Weerar dhanka internet-ka ah oo 7 dal oo Yurub ah gilgilay: Qaboojiyeyaashii dukaamada oo shaqada Joojiyay

.
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Tobaneeyo dukaan oo cunto lagu iibiyo oo ku yaalla toddobo waddan oo Yurub ah ayaa lala beegsaday weerarro dhanka internet-ka ah.

Kooxihii weerarka fuliyay ayaa farageliyay nidaamka lagu maamulo heerkulka qaboojiyeyaasha iyo talaajadaha dukaamadan, taasoo keentay in dhammaan cuntooyinkii ku jiray ay xumaadaan.

Belgium iyo Luxembourg, qiyaastii 40 dukaan oo laga leeyahay shirkadda Delhaize ayaa waxyeello soo gaartay.

Dukaamo kale oo ku yaalla Sweden, Ireland, Netherlands, Estonia iyo Finland ayaa iyagana la bartilmaameedsaday.

Shirkadda laga leeyahay Belgium ee "Sabcobol" oo soo saarta qaar ka mid ah noocyada qaboojiyeyaasha la weeraray, ayaa sheegtay in kooxihii weerarka geystay ay shaqo-geliyeen nidaamka lagu dhalaaliyo barafka ee qaboojiyeyaasha, taasina ay sababtay in heerkulkii gudaha qaboojiyeyaasha uu si weyn kor ugu kaco.

Waxaa muuqata in weerarkan loo adeegsaday isla habkii loo adeegsaday weerar internet oo bishii la soo dhaafay lagu qaaday boqolaal dukaan oo ku yaalla Faransiiska.

Xilligaas, cuntooyin malaayiin Euro lagu qiimeeyay ayaa xumaaday.

Agaasimaha fulinta ee shirkadda Sabcobol, Stephan Mullens, ayaa Isniintii u sheegay wakaaladda wararka ee Belga in dhacdadani ay ahayd weerar dhanka internet-ka ah. Wuxuu intaas ku daray in shirkaddiisu ay habeenkii oo dhan ilaa waaberigii ka shaqaynaysay sidii ay qaboojiyeyaashii la waxyeelleeyay uga goyn lahayd shabakadda internet-ka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sheegay in shirkaddu, ka dib weerar la mid ah oo horraantii Oktoobar ka dhacay Faransiiska, ay isku dayday inay ka ilaaliso qaboojiyeyaasha macaamiisheeda nuglaanta amni ee jirta, balse si loo xalliyo dhibaatada, cusboonaysiinta barnaamijyada kombuyuutarka oo keliya kuma filna, ee waxay u baahan tahay in isbeddel jireed lagu sameeyo qaboojiyeyaasha laftooda.

Inta badan Yurub gudaheeda, nidaamyada qaboojiyeyaasha dukaamada cuntada waxay ku xiran yihiin internet-ka. Sidaas darteed, dayactirkooda farsamo iyo xallinta cilladaha ayaa meel fog laga qaban karaa.

Mullens wuxuu yiri: "Habka ugu fudud waa in qaboojiyeyaasha lagu maamulo xiriir internet oo ammaan ah. Intooda badan macaamiisheenna waxay doorteen habkan ka dib weerarkii ka dhacay Faransiiska."

Sida warbixinadu sheegayaan, heerkulka qaboojiyeyaasha barafka ee qaar ka mid ah dukaamada Yurub wuxuu gaaray ilaa 50 darajo Celsius.

Ilaa hadda lama oga ciddii ka dambaysay weerarkan dhanka internet-ka ah.

Dalka Mareykanka, saraakiishu waxay iyaguna baarayaan waxa sababay cilladda ku timid nidaamyada qaboojinta ee qaar ka mid ah saldhigyada milatari ee dalkaas bishii Agoosto.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si wadajir ah ula baaraya kuwa Faransiiska in dhacdooyinkani ay xiriir la leeyihiin weerarradii ugu dambeeyay ee dhanka internet-ka iyo in kale.

Hay'adaha amniga internet-ka ee qaranka Belgium iyo Sweden ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadan.

Xarunta qaranka ee amniga internet-ka ee UK ayaa iyaduna sheegtay inay la shaqaynayso bahwadaagteeda caalamiga ah iyo hay'adaha warshadaha la xiriira, si loo ogaado dhammaan faahfaahinta dhacdada.

Xaruntan waxay sheegtay in ilaa hadda aan wax weerar ah oo noocan ah laga diiwaangelin UK.

Mid ka mid ah dukaamada Delhaize ee gobolka Flanders ee Belgium ayaa u sheegay mareegta wararka ee "Het Laatste Nieuws" in cuntooyin lagu qiyaasay 100 kun oo Euro, oo u dhiganta qiyaastii 83 kun iyo 500 oo Pound, ay ku burbureen.

Maareeyaha dukaanka ayaa sheegay in qiyaastani aysan ku jirin khasaarooyinka kale ee dhaqaale ee ka dhashay xiritaanka dukaanka.

Shirkadda Faransiiska ee Carrefour ayaa sheegtay in kaliya 15 dukaan oo ku yaalla Belgium ay waxyeelladu gaartay. Shirkaddu waxay intaas ku dartay inay isla markiiba isku dayday inay dhammaan dukaamadu sii furnaadaan.

Afhayeenka Colruyt Group, oo wakaalad ahaan u maamula dukaamada Spar ee Belgium, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in nidaamyada qaboojiyeyaasha ee shan dukaan ay iyaguna weerarka lala beegsaday.

Shirkadda iibisa alaabta guriga ee Sweden ee Ikea ayaa iyaduna sheegtay in nidaamyada qaboojinta ee mid ka mid ah dukaamadeeda ku yaalla magaalada Mons ee galbeedka Belgium ay saameeyeen.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa u sheegay Reuters in aan meesha laga saari karin suurtagalnimada in dukaamadooda kale ay sidoo kale saameeyeen.

Dhowr dukaan oo ku yaalla Sweden ayaa iyagana saameeyeen.

.

Dukaamada ICA iyo Coop ee Sweden ayaa iyagana dhibaatooyin kala kulmay weerarkan dhanka internet-ka ah awgiis.

Afhayeen u hadlay ICA ayaa sheegay in dukaamo kooban oo shirkaddan ka tirsan ay saameeyeen. Kuwani waa dukaamo ka shaqeeya meel ka baxsan shabakadda dhexe ee ICA.

Afhayeenku wuxuu sheegay in shirkaddu ay gacan siinayso dukaamada ay waxyeelladu gaartay, si ay xaaladdii caadiga ahayd ugu soo laabtaan.

Mid ka mid ah laamaha ICA ee ku yaalla magaalada Sjöbo ee koonfurta Sweden ayaa baraha bulshada ku qoray: "Xalay qaboojiyeyaasheenna iyo kuwa barafkaba waa la jabsaday, heerkulkuna wuxuu kor u kacay ilaa 50."

Dukaankan hore ayaa loo xiray, balse hadda dib ayaa loo furay macaamiisha.

Shirkadda Coop ayaa iyaduna sheegtay in toddobo ka mid ah 800 oo dukaan oo ku yaalla Sweden ay saameeyeen weerarka. Sida ay shirkaddu sheegtay, xaaladdu hadda waa mid la xakameeyay.

Dalka deriska la ah ee Finland ayaa iyadana laga soo sheegay warbixino ku saabsan cilladda qaboojiyeyaasha ee qaar ka mid ah dukaamada "K-Stores".

Wargeyska Finland ee "Helsingin Sanomat" ayaa ka soo xigtay milkiilaha shirkadda Kesko in khubarada amniga ee shirkaddan ay baarayaan waxa keenay dhibaatada.

Ireland, Netherlands iyo Estonia ayaa iyagana la saameeyay

Ireland, 13 supermarket oo laga leeyahay SuperValu ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarka.

Afhayeen u hadlay milkiilaha silsiladdan, Musgrave Group, ayaa u xaqiijiyay wargeyska "Irish Times" in dhacdo dhanka internet-ka ah ay carqaladeysay shaqada nidaamyada qaboojiyeyaashooda. Balse wuxuu sheegay in dhibaatadu ay ku dhacday oo keliya nooc gaar ah oo qaboojiyeyaal ah.

Afhayeen u hadlay shirkadda Danish-ka ah ee Danfoss ayaa u sheegay raadiyaha dadweynaha ee Netherlands ee NOS in xalay ugu yaraan 17 shirkadood oo ku yaalla Netherlands nidaamyadooda qaboojinta lala beegsaday.

Goobaha ay waxyeelladu gaartay waxaa ku jira dukaamo lagu iibiyo hilibka iyo dukaamo yaryar oo deegaanka ah.

Estonia, hal supermarket oo Selver ah ayaa iyana waxyeello soo gaartay. Sida ay warbaahinta ERR ee dalkaas sheegtay, waxaa sidoo kale la soo sheegay in shirkado kale ay saameeyeen.