TOOS, Maraykanka oo sheegay in ay soo rideen laba daroon oo Iran leedahay

Taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa sheegtay in ay soo rideen labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay soo rideen Iran.

Tebin toos ah

  1. Dowladda Kenya ayaa amartay in shaqaalaha guryaha ay tahay in la siiyo ugu yaraan $140 bishii

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xeerarka cusub ee mushaharka ugu yar ee shaqaalaha guryaha ee Kenya ayaa kordhiyey mushaharkooda kana dhigay ugu yaraan 18,047 shilinka Kenya ah, una dhiganta ilaa 140 doolarka Maraykanka ah.

    Loo-shaqeeyayaasha ku xad-gudba qodobadan ayaa muteysan doona ilaa 3 bilood oo xarig ah ama ganaax dhan 50,000 oo shilinka Kenya ah.

    Dib u habeyntan ayaa daba socota go'aankii dowladda ee ahaa in lagu kordhiyo mushaarka ugu yar 12 boqolkiiba, tallaabadaas oo looga dan lahaa in lagu caawiyo shaqaalaha si ay ula qabsadaan qiimaha maciishada ee sii kordhaya.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Nation, heerarka cusub ayaa lagu dabaqayaa kumannaan shaqaale guri ah, oo ay ku jiraan caawiyayaasha guryaha, kuwa carruurta ilaaliya, beeralayda iyo shaqaalaha kale ee adeegga guriga ee dalka oo dhan.

    Sida ku cad qaab dhismeedka cusub ee mushaharka, shaqaalaha guryaha ee magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo Eldoret ayaa hadda xaq u leh in la siiyo ugu yaraan 18,047 shilin bishii.

    Kordhinta ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta ballaaran ee waaxda shaqada ee looga golleeyahay in lagu wanaajiyo daryeelka shaqaalaha iyo xoojinta hirgelinta sharciyada shaqada ee Kenya.

    Si kastaba ha ahaatee, shacabka Kenya ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sida ay uga xun yihiin amarkan cusub.

  2. Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil

    Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho lagu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Muslimiinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah.

    Balse waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jarmalka, iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin.

    Go'aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka mudaaharaadyada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin.

    Gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaabka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dambeeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay. Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsanaya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa'iil.

    Wareegtada ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in "Israa’iil ay xaq u leedahay in ay jirto, taasna ay la micno tahay jiritaanka dowladda Jarmalka”, sidaas awgeed, codsadayaasha waa in ay arrintan ku qaab qirtaan qoraal ahaaneed.

  3. Maraykanka oo sheegay in ay soo rideen laba daroon oo Iran leedahay

    Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen labo diyaaradood oo kuwa daroonka ah oo ay Iran leedahay, xilli ay marayeen marin biyoodka Hormuz.

    Soo ridida diyaaradahan ayaa dhacday inkastoo ay jirto xabad joojin labada dal u dhaxeysa.

    Horaantii, Sabtidii, mowjado weeraro ah oo Iran ay ku qaaday Bahrain iyo Kuwait ayaa la soo sheegay.

    Sida laga soo xigtay Tehraan, weeraradan ayaa loo qaaday aargudasho weerarrada Maraykanku ku qaaday qalabka Raadaarka Iran ee ku sugan xeebaha dalkaas.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in iyaga oo ka jawaabaya weerarka Maraykanku ku qaaday munaaradaha isgaarsiinta ee jasiiradaha Qeshm iyo Sirik, "laba saldhig oo ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin Kuwait, oo lagu magacaabo Ali al-Salem, iyo tas-hiilaadka muhiimka ah ee haray ee qaybta shanaad ee ciidamada badda ee Maraykanka ee Baxrayn, ayaa lala beegsaday gantaalaha ballistic-ga ee ciidamada hawada sare ee IRGC."

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka jawaabeen dhaq-dhaqaaqyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ee ka dhanka ah maraakiibta isku dayaya in ay maraan marin biyoodka Hormuz.

  4. Wuqooyiga Kuuriya oo sheegtay in barnaamijkeeda Nukeerlka uusan gorgortan galin

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kim Yo-jong, oo la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaasi uu yahay “mid aan gabi ahaanba gorgortan laga geli karin”.

    "Mawqifkayaga quwadda nukliyeerka ah maaha mid laga gor-gortami karo sinaba," ayay ku tiri bayaanka, oo lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee xisbiga talada haya, Rodong Sinmun.

    Waxa ay sidoo kale intaa ku dartay in Kuuriyada Waqooyi " aysan u dulqaadan doonin hanjabaad kasta."

    Kim Yo-jong, oo xubin muhiim ah u ah isgaarsiinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa hadalkan jeedisay ka hor booqasho uu ku tagayo Kuuriyada Waqooyi madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo lagu wado in uu safarkiisa bilaabo Isniinta, uuna sii socdo ilaa Talaadada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Safarka Xi Jinping uu ku tagayo Pyongyang ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago Kuuriyada Waqooyi muddo 7 sano ah.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Shiinaha uu kulamo xiriir ah la qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin bishii hore.

    Shiinaha ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah taageereyaasha ugu muhiimsan ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi.