Shan siyaabood oo la yaab leh oo aad kor ugu qaadi karto heerka birta ee jirkaaga – kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn cunista hilibka

Hilib
    • Author, Melissa Hogenboom
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Khamiiri, kari ama ku dar liin dhanaan. Marka laga hadlayo sida jirku u nuugo birta ama feerada, sida dadka qaar ay u yaqaannaan, afka qalaadna lagu yiraahdo (Iron), muhiim ma aha oo keliya waxa aad cunayso, balse sidoo kale sida aad u cunayso ayaa muhiim ah.

Markii aan yaraa, waxaan aaminsanaa in haddii aan cuno koosto ama isbiinaj badan, aan kori doono anigoo caafimaad qaba oo xooggan. Xitaa maanta, waxaan si joogto ah ugu daraa cabitaannada la shiido, baastada iyo ukunta la shiilay.

Waxaan koostada u jeclahay ma aha oo keliya inay tahay khudaar siyaabo kala duwan loo isticmaali karo, si fududna loo karin karo, isla markaana hodan ku ah faybarka, balse sidoo kale inuu yahay il wanaagsan oo laga helo birta – sax miyaa?

Hagaag, inkasta oo aanan gebi ahaanba khaldanayn, haddana jirkeennu si fiican ugama nuugo birta ku jirta koostada ceeriin.

Maaddaama qiyaastii saddexdii qofba mid ka mid ah uu jirkiisu ku yar yahay birta, waxaa muhiim ah in la fahmo in aanay ku koobnayn oo keliya waxa aynu cunno, balse sidoo kale sida aynu cuntada u cunno iyo habka aynu u diyaarinnaa ay door weyn ka ciyaaraan helitaanka xaddiga birta ee jidhkeennu u baahan yahay.

Yaraanta nafaqo ee ugu badan

Yaraanta birta ayaa ah nafaqo-yaraanta ugu badan adduunka ee ku timaadda dadka, gaar ahaan carruurta iyo haweenka ku jira da'da taranka.

Dareenka daalka, tabar-darrada ama neefta oo kugu yaraata ayaa dhammaantood ka mid ah calaamadaha muujin kara in jirkaagu ay ku yar tahay birta. Macdantan muhiimka ah ayaa ka qayb qaadata soo saarista haemoglobin-ka, oo ah borotiinka qaada ogsijiinta una gudbiya ku dhowaad dhammaan qaybaha jirka.

"Waxaa wanaagsan in la isku dayo in laga hortago dhiig-yaraanta, iyadoo la cunayo cunto nafaqo leh oo ku habboon," ayay tiri Susan Fairweather-Tait, oo ah barafasoor ku takhasustay dheef-shiidka macdanta kana tirsan Jaamacadda Bariga Anglia.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaaddo sida fudud ee jirku birta uga nuugo cuntada, dhammaan cuntooyinka hodanka ku ah birta isku mid ma aha.

Cuntooyinka aan hilibka ku jirin waxay u baahan yihiin taxaddar dheeraad ah

Avocado
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jira laba nooc oo bir ah oo laga helo cuntada. Birta loo yaqaan Heme iron waxaa laga helaa hilibka iyo cuntooyinka badda, halka Non-heme iron laga helo cuntooyinka dhirta ka yimaada.

Jirkeennu si ka fudud ayuu u nuugaa nooca koowaad marka loo eego kan labaad. Qiyaastii 15 ilaa 30% birta Heme iron ayuu jirku nuugaa, halka uu nuugo xaddi ka yar birta Non-heme iron ee laga helo noocyada kala duwan ee dhirta. Tusaale ahaan, jirku wuxuu nuugaa qiyaastii 2% birta ku jirta digirta la qallajiyey iyo 7 ilaa 9% tan ku jirta khudaarta caleenta leh.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira qiimaha cuntada iyo saamaynta caafimaad iyo deegaan ee cunista hilibka cas, dadka qaar ayaa yareynaya cunistiisa. Taasi waxay keeni kartaa yaraanta birta ee jirka, haddii aan hilibka lagu beddelin ilo kale oo bir laga helo, ayay sheegtay Yemisi Latunde-Dada, oo bare sare ka ah culuumta nafaqada ee Jaamacadda King's College London.

Intee in le'eg oo bir ah ayuu jirku u baahan yahay?

Hoos waxaa ku qoran xaddiga birta ee maalin kasta lagu taliyey, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Qaranka UK (NHS).

- Ragga da'doodu tahay 19 sano iyo wixii ka weyn: 8.7 milligaraam (mg).

- Haweenka da'doodu u dhaxayso 19 ilaa 49 sano: 14.8 milligaraam (mg). (Hase yeeshee, dumarka uu dhiigga caadadu ku badan yahay waxay badanaa u baahan karaan xaddi intaas ka badan).

- Haweenka da'doodu tahay 50 sano iyo wixii ka weyn: 8.7 milligaraam (mg).

Nasiib wanaag, waxaa jira cuntooyin badan oo dhirta laga helo oo hodan ku ah birta, kuwaas oo kaa caawin kara inaad maalin kasta hesho xaddiga birta ee jirkaagu u baahan yahay.

Inkasta oo jirku aanu si fudud u nuugin birta laga helo cuntooyinkan marka loo eego tan laga helo hilibka, haddana waxaa jira habab badan oo lagu kordhin karo nuugista birta ku jirta cuntooyinka dhirta laga helo.

1. Khudaarta caleenta leh qaar kari, qaarna uumis ku bislee

Cagaar

Habka cuntada loo diyaariyo ayaa saamayn ku yeelan kara xaddiga birta ee jirku ka faa'iidaysan karo.

Koostada ama isbiinajka oo ka mid ah khudaarta aan sida joogtada ah u isticmaalo, waxaa ku jira maaddooyin loo yaqaan Oxalates. Maaddooyinkani waxay ku xirmi karaan birta, taasoo yaraynaysa xaddiga uu jirku nuugi karo. Hase yeeshee, marka isbinaajka la kariyo, maaddooyinkani biyaha ayay ku milmaan, taasoo suuragelisa in jirku nuugo bir badan.

Si kastaba ha ahaatee, habkani wuxuu khuseeyaa oo keliya khudaarta caleenta leh ee ay ku badan yihiin Oxalates, sida isbinaajka, Swiss chard iyo caleenta dabocase.

Khudaarta kale ee caleenta leh, sida saladhka, kaabashka iyo bok choy, uma baahna in laga saaro Oxalates-ka. Xaqiiqdii, cunistooda iyagoo ceeriin ah ama uumi lagu bisleeyey waxay ka caawisaa inay sii haystaan fitamiin C badan, kaasoo kor u qaada nuugista birta ee jirka.

2. Isku dar cuntooyinka birta hodanka ku ah iyo kuwa laga helo fitamiin C

Cilmi-baaris ayaa muujisay in marka cuntadeenna lagu daro fitamiin C, uu jirku si wanaagsan u nuugo birta.

"Fitamiin C-gu wuxuu si weyn u kordhiyaa nuugista birta laga helo cuntooyinka dhirta ka yimaadda," ayay tiri Latunde-Dada.

Marka aad cunayso cuntooyinka birta hodanka ku ah, waxaad isku dayi kartaa inaad cuntada ku darto liin dhanaan oo aad ku tuujiso, ama inaad la cabto koob yar oo casiirka liinta macaanta ah, marka aad quraacda cunayso rootiga khamiirka dabiiciga ah lagu sameeyo.

Oronjo

3. Ka faa'iidayso cuntooyinka la khamiiriyey

Habka khamiirinta cuntada ayaa sidoo kale ka caawin kara jirka inuu nuugo bir badan. Sababtu waxay tahay in khamiirintu ay burburiso maaddada loo yaqaan Phytic acid, oo si dabiici ah looga helo badarka, lowska iyo iniinaha, taasoo adkaysa in jirku cuntada ka nuugo birta.

Sababtaas awgeed, waxaad ka fiirsan kartaa inaad rootiga caadiga ah ku beddesho rootiga lagu sameeyo khamiirka dabiiciga ah.

4. Ha ku tiirsanaan oo keliya cuntooyinka nafaqooyinka lagu xoojiyey

Cunto

Cuntooyin badan oo aasaasi ah oo ay ka mid yihiin rootiga iyo badarka quraacda, ayaa lagu xoojiyaa bir dheeraad ah. Hase yeeshee, shirkadaha cuntada soo saara waxay inta badan isticmaalaan noocyo bir ah oo jirku si dhib yar u nuugo, balse aan si fudud ula falgelin cuntada, si aanay u beddelin dhadhankeeda, midabkeeda ama muddada ay kaydsanaan karto.

"Jirkeennu si wanaagsan ugama nuugo birta ku jirta inta badan cuntooyinka nafaqooyinka lagu xoojiyey," ayay tiri Fairweather-Tait.

Intee in le'eg oo bir ah ayaa ku jirta cuntada aan cunno?

Digirta noocyadeeda kala duwan, khudaarta caleenta aadka u cagaaran leh, miraha la qallajiyey, lowska iyo iniinaha ayaa dhammaantood ah ilo wanaagsan oo birta laga helo.

Hoos waxaa ku qoran xaddiga birta ee laga helo qaar ka mid ah cuntooyinka aynu naqaan, iyadoo lagu salaynayo 100 garaam oo cunto ah:

- Digirta chickpeas: 2 mg.

- Borokoli: 1 mg.

- Iniinta gabbaldayaha: 6.4 mg halkii 100 garaam. Qaddar macquul ah oo ah 30 garaam ayaa ka kooban qiyaastii 1.9 mg.

- Tofu: 1.2 mg.

- Hilibka lo'da (qaybta isteegga): 3.6 mg.

Daraasad lagu cabbiray sida jirku u nuugo birta ku jirta cuntooyinka nafaqooyinka lagu xoojiyey, ayay cilmi-baarayaashu ku ogaadeen in nuugista birta laga helo badarka carruurta yaryar loo sameeyo ay aad u hooseysay, iyadoo u dhaxaysay 0.6 ilaa 2.2%.

Dhanka kale, isla daraasadda ayaa muujisay in jirku si ka wanaagsan u nuugo birta ku jirta rootiga yaryar ee laga sameeyo burka cad ee la sifeeyey. Daraasad kale ayaa iyaduna ogaatay in heerka nuugista birta ee rootiga laga sameeyo burka la sifeeyey uu gaaray 13.6%.

5. Ka taxaddar cabitaannada aad la cabto cuntada

Shaah

Cabitaannada aynu cabno xilliga cuntada ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan kara xaddiga birta uu jirkeennu ka nuugo cuntada.

Sida maaddooyinka loo yaqaan Oxalates oo kale, nuugista birta waxaa yarayn kara maaddooyin ay ka mid yihiin Polyphenols, Tannins, faybarka (Fibre) iyo Phytates, ayay sheegtay Latunde-Dada.

Qaxwaha iyo shaahu waxay ka kooban yihiin Tannins iyo Polyphenols. Taas macnaheedu waa haddii aynu shaah ama qaxwo la cabno badarka quraacda ee birta hodanka ku ah, jirkeennu si fiican uma nuugi doono birta ku jirta cuntadaas.

Haddii aad doonayso inaad shaah cabto, waxaa habboon inaad sugto ugu yaraan laba saacadood ka dib cuntada, ayay ku talisay Fairweather-Tait.

In kugu filan, balse aan xad-dhaaf ahayn

Xaddiga birta ee maalin kasta lagu taliyo in qofku qaato ayaa horeba loo xisaabiyaa iyadoo la og yahay in jirkeennu nuugo qayb yar oo keliya oo birta ah.

Xitaa haddii aad qaadato xaddiga birta ee maalin kasta lagugula taliyey, waxaa suuragal ah in jirkaagu nuugo hal ilaa laba milligaraam oo keliya maalintii, ayay sheegtay Fairweather-Tait. Waxay intaas ku dartay in xaddigaasi la mid yahay birta aynu maalin kasta luminno, sababo ay ka mid yihiin dhididka iyo dhiigga caadada.

Fairweather-Tait waxay ku talinaysaa in qofku si joogto ah maalintii oo dhan u cuno xaddi yar oo cuntooyinka birta hodanka ku ah, isaga oo raacaya cunidda cunto isku dheellitiran.

Sababta ayaa ah in, si liddi ku ah waxa la filan karo, jirku uu nuugi karo bir ka yar haddii hal mar la siiyo xaddi aad u badan. Tani waxay sabab u tahay awoodda wanaagsan ee jirku u leeyahay inuu xakameeyo xaddiga birta uu nuugayo.

Sidoo kale, haddii aad ka fikirayso isticmaalka kaabeyaasha nafaqada ee birta, khubarradu waxay kugula talinayaan inaad marka hore talo caafimaad raadsato.

"Jirku wuxuu isku dayayaa inuu ilaaliyo dheellitirka, mana doonayo inuu qaato bir ka badan inta uu u baahan yahay."