Sidee faa'iidada shirkadda Samsung ay ugu korartay $80 bilyan oo doolar sanadkaan?

Xigashada Sawirka, ep
Shirkadda Samsung Electronics Co. waxay sheegtay inay filayso in faa'iidada rubuc-sannadeedka ay kor u kacdo ku dhawaad sagaal laab marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore, taasoo ay keentay kororka baahida loo qabo jibka xusuusta ee loo isticmaalo xarumaha xogta garaadka macmalka ah.
Shirkadda tiknoolajiyadda ayaa ku qiyaastay in faa'iidada hawlgalka ay gaartay 107.4 tirilyan oo won ah (qiyaastii 61 bilyan oo ginni ama $80 bilyan) saddexdii bilood ee ugu dambeeyay dhammaadka Sebtembar. Tani waxay noqon doontaa rubuc-sannadeedkii afraad ee isku xiga ee Samsung ay ku soo saarto faa'iido rikoor ah.
Samsung waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee adduunka ee xusuusta. Shirkadda SK Hynix ee Kuuriyada Koonfureed iyo Micron ee Mareykanka ayaa sidoo kale sameeya jibka xusuusta ee muhiimka u ah shirkadaha AI sida Nvidia.
Samsung, oo sidoo kale samaysa taleefannada casriga ah ee Galaxy Fold iyo S26, ayaa la filayaa inay faa'iido dheeraad ah ka hesho taleefannadeeda cusub ee la laabi karo; aaladaha waxaa la bilaabay bishii Agoosto.
Warbixinta maaliyadeed ee rubuc-saddexaad ee dhammaystiran ee Samsung ayaa la sii deyn doonaa dhammaadka Oktoobar.
Qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Kuuriyada Koonfureed ayaa bixinaya qiyaaso dakhli oo hordhac ah ka hor inta aysan sii deyn warbixinnadooda maaliyadeed oo dhammaystiran si ay u wargeliyaan maalgashadayaasha.
Qiyaasaha noocaas ah waxaa loo arkaa kuwo ka kalsooni badan kuwa falanqeeyayaasha dibadda, sababtoo ah waxay ku salaysan yihiin macluumaadka gudaha ee shirkadda.
Baahida adduunka oo dhan ee loo qabo jibka kombiyuutarka ee loo isticmaalo horumarinta AI ayaa cirka isku shareertay, taasoo kor u qaadaysa dakhliga iyo qiimaha saamiyada ee shirkadaha jibka tiknoolajiyada.

Xigashada Sawirka, SK Hynix
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baahida sii kordheysa sannadihii u dambeeyay ayaa keentay yaraanta agabka semiconductor-ka adduunka oo dhan, taasoo kor u qaadaysa iibka shirkadaha sida Samsung. Qiimaha suuqa saamiyada ee Samsung ayaa kor u dhaafay $1 tiriliyan horraantii sanadkan.
Maalgashiga warshadaha ayaa sidoo kale si degdeg ah u kordhay. Shirkadaha waaweyn ee tignoolajiyada Mareykanka, sida Google, Amazon iyo Meta, ayaa ballan qaaday inay maalgelin doonaan in ka badan $650 bilyan oo mashaariicda AI ah sanadkan.
Bishii Juun, Kuuriyada Koonfureed waxay ku dhawaaqday qorshayaal qiimahoodu yahay ugu yaraan $880 bilyan oo loogu talagalay mashaariicda ay hoggaaminayaan Samsung iyo SK Hynix, oo loogu talagalay in lagu ballaariyo awoodda sameynta chips-ka dalka sanadaha soo socda.
Shirkadaha Aasiya ee iska soo horjeeda ee Japan, Shiinaha, iyo Taiwan ayaa sidoo kale si weyn u maalgashanaya warshadaha wax soo saarka chips-ka sababtoo ah baahida sii kordheysa ee AI.
Sababtoo ah yaraanta chips-ka iyo baahida sii kordheysa, Samsung iyo shirkado kale ayaa kor u qaadaya qiimaha alaabadooda, taasoo ka dhigaysa alaabada sida taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada kuwo qaali ah.



























