Trump: "Waxaan rajaynayaa inaan ku sii dhawaanayno dhammaadka" dagaalka Iran

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegay inuu rajaynayo in dhammaadka dagaalka Iran uu soo dhow yahay. Dhanka kale, warbaahinta ayaa sheegtay in la filayo inuu Trump Talaadada soo socota la kulmo hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka, iyadoo kulankaasi uu ka mid noqon doono kulamo-doceedyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si looga wada hadlo colaadda.

Hadallada Trump ayaa imaanaya iyadoo dagaalka Iran uu galay bishii toddobaad, iyadoo aysan weli muuqan dhammaad degdeg ah.

Warbaahinta Axios ayaa fiidkii Arbacadii sheegtay in kulanka Trump uu toddobaadka soo socda magaalada New York kula yeelanayo hoggaamiyeyaasha Khaliijka uu diiradda saari doono qorshayaasha Maraykanka ee istaraatiijiyadda dagaalka ka dambaysa.

Warbixintu waxay soo xigatay ilo aan magacyadooda la shaacin. Waxay intaas ku dartay in Trump uu la kulmi doono hoggaamiyeyaasha ama wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah: Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn, Kuwait iyo Cumaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo Aqalka Cad kama aysan jawaabin codsiyada Reuters ee ahaa in ay faallo ka bixiyaan arrintan.

"Hagaag, waxaan rajaynayaa inaan ku sii dhawaanayno dhammaadka dagaalka," ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha fiidnimadii hore.

"Waxay doonayaan inay heshiis gaaraan. Waan arki doonnaa sida ay arrintaasi ku dambayso," ayuu ka yiri Iran, isagoo ku celiyay hadallo uu hore u sheegay. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu si toos ah uga maqlay Iran, balse faahfaahin kama uusan bixin.

Trump ayaa marar kala duwan soo bandhigay ujeeddooyin iyo waqtiyo kala duwan oo ku saabsan dagaalka, kaas oo billowday 28-kii Febraayo, markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerareen Iran, Tehran-na ay kaga jawaabtay weerarro ay ku qaadday Israa'iil iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada ciidamada Maraykanka.

Weerarada Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan, iyo weerarrada Israa'iil ee Lubnaan, ayaa dilay kumannaan qof isla markaana barakiciyay malaayiin qof.

Trump ayaa sheegay in daciifinta awoodda nukliyeerka Iran ay tahay mid ka mid ah ujeeddooyinka dagaalka. Iran ma haysato hub nukliyeer ah, waxayna sheegtay in barnaamijkeeda kobcinta yuraaniyamka uu yahay mid loogu talagalay ujeeddooyin nabadeed. Maraykanku wuxuu ka mid yahay dalalka haysta hubka nukliyeerka.

Kor u kaca qiimaha shidaalka iyo gaaska ee ka dhashay dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran ayaa noqday arrin weyn oo haysata xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyadoo loo sii dhawaanayo doorashooyinka dhexe ee Maraykanka ee bisha November.

Sacuudiga

Xigashada Sawirka, CBS

Dhanka kale, Shabakadda "CBS", oo ah bahwadaagta Maraykanka ee BBC, ayaa heshay sawirro muujinaya burbur ballaaran oo soo gaaray dhowr goobood oo Maraykanku ku leeyahay gobolka Carabta, kuwaas oo ay sababeen weerarro ay Iiraan qaadday.

Sawirrada, oo ay soo gudbiyeen askar ka tirsan ciidamada oo weli shaqaynaya, ayaa muujinaya diyaarad raadaar ah oo qaab-dhismeedkeedu kala go'ay, taargooyin iyo gaadiid si buuxda u burburay, iyo dhismayaal uu soo gaaray burbur aad u weyn.

Sawirrada oo aan taariikh lagu qorin ayaa laga qaaday saldhigyo iyo goobo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Sacuudiga iyo Kuwait.

Mid ka mid ah askarta, oo CBS aysan magaciisa shaacin, ayaa yiri: "Kuwani waa khasaare baaxad leh oo soo gaaray saldhigyadeenna, balse shacabka Maraykanka looma sheegin."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan taaganahay annaga oo aan waxba qaban karin, sidii inaan indhaha isku qabsannay oo aan wejiyada kaga qaadanayno feerarka."