Haweeneey saddex saacadood ku dhex xayirnayd saxaro kadib markii uu suuli la dumay

A file photo of a pit latrine, or long-drop toilet, in rural Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, A file photo of a pit latrine, or long-drop toilet, in rural Australia
    • Author, Kelly Ng
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Haweeney suuli aaday xilli ay safar dhulka ah ku jirtay duleedka Australia ayaa ku dhex dhacday musqul god ah ka dib markii ay la duntay.

Waxay "ku xayiran tahay godka bulaacada muddo ku dhow saddex saacadood, ilaa uu ka badbaadiyey nin ganacsade ah oo maxalli ah oo ag maray," maamulka aagga Waqooyi ayaa sidaas yiri.

Haweeneyda oo la socotay ninkeeda iyo labo caruur ah ayaa ku sii jeeday gurigeeda oo ku yaalla Canberra ka dib markii ay booqatay qaraabadeeda markii uu shilku dhacay, sida laga soo xigtay bogga Facebook ee Action for Alice.

Musqusha su'aasha dhalisay ayaa waxay ku taal Henbury Meteorites Conservation Zone, oo qiyaastii 145km koonfur-galbeed ka xigta magaalada fog ee Alice Springs.

Musqulaha godadku waa musqulo aasaasi ah oo aan nadiif ahayn oo qashinka bini'aadamka ku ururiya god dheer oo dhulka hoos u qodan. Waxay ku badan yihiin meelaha fog fog ama miyiga, sida meelaha magaalooyinka ka baxsan.

NT WorkSafe, oo maamusha caafimaadka iyo badbaadada goobaha dhulka, ayaa sheegtay in wakaaladda maamusha aagga ilaalinta Henbury ay ku wargelisay dhacdada.

Baaritaan ayaa socda, ayaa lagu yiri war ka soo baxay NT WorkSafe.

Goobjooge la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee NT News ayaa sheegay in ninka qabay haweeneyda uu ku guuleystay inuu soo jeediyo ganacsadaha, kaasoo xarig uga soo dajiyay godka ay ku xirneyd haweeneyda, kadibna ku sii xiray gaari uu watay ilaa uu bannaanka soo dhigay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hawshu waxay qaadatay in ka badan 45 daqiiqo, ayuu yiri goobjoogaha oo aan magaciisa la sheegin, oo NT News u sheegay in godka ay ku jiren "wasaq dhab ah", saxaro iyo kaadi.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda loo qaaday isbitaalka balse aysan soo gaarin dhaawac halis ah.

Tani maaha markii ugu horeysay ee shilal la xiriira musqulaha godadku ay ka dhacaan Australia.

Bishii Luulyo 2024, dab-demiyeyaasha ayaa ka saaray hal musqul oo noocaas ah oo ku yaal Dooxada Indigo ee gobolka Victoria ka dib markii nin ku go'doomay.

Sannadkii 2012, haweenay 65 jir ah ayaa diyaarad loogu qaaday isbitaalka ka dib markii ay ku dhacday musqul god ah oo ku taal bartamaha Queensland. Waxay ka jabtay lugta , sida uu sheegay The Courier Mail.

Musqulaha godadku waxay kaloo keeneen shilal dhimasho badan oo meelo kale ka dhacay.

Musqulaha nuucaan ah ayaa waxay ku yaalaan gobolo badan oo Soomaaliya ah, iyo sidoo kale goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.

Sannadkii 2014-kii, arday shan jir ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa dhintay kaddib markii ay soo duntay musqushii godka ahayd ee uu isticmaali jiray.

Sannadkii 2018-kii, markii uu dhintay ardaygii labaad, waxa la ogaaday in in ka badan 4,500 oo dugsi oo dalka ku yaallaa ay leeyihiin musqullo god ah, kuwaas oo inta badan si yar loo dhisay oo aan la daboolin. Isla sannadkaas, dawladda Koonfur Afrika waxay wacad ku martay inay gabi ahaanba ka takhalusi doonto dugsiyadaas.