Walaaca Carabta Israa'iil oo sii kordhay kaddib markii masaajid la gubay, dadna gaari la jiirsiiyay

Xigashada Sawirka, AFP
Dab ka kacay waaberigii Khamiista masaajid ku yaalla tuulada Dahi ee Carabta, waqooyiga Israa'iil, iyo dhacdo gaari lagu jiirsiiyay dad oo fiidnimadii Arbacada siddeed qof ku dhaawacantay magaalada Kafr Qasim, ayaa walaac ku abuuray muwaadiniinta Carabta ee Israa'iil.
Waxay ka cabsi qabaan in weerarrada ka dhanka ah ay sii kordhaan.
Arrintan ayaa timid iyadoo hoggaamiyeyaasha Carabtu ay ku eedeeyeen hadallada siyaasadeed ee hurinta leh inay sii kiciyeen xiisadda.
Booliska Israa'iil iyo hay'adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet ayaa baaraya labada dhacdo, iyagoo eegaya suurtagalnimada in ay ka dambeeyeen ujeeddooyin qaran-dumis ah. Hase yeeshee, weli ma aysan shaacin natiijo kama dambays ah ama in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashadii baarlamaanka Israa'iil ee dhacday 27-kii Oktoobar. Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa ayaa olole ka dhan ah suurtagalnimada in la dhiso dowlad cusub oo ku tiirsan taageerada xisbiyada Carabta. Qaar ka mid ah xubnaha xisbiyadaas ayay ku eedeeyaan inay taageeraan argagixisada.
Dab ka kacay masaajidka Al-Dahhi
Dadka deggan tuulada Dahi, oo ku dhow magaalada Afula ee waqooyiga Israa'iil, ayaa waaberigii Khamiista ku soo toosay dab ka kacay gudaha masaajidka tuulada iyo qoraallo afka Cibraaniga ah oo lagu qoray darbiyada masaajidka.
Qoraalladaas waxaa ka mid ahaa weedho ay ka mid yihiin "Carabta hala dilo" iyo "Aargoosi".
Baarayaashu waxay eegayaan suurtagalnimada in dabka uu ka dhashay weerar loo geystay ujeeddooyin ay ku tilmaameen "qaran-dumis". Hase yeeshee, mas'uuliyiintu weli ma aysan...
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Ibraahim Al-Zuubi, oo ka tirsan guddiga deegaanka ee tuulada, ayaa sheegay in saddex qof oo wejiyada qarsaday ay aroortii hore yimaadeen agagaarka masaajidka, halkaasna ay ku qoreen halku-dhigyo darbiyada.
Waxa uu sheegay in dadkaasi ay markii dambe isku dayeen inay gudaha u galaan masaajidka oo dab qabadsiinayaan, iyagoo walax ololi karta ku tuuray dabaqa hoose. Hase yeeshee, albaab bir ah ayaa ka hor istaagay inay gaaraan dabaqa sare oo ah halka uu yaallo goobta salaadda oo roogag lagu goglay.
Al-Zuubi waxa uu intaas ku daray in dabka la ogaaday wax yar ka hor salaaddii Subax, markii dadkii cibaadaysanayay ay arkeen holaca oo ay wargeliyeen adeegyada gurmadka. Waxa uu xusay in khasaaruhu intaas ka badnaan karay haddii dabku uu gaarilahaa qaybta weyn ee salaadda.
Waxa uu sheegay in dadka tuuladu ay ka walaacsan yihiin in dhacdooyin noocan oo kale ahi soo noqnoqdaan. Waxa uu ku tilmaamay weerarka mid horay loo sii qorsheeyay, isaga oo dalbaday in mas'uuliyiintu soo bandhigaan dadka ka dambeeyay.
Shil gaari oo dad lagu jiirsiiyay magaalada Kafr Qasim

Xigashada Sawirka, EPA
Saacado ka hor dabka ka kacay masaajidka, siddeed qof ayaa ku dhaawacmay dhacdo gaari dad lagu jiirsiiyay oo ka dhacday magaalada Kafr Qasim ee bartamaha Israa'iil, oo ay deggan yihiin Carab.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya gaari dhowr qof oo lugeynayay ku jiirsiinaya meelo kala duwan oo magaalada ah fiidnimadii Arbacada, ka hor inta uusan goobta ka dhaqaaqin. Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in isla gaariga uu dhowr jeer dad jiiray, kaddibna uu goobta ka baxsaday.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in saddex qof ay dhaawacyo dhexdhexaad ah soo gaareen, halka dadka kale laga daweeyay dhaawacyo kala darnaan ah.
Booliska ayaa xiray darawalkii gaariga, oo ahaa nin Yuhuudi ah kana soo jeeda deegaanka Krayot ee u dhow Haifa. Waxa ay sidoo kale bilaabeen baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Mid ka mid ah dadka dhaawacmay, oo lagu magacaabo Ummu Waahid, ayaa wargeyska Yediot Aharonot u sheegtay in darawalku uu jiiray iyada iyo haweeney la socotay oo lagu magacaabo Ummu Maxamed, xilli ay ku socdeen hareeraha webiga.
Waxay sheegtay in darawalku uu gaariga dib u soo celiyay oo mar kale jiiray, arrintaas oo argagax ku abuurtay dadkii goobta joogay.
Waxay intaas ku dartay in markii hore ay u malaysay in darawalku uu yaqaanay iyaga oo uu kaftamayay, balse ay la yaabtay markii uu gaariga dib u celiyay, dabadeedna mar kale dhankooda u soo kaxeeyay oo uu jiiray.
Waxay sheegtay in haweenkii goobta joogay ay qayliyeen, ka hor inta uusan darawalku gaariga la baxsan.
Ummu Maxamed oo iyaduna ku dhaawacantay dhacdada ayaa sheegtay in hadda ay ka baqayso inay gurigeeda ka baxdo.
Markhaati kale, Majdi Shariim oo deggan deegaanka Zemer kana shaqeeya Kafr Qasim, ayaa sheegay in gaarigu uu jiiray xilli uu shaqada u socday, kaddibna darawalku uu goobta ka baxsaday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Labada dhacdo ayaa caro ka dhex abuuray hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Carabta ee Israa'iil. Qaar ka mid ah ayaa weerarrada ku xiriiriyay hadallada siyaasadeed ee dowladda hadda talada haysa.
Madaxa Xisbiga Liiska Carabta Midoobay, Mansuur Cabbaas, ayaa dabka lagu qabadsiiyay masaajidka ku tilmaamay "dambi naceyb iyo fal argagixiso". Waxa uu sheegay in dhacdadani ay qayb ka tahay sii kordhaya hadallada ka dhanka ah Carabta.
Cabbaas ayaa sheegay in dhacdadu ay tahay "natiijo toos ah" oo ka dhalatay waxa uu ku tilmaamay olole hurin ah oo garabka midigta fog uu ka wado muwaadiniinta Carabta. Waxa uu ugu baaqay Netanyahu inuu joojiyo hadalladaas, isaga oo ka digay in rabshadaha ka dhanka ah bulshada Carabta loo aqoonsado wax la aqbali karo ay khatar gelinayaan nolosha dadka.
Dhankiisa, xildhibaanka Axmed Tiibi ayaa isku xiray dhacdooyinka ka dhacay Dahi iyo Kafr Qasim. Waxa uu siyaasiyiinta Israa'iil ku eedeeyay inay gacan ka geysanayaan hurinta nacaybka ka dhanka ah muwaadiniinta Carabta, isaga oo mas'uuliyiinta ugu baaqay inay soo bandhigaan dadkii ka dambeeyay dabka masaajidka.
Madaxa guddiga bulshada ee Kafr Qasim, Saciid Ciise, ayaa dhacdada gaariga dadka lagu jiirsiiyay ku tilmaamay "fal argagixiso", isaga oo sabab uga dhigay in dadku ay ku dhaawacmeen goobo kala duwan oo magaalada ka tirsan.
Ciise waxa uu sidoo kale sheegay in hadallada siyaasadeed iyo kuwa warbaahineed ee ka dhanka ah muwaadiniinta Carabta ay gacan ka geystaan abuurista jawi colaadeed oo iyaga lagu beegsanayo.

























