Waa kuma Gadi Eisenkot, janaraalka hawlgabka ah ee hurdada u diiday Netanyahu?

.
Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa laga yaabaa inuu la kulmo caqabad weyn oo ku saabsan sii haynta xukunka ka dib doorashada Oktoobar 27.

Ra'yi ururin la sameeyay ayaa muujisay in isbahaysiga xisbigiisa Likud ee xulufada la leh xisbiyada Yuhuudda ee midigta fog iyo kuwa xagjirka ah ay ku guuldareysan karaan inay helaan aqlabiyadda baarlamaanka.

Sababaha la soo xigtay waxaa ka mid ah soo ifbixidda Gadi Eisenkot, oo ah 66 jir hore oo ahaa taliyaha ciidanka Israa'iil, kaasoo u soo baxay inuu noqdo caqabad weyn oo siyaasadeed oo ka dhan ah Netanyahu, oo ah hoggaamiye ka talinayay siyaasadda Israa'iil soddonkii sano ee la soo dhaafay.

In kasta oo uu yahay qof ku cusub siyaasadda, Eisenkot waxaa loo doortay baarlamaanka sannadkii 2022 iyada oo loo marayo xisbiga Midnimada Qaranka, ka hor inta uusan ka tagin sababtoo ah waxa uu sheegay inuu uga tagay kala duwanaansho fikradeed.

Sannadkii hore, wuxuu ka go'ay hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradka wuxuuna aasaasay xisbigiisa dhexe oo la yiraahdo Yashar (oo macnaheedu yahay "toosan" ama "daacad"). Tan iyo markaas, wuxuu si guul leh isugu muujiyay inuu yahay qofka ugu weyn ee Netanyahu kula tartamaya doorashadan.

.

Netanyahu ayaa wajahaya eedeymo musuqmaasuq oo uu beeniyay, iyo sidoo kale dhaleeceyn ku saabsan sida xukuumaddiisu u maareysay weerarradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar, 2023. Waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay qorshihiisa dib-u-habeynta garsoorka, kaas oo dhaliyay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Israa'iil.

Go'aanka Gadi Eisenkot uu ugu tartamayo hoggaanka isagoo ka soo horjeeda Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale salka ku haya masiibo qoys oo weyn oo soo gaartay intii lagu guda jiray dagaalkii Gaza.

Gal Eisenkot, oo ahaa kan ugu yar shantiisa carruur ah isla markaana ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Israa'iil, ayaa lagu dilay bishii Diseembar 2023 qarax ka dhacay waqooyiga Marinka Gaza. Waqtigaas, wuxuu ka qayb-galayay hawlgal lagu soo saarayay meydadka laba qof oo Israa'iiliyiin ah oo ay kooxda Xamaas afduubatay intii lagu guda jiray weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar 2023.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Geerida wiilkiisa ayaa si shakhsi ah u taabatay Eisenkot, waxayna ka dhigtay qof si cad uga hadla doodaha ku saabsan jihada dagaalka iyo hoggaanka dalka. Taageerayaashiisa, waayo-aragnimadani waxay siisay faham qoto dheer oo ku saabsan khasaaraha dagaalku u geysto qoysaska Israa'iiliyiinta ah.

Maanta, Eisenkot looma aqoonsana oo kaliya inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada Israa'iil, balse sidoo kale waxaa loo arkaa aabbe wiilkiisa ku waayay dagaal, iyo siyaasi isku dayaya inuu noqdo beddelka Netanyahu doorashooyinka qaranka ee ugu horreeya tan iyo markii ay dhaceen weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023.

Eisenkot wuxuu sheegay inuusan weli helin awood uu ku baaro alaabtii wiilkiisa, kuwaas oo loogu soo celiyay sanduuqyo dhowr ah oo uu ku haysto gurigiisa ku yaalla Herzliya, oo ah magaalo xeebeed dhacda waqooyiga Tel Aviv.

Wuxuu sheegay in sanduuqyadaas aan la furin tan iyo markii la keenay, iyagoo xambaarsan xusuuso xanuun badan oo ku saabsan musiibada ah inuu wiilkiisa ku waayay dagaalkii Gaza. Ilaa maanta, weli ma helin geesinimada uu ku eegi karo waxa ku jira.

"Weli ma furin. Waan dib-dhigayay," ayuu yiri.

Geerida wiilkiisa Gal, iyo sidoo kale geerida laba wiil oo ay abti/adeer u ahaayeen intii lagu jiray dagaalkii Gaza, ayaa gacan ka geystay xoojinta go'aanka Eisenkot ee ah inuu galo saaxadda siyaasadda.

"Waqtiga dib uma celin karo. Wax walba oo aan awoodo waan sameyn doonaa si aan u sharfo allabariga uu bixiyay Gal," ayuu yiri.

Eisenkot wuxuu ku adkeysanayay in Netanyahu iyo xukuumaddiisa lala xisaabtamo qaabkii ay uga falceliyeen weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Weerarradaas ka dib, wuxuu ku biiray xukuumad ku-meel-gaar ah oo la sameeyay si loo muujiyo midnimada qaranka. Hase yeeshee, wuxuu iska casilay xilkaas sannadkii 2024-kii, isagoo ku eedeeyay Netanyahu inuu ku guuldareystay inuu qaado tallaabo degdeg ah oo lagu soo deynayo dadka ay Xamaas afduubka u hayso.

Netanyahu ayaa weli diiddan eedeymahaas.

.

Netanyahu wuxuu sheegay in Eisenkot uu ka soo horjeestay qaar ka mid ah hawlgallada milatari ee muhiimka ah ee ka dhacay Gaza xilligii uu xubin ka ahaa golaha dagaalka.

"Waan xasuustaa waxa ay sheegayeen Gadi Eisenkot iyo dad kale xilligii aan weli ku sugnayn Gaza. Waxay doonayeen inaan heshiis gaarno, soo badbaadinno la-haystayaasha, kana baxno Gaza," ayuu yiri Netanyahu.

Sida uu sheegay Netanyahu, mowqifka noocaas ah wuxuu ka horjoogsan lahaa in Xamaas si buuxda looga adkaado, wuxuuna hoggaamiyeyaasheeda u suuragelin lahaa inay sii joogaan xukunka.

Eisenkot ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuuna ugu baaqay Netanyahu inuu shaaciyo qoraallada laga diiwaangeliyay kulammada golaha dagaalka iyo natiijooyinka codbixinnada halkaas ka dhacay.

Hortabinaha Eisenkot

Falanqeeyayaasha siyaasadda Israa'iil ayaa sheegaya in masiibada ku timid luminta wiilkiisa ay siisay Eisenkot ujeedo siyaasadeed oo cusub isla markaana ay kordhisay hamigiisa ah inuu ku biiro hoggaanka qaranka.

Hadafkiisu ma aha oo kaliya inuu xoojiyo xisbigiisa Yashar, laakiin sidoo kale inuu isu muujiyo inuu yahay beddelka ugu weyn ee Netanyahu iyo inuu hoggaamiyo isbahaysi dowladeed oo cusub.

Sida Netanyahu oo kale, Eisenkot wuxuu aaminsan yahay in Xamaas laga saaro awoodda Gaza. Wuxuu sheegay inuu higsanayo inuu hubiyo in kooxdu ay lumiso awooddeeda militari iyo siyaasadeed 18 bilood gudahood.

Si kastaba ha ahaatee, jeneraalka hawlgabka ah wuxuu qaatay aragti ka duwan mustaqbalka Falastiiniyiinta. Hadda ma taageersana xalka labada dowladood, isagoo sheegay in duruufaha jira aysan saldhig u ahayn hirgelintiisa.

Taa beddelkeeda, wuxuu ku baaqay nidaam cusub oo xiriir ah oo u dhexeeya Israa'iil iyo Maamulka Falastiin, isagoo ku adkaystay in Falastiiniyiintu ay is xukumaan.

"Maamulka Falastiin waa inuu hoggaamiyaa Falastiiniyiinta. Anigu ma doonayo inaan taas sameeyo," ayuu yiri.

.

Eisenkot wuxuu ballan qaaday inuu la dagaallami doono falalka rabshadaha wata ee ay qaar ka mid ah dadka Yuhuudda ah ku hayaan Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed.

In kasta oo uu taageersan yahay ballaarinta qaar ka mid ah degsiimooyinka waaweyn ee dadka Yuhuudda ah, haddana wuxuu ka soo horjeeday qorshayaasha muranka dhaliyay ee lagu ballaarinayo degsiimooyinka meelaha kale, gaar ahaan mashruuca lagu ballaarinayo degsiimooyinka aagga E1 ee u dhow Bariga Qudus.

Eisenkot ayaa sidoo kale dhawaan ballanqaaday inuu tallaabo adag ka qaadi doono dadka xagjirka ah ee mas'uulka ka ah weerarrada lagu qaadayo Falastiiniyiinta. Hadalkan waxaa loo arkay dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha sii kordhaya ee Daanta Galbeed iyo in laga jawaabo dhaleecaynta caalamiga ah ee ku aaddan degsiimooyinka dadka Yuhuudda ah.

Ballanqaadka baaritaanka ku saabsan Oktoobar 7

Ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee uu sameeyay ololihiisa doorashada waxaa ka mid ah inuu bilaabo baaritaan qoto dheer oo ku saabsan weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, si loo ogaado in ay jireen fashil amni ama hoggaan oo ka dhex jiray dowladda Israa'iil.

Warbaahinta Israa'iil ayaa soo warisay sheegashooyin sheegaya in Netanyahu uu helay digniino ku saabsan weerar suurtagal ah oo ka yimaada Gaza ka hor inta aysan weerarradu dhicin.

Netanyahu wuu beeniyay eedeymaha, wuxuuna dacwad ka gudbiyay wargeyska markii ugu horreysay daabacay, wuxuuna ka hor yimid baaqyo lagu baarayo doorka dowladdiisa.

Eisenkot, arrinta la xisaabtanka dhacdooyinkii Oktoobar 7 waxay ahayd mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ololihiisa iyo farqiga muhiimka ah ee u dhexeeya isaga iyo Netanyahu doorashadan.

Eisenkot wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu dejin doono qorshe degdeg ah si wax looga qabto dhibaatada Israa'iiliyiinta xirfadda sare leh ee ka baxaya dalka, iyo in la dhiirrigeliyo imaatinka soogalootiga cusub.

Waxa kale oo uu doonayaa inuu ka saaro xeerarka ka reebaya bulshooyinka Yuhuudda iyo Carabta ee Yuhuudda ah ee aadka u Orthodox-ka ah inay ka shaqeeyaan adeegga militariga - arrin aad xasaasi u ah dalka.

Dadaallo hore oo lagu ballaarinayay baaxadda adeegga militariga, oo ay ku jirto tan ay qaadday dowladda Netanyahu, ayaa horseeday dibadbaxyo ka imanaya bulshooyinka Yuhuudda ee muxaafidka ah.

Taariikhdiisa iyo waayihiisa ciidanimo

.

Gadi Eisenkot wuxuu ku dhashay Tiberias wuxuuna ku koray Eilat, oo ka fog meelaha siyaasadeed ee Israa'iil ee Qudus iyo Tel Aviv. Waa wiil ay dhaleen muhaajiriin reer Morocco ah oo yimid Israa'iil 1950-meeyadii wuxuuna ku noolaa nolol dhexdhexaad ah.

Wuxuu ka soo jeedaa bulsho ka tirsan Yuhuudda Mizrahi, kuwaas oo muddo dheer dareemayay in siyaasad ahaan la takooro. Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in asalkiisu uu ka caawin karo inuu soo jiito codbixiyeyaasha hore u taageeray Netanyahu.

Si ka duwan Netanyahu, oo ku koray jawi heer sare ah oo ku yaal Qudus, Eisenkot wuxuu caan ku noqday xirfaddiisa milatari.

Wuxuu ku biiray ciidanka Israa'iil isagoo 18 jir ah wuxuuna u shaqeeyay ku dhawaad 40 sano, isagoo gaaray darajada Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Difaaca Israa'iil intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

Intii uu ku jiray shaqadiisa militariga, wuxuu hoggaaminayay hawlgallada Israa'iil ee Daanta Galbeed intii lagu jiray Intifada Labaad. Waxa kale oo lala xiriiriyay istaraatiijiyad milatari oo loo yaqaan Dahieh Doctrine, taas oo xoogga saareysa isticmaalka xoog militari oo aad u badan oo ka dhan ah meelaha loo adeegsaday in lagu weeraro Israa'iil.

Iyadoo uu kala duwan yahay siyaasadda Netanyahu, Eisenkot waligiis si cad ugama soo horjeedin hawlgalkii milatari ee Israa'iil ee ka dhanka ahaa Xamaas ka dib weerarradii Oktoobar 7, 2023.

In kasta oo uusan ahayn siyaasi nabadda jecel, haddana dad badan ayaa u arka hoggaamiye fikir badan leh oo khibrad ballaaran u leh amniga qaranka.

.

Caqabadda dowlad dhisida

Iyadoo ay sii kordhayso caannimadiisa, Eisenkot waxaa la filayaa inuu u baahdo xulafo siyaasadeed si uu u dhiso dowlad, maadaama xisbigiisu aan la fileynin inuu helo xildhibaanno ku filan oo kaligiis hoggaamiya.

Halkan ayay u muuqataa in Netanyahu uu leeyahay faa'iidada khibradda. Doorashooyinkii hore ee dhowrka ahaa, wuxuu si isdaba joog ah ugu guuleystay sameynta dowladaha isbahaysiga iyo inuu sii joogo xukunka.

Taageerayaasha Netanyahu waxay sheeganayaan in Eisenkot uu u baahan doono taageerada xisbiyada Carabta si uu u dhiso dowlad. Eisenkot wuxuu sheegay inuusan fileynin inuu ku daro dowladda, inkastoo uusan meesha ka saarin suurtagalnimada inuu kala shaqeeyo baarlamaanka si uu meesha uga saaro dowladda Netanyahu.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha, awoodda ugu weyn ee Eisenkot ee doorashadan waa asalkiisa milatari. Israa'iil, militariga aad ayaa loogu kalsoon yahay oo loo ixtiraamaa, taasoo ka dhigaysa mid ka soo horjeeda Netanyahu.