Sidee ugu fudud oo aad ku baran kartaa af qalaad?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Krupa Badhi waxay shaaca ka qaadaysaa sida loo barto luqad qalaad iyada oo ku salaynaysa khibraddeeda shakhsiyeed, taas oo ku lug lahayd barashada laba luqadood: Boortaqiis iyo Mandariin (Shiine Heerka Caadiga ah).
Aniga oo ka wakiil ah Badhi, waxaan haystay nuqul ka mid ah qaamuuska Faransiiska ee weyn "Collins Robert", waxaanan dhigay meel hore oo ka mid ah maktabaddayda intii aan deggenaa hoyga ardayda. Nuqulkaasi wuxuu ahaa daabacaaddii dabayaaqadii 1980-meeyadii, wuxuuna ka koobnaa in ka badan kun bog. Wuxuu qabsaday kala bar boorsadayda yar, maadaama uu ahaa mid lama huraan ah oo aan laga maarmin.
Toban sano ka dib, maalin murugo leh ayaa timid markii gurigeennii hal qol ahaa uu ku yaraaday laba carruur ah, sidaas darteed waxaan go'aansaday inaan iska tuuro qaamuuskaas. Waayo wuxuu ahaa markhaati ka turjumaya dadaalkaygii hore ee barashada luqadaha.
Barashada luqado badan waxay noqotay qayb ka mid ah aqoonsigayga qofeed. Sababtoo ah waxaan ku dhashay qoys ku hadla Gujarati (lahjad Hindi ah), ka dib markii waalidkay—oo asal ahaan Hindi ah—ay ka soo haajireen Tansaaniya una guureen UK 1970-meeyadii.

Xigashada Sawirka, KRUPA PADHY
Sannadkii 1995, telefishanka Zee TV ayaa UK ka billaabay baahinta, iyada oo loo marayo shabakad lacag lagu daawado, Badhi-na waxay ku mashquushay daawashada riwaayadaha Hindiya ee la turjumay fiidkii. Waxay Faransiiska baratay ilaa heer jaamacadeed, dabadeed sannad waxbarasho ku qaadatay Paris, kadibna wax yar oo Isbaanish ah ku baratay fasallo fiidkii ah. Barashada dhammaan luqadahaas—marka laga reebo Isbaanish yar oo safar awgiis ah—waxay u baahdeen waqti, dadaal iyo ka go'naansho.
Waxay tiri: "Sidaas darteed, lama yaabin in aan si taxaddar leh ula dhaqmay xayeysiimaha soo noqnoqda ee ku jira akoonkayga Instagram, kuwaas oo ballanqaaday in luqad lagu hanan karo 30 maalmood gudahood—ama ka yar—haddii la bixiyo wax ka yar nus saac maalintii."
Badhi waxay ku dartay: "Faa'iidooyinka laga helo barashada luuqadaha ee caafimaadka maskaxda muddada dheer iyo kordhinta farxadda waa la wada ogyahay, sidaa darteed ma jirto wax laga shallaayo. Hase yeeshee, su'aashu waxay tahay: afartii sano ee aan ku baranayay luqadaha illaa heer jaamacadeed—oo ay ku jireen falalka la rogrogayo iyo ereyo la xafido—ma noqdeen hab dhaqameed waqtigu ka tagay?"
Marka laga soo tago ballanqaadyada hanashada degdegga ah, habab iyo farsamooyin casri ah ayaa horseeday isbeddel weyn oo ku yimid barashada luqadaha xilli waqtigu yar yahay. Mid ka mid ah hababka ugu caansan waa "microlearning", oo ku salaysan in macluumaadka loo kala jebiyo qaybo yaryar oo lagu baran karo waqti kooban—daqiiqado ama ilbiriqsiyo gudahood. Habkani wuxuu ku salaysan yahay fikradda "qallooca illoobidda", taas oo sheegaysa in hal mar la qaato xog badan ay hoos u dhigto awoodda lagu xafido mustaqbalka.
Hababka barashada luqadaha sidoo kale waxay la kulmeen koboc tiknoolajiyadeed: laga bilaabo adeegsiga chatbots bixiya sixitaan degdeg ah ilaa adeegsiga xaqiiqada aragga fog (virtual reality) iyo xaqiiqada la kordhiyey (augmented reality), kuwaas oo ardayga siinaya fursad wada sheekeysi oo uu la yeesho dad ka fogah oo ku hadla luqadda si dabiici ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ayaa qaba in ballanqaadyada ku hadalka si faseex ah waqti gaaban ay iska indho-tirayaan arrimo muhiim ah sida wacyiga dhaqanka iyo fahamka kala duwanaanshaha carrabka furan ee hadalka.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka la eego kala duwanaantan, su'aashu waxay tahay: waa kee habka ugu wanaagsan— oo ku salaysan caddayn cilmiyeed—ee lagu barto luqad cusub?
Si aan jawaab u helo, waxaan la kaashaday laba khabiir oo ka tirsan Shaybaarka Barashada Luqadaha ee Jaamacadda Lancaster: Patrick Rebuschat, Bare Cilmiga Luuqadaha iyo Cilmiga Garashada, iyo Padraic Monaghan, Bare Garashada ka tirsan Waaxda Cilmi-nafsiga.
Labadan khabiir waxay i siiyeen fursad aan ku tijaabiyo barashada luqad, iyagoo muujinaya sida maskaxdu u qabato ereyo iyo dhawaaqyo cusub, islamarkaana ugu dhisto macne. Hawlahani waxay la mid ahaayeen waayo-aragnimada qof ku sugan dal qalaad oo leh luuqad aan la aqoon, halkaas oo qofku ku qasban yahay in uu adeegsado awooddiisa dabiiciga ah, si uu u kala saaro dhawaaqyada cusub una bilaabo habayntooda iyo fahamkooda.
Ka dib hakad 20 sano ah oo aanan baran wax luqad ah, waxaan isu arkay anigoo xiisaynaya barashada Mandariin iyo Boortaqiis. Muddo lix maalmood ah, maalin kasta waxaa la i siiyay 30 daqiiqo si aan u qabto hawlo iyo layli, anigoo aan wax su'aal ah weydiin karin, islamarkaana sugaya dhammaadka tijaabada si loo qiimeeyo natiijada.
Padraic Monaghan ayaa sheegay in daraasadaha noocan ahi ay faa'iido leeyihiin marka la sahaminayo sida qofku u bilaabo ku milanka luqad cusub.
Patrick Rebuschat ayaa yiri: "Dadku si aad u degdeg ah ayay wax u baran karaan iyagoo la socda tirakoobka ku hareeraysan. Hawlahani waxaa loogu talagalay in ay la mid noqdaan barashada nolosha dhabta ah—meelaha mugdigu ku jirto macne ahaan, islamarkaana durbadiiba aan la heli karin qiimeyn iyo sixitaan degdeg ah."
Ka hor intaan tijaabadu billaaban, waxaan filayay in Boortaqiisku ii fududaan doono maadaama aan Faransiis aqaanay oo aan wax yar ka garanayo Isbaanish, halka Mandariinku ila muuqday mid aad u fog—heerka ugu sarreeya ee af-qalaadnimada.
Waxaan sidoo kale moodayay in casharka koowaad uu ku bilaaban doono salaamo aasaasi ah, sida aan hore ugu soo bartay luqado kale, balse wixii dhacay gabi ahaanba way ka duwanaayeen filashadaydii.
Patrick Rebuschat wuxuu sharaxay: "Haddii si lama filaan ah laguugu dhex tuuro Portugal, Brazil, ama dal kasta oo ku hadla Boortaqiis, luqaddu kuma iman doonto qaab waxbarasho oo nidaamsan, kaas oo ku bilaabma salaamo. Halkii aad la kulmi lahayd hadal kala duwan oo ku jira xaalado dabiici ah: amarro laga bixinayo makhaayadaha, sheekooyin caadi ah oo waddooyinka ka socda, ama faallo ciyaar kubbadeed oo ka yeeraysa meel agtaada ah."
Ribuschat iyo Monahan waxay ku soo gabagabeeyeen tijaabooyinkii in aan leeyahay shuruudaha aasaasiga ah ee barashada luqadaha, sida fahmad, dhego nuglaan iyo yididiilo wanaagsan, ku waas oo ah sharuudaha iyo awoodda lagu garan karo kala duwanaanshaha carrabka fudud ee ku jira dhawaaqa, lahjadda iyo laxanka hadalka. Khibraddaydii hore ee barashada luqadaha ayaa sidoo kale iga caawisay inaan kala saaro qaababka iyo astaamaha soo noqnoqda.
Ribuschat wuxuu ku adkaysanayaa in hanashada luqaddu ay dhab ahaantii u baahan tahay in si joogto ah loogu milmo luqadda ah, isalamarkaana si toos ah loola falgalo afka iyo dhaqamada ku xeeran, sida adeegsigeeda xilliyo iyo xaalado bulsheed oo kala kaan ah muddo bilo ama sannado ah.
Wuxuu sidoo kale ii tilmaamay Xarunta Luqadaha Shisheeye ee Machadka Luqadaha ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Defense Language Institute Foreign Language Center), oo caan ku ah barnaamijyadeeda tababarka adag.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii ay noqoto Faarisi ama Jabaaniis, xitaa marka la qaato illaa toddobo saacadood oo waxbarasho ah maalin kasta oo lagu daro hawlo kale, gaarista heer xirfadeed aasaasi ah waxay qaadataa qiyaastii 64 toddobaad.
Si aan u horumariyo xirfaddayda, khubaradu waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda hababka waxbarasho ee dhaqameed ee ku dhisan kormeerka macallin, inkastoo qaabkani uu caqabado kala kulmo hay'ado waxbarasho oo badan.
Ribuschat wuxuu aaminsan yahay in tiknoolajiyada casriga ahi aysan beddel u ahayn macallinka, balse ay tahay qalab taageero bixiya oo kordhiya fursadaha tababarka iyo qiimeynta, isla markaana ballaariya baaxadda geeddi-socodka barashada.
Monahan wuxuu sheegay in hanashada xirfadda hadalku ay tahay arrin, halka fahamka hadalka lagula hadlayo ay tahay arrin gebi ahaanba ka duwan.
Wuxuu ku daray: "Mid ka mid ah astaamaha cajiibka ah ee luqaddu waa in 70% ka kooban tahay dhowr boqol oo erey oo keliya; balse waxa aan si degdeg ah loo baran karin waa awoodda lagu fahmo waxa dadka kale sheegayaan, maadaama ay mararka qaarkood adeegsadaan erayo aan aad loo isticmaalin."
Wuxuu tusaale u soo qaatay muhiimadda is-dhexgalka tooska ah ee bini'aadamka si loo fahmo macnaha qarsoon, sida weedha Gujarati ee "maruloi na pee" oo si sarbeeb ah loola jeedo "ha isku mashquulin," ama weedha Faransiiska ee "ça a été" oo inkastoo si toos ah loogu turjumo "way ahayd…", haddana wada sheekaysiga lagu muujiyo in arrimahu "si wanaagsan u dhaceen."
Monahan wuxuu carrabka ku adkeeyay in kakanaantan ay xad u yeelayso ballanqaadyada waaweyn ee ay bixiyaan qaar ka mid ah tiknoolajiyada casriga ah ee barashada afafka.
Wuxuu intaas ku daray: "Tiknoolajiyadani ma beddeli doonto barashada qotada dheer ee takhasuska leh; sida hanashada ku hadalka Ingiriisigu aysan macnaheedu ahayn dhammaadka barashada suugaanta Ingiriisiga ee jaamacadda."
Ereyadaasi waxay ii noqdeen maan xasilin, waayo inkastoo aan ka tanaasulay qaamuuskii Faransiiska, haddana illaa maanta maktabaddayda waxaa weli yaal nuqullo hore oo ka mid ah qoraallada Jean-Paul Sartre, Frantz Fanon iyo Aimé Césaire ee xeeldheerida afaf.











