Haddii guurka xaaska labaad ee qarsoodiga ah la ogaado ka dib geerida ninka sidee loo qaybinayaa hantida uu ka dhintay ?

Azfar Hussain oo u dhashay dalka Bangladesh, ayaa lahaa laba xaas, balse xaaskiisa koowaad iyo carruurtiisa waxba kama aysan ogeyn guurkiisa labaad.

Xigashada Sawirka, Saddif via Getty Image

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Azfar Hussain oo u dhashay dalka Bangladesh, ayaa lahaa laba xaas, balse xaaskiisa koowaad iyo carruurtiisa waxba kama aysan ogeyn guurkiisa labaad. Geeridiisa ka dib, markii la gaaray marxaladda qaybinta hantidiisa, ayaa la ogaaday inuu lahaa xaas labaad; arrintaasina waxay dhalisay muran ku saabsan dhaxalka iyo qaybinta hantida.

Intii uu ka shaqeynayay magaalada Dhaka, Azfar Hussain wuxuu dhisay dhisme shan dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Dhan Mandi. Injineerkan hawlgabka ah oo ka tirsanaan jiray Waaxda Waddooyinka iyo Jidadka waaweyn, ayaa sidoo kale lahaa hanti badan oo ku taalla degmadii uu asal ahaan ka soo jeeday. Geeridiisii ka dib, xaaskiisii ugu horreysay iyo carruurtooda ayaa ogaaday jiritaanka hantidan iyo hanti kale oo uu ku lahaa magaalada Dhaka.

Intii lagu guda jiray baaritaanka, waxaa sidoo kale qoyska u caddaatay in marka laga soo tago dhismaha Dhan Mandi, ay jireen guryo dabaqyo ah iyo dhulal kale oo ku diiwaangashan magaca Azfar Hussain. Waxa uu lahaa wiil ay dhashay xaaskiisa labaad, halka xaaskiisa koowaadna ay lahayd saddex gabdhood balse aysan wiil lahayn.

Ka dib markii uu Azfar Hussain uu u geeriyooday cudurka Corona sannadkii 2022-kii, xaaskii ugu horreysay iyo dadka kale ee leh dhaxalkiisa ayaa markii hore isku khilaafay lahaanshaha dhismaha Dhan Mandi; sida ay ay muujiynayeen dukumeentiyada rasmiga ah, dhismahaas oo ka kooban shan dabaq waxa loo wareejiyay laguna diiwaangeliyay magaca xaaska labaad.

Salina Hussain, xaaska koowaad ee Azfar Hussain ayaa sheegtay in sida uu dhigayo sharciga qoyska ee Islaamka, maadaama aysan wiilal dhalin, saamiga ay saddexdeeda gabdhood ku yeelanayaan hantida seygeeda uu yaraan doono, iyadoo xaaska labaad iyo wiilkeedana ay iyaguna qayb ka heli doonaan dhaxalka.

Kani waa sheekada qoys Muslim ah, balse waxay dhalinaysaa su'aal muhiim ah. Haddii nin uu leeyahay wax ka badan hal xaas, sidee loo qaybiyaa hantida iyadoo la raacayo sharciyada dhaxalka ee Islaamka iyo diimaha kale? Saami intee le'eg ayay xaas kasta ka helaysaa hantida ninka, muxuuse yahay xeerarka ay diimaha kala duwan arrintan ka dejiyeen?

Sida uu dhigayo sharciga Islaamka ee dalka Bangladesh, ninku wuxuu yeelan karaa ugu badnaan afar xaas markiiba.

Xigashada Sawirka, towfiqu ahamed via Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida uu qabo sharciga Islaamka, xaasku waxay dhaxal ahaan u heshaa qayb go'an oo ka mid ah hantida seygeeda.

Sida uu dhigayo sharciga Islaamka ee dalka Bangladesh, ninku wuxuu yeelan karaa ugu badnaan afar xaas markiiba.

Sida ay qabaan khubarada dhanka sharciga, dhaxlayaasha ama dadka xaq u leh hantida qofka lama go'aamiyo inta uu nool yahay. Inta uu nool yahay, isaga ayaa si buuxda u leh dhammaan hantidiisa — ha ahaato mid guurta ah ama mid aan guurta ahayn — wuxuuna xaq u leeyahay inuu iibiyo, ku deeqo, ama u wareejiyo cid kale sida uu doono.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xaqa dhaxalka wuxuu soo baxaa oo keliya ka dib dhimashada qofka, marka hantida uu ka tagay loo qaybinayo dhaxlayaasha sharciga ah.

Sida uu sheegay Ujjwal Bhowmik, oo ah qareen ka tirsan Maxkamadda Sare, tirada xaasaska uu qabo ninka Muslimka ah ayaa saameyn ku leh go'aaminta saamiga ay ku leeyihiin hantida ninka. Wuxuu sheegay in qaybinta dhaxalka ay ku xiran tahay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin tirada xaasaska, jiritaanka ama maqnaanshaha carruurta, tirada carruurta, iyo in carruurtu ay yihiin wiilal iyo gabdho ama ay yihiin gabdho oo kaliya.

Wuxuu sheegay in haddii ninku uu xaaskiisa furo, haweeneyda la furay aysan badanaa noqonayn qof dhaxal leh. Hase yeeshee, haddii ay carruur leeyihiin, carruurtaasi waxay xaq u yeelanayaan inay si sharci ah uga dhaxlaan hantida aabbahood.

Xaaska la furay ma hesho qayb ka mid ah hantida; hase yeeshee, haddii ay jiraan meher ama kharashka nolosha oo ay xaq u leedahay, way dalban kartaa xuquuqdaas sharciga ah.

Nidaamka Daya Bhag ayaa si weyn looga dhaqangeliyaa sharciga dhaxalka ee Hinduuga ee dalka Bangladesh. Sida uu sheegay qareen Ujjal Bhowmik, taariikh ahaan, sharciga Hinduuggu wuxuu xaddiday xuquuqda dhaxalka ee haweenka, gaar ahaan xaasaska.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida ay sheegeen khubarada dhanka Hinduga , ma jirto wax sharci ah oo ka hor-taagan ninka Hinduuga ah inuu guursado dhowr xaas.

Waa maxay saamiga xaasku ku leedahay hantida ninkeeda haddii ay carruuri u joogaan?

Nidaamka Daya Bhag ayaa si weyn looga dhaqangeliyaa sharciga dhaxalka ee Hinduuga ee dalka Bangladesh. Sida uu sheegay qareen Ujjal Bhowmik, taariikh ahaan, sharciga Hinduuggu wuxuu xaddiday xuquuqda dhaxalka ee haweenka, gaar ahaan xaasaska.

Khubarada dhanka sharciga ayaa sheegaya inaysan jirin mamnuucid sharci oo cad oo ka hortagaysa in nin Hindu ah uu guursado wax ka badan hal xaas, balse waxaa jira fikrado kala duwan oo ku saabsan guurka xiga ee dhacaya iyadoo ay jirto xaaskii ugu horreysay, iyo xuquuqda dhaxalka ee la xiriirta guurkaas.

Sida uu sheegay Ujjal Bhowmik, haddii nin Hindu ah uu guursado xaas labaad iyadoo ay weli jirto guurkiisii xaaskiisii koowaad, markaas dhanka sharciga xaaska koowaad oo keliya ayaa loo aqoonsanayaa inay tahay xaas sharci ah. Xaaska labaad looma aqoonsan doono xaas sharci ah, sidaas darteedna ma dalban karto xuquuqaha guurka, oo ay ku jiraan lacagta masaruufka ama dhaxalka.

Sida uu sheegayo, haddii guurka koowaad uu yahay mid sax ah, guurka labaad looma aqoonsanayo mid sharci ahaan sax ah. Sidoo kale, carruurta ka dhalata guurka noocaas ah ma laha xaq ay ku dhaxlaan hantida aabbaha, inkastoo laga yaabo inay xaq u leeyihiin in la masruufo.

Ujjal Bhowmik wuxuu intaas ku darayaa in ninka Hinduuga ah ee guursada mar labaad uu sidoo kale wajihi karo dacwad ciqaabeed, isla markaana lagusoo oogi karo dacwad la xiriirta dambiga guurka laba-laabka ah (guurka laba xaas) iyadoo la raacayo Qodobka 494-aad ee Xeerka Ciqaabta ee Bangladesh.

Sida uu dhigayo sharciga Hinduuga, marka uu saygeedu geeriyooo, xaasku ma laha xuquuq la-haansho oo ku saabsan hantida ninkeeda inta uu nool yahay, hase yeeshee, waxay ka faa'iidaysan kartaa isticmaalka iyo dakhliga kasoo gala hantidaas.

Geerida ninkeeda ka dib, carmalku waxay xaq u leedahay inay isticmaasho oo ay ka maaranto qayb hantida ka mid ah oo u dhiganta saamiga hal wiil inta ay nooshahay; si kastaba ha ahaatee, ma haysato la-haansho buuxda oo hantidaas ah—taas oo ka dhigan inay ka faa'iidaysan karto inta ay nooshahay, balse aysan iibin karin, wareejin karin, ama ku wareejin karin cid kale, xitaa carruurteeda.

Si kastaba ha ahaatee, haweeneyda carmalka ah waxaa laga yaabaa inay xaq u yeelato inay iibiso hanti si ay u daboosho baahiyo sharci ah oo aan laga maarmi karin, sida kharashka aaska seygeeda, bixinta daymaha, iyo daboolidda baahiyaha nolosheeda ama waxbarashada, daaweynta iyo korinta carruurteeda.

Sida ay sheegeen khubarada dhanka sharciga, markay geeriyooto haweeneyda carmalka ah, hantidan waxay dib ugu noqonaysaa dhaxlayaasha ninka dhintay. Sharciga Hinduuga dhexdiisa, fikraddan waxaa loo yaqaannaa 'hantida carmalka.

Dhanka kale, qareenka Maxkamadda Sare Prashant Kumar Karmakar ayaa arrintan ka qaba aragti ka duwan taas. Sida uu qabo, haddii qofku leeyahay xaasas ka badan hal, waa in xaas kastaa ay heshaa saamiga u dhigma kan wiilka, iyadoo xaq u yeelanaysa inay ka faa'iidaysato inta ay nooshahay.

Sida uu sheegay qareen Prashant Kumar Karmakar, guurka labaad waa mamnuuc marka la eego go'aanka gaarka ah ee Masiixiyiinta, mana jirto fursad sharci ah oo lagu geli karo guur labada haddii guurka koobaad uu yahay mid sax ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida uu sheegay qareen Prashant Kumar Karmakar, guurka labaad waa mamnuuc marka la eego go'aanka gaarka ah ee Masiixiyiinta, mana jirto fursad sharci ah oo lagu geli karo guur labada haddii guurka koobaad uu yahay mid sax ah.

Maxay diimaha Kirishtaanka iyo Budhiisimku ka yiraahdaan arrintan?

Diinta Masiixiga lama ogola guurka xaasaska badan. Sida laga soo xigtay Banglapedia, oo ah encyclopedia-ga qaranka ee Bangladesh, Masiixiga dalkaas ma guursan karo Masiixi kale oo maxalli ah haddii xaaskiisu/saygeedu nooshahay.

Sida uu sheegay qareenka Maxkamadda Sare Prashant Kumar Karmakar, sharciga Masiixiga ma oggola guurka labaad, maadaama aysan kaniisaddu ansixinayn guurka noocaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu dhinto ninka haweeneyda Masiixiga ah qaba, waxay ka helaysaa qayb dhaxal ah hantida ninka dhintay. Sida uu sheegay Prashant Kumar Karmakar, carmalka waxa la siiyaa qayb u dhiganta tan wiilka.

Dhanka kale, qareennada kala ah Ujjal Bhowmik iyo Prashant Kumar Karmakar ayaa sheegaya in arrimaha qoyska iyo dhaxalka ee dadka haysta diinta Budhiisimka ee dalka Bangladesh badanaa lagu maamulo sharciga Hinduuga.

Sababtaas awgeed, ninka haysta diinta Budhiisimka ayaa guursan kara wax ka badan hal xaas; hase yeeshee, xaaska koowaad oo keliya ayaa leh xuquuq sharci ah marka la eego dhaxalka, halka xaasaska kale aysan wax qayb ah ka helayn hantida.