Uganda oo darajadii ciidanka ka xayuubisay xabsigana dhigtay taliye ku-xigeenkii hore ee milatariga

Xigashada Sawirka, Chris Magezi/X
Dowladda Uganda ayaa xirtay Peter Elwelu, oo hore u ahaa taliye ku-xigeenka ciidamada milatariga, isla markaana ahaa la-taliyaha madaxweynaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal lagu doonayay in lagu xasillooni-darro geliyo dalka.
Afhayeenka ku-meelgaarka ah ee milatariga, Chris Magezi, ayaa sheegay in Elwelu, oo uu ku tilmaamay sarkaal ka baxay daacadnimadii ciidanka, la xiray fiidnimadii Isniinta, isla markaana maxkamad la soo taagi doono.
Xariggiisa ayaa imanaya maalmo kaddib markii taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Muhoozi Kainerugaba, uu ku dhawaaqay inuu Elwelu ka qaaday darajada jeneraal-laba-xiddigle, isla markaana uu hoos ugu celiyay darajada askari caadi ah.
Elwelu weli kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay.
Elwelu ayaa caan noqday sannadkii 2016-kii, markii uu hoggaaminayay weerar milatari oo dhimasho badan dhaliyay, kaas oo lagu qaaday qasriga boqor dhaqameed goboleed oo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay dhaqdhaqaaq gooni-u-goosad ah.
Markii dambe waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada dhulka. Intii ka dambeysay, wuxuu noqday taliye ku-xigeenka ciidamada difaaca, ka hor inta aan loo magacaabin la-taliyaha madaxweynaha.
Warar kale oo dheeraad ah









