Xiisad ka taagan degmada Qansaxdheere iyo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada
- Author, Ibrahim Aden
- Role, BBC Somali, Mogadishu

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Maalinimadii shalay miliishiyo taabacsan maamulkii hore ee Laftagareen ayaa qabsaday xarumaha maamulka degmada Qansaxdheere oo qiyaastii 90 km Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.
Dad ku sugan magaalada Qansaxdheere ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay soo galeen magaalada abaare 11-kii barqanimo, deetana ay galeen xarunta degmada iyo saldhiga booliska, iyadoo wax iska hor imaad ah aanu dhicin.
Xubnaha maamulka degmada iyo ciidankoodii laga qabsaday xarumaha maamulka ayaa wali ku sugan gudaha magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in dagaal ka qarxo Qansaxdheere.
Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Cabdi Ibraahim Dayib oo isagoo ku sugan Qansaxdheere la hadlay BBC-da ayaa sheegay in koox uu ku sheegay in ay ka tirsan al-Qaacida ay magaalada soo galeen shalay, isla markaana ay qabsadeen dhowr goobood oo ku yaala degmada.
"Qansaxdheere walaalow nimankii al-Qaacidada ahaa ayaa soo weerarray, marka dhanna iyagaa ka jooga, dhanna annagaa ka joogna" ayuu yiri guddoomiye Cabdi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin warrarka sheegaya in ciidanka magaalada soo galay ay yihiin kuwa Laftagareen.
"Been waaye, waxba kama jiraan waaye, magaalada al-Qaacida ayaa soo weerartay" ayuu yiri Cabdi Ibraahim Dayib oo ka jawaabayay su'aal ay BBC-du weydiisay oo ku saabsanayd in ciidanka magaalada soo galay ay yihiin ciidanka Laftagareen.
Maamulkii hore ee Laftagareen ayaa dhankooda sheegay in cidda la wareegtay xarumaha maamulka degmada Qansaxdheere ay yihiin ciidankooda, isla markaana aanay jiri doonin degmo ay ka maqnaan doonaan, inta uu socdo waxa ay ugu yeereen halganka dibu xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed.
Warar dheeraad ah:









