Muuqaal soconaya afar saacadood oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida oo buuq abuuray

Xigashada Sawirka, Venice Film Festival
Bandhigga Filimada ee Venice ayaa martigeliyay daawashadii ugu horreysay ee filim cusub, oo leh himilo sare isla markaana muran dhaliyay, kaas oo uu sameeyay agaasimaha filimada dokumentariga ah ee caanka ah Alex Gibney; filimkan oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida ayaa qaatay sanado badan in la diyaariyo.
Alex Gibney, oo ah agaasime ku guuleystay abaalmarinta Oscar-ka filimada sida "Taxi to Darkness" iyo "Enron: The Smartest People in the Room," ayaa sameeyay filimo dokumentari ah oo ku saabsan qaar ka mid ah dadka ugu taajirsan uguna awoodda badan dunida. Hase yeeshee, ma jiro qof iyaga ka mid ah oo gaaray heerka taajirnimada iyo awoodda Elon Musk. Waxaa laga yaabaa inay taasi tahay sababta filimkiisa dokumentariga ah ee ku saabsan ganacsadaha dhanka tiknoolajiyadda iyo madaxa shirkadda SpaceX uu u yahay mid aad u ballaaran oo qoto dheer.
Filimka "The Mask," oo markii ugu horreysay lagu soo bandhigay Bandhigga Filimada ee Venice, ayaa soconaya muddo 225 daqiiqo ah, waxaana lagu soo bandhigay iyadoo ay ku jirto nasasho 10 daqiiqo ah; taas oo ka dhigan ku dhawaad afar saacadood oo ku saabsan nolosha iyo shaqada ninka ugu taajirsan dunida.
Filimka kuma jiraan waxyaabo badan oo aan hore loo soo tebin, balse Gibney ayaa warbixinnadii hore u habeeyay qaab sheeko oo xiiso badan oo xawli ku socota, taas oo sawiraysa muuqaal inta badan taban oo cabsi gelinaya, kuna saabsan mustaqbal u eg dhammaadka adduunka.
Musk laftiisa lama wareysan, balse nuqul isaga u eg oo lagu sameeyay AI ayaa filimka ka soo muuqanaya.
Gibney ayaa markii hore isku dayay inuu wareysto Musk, balse markii lagu dhawaaqay in mashruuca la bilaabayo bishii Maarso 2023, Musk ayaa baraha bulshada ku sheegay in filimku uu noqon doono mid "nidaamka duminaya." Gibney ayaa ku jawaabay, "Sidee ku ogaatay?"
Xalkii uu agaasimuhu la yimid wuxuu ahaa in la isticmaalo nuqul dhijitaal ah oo Musk ah—oo ay samaysay garaadka macmalka ah (AI)—kaas oo ku celcelinaya ereyo uu hore dadweynaha ugu sheegay. Gibney ayaa qaybta codka ee qoraalka filimka ku xusaya in tallaabadani aysan ahayn mid aan habboonayn, maadaama Musk uu aaminsan yahay in laga yaabo inaynu dhammaanteen ku noolnahay xaalad la jilay (simulation) ama ciyaar fiidiyow ah oo ay ciyaarayaan jiilalka mustaqbalka inaga dambeeya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
David Byrne ayaa wax ka qoray hees loogu talagalay filimka.
David Byrne ayaa wax ka qoray heesta "Let Me Sell You a Dream" oo lagu daray qaybta ugu dambaysa ee filimka, taas oo ereyadeedu ay ka kooban yihiin weero uu Musk hore u sheegay.
Dadka qaar ee uu Gibney wareystay ayaa aaminsan in cinwaanku uu ku habboon yahay, iyagoo sheegaya in Musk uu inta badan soo jiito maalgelin isagoo ballanqaadaya in guulo mustaqbalka ah oo hadda u muuqda kuwo khayaali ah—sida magaalooyin laga dhiso meeraha Mars ama baabuur si buuxda iskood u wada oo ammaan ah—ay dhawaan hirgeli doonaan ama ay hore u hirgaleen.
"Taasi ma dhici doonto," ayuu yiri qoraaga iyo khabiirka cilmiga xiddigiska Adam Becker isagoo ka hadlaya qorshaha Musk ee ah inuu dadka dejiyo meeraha Mars. "Cuf-isjiidadku aad buu u hooseeyaa, shucaacuna aad buu u sarreeyaa, hawana ma jirto, ciidduna waxaa ka buuxa walxo sun ah."
Si kastaba ha ahaatee, Musk mar walba wuxuu difaacaa aragtidiisa ku aaddan mustaqbalka. "Aad baan ugu wanaagsanahay saadaalinta mustaqbalka," ayuu u sheegay wargeyska The Economist bishii Luulyo. "Kama maarmo khaladaadka, balse aad baan ugu wanaagsanahay... Dadku ma fahmaan in waxa aan sheego ay dhici doonaan; laga yaabee inaysan dhicin waqtiga saxda ah ee aan filayo, laakiin way dhici doonaan."
Soo-dhoweynta filimka
Faallooyinka tan iyo markii filimka lagu soo bandhigay Venice ayaa inta badan wanaagsanaa ilaa hadda, iyadoo Variety ay ugu yeertay "muuqaal muhiim ah oo daaawashadiisu xiiso leedahay" oo ku tiirsan "xirfadda qotoda dheer ee Gibney ee qaabka dukumeentiga ah laakiin u fiican dhagaystayaasha." The Telegraph ayaa siisay dib u eegis afar xiddig ah, iyadoo ugu yeertay "mid cajiib ah oo si taxadar leh oo la sameeyay."
Ma aha wax lala yaabo, Musk laftiisu taageere uma uusan ahayn filimka. Barta X, wuxuu ku qoray in film ku yahay, "barnaamij aad u liita oo caajis laga qaadayo una qalmi in afar saacadood loo fadhiyo."















