Senegal oo mar kale dib loogu caleema-saaray inay ku guuleysteen Koobkii Qaramada Afrika ee 2025

Xigashada Sawirka, Getty Images
Senegal ayaa mar kale loo aqoonsaday ku guuleystayaasha Koobka Qaramada Afrika ee 2025, kaddib go'aan ay gaartay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS).
Go'aanka maxkamaddu wuxuu burinayaa xukun hore oo Senegal lagaga qaaday koobkii ay garoonka ku guuleysteen, intii lagu jiray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee muranka dhalisay oo ay bishii Janaayo la ciyaareen dalka martigeliyay ee Morocco.
Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Rabat ayaa Senegal, oo loo yaqaan Libaaxyada Teranga, ay 1-0 ku badisay kaddib waqti dheeri ah oo lagu daray.
Hase yeeshee, ku dhowaad laba bilood kaddib, guddiga racfaanka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa natiijada ciyaarta laalay, isagoo sheegay in Senegal ay jebisay xeerarka tartanka markii ciyaartoydeedu garoonka ka baxeen daqiiqadihii dheeriga ahaa ee qaybtii labaad, iyagoo ka cabanayay rigoore laga dhigay.
Xiriirka Kubadda Cagta Senegal (FSF) ayaa markaas racfaan u gudbiyay CAS, oo ah hay'adda ugu sarreysa ee dhinaca sharciga ciyaaraha. Guddi ka kooban saddex xubnood ayaa dacwadda dhageystay 8-dii Oktoobar, kulan albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay magaalada Lausanne.
Go'aan ay si wadajir ah u gaareen, garsoorayaasha maxkamaddu waxay taageereen go'aankii garsoore Jean-Jacques Ndala ee ahaa in ciyaarta dib loo bilaabo kaddib markii ciyaartoyda Senegal ay garoonka ku soo laabteen, ciyaartuna ay dhammaadkeeda gaartay.
Sidaas darteed, natiijadii ciyaarta kama dambaysta ahayd waa ay sii jiraysaa, Senegal-na waxaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay inay ku guuleysatay Koobka Qaramada Afrika ee 2025.
Maxkamaddu waxay sheegtay inay tixgelisay in go'aanka garsooraha ee ku saabsan inuu ciyaarta dib u bilaabo ama joojiyo uu si buuxda ugu jiro awooddiisa gaarka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay intaas ku dartay in markii garsooruhu afuufay seeriga dib loogu bilaabayo ciyaarta, uu u arkay in shuruudihii dib loogu bilaabi lahaa la buuxiyay, maadaama labada kooxoodba ay garoonka ku soo laabteen, isla markaana ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay ciyaarta sii wadaan.
Xiriirka Kubadda Cagta Senegal ayaa isla markiiba go'aanka ka falceliyay, isagoo baraha bulshada soo dhigay sawir kooxda oo koobka kor u qaadaysa bishii Janaayo, kuna lifaaqay erayada ah: "Mar kale iyo weligeedba".
CAF weli kama aysan hadlin go'aanka maxkamadda, balse madaxweynaha xiriirka, Patrice Motsepe, ayaa dhowr jeer sheegay in ururkiisu ixtiraami doono isla markaana u hoggaansami doono go'aanka CAS.
Xiriirka Kubadda Cagta Morocco (FRMF) isaguna weli kama uusan hadlin go'aanka.
Morocco iyo Senegal labaduba waxay beddeleen tababarayaashoodii tan iyo ciyaartii kama dambaysta ahayd. Horaantii bishan ayay sidoo kale xaqiijiyeen inay u soo baxeen tartanka Koobka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo ay weli harsan yihiin laba wareeg oo isreebreebka ah.
Go'aankan ayaa la filayaa inuu soo afjaro doodda ku saabsan dalka taariikhda rasmiga ah loogu aqoonsan doono horyaalnimada Afrika. Hase yeeshee, dad badan oo Morocco ku sugan ayaa laga yaabaa inaysan ku qancin natiijada dacwadda ay gaartay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa ka dhacay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika?
Ciyaar si weyn la isugu dhowaa oo dhexmartay labada xul ee ugu sarreeya qaaradda ayaa waxaa qaybtii labaad ee waqtigii lagu daray ka dhacay laba dhacdo oo muran dhaliyay. Garsoore Jean-Jacques Ndala ayaa ahaa xuddunta xiisadda.
Markii hore, garsooraha reer Congo ayaa Senegal ka diiday gool ay u muuqatay inay dhalin rabtay. Wuxuu seeriga u afuufay qalad uu Abdoulaye Seck ku galay daafaca midig ee Morocco, Achraf Hakimi, wax yar ka hor intii aanu Ismaila Sarr madaxa ku dhalin kubadda.
Qaladku uma muuqan mid xooggan, balse aaladda garsooraha caawisa ee muuqaalka (VAR) ma uusan faragelin karin, maadaama Ndala uu qaladka ku dhawaaqay ka hor intii aysan kubaddu goosha gelin.
Saddex daqiiqo kaddib, waxaa muran kale ka dhashay xerada ganaaxa ee Senegal, markii El Hadji Malick Diouf uu dib u jiiday ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara Morocco, Brahim Diaz, ka hor inta uusan kubad madax ah kaga saarin koorne.
Diaz ayaa si xooggan u dalbaday rigoore, ugu dambaynna Ndala ayaa rigoore u dhigay Morocco, kaddib markii VAR ay u dirtay inuu dib uga daawado muuqaalka shaashadda garoonka dhinaciisa taal.
Tababaraha Senegal, Pape Thiaw, ayaa ciyaartoydiisa ugu yeeray dhinaca khadka garoonka. Dabadeedna isaga iyo dhowr ciyaaryahan ayaa u dhaqaaqay dhanka qolka labiska, iyagoo ka cabanaya go'aanka rigoorada.
Ciyaartoydu ugu dambayn garoonka ayay ku soo laabteen, balse waxaa ka soo wareegay in ka badan 15 daqiiqo markii rigoorada la dhigay ka hor intii uusan Brahim Diaz, oo u ciyaara Real Madrid, ku guuldarreysan inuu gool dhaliyo. Isku daygiisii rigoorada ee loo yaqaanay Panenka waxaa si fudud u badbaadiyay goolhaye Edouard Mendy.
Dhanka kale, gudaha garoonka Prince Moulay Abdellah waxaa ka dhacay buuq, kaddib markii koox yar oo taageerayaasha Senegal ah ay isku dhaceen shaqaalaha ammaanka.
Ciyaarta ayaa gashay waqti dheeri ah, waxaana gool uu dhaliyay khadka dhexe ee Senegal, Pape Gueye, uu guusha ku xaqiijiyay xulkiisa.
Hase yeeshee, garoonka bannaankiisa waxaa durba bilaabmay loollan kale oo ku saabsan guddiyada anshaxa iyo qareennada.























