Waa kuwee tartamada baabuurta ee khatarta ah ee haweenku ay ragga kaga sarreeyaan

Susan Kalin waxay ku guuleystay horyaalnimada qaybta "Top Fuel" ee Yurub sanadihii 2025 iyo 2026.
Qoraalka sawirka, Susan Kalin waxay ku guuleystay horyaalnimada qaybta "Top Fuel" ee Yurub sanadihii 2025 iyo 2026.
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Waxay la mid tahay "xabbad madfac laga soo riday." Darawalka tartanka baabuurta Susan Kalin ma heli karto tusaale ka wanaagsan kan si ay u sharaxdo ciyaarta khatarta ah ee ay ka qaybqaadato.

Kalin waxay laba jeer ku guulaysatay tartanka Yurub ee "Top Fuel Speed Championship," kaas oo inta badan lagu tilmaamo ciyaarta ugu xawaaraha badan caalamka.

Tartamadu waxay ku bilaabmaan guux aad u xooggan oo dhulka iyo jirka ruxaya, iyadoo baabuurta leh xawaare sare ay ka dhaqaaqayaan khadka bilowga, isla markaana uu olol ka soo baxayo tuubooyinka qiiqa sii daaya.

Baabuurtan ayaa gaara xawaare ka badan 480 kiiloomitir saacaddii inta lagu guda jiro tartamo qaata afar ilbiriqsi oo keliya, iyadoo darawalladuna ay la kulmaan xawaaree dardar-gelin ah oo ka badan kuwa ay dareemaan cirbixiyeennada marka ay u duulayaan hawada sare.

Waa qaybta kaliya ee ciyaaraha baabuurta ee heerka ugu sarreeya oo ay haweenku inta badan ka sarreeyaan ragga, isla markaana ay ku guuleystaan horyaallo waaweyn.

Haweenku waxay ku guuleysteen toddobo ka mid ah sagaalkii horyaal ee ugu dambeeyay ee Yurub, ilaa waqti dhow-na, darawalka u dhalatay Mareykanka ee Brittany Force ayaa haysatay rikoorka xawaaraha adduunka ee ciyaartan.

Marka la barbardhigo, waxay hadda ka soo wareegtay 50 sano tan iyo markii ugu dambeysay ee haweeney ay ka qaybqaadato tartanka Formula 1 Grand Prix.

Susan Kalin waxay gaarigeeda ku wadi doontaa tartanka Top Fuel ee ka dhacaya Santa Pod circuit oo u dhow Northampton ee Boqortooyada Ingiriiska, bisha Sebtembar 2026.
Qoraalka sawirka, Susan Kalin waxay gaarigeeda ku wadi doontaa tartanka Top Fuel ee ka dhacaya Santa Pod circuit oo u dhow Northampton ee Boqortooyada Ingiriiska, bisha Sebtembar 2026.

Sida ay sheegtay hay'adda *More Than Equal*, haweenku waxay ka yihiin qiyaastii 10 boqolkiiba guud ahaan ka-qaybgalayaasha ciyaaraha baabuurta lagu tartamo, waxayna ka yihiin kaliya 4 boqolkiiba darawallada heerka sare ah. Hase yeeshee, waxay ka ahaayeen 20 boqolkiiba darawallada ka qaybgalay xilliyada tartanka *Top Fuel* ee ka dhacay Mareykanka iyo Yurub sannadkan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ururku wuxuu tartanka wadista ku tilmaamay "ciyaarta gawaarida ugu sinnaanta wanaagsan ragga iyo dumarka adduunka".

Top Fuel waa qaabkeeda ugu daran, waxayna magaceeda ka qaadatay shidaalka nitromethane ee aadka u awoodda badan ee baabuurtu isticmaalaan.

Tartamadu waxay ka dhacaan waddo toosan oo dhererkeedu aanu ka badnayn 305 mitir, iyadoo caadi ahaan laba gaari ay ku tartamayaan. Darawalku wuxuu dareemaa dardar-gelin aad u xooggan ilbiriqsiga ugu horreeya tartanka, marka gaarigu uu ka soo dhaqaaqo meel taagan oo uu gaaro xawaare dhan 160 kiiloomitir saacaddii, ka hor inta uusan helin xoojin kale oo awood badan marka qaybta gudbinta awoodda (Sheelaraha) ay si buuxda u shaqeyso marka la marayo bartamaha wadada.

Waxay u ekaan kartaa mid cabsi leh. Laakiin dareenka degdegga ah waa "mid la qabatimo," ayay tiri darawalad Swedish ah oo lagu magacaabo Kalin, oo 43 jir ah, oo ka tirsan barnaamijka BBC-da ee Global Women.

Waxay sheegtay in walaaca ku saabsan khataraha ay "had iyo jeer jiraan," laakiin "tallaabooyinka amnigu runtii waa kuwo wax ku ool ah." Darawalada si fiican ayaa loo ilaaliyaa, tallaabooyinka badbaadadana waa la xoojiyay ka dib shilal dhimasho leh oo ay ku lug lahaayeen baabuurta ku shaqeeya nitromethane sannadihii 2004 iyo 2008, kuwaas oo ay ku jiraan in lasoo gaabiyo masaafada tartanka.

Kalin waxay sheegtay inaysan waligeed dareemin qiimo la'aan ama si xun loola dhaqmay maadaama ay tahay haweeney ku jirta tartanka jiidista.
Qoraalka sawirka, Kalin waxay sheegtay inaysan waligeed dareemin qiimo la'aan ama si xun loola dhaqmay maadaama ay tahay haweeney ku jirta tartanka jiidista.

Xitaa daawashada tartanka tarbuunka ayaa ah waayo-aragnimo jireed oo aad u daran oo daawadayaasha ah, sida jirkooda iyo dhulka ka hooseeyo cagahooda uu ruxayo sawaxanka weyn. Dhagaystayaasha waxaa lagula taliyaa a inay xirtaan qalabka ilaalinta dhegta, maadaama heerka dhawaaqa, lagu qiyaasay in uu u dhigmo garab istaaga diyaarad dagaal.

Rikoorka rasmiga ah ee xawaaraha ugu sarreeya ee laga diiwaangeliyay tartamada "Top Fuel" ayaa ka badan 558 kiiloomitir saacaddii, marka la barbar dhigo in ka badan 372 kiiloomitir saacaddii oo ah xawaaraha tartamada "Formula 1 Grand Prix".

Kalin waxay tiri, "Waa inaad wax walba si degdeg ah u qabataa. Markaad bilowdo inaad ka fikirto, waqtigu wuu ku dhaafay... Runtii waa inaad noqotaa mid gaariga la jaanqaada."

Darawalladu waxay sidoo kale u baahan yihiin geesinimo badan. Arrintan waxaa si kooban u sharraxay Jundia Erbacher, oo ah darawal u dhashay dalka Switzerland, da'diisuna ay tahay 32 sano, isla markaana la ah saaxiib iyo tartan-wadaagga Kalin; wuxuu si kaftan ah ugu sheegay BBC-da inay arrintani u baahan tahay "laba xiniinyood," isagoo ula jeeda geesinimada baaxadda leh ee loo baahan yahay si looga qayb-galo tartamadan.

Gawaarida Shidaalka ee ugu Sareeya waxay ka dhaqaaqaan istaag ilaa 160 kiiloomitir saacaddii wax ka yar ilbiriqsi gudaheed.
Qoraalka sawirka, Gawaarida Shidaalka ee ugu Sareeya waxay ka dhaqaaqaan istaag ilaa 160 kiiloomitir saacaddii wax ka yar ilbiriqsi gudaheed.

Kalin waxay bishii Sebtembar ku guulaysatay horyaalkeedii labaad oo xiriir ah ee Yurub ee qaybta 'Top Fuel', iyadoo tartanku uu ka dhacay garoonka Santa Pod Drag Circuit oo u dhow magaalada Northampton ee dalka UK. Tani waxay calaamad u tahay sannadkii afaraad oo xiriir ah oo ay haweeney darawal ah ku guulaysato horyaalkan.

Dalka Mareykanka, qofka haysta rikoorka ee Brittany Force ayaa ku guuleysatay Horyaalka Qaranka ee National Hot Rod League (NHRA) ee Mareykanka sanadihii 2017 iyo 2022.

Fran Longstaff, oo ah madaxa hal-abuurka ee More Than Equal, oo ah urur taageera oo u dooda haweenka ciyaaraha mootooyinka, ayaa sheegay in tartanka wadistu uu yahay "kiis aad u gaar ah" oo ka dhex jira ciyaaraha baabuurta.

Gaaritaanka tartanka Formula 1 waxay u baahan tahay malaayiin doolar iyo taageero kafaala-qaad oo muhiim ah. In kasta oo tartanka gaar wadista ee heerarka ugu sarreeya uu sidoo kale qaali yahay, haddana kharashku aad ayuu u hooseeyaa.

Darawalka Nadian Uvashri Kannadasan Balajayanthi ayaa tartankeedii ugu horeysay ku soo bandhigtay Skoda Octavia oo wax laga beddelay.
Qoraalka sawirka, Darawalka Nadian Uvashri Kannadasan Balajayanthi ayaa tartankeedii ugu horeysay ku soo bandhigtay Skoda Octavia oo wax laga beddelay.

Horyaalada tartanka gaari wadista xawaara dheer ee dumarka ayaa ka soo muuqday Mareykanka, Yurub iyo Australia, laakiin aad uguma badna qaybaha kale ee adduunka, halka tartanka "Top Fuel" uu yahay mid naadir ah, joogitaanka dumarkana way ku kala duwan yihiin waddamada .

Si kastaba ha ahaatee, haweenku waxay sii wadaan inay jebiyaan caqabadaha ciyaaraha mootooyinka kala duwan, darawallada dumarka ahna waxay bilaabeen inay dareensiiyaan joogitaankooda tartanka wadista ee dalal badan.

Dalka Brazil, haweenku waxay bilaabeen inay guulo ka gaaraan tartamada maxalliga ah ee orodka baabuurta ee masaafada gaaban (drag racing); gaar ahaan waxaa xusid mudan Fabiola Dal Po, taas oo sannadihii u dambeeyay diiwaangelisay rikoor cusub, mid ka mid ah qaybaha tartanka. Koonfurta Afrika, koox ayaa soo qabanqaabisa tartamo noocan ah oo loogu talagalay haweenka oo keliya, halka barnaamijka caanka ah ee telefishinka ee "The Fastest Arabia" uu gacan ka geystay in haweenka tartamayaasha ah ay safka hore soo galaan Bariga Dhexe.

Kalin waxa ay sheegtay in Yurub ay haweenku si aad ah ugu lug yeesheen tartanka baabuurta ee xawaaraha sare taas oo noqotay wax "aad caadi u ah".

Waxay ku tilmaamtay ku-guuleysiga Horyaalka Yurub laba sano oo isku xigta "guul aad u weyn," balse waxay durbaba hiigsanaysaa inay gaarto guul kale oo muhiim ah: inay noqoto qofkii ugu horreeyay — ha ahaado nin ama haweeney — ee ku guuleysta horyaalkan saddex sano oo isku xigta.