza laga yaabo inuu weli nool yahay.

Muuqaalka oo soconaya 52 daqiiqo ayaa cinwaankiisu yahay "Rubuc Qarni (25 Sano) Kadib Weerarradii 11-kii Sebtembar".

Waxaa lagu baahiyay Rocket Chat iyo Telegram, waxaana soo saartay garabka warbaahinta Al-Qaacida ee Al-Sahab.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaalkan oo qaybtiisa koowaad ah ayaa dhammaadkiisa lagu qoray, "Waa la sii wadi doonaa, haddii Alle idmo", taas oo muujinaysa in qaybaha kale ee muuqaalka laga yaabo in mustaqbalka la sii daayo.

Muuqaalku wuxuu si weyn uga hadlayaa sheekada ay Al-Qaacida muddo dheer ka sheegaysay saameynta weerarradii 11-kii Sebtembar ay ku yeesheen Mareykanka iyo dhaqdhaqaaqa jihaad-doonka caalamka.

Waxa kale oo muuqaalka ku jira muuqaallo hore loo duubay iyo farriimo ay jeedinayaan qaar ka mid ahaa hoggaamiyayaashii sare ee hore ee Al-Qaacida, oo ay ka mid yihiin Osama bin Laden iyo Ayman al-Zawahiri.

Sida muuqaalladii hore ee Al-Qaacida ee u ekaa dokumentariyada, muuqaalka la sii daayay 10-kii Sebtembar 2026 ayaa si xulasho ah u adeegsanaya hadallo ay jeediyeen mas'uuliyiin reer Galbeed ah iyo saraakiil dowladeed, si loo abuuro aragti ah in mowqifka ururku uu taageero dibadeed leeyahay.

Gaar ahaan, muuqaalka waxaa si weyn uga dhex muuqda Michael Shaver, oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA-da, islamarkaana madax ka ahaa unugga hay'adda ee dabagalka iyo raadinta Cusama bin Laden.

Muuqaalkan dacaayadda ah ayaa sheegaya in weerarradii 11-kii Sebtembar kadib ay isbeddello waaweyn ka dhaceen gudaha Mareykanka, isla markaana kooxaha jihaad-doonka ahi ay ku fidiyeen meelo kala duwan oo caalamka ah.

 Cusama bin Laden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa ku jira muuqaalka naadirka ah ee Xamza bin Laadin?

Sida ay sheegeen khubaro la socda dhaqdhaqaaqyada ururrada jihaad-doonka ah, waxa ugu weyn ee indhaha lagu hayo muuqaalka cusub ee ay Al-Qaacida soo saartay ayaa ah muuqaalka Xamza bin Laden.

Mareykanka ayaa sannadkii 2019 ku dhawaaqay inuu Xamza bin Laden ku dilay hawlgal ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay degaanka xuduudda Afghanistan iyo Pakistan. Hase yeeshee, xilligaas iyo sannadihii ka dambeeyayba Washington faahfaahin kama bixin goorta iyo goobta uu ku dhintay.

Al-Qaacida ayaa hore u baahisay farriimo cod ah oo uu leeyahay Hamza bin Laden, sidoo kalena si kooban ayay ugu soo bandhigtay muuqaallo kayd ah oo laga duubay kulammo jihaad-doon ah iyo arooskiisa.

Hase yeeshee, dokumentarigan cusub ayaa ah markii ugu horreysay ee Hamza bin Laden, ama qofka muuqaalka lagu sheegay inuu yahay Xamza bin Laden, si cad loogu arko isagoo farriin si toos ah ugu jeedinaya kamaradda.

Muuqaalka waxaa lagu arkayaa saddex qaybood oo kala duwan, kuwaas oo u muuqda inay ka soo jeedaan isla duubis.

Hadallada ku jira muuqaalka ayaa inta badan ka kooban sheekooyin guud, sheegashooyin iyo baaqyo la xiriira fikirka jihaad-doonka. Ma jiraan dhacdooyin gaar ah oo uu xusayo oo lagu ogaan karo xilliga la duubay.

Sidaas darteed, muuqaalka lagama xaqiijin karo goorta farriimahan la duubay ama in Al-Qaacida ay aaminsan tahay in Xamza bin Laden uu nool yahay ama dhintay.

Qayb ka mid ah muuqaalka ayaa hadallada Hamza bin Laden lagu darayaa sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday dhacdooyin dhowaan dhacay, oo ay ku jiraan weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israel 7-dii Oktoobar 2023 iyo markii Taalibaan ay dib ula wareegtay awoodda Afghanistan bishii Agoosto 2021.

Inkasta oo Hamza bin Laden uusan muuqaalka si toos ah ugu xusin dhacdooyinkan, qaabka loo soo bandhigay ayaa abuuri kara aragti ah in farriintiisa la duubay xilli dhow, oo laga yaabo inuu ahaa kadib markii Mareykanku 2019 sheegay in la dilay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in muuqaalka loogu yeerayo oo keliya "Mujaahid Sheekh Hamza bin Laden".

Magaciisa laguma darin ereyada inta badan loo adeegsado goobaha jihaad-doonka, sida "Alle ha dhowro" marka qofka loo arko inuu nool yahay, ama "Alle ha u naxariisto" marka loo arko inuu dhintay.

Sida ay sheegeen dadka arrintan u kuur gala, in aan la kala caddeyn ayaa laga yaabaa inuu yahay mid si ula kac ah loo sameeyay.

Madmadow la mid ah ayaa sidoo kale muddo ku gadaannaa hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, kaas oo Mareykanku sheegay in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Kabul bishii July 2022.

Xitaa marka muuqaalka cusub lagu xusayo al-Zawahiri, si cad looma sheegin inuu nool yahay ama dhintay.

Inkasta oo Al-Qaacida aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan al-Zawahiri kadib sheegashadii Mareykanka, taageerayaasha ururka ayaa muddo dheer aaminsanaa inuu dhintay.

Muuqaalku sidoo kale ma bixinayo xog cad oo ku saabsan xaaladda Saif al-Adl, oo loo arko inuu yahay hoggaamiyaha suurtagalka ah ee hadda ee Al-Qaacida.

Waxaa loogu yeeray oo keliya "Sheekh", waxaana laga soo xigtay qoraallo uu hore u qoray. Hase yeeshee, muuqaalka laguma sheegin inuu yahay hoggaamiyaha ururka, mana bixinayo wax xog ah oo ku saabsan halka uu hadda ku sugan yahay.

Soo muuqashada Hamza bin Laden ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka khubarada amniga iyo falanqeeyayaasha, iyadoo qaar ka mid ah khubaradu ay u arkaan muuqaalka inuu noqon karo calaamad muujinaysa in Hamza laga yaabo inuu weli nool yahay.

Xamza bin Laden

Xigashada Sawirka, CIA

Qaar ka mid ah dadka arrintan u kuur gala ayaa tilmaamay in muuqaalka Xamza bin Laden uu ku xiran yahay cimaamad cad, halka gadaashiisana laga arkayo derbi dhoobo ah, taas oo la mid ah muuqaallo hore loogu nisbeeyay kooxaha jihaad-doonka ah ee ka hawlgala Afghanistan.

Waxay sheegeen inay suurtagal tahay inuu Afghanistan ku sugnaa xilligii farriintan la duubayay.

Dhinaca kale, kooxaha taageera fikirka jihaad-doonka ayaan si weyn uga falcelin muuqaalka ama soo muuqashada Xamza bin Laden, sida ay sheegeen dadka arrintan la socda.

Waxay intaas ku dareen in arrintan ay qayb ahaan sabab u noqon karto hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada taageerayaasha Al-Qaacida ee firfircoon baraha internetka labadii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan.

Faalleeyaha caanka ah ee arrimaha jihaad-doonka, Hamid al-Qawsi, oo isu soo bandhiga inuu yahay cilmi-baare, balse loo arko inuu u janjeero dhanka Al-Qaacida, ayaa sidoo kale xusay muuqaalka Xamza bin Laden iyo Ayman al-Zawahiri.

Wuxuu sheegay in muuqaalka aan laga caddeyn karin in labada nin ay nool yihiin ama ay dhinteen.

Wuxuu tilmaamay in magacyada labada nin aan lagu darin ereyada ducada ah ee inta badan loo adeegsado in lagu muujiyo in qofku nool yahay ama dhintay.

Sida uu sheegay, arrintan ayaa muujinaysa in si ula kac ah loo doonayay in muuqaalka aan la kala caddeyn xaaladda labada nin.