TOOS , Mareykanka oo u digay "kuwa sii wada taageeridda Iiraan"

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa digniin u diray dhinacyada sii wada taageeridda dowladda Iran, kaddib markii lagu dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay shabakad weyn oo dambiyo abaabulan ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Tartanka hubka: 10-ka dal ee leh hubka ugu badan Afrika

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.
    Qoraalka sawirka, 10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  2. Suuqyada maaliyadeed ee caalamka oo sare u kacay kaddib guushii Dimuqraadiyiinta ee doorashooyinkii Mareykanka

    Qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii.
    Qoraalka sawirka, Qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii

    Suuqyada maaliyadeed ee caalamka ayaa sare u kac weyn sameeyay kaddib guushii Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinkii dhextaalka ahaa ee Mareykanka, halka qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii.

    Qiimaha shidaalka Brent ee suuqyada caalamka ayaa galabnimadii Arbacada hoos u dhacay in ka badan 8%, isagoo gaaray qiyaastii 95 doollar foostadii. Tani waa qiimihii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo labadii bilood ee la soo dhaafay.

    Hoos u dhaca qiimaha shidaalka ayaa inta badan lala xiriirinayaa hadal uu jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, kaas oo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka mid ahaa arrimaha sababay guuldarrada Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada.

    Hadalkaas ayaa u muuqday mid ku kallifay maalgashadayaasha inay dib u qiimeeyaan walaaca laga qabo in xiisadda Bariga Dhexe ay sii kororto.

    Maalgashadayaashu waxay sidoo kale fiiro gaar ah u yeesheen baaqii Vance ee ahaa in xabbad-joojin la sameeyo, tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka iyo sare u kaca qiimaha maciishadda, iyo dib-u-eegis lagu sameeyo xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.

    Xaaladdan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo suuqyada maaliyadeed, iyadoo qaar ka mid ah maalgashadayaashu ay aaminsan yihiin in jihada siyaasadeed ee cusub ee doorashada kaddib ay yareyn karto, suurtagalnimada dagaal ballaaran oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.

    Dhanka kale, suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa iyaguna diiwaangeliyay koror weyn.

    Tusmada saamiyada Dow Jones Industrial Average, ayaa xiritaanka suuqa ku kacday 3%, halka S&P 500 ay korortay 1.6%. Sidoo kale, Nasdaq oo inta badan ka kooban saamiyada shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa kor u kacday 1.4%.

    Sidoo kale akhri:

  3. Markii uu Trump yiri "waan jeclahay Ilhaan"

    Ilhaan
    Qoraalka sawirka, Ilhaan

    Marka la soo hadal qaado Trump iyo Ilhaan Cumar, waxaa durbaba maskaxdaada ku soo dhacaya hadallo ay is dhaafsadeen labadooda.

    Trump ayaa dhowr mar oo hore weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Mareykanka iyo Soomaaliyaba.

    Si kooban, waxaan dib u yara milicsaneynaa hadalladii Trump marka laga yimaado hadalladii adkaa ee uu u muujinayay.

    Waxa aad loo xasuustaa hadal uu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xili uu mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, dabayaaqadii sanadkii 2025-kii.

    Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday, ayaa waxaa sidii looga bartay khudbadiisa ku soo hadal qaaday Soomaalida.

    Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada.

    Sidoo kale akhriso:

  4. Trump oo qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii Jamhuuriga

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii xisbiga Talada haya ee Jamhuuriga ka soo gaartey doorashada Dhextaalka ah.

    Trump hase yeeshee wuxuu ku adkaystay in uu mar kale qaadan lahaa go'aankaas haddii ay fursad kale soo marto. Halka Ku-xigeenkiisu uu su’aal geliyay in dagaalkaasi uu u qalmay khasaaraha iyo kharashaadka ka dhashay.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si buuxda ula wareegey gacan-ku-haynta maamulka labada aqal ee Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka, ka dib doorashooyinka Muddada Dhextaalka ee taladadii ka dhacday dalkaas.

    Natiijadan oo talada sharcidajinta si weyn ugu janjeerisey dhanka mucaaradka, ayaa dhanka kale waxay dhabar-jab weyn ku tahay Madaxweyne Donald Trump, oo inta ka dhiman muddada xileedkiisa wajahi doona mucaarad ragaadinaya.

    Sidoo kale akhri: