Elon Musk oo loo ansixiyey inuu hal malyan oo dayax gacmeed geeyo hawada sare

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adaha nidaaminta ee Mareykanka ayaa siiyay SpaceX ogolaansho ay ku geynayso hal milyan oo dayax-gacmeed samada sare ee dhulka ku aaddan, taasoo ah tallaabo loogu talagalay in lagu dhiso xarumaha xogta hawada sare, ahna tii ugu horreysay ee nooceeda ah.
Shirkadda oo uu leeyahay Elon Musk, ayaa qorsheyneysa inay isticmaasho iftiinka qorraxda si ay u shiddo dayax gacmeedyada ka shaqeeya xogta sirdoonka macmalka ah isla markaana natiijooyinka dib ugu soo celiya Dhulka.
Guddiga Isgaarsiinta Federaalka ee Mareykanka ayaa Arbacadii (Noofambar 25) ku dhawaaqay in mashruuca, oo loogu yeero Starmind, uu gacan ka geysan doono "dhaqaale sirdoon macmalka ah oo kobcaya."
Soo saarista ogolaanshahan ayaa yimid iyadoo bulshooyinka maxalliga ah ee Mareykanka oo dhan ay ka soo horjeedeen ballaarinta xarumaha xogta dhulka.
SpaceX waxay aaminsan tahay in "xarumaha xogta ee dhulka ku wareegaya" ay yihiin habka ugu haboon kharash ahaan, uguna waxtarka badan dhanka tamarta si loo daboolo baahida sii kordheysa ee awoodda farsamaynta AI, taas oo shirkaddu ay sheegtay inay ka badan tahay "awoodaha kaabayaasha fariisankoodu uu dhulka yahay.
Mashruucu "wuxuu furayaa aragti cusub oo geesinimo leh oo ku saabsan kaabayaasha kombiyuutarka ee loo baahan yahay si loo xoojiyo hoggaanka iyo kobaca Mareykanka" ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta Federaalka Brendan Carr oo hadal uu soo saaray sidaa ku sheegay.
"Kani waa nooca hal abuurka Mareykanka ee isu keeni kara awooddeenna hawada sare iyo teknoolojiyada horumarsan, xoojin kara hoggaankeenna dhaqaale, horumarna na gaarsiin kara" ayuu yiri.
Isagoo ka jawaabaya akhbaartaas ayaa Elon Musk wuxuu ku qoray shabakadda bulshada X: "Aad baad u mahadsan tihiin. Mashruucani wuxuu noqon doonaa hanti qiimo leh oo loogu talagalay Mareykanka iyo adduunka".
Sida ku cad shatiga uu soo saaray Guddiga Isgaarsiinta Federaalka, geynta dayax gacmeedyadan la geynayo samada waa inay bilaabataa ugu dambayn Noofambar 2033.
SpaceX waxaa sidoo kale laga rabaa inay 10% dayax gacmeedyadeeda la hawlgeliyo Noofambar 2035; tani waa inay kor u kacdaa 50 boqolkiiba Noofambar 2038.
Shirkaddu waxay hore u shaacisay inay qorsheyneyso inay dayax gacmeedka ugu horreeya ee StarMind hawada sare ku soo bandhigto sannadka soo socda.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wali ma cadda in hal milyan oo dayax gacmeed dhab ahaan loo diri doono hawada sare ama in SpaceX ay heshay ogolaansho dayax gacmeedyo ka badan inta ay ugu dambeyntii rabto inay isticmaasho.
Sida shabakadda dayax gacmeedyada Starlink ee hadda ay SpaceX ku shaqayso, taasoo bixisa internet xawaare sare leh iyada oo loo marayo in ka badan 10,000 oo dayax gacmeed, dayax gacmeedyada Starmind waxay ku shaqayn doonaan Khadka wareegga hoose ee dhulku maro. Dayax gacmeedyadu waxay ku wareegayaan meel u dhaxaysa 500 iyo 2,000 kiiloomitir.
Dayax gacmeedyada Starmind waxay xiriir la samayn doonaan dayax gacmeedyada Starlink ka dibna xogta ayey dib ugu gudbinayaan Dhulka.
Guddiga Isgaarsiinta Federaalka ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in nidaamkan dayax gacmeedka ku shaqeeya qorraxda "uu ballan qaadayo inuu aadanaha u soo dhoweeyo ilbaxnimada Nooca II ee Kardashev kaas oo awood u yeelan doona inuu ka faa'iidaysto dhammaan tamarta qorraxda."
Fikraddani waxay tilmaamaysaa qorshe mala awaal ah oo uu markii ugu horreysay cir bixiyeen soo jeediyay 1960-meeyadii. Sida laga soo xigtay aragtidaas, ilbaxnimada noocaas ah waxay awood u yeelan doontaa inay ka faa'iidaysato dhammaan tamarta ay soo saarto xiddigta dhexe ee nidaamkeeda (Qorraxda).
Fikradda ah in la dhiso xarumaha xogta ee wareegga Dhulka waxaa sidoo kale sahaminayey shirkado kale, oo ay ku jiraan Google iyo Blue Origin.
Qorshahan waxaa loo arkaa mid deegaanka u wanaagsan oo beddel u ah xarumaha xogta ee dhaqan ahaan hore u jiray, kuwaas oo u baahan tamar koronto oo aad u badan si ay u shaqeeyaan, iyo sidoo kale biyo loogu talagalay qaboojinta.
Isticmaalka sii kordhaya ee sirdoonka macmalka ah iyo baahida loo qabo awooddiisa farsamaynta ayaa horseeday koror weyn oo ku yimid mugga xogta oo ay tahay in la keydiyo oo la farsameeyo adduunka oo dhan.
Xarumaha cusub ayaa weli la dhisayaa, laakiin helitaanka goobo ku habboon oo lagu dhiso ayaa sii adkaanaysa. Xarumaha xogtu waa xarumo waaweyn oo ballaaran oo u baahan koronto iyo biyo badan si loo qaboojiyo. Intaa waxaa dheer, dadka deegaanka ayaa si isa soo taraysa uga soo horjeeda inay xarumahan laga dhiso meel u dhow guryahooda.
Xarumaha xogtu waxay ahaayeen arrin udub dhexaad u ahayd doorashadii dhexe ee Mareykanka ee horraantii Noofambar, iyadoo musharrixiin badan oo Dimuqraadi ah ay ballan qaadeen inay ku soo rogi doonaan sharciyo adag dhismaha xarumahan.
























