Haweeneey uur u qaaday laba nin isku mar

Xigashada Sawirka, Getty Images
2018, qof dumar ah ayaa timid Shaybaarka Aqoonsiga Dadweynaha ee hiddesiyasha ee Jaamacadda Qaranka ee Kolombiya: waxay wadatay laba wiil oo mataano ah oo ay dhashay laba sano ka hor waxayna rabtay inay xaqiijiso aabbayaashood.
Shaybaarku waxa uu sameeyay tijaabada caadiga ah ka dibna mar kale. Natiijadu waxay ahayd mid la yaab leh oo ay rabeen inay hubiyaan: mataanaha waxay lahaayeen hal hooyo laakiin aabbayaashood ayaa kala duwnaaday.
Tani waa dhacdo aad dhif u ah oo loo yaqaan heteropaternal superfecundation. Ku dhawaad labaatan kiis ayaa adduunka oo dhan laga soo sheegay sida ay xuseen maqaallo saynis ah.
In kasta oo ay ogaayeen in wax sidan oo kale ah ay suurtogal tahay, haddana khubarada Jaamacadda weligood lama aysan kulmin kiis si toos ah u dhacay.
Dabcan, waxay kicisay xiiso cilmiyeed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee loo go'aamiyaa cidda aabaha ah?
Si loo go'aamiyo aabaha qof kasta, saynisyahano ka tirsan shaybaarka hidda-sidaha dadweynaha ee Jaamacadda Qaranka ee Kolombiya waxay adeegsadaan tignoolajiyada loo yaqaan "markers microsatellite".
Tani waxay ka kooban tahay, si guud, falanqaynta jajabyada DNA-da ee ilmaha, hooyada, iyo aabbaha la sheegay, iyada oo la isbarbardhigayo.
"Waxaan ka qaadnaa DNA-da mid kasta oo iyaga ka mid ah, waxaan eegnaa inta u dhaxaysa 15 iyo 22 dhibcood, kuwaas oo loo yaqaan microsatellites, waxaanan mid mid u barbardhigeynaa midba midka kale," Professor William Usaquén, oo ah agaasimaha shaybaarka, ayaa u sheegay BBC Mundo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakin nidaamku ma fududa sida in DNA-ga la hoos dhigo mikroskoob awoodda u leh.
Ka dib marka laga qaado muunada dhiigga farta, saynisyahannadu waxay sameeyaan hab kiimiko si ay DNA-da uga soocaan waxa aan ahayn DNA.
Kadib, waxay qaataan DNA-da, oo aad u yar, waxayna ku socodsiiyaan qalab gaar ah si ay u xoojiyaan.
Dareeraha ka soo baxa waxaa lagu dhex daraa walxo fluorescent loo yaqaano si ay u calaamadiyaan 15 ilaa 22 dhibcood (microsatellites) oo ay rabaan inay fiirsadaan, ka dibna waxay sii maraan mashiin kale oo awood u leh inuu akhriyo microsatellites muunad kasta oo u beddelo tirooyin isku xigxiga. Habkaan waxaa loo yaqaan electrophoresis.
Ugu dambayntii, iyada oo tixanaha tirooyinka gacanta lagu hayo, cilmi-baarayaashu waxay sameeyeen falanqayn macquul ah si ay u go'aamiyaan in ninku yahay aabbaha ilmaha iyo in kale.
Marka kala bar ka mid ah astaanta hidde-sidaha ilmaha ay la mid noqoto tan hooyada, barka kalena la mid nqodo kan aabbaha la sheegay, aabbanimada ayaa la xaqiijiyaa.
Natiijo la yaab leh
Kiiska mataanaha leh aabayaasha kala duwan ee la helay 2018, saynisyahano ka socda Machadka Genetics ee Jaamacadda Qaranka ee Colombia ayaa falanqeeyay 17 microsatellites oo ku jira DNA-da hooyada, labada ilmood, iyo aabaha la sheegay inuu u soo baxay tijaabada.
Waxayna ogaadeen in DNA-da aabbahu ay la mid noqotay tan mid ka mid ah carruurta, laakiin ilmaha kale uu ka duwan yahay.
Waxay ahayd, natiijo aan caadi ahayn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee u dhacdaa xaaladaan?
Professor William Usaquén wuxuu sharaxay sababta dhacdadan bayooloji ahaan ay u dhacdo si aan badnayn:
"Ugu horeyn haweeneydu waa inay laba qof galmo la sameysaa, marka labaad waa inay u galmoodtaa labada nin muddo gaaban gudaheed, waxaa intaa dheer in ay jirto ukumo la siidaayay laba jeer (taas oo ah in la sii daayo laba iyo ka badan oo ukun ah oo isku mid ah inta lagu jiro hal wareegg ee caado) ugu dambeyntiina waa inay bacrimaan labaduba oo uur u yeelataa labada ninba."
Guud ahaan, xaaladaha ay haweeneydu sii deyso wax ka badan hal ukun, marka mid la bacrimiyo, kuwa kale si degdeg ah u dhintaan.
Taasi waa sababta kiiskaan oo kale naadir u yahay: sababtoo ah bacriminta labaad waxay dhici kartaa ka hor intaysan dhiman ukunta aan la bacrimin.
Sida ay qabaan saynis yahano ka tirsan machadka genetics-ka, bacriminta labaad waa in ay ku dhacaan 24 ilaa 36 saacadood gudahood, waana wakhtiga ay ukuntu sii jiri karto marka la sii daayo aysanna la kulmin wax bacrimiya.
Si kastaba ha ahaatee, Andrea Casas ayaa sharaxaysa, "laga yaabaa in aanay qasab ahayn in ukunta la sii daayo waqti isku mid ah."
"Mararka qaar, mid ka mid ah dhuunta ilmagaleenka ayaa soo daaya ukun, , laba ama saddex maalmood ka dib waxay soo daysaa mid kale [...]", taas oo kordhinaysa suurtogalnimada in bacriminta ay dhacdo laba jeer oo kala duwan, ayay raacisay.










