Maxay shirkadda ugu weyn adduunka ee konteenarrada u joojisay shixnadihii dekedda Berbera? Faahfaahin

.
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Shirkadda Maersk oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee qaadda konteennarada ayaa shaaca ka qaadday todobaadkan inay si KMG ah u joojisay in ay diiwaan galiso shixnado cusub oo loo qaado ama ka yimaada dekedda Berbera.

Qoraal ay soodhigeen bartooda internetka ayey ku sheegeen in arrintaasi ay la xiriirto " isbeddel ku yimid jadwalka".

Qoraalka ayaa intaa ku daray "Waxaan fahamsannahay in laga yaabo inaad ku tiirsan tahay rarka Berbera ee ku saabsan shixnadaha albaabka maxalliga ah iyo sidoo kale isku xirka suuqyada deriska ah sida Itoobiya. Iyadoo shirkadda Maersk ay si ku-meel-gaar ah u hakin doonto rarkeeda Berbera, waxaanu hubin doonnaa in shixnad kasta oo hadda ku socota la gaarsiiyo meeshii ugu dambaysay ee loo qorsheeyay. Intaa waxaa dheer, adeegyadeena Jabuuti, Muqdisho, iyo Mombasa ayaa diyaar u ah inaan taageerno baahiyahaaga saadka iyo xaqiijinta isku xirnaanta gobolka oo dhan" ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Maersk.com

Waxay dadka kula talisay inay la xiriiraan wakiilka Mearsk si ay ugala hadlaan wixii dheeraad, ciddii doonaysa in Berbera lagu xiro.

BBC ayaa isku dayday inay faahfaahin ka ogaato wakiilka shirkadda Maersk ee Berbera, hase yeeshee wuxuu ka cudur daartay inuu waraysi na siiyo.

Sidoo kale maamulka dekedda Berbera oo aan la xiriirnay ayaa isna ka gaabsaday inuu macluumaad ka bixiyo, isagoo warkiisa ku soo koobay inay la xiriireen shirkadda ayna tahay "arrin farsamo oo jadwal la xiriirta".

Hakinta hawlaha Maersk ee Berbera waxay kaloo saamaynaysaa badeecadaha loo qaado Itoobiya ee ka soo dega dekedda Berbera.

.

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

Maxaan ka naqaan shirkadda Maersk

Shirkadda Maersk oo laga leeyahay dalka Denmark, ahaydna tan iyo markii la aasaasay ilaa iyo 2022 tan ugu weyn adduunka ee ka shaqaysata badeecadaha lagu qaado konteerrada ee caalamka isaga goosha ayaa xafiisyo ku leh Muqdisho iyo Berbera.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saldhigeeda weyn wuxuu ku yaallaa magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark, waxayna sidoo kale xafiisyo ku leedahay ku dhawaad dunida oo dhan - ilaa 130 dal - ayadoo ay u shaqeeyaan qiyaastii in ka badan 100,000 oo shaqaale ah, sida ay sheegayso xog la uruuriyey 2024.

Hawlaha ay qabato waxaa ka mid ah shaqooyinka dekedaha, maamulka isku xirnaanta silsiladda ganacsiga (Supply chain management), bakhaarrada kaydinta badeecadaaha, iyo daabulidda badeecadaha dhanka hawada.

Shirkaddan oo la aasaasay 1904 ayaa sannadkii aan soo dhaafnay ee 2025 waxaa dakhligeeda lagu sheegay inuu gaaray $53.9 bilyan.

Shirkadda ayaa sheegtay in ay si dhow ula soconayso xaaladda ka taagan bariga dhexe, ayadoo hadba soo saari doonta wargelin ku saabsan halka ay arrin marayso.

Dagaalka u dhaxeeya Iiraan oo dhinac ah iyo Maraykanka iyo Israa'iil oo dhinaca kale ah ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka shidaalka iyo badeecadaha adduunka, inkastoo shirkadda Maersk aysan ka hadlin wax saamayn ah oo dagaalku ku yeeshay hawlahooda.