Sida dhererka aadanuhu isku beddelay 100 sano gudahood. Dalalkee bay dadkoodu aad u dhaadheer yihiin?

Xigashada Sawirka, Nezar Abdallah Basheer/Anadolu via Getty Images
- Author, Catherine Heatwood
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Haddii aad dhererkaaga barbar dhigto awoowayaashaa, waxaa dhici karta inaad ka dheer tahay iyaga. Sida laga soo xigtay bogga cilmi baarista ee Our World in Data, celceliska dhererka dhalinyarada adduunka oo dhan maanta waa qiyaastii wax 10 sentimitir ka dheer awowayaashood 100 sano ka hor.
Daraasad la sameeyay 2016 ayaa is barbar dhigtay dadkii dhashay 1896 iyo 1996. Waxay ogaatay in dumarka Kuuriyada Koonfureed iyo ragga Iiraan ay la kulmeen koritaanka ugu weyn ee dhererka. Haweenka Kuuriyada Koonfureed waxay koreen celcelis ahaan 20 sentimitir, halka ragga Iiraan ay koreen 17 sentimitir.
Dr. Aravinda Guntupalli, oo ah macallin sare oo ka tirsan caafimaadka adduunka ee Jaamacadda Aberdeen ee Scotland, ayaa sheegtay in tani ay sabab u tahay cuntooyinka la hagaajiyay, maaraynta cudurrada oo horumartay, tallaallada, iyo arrimo kale oo badan. Laakiin dhererka aadanaha had iyo jeer ma aha mid sii kordhaya.
Kumannaan sano gudahood, dhererka aadanaha mararka qaarkood wuu kordhayey mararka qaarna wuu yaraanayey sababtoo ah isbeddellada cuntada, dagaalka, cudurrada iyo isbeddellada kale ee waaweyn ee bulshada.
Muxuu dhererku ka muujinayaa taariikhda?
Cilmi baarayaashu waxay sheegaan in marka aysan jirin xog kale oo taariikhi ah ama mid tirakoob, dhererka dadku uu bixin karo sawir guud oo ku saabsan tayada noloshooda.
"Dhererku waa cabbir wanaagsan oo lagu ogaan karo heerka ladnaanta dadka" ayuu yiri Dr. Matthias Blum oo ah taariikhyahan dhaqaale ah isla markaana bare ka ah Jaamacadda Queen's ee Belfast.
Daraasado ayaa muujinaya in 80 ama xitaa 90 boqolkiiba dhererka qofka ay go'aamiyaan hidde sidayaashiisa (genes).
Qaybta soo hartay, inkastoo ay ka yar tahay, haddana waxaa saameeya arrimo ay ka mid yihiin nafaqada, la kulanka cudurrada, deegaanka carruurnimada, iyo helitaanka adeegyada caafimaadka.
"Dhererka oo dheeraadaa waa calaamad muujinaysa tayo nololeed oo wanaagsan" ayuu yiri Blum.
Wuxuu sheegay in si loo yareeyo saameynta ay leeyihiin kala duwanaanshaha hidde sidayaasha, ay cilmi-baarayaashu daraasad ku sameeyaan celceliska dhererka dadweyne aad u tiro badan.
Tani waxay u suurtagelinaysaa inay ogaadaan isbeddellada iyo sinnaan la'aanta aan ka muuqan cabbirrada kale, sida wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soo if-bixii wax beerashada miyaa hoos u dhigay dhererka aadanaha?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Blum, waxaa jiray laba qodob oo muhiim ah oo ku saabsan taariikhda dhererka aadanaha.
Isbeddelkii ugu horreeyay wuxuu yimid xilligii Kacaankii Neolithic, qiyaastii 10,000 ilaa 12,000 oo sano ka hor, aadanuhu waxay bilaabeen inay ka wareegaan ugaarsiga iyo dabashada una wareegaan beeraha.
Si ay u fahmaan isbeddellada ku yimid dhererka aadanaha waqtiyadii hore, cilmi baarayaashu waxay ku tiirsan yihiin macluumaadka laga helayo qalfoofka. Si kastaba ha ahaatee, macluumaadkani wuxuu leeyahay xaddidaadyo.
Cilmi baarayaasha badankood waxay isku raacsan yihiin in dhererka aadanaha uu hoos u dhacay ka dib markii la bilaabay beerashada.
Daraasad la sameeyay 2022 ayaa lagu ogaaday in, marka Meesha laga saaro saameynta kala duwanaanshaha hidde sidaha, celceliska dhererka dadka Neolithic uu ka gaaban yahay 2.8 sentimitir kuwii ka horreeyay.
Imaanshiyaha wax beerashada wuxuu bixiyay sahay cunto oo deggan, laakiin taasi macnaheedu maahan in dadku ay heleen cunto ka wanaagsan sidii hore.
Cuntada dadka ku noolaa ugaarsiga iyo ururinta cuntada kaymaha waxay inta badan ka koobnayd waxyaabo laga helay xayawaanka.
Dhererka aadanuhu marna sare ayuu u kacaa marna hoos ayuu u dhacaa
Blum wuxuu sheegay in tani ay tahay waxa ugu muhiimsan.
Sida uu yiri "Waxay la xiriirtaa gaajada ama dheregga. Dhinacan, cuntada laga helo xayawaanka ayaa ahayd mid wanaagsan, maadaama Amino Aasiidhyada ku jira ay aad muhiim ugu yihiin jirka".
Marka laga soo tago helitaanka cunto wanaagsan, dadkii ku tiirsanaa ugaarsiga iyo ururinta cuntada duurjoogta ayaa awooday inay meel ka guuraan oo ay aadaan meel kale.
Laakiin dadka beeraleeyda ah suurtagal uma ahayn inay sidaas sameeyaan.
Waxay la daalaa dhacayeen cudurro faafa, waxay qabanayeen shaqo aad u adag, waxayna ku qasbanaayeen inay daryeelaan guryahooda iyo xoolahooda, isla markaana ay la noolaadaan xayawaanka.
Sida uu sheegay Blum, kumanaan sano oo xigay, dhererka dadka ee gobollada kala duwan mararka qaar wuu kordhayay, mararka qaarna wuu yaraanayay; hase yeeshee, isbeddelladan badanaa ma sii jiri jirin muddo dheer.
Wuxuu yiri, "Ma jirto hannaan cad oo muujinaya koror ama hoos u dhac joogto ah oo ku yimid dhererka dadka muddo dheer. Abaarro iyo dagaallo ayaa dhacayey, laakiin marka ay dhammaadaan, dadweynuhu way soo kabtaan".
Dhibaatooyinka qaarkood waxay sidoo kale horseedeen natiijooyin aan la filayn.
Bartamihii qarnigii 14-aad, cudur faafa oo dilaa ah, kaas oo loo yaqaanay 'Dhimashada Madow' (Black Death), ayaa ku faafay Yurub, wuxuuna dilay qiyaastii kala bar dadkii ku noolaa qaaraddaas.
Hase yeeshee, qiyaasaha laga sameeyay dhererka dadka ka dib masiibadan ayaa muujinaya in celceliska dhererkoodu uu kordhay.
Dr. Guntupalli iyo asxaabteeda ayaa sameeyay daraasad ku saabsan qalfoof dad (skeletons) oo laga helay dalka Ingiriiska.
Tani waxay tilmaamaysaa in celceliska dhererka dadka bilowgii qarnigii 14-aad uu ahaa qiyaastii 170 sentimitir. Markii la gaaray bilowgii qarnigii 15-aad, dhererkaas wuxuu gaaray qiyaastii 174 sentimitir.
Guntupalli waxay sheegtay in aysan jirin xog badan oo laga hayo arrintan.
Si kastaba ha ahaatee, waxay qiyaasaysaa in mid ka mid ah sababaha keenay kororka dhererka ay noqon karto kor u kaca mushaharka shaqaalaha.
Waxaa jiray yaraansho ku yimid shaqaalaha la heli karo. Tani waxaa dhici karta inay xoojisay awoodda shaqaalaha ee gorgortanka mushaharka, iyo inay sare u qaadday heerka noloshooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Isbeddello badan oo isu tegey oo saamayn yeeshay'
Sida uu sheegay Blum, isbeddelka labaad ee ugu weyn ee ku yimid dhererka bini'aadamka ayaa la xiriira Kacaankii Warshadaha.
Kacaankii Warshadaha wuxuu ka bilowday dalka Britain qarnigii 18-aad, ka dibna wuxuu ku fiday qaybo kale oo adduunka ah.
Intii lagu guda jiray horumarinta warshadaha, dhaqaaluhu wuxuu ka guuray beeraha oo u wareegay dhanka warshadaha. Waxaa la dhisay magaalooyin waaweyn, tiknoolajiyado cusub ayaa qayb ka noqday nolosha dadka, shabakadaha ganacsiga caalamiga ahna way ballaareen.
Isbeddelladan waxay kordhiyeen dhererka dadka, balse tani ma aysan dhicin si degdeg ah.
Guntupalli waxay sheegtay in xaaladda deegaanka xilliyadii hore ee Kacaankii Warshadaha ay ahayd mid "aan ugu wanaagsanayn caafimaadka".
Nadaafad xumada, guryaha ciriiriga ah, iyo shaqada adag ee warshadaha ayaa sababay in dhererka dadku uu hoos u dhaco dalal kala duwan tobannaankii sano ee ugu horreeyay.
Sida ay sheegtay, xaaladda magaalooyinka waaweyn ee warshaduhu ku yaallaan waxay ahayd mid dadku ay hal sariir ku wada seexan jireen iyagoo isku beddelaya waqtiyo kala duwan.
Koror cad oo ku yimid dhererkooda ayaa la arkay oo keliya markii dakhliga dadku uu kordhay, lana qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo caafimaadka dadweynaha.
Blum wuxuu isagu arrintan u sababeynayaa horumar laga sameeyay dhanka nadaafadda, guryaha, iyo cuntada, iyo sidoo kale soo saarista habab caafimaad oo cusub.
"Waxay ahayd isbeddello badan oo is biirsaday, kuwaas oo wada yeeshay saameyn" ayuu yiri.
Koonfurta Kuuriya waxay goor dambe bilowday horumarinta warshadaha, balse sida lagu sheegay falanqeyn la sameeyay sannadkii 2016-kii, kobaca dhaqaale ee degdegga ah ee dalkaas ayaa sababay mid ka mid ah kororka ugu dhaqsaha badan ee celceliska dhererka dadka qarnigii la soo dhaafay.
Celceliska dhererka ragga Koonfurta Kuuriya ayaa kordhay 15 sentimitir, halka kan dumarkana uu kordhay 20 sentimitir.
Qaab dhismeedka aadanaha ma wuxuu gaaray xadkii ugu sarreeyey?
Sida laga soo xigtay 'Our World in Data' celceliska dhererka ragga ku dhashay adduunka oo dhan 1996 waa 171 cm, celceliska dhererka dumarkuna waa 159 cm.
Blum wuxuu leeyahay maanta dalal badan oo horumaray, celceliska dhererka dadku uma muuqdo inuu kordhayo sababtoo ah kororka dakhliga, awoodda shaqada, badeecadaha iyo adeegyada. Sababta ay tani u dhacayso ma cadda.
Cilmi baarayaasha qaar ayaa aaminsan in dadka ku nool waddamadan ay gaari karaan heerka ugu sarreeya ee hiddo sidayaashu ay tilmaamaan.
Kororka isticmaalka cuntada degdegga ah (fast food) iyo qaab nololeedka oo leh dhaqdhaqaaq jireed oo yar ayaa sidoo kale noqon kara sabab ka dambeysa arrintan.
Blum wuxuu aaminsan yahay in mustaqbalka, qaar ka mid ah xuduudaha cusub ee aan ahayn dhererka loo baahan karo si loo fahmo "tayada nolosha bayoolojiga ah" ee dadka.
Tusaale ahaan, wuxuu leeyahay isbeddelka sii kordhaya ee cunista cuntada bilaa hilibka ah iyo khudradda maaha mid horseeda kororka celceliska dhererka dadka.
Laakiin waxaa jiri kara faa'iidooyin kale: cuntada noocaas ah waxay noqon kartaa mid caafimaad qabta ama mid deegaan ahaan waaraysa.
Dalalka saboolnimadu ka jirto, dadku way gaagaaban yihiin
Dhanka kale, marka la eego xaaladda guud ee dunida, Dr. Arvind Guntupalli waxay shaki ka qabtaa in dhererka bini'aadamku uu sii kordhi doono mustaqbalka.
Waxay tilmaamaysaa yaraanta cuntada iyo shidaalka, iyo sidoo kale "sinnaan la'aanta aadka u daran" ee maanta jirta.
Waxay sheegtay in waddamada dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay, ay jiraan carruur badan oo dhererkoodu ka gaaban yahay heerka da'dooda, taas oo ka dhalatay nafaqo-xumo.
Waddamadan, dadka ugu saboolsan ayaa ah kuwa ugu gaaban.
Halkan "gaabnaanta" waxaa loola jeedaa in carruurtu ay aad uga gaaban yihiin heerka da'dooda. Tani waxay saameyn ku yeelanaysaa dhererkooda xitaa marka ay sii weynaadaan.
Sida ay sheegtay Guntupalli, xaaladaha cimilada ee daran, sida abaaraha iyo daadadka, ayaa sidoo kale saameeya wax-soo-saarka cuntada iyo helitaanka caanaha iyo cuntooyinka kale ee xoolaha.
Waxay tiri "Miisaaniyadda lagu bixiyo caafimaadka ayaa sidoo kale hoos u dhacaysa caalamka oo dhan. Tani waxay saameyn ku yeelanaysaa barnaamijyo badan, sida tallaalka, nafaqeynta, iyo kuwa loogu talagalay qaxootiga".
Guntupalli waxay aaminsan tahay in isku darka xaaladahan oo dhan ay sii kordhin doonaan sinnaan la'aanta la xiriirta dhererka.
Sinnaan la'aantani ma aha oo kaliya mid ka dhex jirta waddamada hodanka ah iyo kuwa saboolka ah, balse waxay sidoo kale ka dhex jirtaa dadka ku wada nool hal bulsho.
"Waxaan ku noolnahay adduun aan sinnaan lahayn," ayay tiri.























