TOOS, Sacuudiga oo xiray dhuumaha shidaalka ee muhiimka ah ka dib weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo lagusoo qaaday

Sacuudi Carabiya ayaa xirtay dhuumo muhiim ah oo shidaalka qaada kadib markii ay weerareen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray Ciraaq, iyadoo uu sii ballaaranayo khilaafka ka jira Bariga Dhexe.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ukraine oo wajahaysa 'jiilaalkii ugu adkaa' tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

    Waxa socda dadaallo lagu dayactirayo shabakadda korontada ee Ukraine si dadku ay u isticmaali karaan qalabka kululeeyaha una heli karaan biyo xilliga jiilaalka.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii Ruushku uu kusoo qaaday duulaankii baaxadda weynaa sannadkii 2022-kii, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

    Alexander De Croo, oo ah madaxa hay'adda horumarinta ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay jirto khatar ku saabsan "musiibo bini'aadamnimo" haddii weerarrada Ruushku ay sababaan in la waayo korontada iyo biyaha.

    Isagoo ka hadlayay Ukraine, De Croo - oo ah sarkaalka saddexaad ee ugu sarreeya Qaramada Midoobay - ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu si nidaamsan u bartilmaameedsanayo kaabayaasha tamarta ee dalka.

    Wuxuu sheegay in hadda ay saacaddu " is gureyso " si loo hagaajiyo fiilooyinka korontada ka hor inta uusan jiilaalku dhicin oo heerkulku hoos u dhicin.

    Ruushka iyo Yukrayn waxay sii xoojinayeen weerarrada cirka bilihii lasoo dhaafay, labaduba waxay beeninayeen inay si ula kac ah u bartilmaameedsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka.

  2. Boqorkii ugu da'da yaraa dunida oo la aasay iyadoo lagu baaqay midnimo laga yeesho cidda beddeli doonta

    Uganda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Boqorka Uganda Oyo Nyimba Kabamba Iguru Rukidi IV — oo mar ahaan jiray boqorka ugu da'da yar caalamka ee xilka haya — ayaa la aasay maalintii Sabtida, maalmo kadib markii uu muran ka dhashay cidda beddeli lahayd.

    Oyo, oo 34 jir ahaa, isla markaana soo xukumayay boqortooyada dhaqanka ee Tooro ee galbeedka Uganda tan iyo markii uu saddex jir ahaa, ayaa geeriyooday bishii hore xilli uu dalka Mareykanka ku qaadanayay daaweynta cudurka kansarka.

    Tooro waa mid ka mid ah boqortooyooyinka dhaqanka ee Uganda. Boqortooyooyinkaas waa la baabi'iyay sannadkii 1967-kii, balse dib ayaa loo soo celiyay sannadihii 1990-meeyadii xilligii Madaxweyne Museveni. Boqorradooda waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin hoggaamiyeyaal dhaqan, ee ma aha hoggaamiyeyaal siyaasadeed.

    Kumanaan dad ah oo ka qayb-galayay baroordiiqda ayaa saf u galay waddooyinka iyadoo sanduuqa meydka boqorka loo qaadayay xabaalaha boqortooyada ee Fort Portal, halkaas oo lagu qabtay xaflad gaar ah.

    Oyo wuxuu ahaa ilmo yar markii loo magacaabay boqorka Tooro, sida ay sheegtay diiwaanka caalamiga ah ee Guinness World Records-kana, wuxuu ahaa boqorkii ugu da'da yaraa caalamka intii uu xilka hayay.

    Amiir Edward Rukidi Kijanangoma, oo 56 jir ah kana shaqeeya wararka telefishinka, kaas oo ay odayaasha qabiilku u magacaabeen boqorka xiga, ayaa la sheegay inuu sagaal xabbo oo bun ah ku tuuray qabriga Oyo; taasi oo ahayd caado astaan ​​u ah dhammaadka xukunka boqorka iyo bilowga mid kale.

  3. Trump oo sheegay inuu aad u jeclaan lahaa midowga Waqooyiga Ireland iyo Jamhuuriyadda Ireland

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa inuu arko midowga Waqooyiga Ireland iyo Jamhuuriyadda Ireland, wuxuuna muujiyay aragtidiisa ah inay taasi dhici doonto mustaqbalka.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu Dublin kula qabtay hoggaamiyaha xukuumadda Ireland, Micheál Martin, ayuu Mr. Trump sheegay in midowga Ireland uu noqon doono "guul weyn oo sharaf u ah dhammaan dhinacyada."

    Heshiiskii nabadda ee "Good Friday" ee sannadkii 1998-kii — kaas oo soo afjaray tobanaan sano oo colaad ah ah oo ku saabsanaa heerka dastuuriga ah ee Waqooyiga Ireland — ayaa dhigaya in gobolku uu sii ahaan doono qayb ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska, ilaa iyo inta ay aqlabiyadda dadka ku nool halkaas iyo kuwa Jamhuuriyadda Ireland ay taageerayaan isbeddel.

    Xukuumadda Ingiriiska ayaa arrintan uga jawaabtay iyadoo sheegtay inaanay jirin taageero aqlabiyadeed oo loo hayo q

  4. Sacuudiga oo xiray dhuumaha shidaalka ee muhiimka ah ka dib markii weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn lagusoo qaaday

    Saudi Arabia
    Qoraalka sawirka, Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya aagga uu maro dhuumaha Bariga iyo Galbeedka isku xira, ka hor intaan la duqeyn (bidix) iyo ka dib markii la weeraray.

    Sacuudi Carabiya ayaa xirtay dhuun shidaal oo muhiim ah ka dib markii ay weerar ku qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga soo riday Ciraaq, iyadoo colaadda Bariga Dhexe ay sii ballaaranayso.

    Ciraaq ayaa sheegtay inay shaqada ka eriday taliye ciidan waxayna bilowday baaritaan ka dib markii ay qiratay in weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday dhuun shidaal oo ku taal Bariga-Galbeed ee dalka deriskeeda ah uu ka soo bilowday mid ka mid ah gobolladeeda xuduudda la leh Iiraan. Sacuudi Carabiya ayaa hore ugu eedaysay maleeshiyada ay taageerto Iiraan ee Ciraaq inay bartilmaameedsadeen xarumaheeda saliidda.

    Dhuumaha saliidda ee dhererkoodu yahay 1,200 oo kiiloomitir ayaa ka caawiyay Sacuudi Carabiya — oo ah dalka ugu weyn caalamka ee dhoofiya saliidda cayriin — inay ka wareegto marinka Hormuz.

    Dhacdadani waxay ku soo beegantay xilli ay kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ay horumar weyn ka sameynayaan gudaha Yemen, taas oo cadaadis dheeraad ah saaraysa waddooyinka caalamiga ah ee lagu daabulo saliidda, iyadoo xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraanna ay hadda gashay bisheedii toddobaad.

    Jimcihii, ciidamada dowladda Yemen ee ay taageerto Sacuudiga ayaa sheegay inay weerareen dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada xeebta ah ee istiraatiijiga ah ee Mokha, taas oo timid maalin kadib markii Xuutiyiintu ay la wareegeen gacan ku haynta dhammaan xeebta Badda Cas.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Sacuudigu uu go’aansaday inaysan tallaabo aargoosi ah qaadin xilligan, kadib baaq uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

    Waxay sheegtay in boqortooyadu ay "taageeri doonto dadaallada xukuumadda Ciraaq" ee ku aaddan "ka hortagga weerarrada" laga soo qaado dalkaasi ee lala beegsanayo waddamada deriska la ah.

    "Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay xaqiijineysaa inay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda, una ilaaliso xarumaheeda, una hubiso badbaadada muwaadiniinteeda iyo dadka deggan," ayaa lagu shegay bayaanka.

    Sheekooyin kale:

  5. Xuutiyiinta oo gacanta ku dhigay dhul xooggan oo istaraatiiji ah

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Horumarka degdegga ah ee ay Xuutiyiintu ka sameeyeen qayb ballaaran oo ka mid ah dhulka xeebta ah ee Tihama, oo ku yaalla koonfurta Yemen, ayaa u muuqda mid lama filaan ku noqday dad badan oo arrimahaas la socda.

    Tihama waa dhul xeeb ah oo qalalan oo ku yaalla Yemen. Ilaa waqti dhow, isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta ee loo yaqaan 'Iska-caabbinta Qaranka' ayaa gacanta ku hayay qayb ballaaran oo ka mid ah xeebta Badda Cas, balse maalmo gudahood, qayb weyn oo ka mid ah dhulkaas ayaa gacanta u galay Xuutiyiinta.

    Sida lagu sheegay qiyaaso qaarkood, ciidamada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa qabsaday ilaa 130 kiiloomitir oo ka mid ah xeebta Yemen oo istiraatiijiyad ahaan muhiim u ah.

    Tani waa guushii ugu weyneyd ee dhanka milatariga ah ee ay Xuutiyiintu gaaraan sannadihii ugu dambeeyay, taasoo muujinaysa in inkastoo ay jireen 12 sano oo dagaal sokeeye ah, duqeymo xooggan oo ay geysteen Sacuudiga, iyo sidoo kale weerarro ay qaadeen Mareykanka, Israa'iil iyo Ingiriiska, haddana Xuutiyiintu ay weli yihiin awood u baahan in la tixgeliyo.

    "Hadda oo ay halkaas joogaan, waxay xoojin doonaan gacanta ay ku hayaan, waxayna noqon doontaa mid aad u qaali ah in laga saaro," ayuu BBC-da u sheegay Hisham al-Ameisi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Machadka Yurub ee Nabadda (European Institute for Peace) oo xaruntiisu tahay Brussels.

    Mas'uul ayaa u sheegay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP in doonyo ay saaran yihiin dagaalyahanno hubeysan oo Xuutiyiin ah ay gaareen jasiiradda Baryim/Miyun, taas oo marin-badeedka u kala qaybisa laba waddo oo maraakiibta ay maraan, ka dib markii ciidamada dowladda ay halkaas ka baxeen maalintii Khamiista.

    Mas'uulkaas, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa raaciyay: "Xuutiyiintu waxay si buuxda ula wareegeen gacanta ku haynta aagga Bab al-Mandab iyo jasiiradda Miyun oo ku taal bartamaha marin-badeedka."

    Qof goob-jooge ah ayaa sheegay in dagaalyahannada Xuutiyiinta ay "ku baaheen xeebta Bab al-Mandab, ayna ku dhex socdaalayaan gaadiidka milatariga."

    Sheekooyin kale:

  6. Trump: Iran ayaa u badan tahay inay mas'uul ka tahay weerarka lagu qaaday dhuumaha shidaalka Sacuudiga.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Ireland, ayaa u sheegay weriyeyaasha in Iran ay "malaha" mas'uul ka ahayd weerarkii dhawaan lagu qaaday dhuumaha shidaalka ee "East-West" ee dalka Sacuudi Carabiya.

    "Waxaan u malaynayaa inay iyagu yihiin. Malaha iyagaa ka dambeeya," ayuu ku yiri magaalada Dublin, isagoo ka jawaabayay su'aal uga timid weriye weydiiyay in Iran ay mas'uul ka ahayd weerarradaas.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa saacado ka hor shaacisay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu weeraray dhuumaha shidaalka dalkaas ay ka kaceen dhinaca Ciraaq.

    Khudbaddiisa, Donald Trump wuxuu ku celiyay hadalladii uu jeediyay maalmo ka hor.

    Wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro Iran uu dhammaan doono ka dib doorashooyinka dhexe ee bisha Nofembar ka dhacaya Mareykanka.

    Mr. Trump ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha shidaalku uu hoos u dhici doono marka uu dagaalku dhammaado.

    Sheekooyin kale:

  7. Sawirrada aan la arag ee weerarkii daaraha mataanaha ee Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Jason Scott/Textfiles

    waxaa uu ku dhex arkay 2,400 oo sawir oo muujinaya bur-burkii soo gaaray daarihii mataatanaha ahaa ee magaalada New York, kuwaasi oo la weeraray 11 September 2001.

    Sawirrada ayaa u muuqda in uu qaaday mid ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay dib u dhiska daarahaasi kaasi oo aan la garanayn haybtiisa.

    Cajaladaha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa baaba'san balse macluumaadka ku kaydsan ayaa ahaa kuwa dib loo soo celin karo.

    Ku dhawaad 3,000 oo qof ayaa dhimatay ka dib markii afar diyaaradood oo la soo afduubay lagu weeraray Xarunta Ganacsiga Dunida ee New York.

  8. Degdeg: Ra'iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Iran oo ka wadahadlay arrinta Badda Cas

    Abiy iyo Mazus

    Xigashada Sawirka, X

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian kuwaa oo ku saabsan amniga Badda Cas iyo xasilloonida gobolka oo ballaaran isagoo ka hadlayay Shir Madaxeedka BRICS.

    Qoraal uu Abiy ku qoray X, ayuu ku sheegay in dooddu ay diiradda saartay horumarka Badda Cas iyo xaaladda amniga gobolka ee ballaaran, iyadoo xoogga la saarayo wadahadalka iyo xasilloonida gobolka.

    Kulanku wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Badda Cas ay weli tahay walaac amni oo weyn, iyadoo weerarrada maraakiibta ganacsiga, xiisadaha ku lugta leh Yemen iyo xasillooni darrada ballaaran ee Bariga Dhexe ay sii wadaan inay saameeyaan waddooyinka ganacsiga badda.

    Xiisaha cusub ee Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta marin la isku halleyn karo oo badda ah ayaa sii xoojiyay xiisadda kala dhaxaysa wadanka dariska la ah ee Eritrea, halka arrimaha aan la xallin ee ka dhashay colaadda Tigray ee ka dhashay dagaalkii Tigray ay sii adkeynayaan xiriirka ka dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara.

    Itoobiya iyo Iiraan labaduba waa xubno ka tirsan BRICS-ka la ballaariyay, kaas oo si isa soo taraysa u sameeyay goob lagu falanqeeyo arrimaha juqraafiyeed iyo amniga oo ay weheliso iskaashiga dhaqaalaha.

    Abiy ma uusan shaacin in himilooyinka badda ee Itoobiya si gaar ah looga hadlay kulanka.

    Sheekooyin kale:

  9. Maxay muhiim u tahay booqashada madaxweynaha Shiinaha ee dalka Hindiya 7 sano kadib?

    .

    Xigashada Sawirka, ANI

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray dalka Hindiya kadib toddobo sano, halkaas oo uu uga qaybgalayo shir-madaxeedka BRICS oo lagu qabanayo New Delhi 12-ka iyo 13-ka Sebtembar. Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli ay u muuqato in xiriirka u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha uu si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayo kadib sanado badan oo xiisad jirtay.

    Inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ay xaqiijisay booqashada, haddana weli ma cadda inuu dhici doono kulan rasmi ah oo laba geesood ah oo dhexmara Madaxweyne Xi iyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Booqashadii ugu dambeysay ee Xi Jinping uu ku tago Hindiya waxay ahayd sanadkii 2019-kii, markaas oo uu kulan aan rasmi ahayn la yeeshay Modi magaalada Mamallapuram oo u dhow Chennai.

    Sida ay qabaan khubarada, booqashadani ma aha oo kaliya mid muhiim u ah xiriirka labada awoodood ee ugu waaweyn qaaradda Aasiya, balse waxay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa iskaashiga dhexmara waddamada BRICS, diblomaasiyadda gobolka, iyo siyaasadda caalamiga ah.

    Calaamado muujinaya in xiisaddu ay qaboobayso kadib dhacdadii Galwan?

    Khilaafkii ugu weynaa ee soo kala dhexgalay xiriirka Hindiya iyo Shiinaha ayaa yimid kadib iska horimaad dhiig ku daatay oo ka dhacay Dooxada Galwan ee Ladakh sanadkii 2020-kii, halkaas oo lagu dilay 20 askari oo u dhashay Hindiya. Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid kacsan kadib dhacdadaas, iyadoo khilaafka xuduudkuna uu saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

    Si kastaba ha ahaatee, sanadihii ugu dambeeyay, labada dhinacba waxay u muuqdeen kuwo ku dadaalaya inay caadi ka dhigaan xiriirkooda. Sanadkii hore, Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa booqday Shiinaha si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO), halkaas oo uu kula kulmay Xi Jinping. Dadaallada lagu xaddidayo khilaafaadka xuduudka iyo dib u soo celinta xiriirka ayaa tan iyo markaas dardar galay.

    Arrintan la xiriirta, waxaa bishan sidoo kale lagu qabtay aagagga xuduudka kulamo heer sare ah oo u dhexeeyay taliyayaasha ciidamada labada dal, kuwaas oo lagu tilmaamay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu dhisayo kalsoonida.

    SHeekooyin kale:

  10. Ciidanka Yemen ayaa sheegtay inay khasaare culus gaarsiiyeen ku gaasiiyeen Xuutiyiinta Makha iyo Dhabab.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ku dhawaaqay in la bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen ururka Xuutiyiinta ee Ansar Allah, kuwaas oo ku yaalla deegaannada Makha iyo Dhabab ee galbeedka Yemen.

    Afhayeenka milateriga, Majid al-Nuzili, ayaa bayaan uu soo dhigay baraha bulshada (gaar ahaan madal-madaxeedka X) ku sheegay in weerarradaasi ay burburiyeen bartilmaameedyo badan oo ku yaallay deegaannada Makha iyo Dhabab. Sida uu sheegay, hawlgalladaas waxaa gebi ahaanba lagu burburiyay gaadiid iyo hub, waxaana sidoo kale lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Xuutiyiinta oo ku sugnaa meel u dhow dekedda Makha.

    Wuxuu intaas ku daray in xubno kale oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta iyaguna la bartilmaameedsaday qaybo kala duwan oo ka mid ah magaaladaas xeebta ku taal. Sida uu sheegay, waxaa weerar lagu qaaday koox aad u badan oo dagaalyahanno Xuutiyiin ah oo ku sugnaa meel u dhow xarun ganacsi oo ku taal magaalada Mocha, taas oo keentay in gebi ahaanba la baabi'iyo xubnihii halkaas ku sugnaa.

  11. Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go'aamada masaxweyne Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse saameynta siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn looga dareemi karaa shir-madaxeedka BRICS ee ka dhacaya dalka Hindiya 12-ka iyo 13-ka bisha Sebtembar.

    Shirkan waxaa ka qayb-galaya hoggaamiyeyaal ka kala socda 11 waddan, oo ay ku jiraan dalka marti-gelinaya ee Hindiya, iyo weliba Brazil, Koonfur Afrika, Shiinaha, Ruushka, Iiraan, iyo Imaaraadka Carabta.

    Sidoo kale, Sacuudi Carabiya ayaa ka qayb-geli doonta kulankaas.

    Hoggaamiyeyaasha waddamadan ayaa ka wada-hadli doona arrimo badan oo muhiim ah, hase yeeshee saameynta siyaasadaha Madaxweyne Trump ayaa laga yaabaa inay ka mid noqoto mowduucyada ugu muhiimsan.

    Xiisadda dagaalka ee la xiriirta Iiraan iyo khatarta canshuuraha dheeraadka ah ee Mareykanka ayaa qalqal geliyay suuqyada tamarta ee caalamka, taas oo saameyn ku yeelatay labadaba cadowga iyo xulafada Mareykanka. Xaaladdan ayaa sidoo kale abuurtay hubanti-la'aan joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka dhaqaalaha caalamka.

    Waa jawigan midka ay dalalka BRICS ku qabanayaan shirkooda heerka sare ah. Hase yeeshee, lagama yaabo inay BRICS soo saaraan bayaan wadajir ah oo si cad u dhaliilaya Mareykanka, ama ay dejiyaan istiraatiijiyad wadajir ah oo lagaga hortagayo siyaasadaha iyo arrimaha juqraafiyeed ee Trump.

  12. Maxay dhuumaha shidaalka ee Bariga-Galbeed muhiim ugu yihiin Sacuudi Carabiya?

    Dhuumo shidaalka qaada ee Sacuudiga oo la weeraray

    Xigashada Sawirka, Copernicus Sentinel-3/Reuters

    Qoraalka sawirka, Dhuumo shidaalka qaada ee Sacuudiga oo la weeraray

    Dhuumaha shidaalka ee Bariga-Galbeed ee Sacuudiga, kuwaas oo lala beegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ka yimid Ciraaq, ayaa yeeshay muhiimad dheeraad ah tan iyo markii uu ka qarxay Bariga Dhexe dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iran oo dhinaca kale ah.

    Dhuumaha shidaalka ee loo yaqaan Petroline waxay ka soo bilaabmaan goobaha shidaalka ee Abqaiq ee ku yaalla Gobolka Bari ee Sacuudiga, waxayna ku dhammaadaan dekedda Yanbu ee galbeedka dalka. Waxay dhererkoodu yahay qiyaastii 1,200 kiiloomitir, waana marinka ugu weyn ee beddelka u ah gaadiidinta shidaalka Sacuudiga ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, iyadoo laga leexanayo Marinka Hormuz.

    Sida ay sheegeen shirkadaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo falanqeeyayaasha, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dhuumahaasi waxay qaadi jireen afar ilaa shan milyan oo fuusto oo shidaal ah maalintii, taas oo u dhiganta afar ilaa shan boqolkiiba sahayda shidaalka ee dunida.

    Dhuumahaasi waxay leeyihiin awood qaadis oo qiyaastii ah 7 milyan oo fuusto shidaal ah maalintii, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA).

    Sacuudi Carabiya ayaa bilihii u dambeeyay si isdaba joog ah u shaacisay in dhulkeeda, gaar ahaan xarumaha tamarta, lagu qaaday weerarro ay sheegtay inay ka yimaadeen kooxo Ciraaq ku sugan oo xiriir la leh Tehran.

  13. Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay

    Duulimaad diyaaradeed

    Xigashada Sawirka, Xuseen Maxamed Canshuur

    Qoraalka sawirka, Duulimaad diyaaradeed

    Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere) oo ah laba duuliye oo Kenyaan ah waxaa xafiiskooda ku yaallay garoonka diyaaradaha ee Wilson oo ku dhow caasimadda Nairobi, soo gaartay shaqo aan la filayn, taas oo xasaasi ahayd, halis waynna ay ku hoos duugneyd.

    Xuseen iyo Maxamed oo shaqo maalmeedkooda ku jira waxaa u yimid diblomaasi u dhashay dalka Nayjeeriya, kaas oo ka codsaday in meydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ay diyaaradooda u soo qaado dalkiisa hooyo si loogu aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos oo uu magangalyo siyaasadeed ku joogay Nayjeeriya isagoo 80 jir ah.

    Maxamed Canshuur oo hore u ahaan jiray Kabtan ka tirsan Ciidamada cirka dalka Kenya, waxa ay Maxamed Aadan wada lahaayeen shirkadda duulimaadka Bluebird oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya, isla markaana ay aasaaseen dhowr sano ka hor waqtigaas.

    Isaga oo markii ugu horreysay warbaahinta kala hadlay hawlgalkan, Canshuur waxa uu BBC-da u sheegay in diblomaasigii Nayjeeriyaanka ahaa uu si toos ah isku dul-taagay arrinta uu doonayay, kana codsaday isaga iyo Maxamed in ay " ka kireeyaan diyaaraddooda oo si qarsoodi ah ugu qaadaan meydka marxuumka laga soo qaadayo magaalada Lagos ee Nayjeeriya, lana geeyo magaalada Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya si halkaas loogu aaso Siyaad Barre.

    Waxa uu sheegay in codsigaas uu ahaa mid aad loola yaabo "Isla markiiba waan garannay in safarkaan uusan ahayn duulimaad caadi ah."

  14. Muxuu ahaa codsiga dhaxal-sugaha Sucuudigu ka dalbaday Trump ee la sheegay inu diiday?

    Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudida Maxamed Bin Salman

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudida Maxamed Bin Salman

    Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda iyo goobjoogayaal ayaa sheegay Jimcihii in Xuutiyiinta Ansaarullaah ee taageerada ka hela Iran ay la wareegeen magaalo xeebeed istaraatiiji ah iyo jasiirad ku taalla Marinka Bab al-Mandab ee Yemen, iyadoo warbaahinta Axios ay sheegtay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday codsi uga yimid dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ahaa in duqeymo lagu qaado Xuutiyiinta.

    Xuutiyiinta ayaa gaaray magaalada Dhu Bab ee Yemen, oo si toos ah ugu taalla Marinka Bab al-Mandab, waxayna la wareegeen Jasiiradda Baryim/Miyuun ee Yemen oo ku taalla marinka. Labadan goobood ayaa muhiim u ah gacan-ku-haynta marinkan, kaas oo loo arko mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka ee ay maraan maraakiibta xamuulka qaada.

    Mas'uul ayaa wakaaladaha Reuters iyo AFP u sheegay in doonyo ay saarnaayeen dagaalyahanno Xuutiyiin ah oo hubaysan ay gaareen Jasiiradda Baryim/Miyuun, taas oo marinka u kala qaybisa laba waddo oo maraakiibtu isticmaalaan, kaddib markii ciidamada dowladda ay Khamiistii isaga baxeen.

    Mas'uulka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray: "Xuutiyiintu waxay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta aagga Bab al-Mandab iyo Jasiiradda Miyuun oo ku taalla bartamaha marinka."

    Goobjooge ayaa sheegay in maleeshiyaadka Xuutiyiintu "ay ku fidsan yihiin xeebta Bab al-Mandab, isla markaana ay ku socdaan gaadiid militari."

  15. Wargeyska The Wall Street Journal oo wariyey xog xasaasi ah oo ku saabsan dagalka Iiraan

    Wargeyska The Wall Street Journal ayaa shalay oo Jimce ahayd soo wariyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo “xog-ogaal ah”, in Iran ay hay’adaha Shiinaha ka heshay sawirro dayax-gacmeed oo heer aad u sarreya ah oo laga qaaday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun, ka hor weerarkii bishii Luulyo ee lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah.

    Sida lagu sheegay warbixintan, saraakiisha Maraykanku ma aysan magacaabin hay’adihii Shiinaha ee sawirradaas siiyay Iran, mana aysan sheegin in Shiinuhu si toos ah ugu lug lahaa arrinta.

    Saddex askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay 17-kii Luulyo weerarro ay Iran adeegsatay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.

  16. Sacuudiga iyo Ciraaq oo ka wadahadlay xaaladda gobolka, maxayse sheegeen

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq, Fuad Hussein, ayaa wada-hadal khadka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, iyagoo intii lagu guda jiray wada-hadalkaas xoojiyay "muhiimadda ay leedahay sii wadidda xiriirka iyo isku-dubbaridka si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka."

    Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq, "Intii lagu guda jiray wada-hadalkaas, waxaa la adkeeyay qoto-dheeraanta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Ciraaq iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana la is-dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac danaynayaan." War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in "labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda xiriirka, isku-dubbaridka, iyo wadatashiga u dhexeeya labada dal, si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka, loona xoojiyo iskaashiga wadajirka ah."

  17. Sacuudiga oo hakiyey howlihii dhuumaha shidaalka ee Bariga-galbeed ka dib weerarii loo geystay

    Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay si ka hortag ah u hakisay hawlgallada dhuumaha shidaalka ee ka soo bilaabma Gobolka Bari kuna socda xeebta galbeed, kaddib markii Khamiistii lala beegsaday “weerarro dhowr ah,” kuwaas oo ay markii dambe sheegtay inay ka yimaadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday Ciraaq. Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Riyaad iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen.

    Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa soo xigatay ilo ka tirsan Wasaaradda Tamarta oo sheegay in “dhuumaha shidaalka Bariga-Galbeed ee gobollada Riyaad iyo Madiina ay Khamiistii subaxnimadii, Sebtembar 10, 2026, la kulmeen weerarro dhowr ah, waxaana dhuumaha loo xiray si taxaddar ah, weerarraduna waxay sababeen dhaawacyo qaar ah.”

    Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarka ay fuliyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo “ka soo baxay dhulka Ciraaq,” kaas oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed , sida lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay.

  18. Maxay iyagoo da'yar u dhintaan dadka jirka-dhista?

    jir-dhista

    Xigashada Sawirka, Rodrigo Góes

    Qoraalka sawirka, jir-dhista

    Michaelson Araujo oo u dhashay Barazil kana mid ah ragga jirka dhista ayaa bishii Nofeembar ee sannadkii hore soo dhigay sawir uu ku muujinayo qaab-dhismeedka jirkiisa isaga oo ku jira goob jimicsi.

    Jir-dhiska uu sameeyay ayaa ka dhigay jir-dhise xirfadle ah, wuxuuna ku kasbaday kumannaan taageerayaal ah.

    Markii uu jirkiisu soo bandhigayay wuxuu xirnaa funaanad cas, sawirkuna wuxuu muujinayay nin leh murqo waa weyn. Saacado kaddib ayuu xanuunsaday, wuxuuna ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla gobolka Bahia.

    Inkasta oo sababta dhimashadiisa aan weli si rasmi ah loo xaqiijin hadana Araujo wuxuu noqday mid ka mid ah jir-dhisayaasha u geeriyooday si degdeg ah.

    Bishii May ee sannadkii hore, jir-dhise kale oo reer Brazil ah oo lagu magacaabi jiray Gabriel Ganley, ayaa u dhintay wadne-xanuun kedis ah isagoo da'diisu yareed.

  19. Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay inay la wareegeen lix degmo oo ku yaalla Taiz iyo Xudayda

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa sheegay in howlgalkii ay kooxdu billowday 3-dii Sebtembar uu ka dhacay lix degmo oo ku yaalla gobollada Taiz iyo Xudayda, iyadoo guud ahaan masaafada dhulkaas uu gaarayay 5,400 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

    Wuxuu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa ka jeediyay telefishanka Al-Masiirah, kaas oo ay la socotay waaxda kormeerka warbaahinta ee BBC, in howlgalku bartilmaameedsaday toddobo qaybood oo milatari, kuwaas oo ka koobnaa 38 guuto oo ka tirsan ciidamada dowladda ee Sacuudigu taageero.

    Sida uu sheegay Sariic, dagaalladu waxay sababeen in boqolaal ka tirsan ciidamadaas la dilo, la dhaawaco ama la qabto.

    Sariic wuxuu sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay intii uu dagaalku socday fuliyeen 32 hawlgal oo ka dhan ah diyaaradaha Sacuudiga, ayna soo rideen sagaal diyaaradood.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay sii daayeen tiro aan la cayimin oo maxaabiis ah oo ay ka hayeen ciidamada dowladda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Dal ay Soomaali badan ku nooshahay oo shaaciyey tallaabooyin adag oo lagu soo rogay lix qof

    Zambia ayaa sheegtay inay kala noqotay baasaboorrada lix qof oo ka tirsan mucaaradka, iyadoo sabab uga dhigtay walaacyo la xiriira amniga qaranka.

    Ogeysiis ay dowladdu soo saartay ayaa sheegay in baasaboorradu aysan hadda ansax u ahayn safarka ama aqoonsiga.

    Lixda qof midkoodna hadda kuma sugna Zambia, balse waxaa lagu amray inay soo celiyaan dukumentiyadaas.

    Waxay si weyn u dhaliilaan dowladda ku sugan Lusaka, waxayna sidoo kale diideen natiijadii doorashadii bishii Agoosto, taas oo Madaxweyne Hakainde Hichilema lagu sheegay inuu ku guuleystay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: