DR Congo oo Uganda ka dalbatay sharaxaad ku saabsan hanjabaadaha Jeneraal Muhoozi

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ayaa u yeertay safiirka Uganda ee magaalada Kinshasa, kaddib qoraallo uu baraha bulshada ku baahiyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha dalkaas.
Qoraallo dhowr ah oo uu ku baahiyey barta X ayuu Jeneraal Kainerugaba u muuqday inuu taageerayo suurtagalnimada in kooxaha fallaagada ahi la wareegaan deegaanka Walikale ee bariga DR Congo, oo hodan ku ah macdanta.
Hase yeeshee, waxa uu ku adkaystay in joogitaanka ciidamada Uganda ee gudaha DR Congo uu keliya la xiriiro arrimo amni.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DR Congo ayaa safiirka Uganda ugu yeertay inuu sharaxaad ka bixiyo hadallada jeneraalka, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo “aad khatar u ah” isla markaana dhaawici kara xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Dowladda Uganda ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixin arrintan.
Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa soo baxday iyadoo labada dal ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen dhinaca milatariga.
Tan iyo sannadkii 2021, ciidamada Uganda iyo kuwa Congo ayaa si wadajir ah uga fulinayey hawlgallo milatari bariga DR Congo, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Allied Democratic Forces (ADF), oo xiriir la leh ururka Daacish.
Uganda ayaa sidoo kale ku lug lahayd dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dowladda Congo iyo koox hubaysan oo uu hoggaamiyo Thomas Lubanga, oo hore u ahaa hoggaamiye kooxeed, kana hawlgasha gobolka Ituri.
Qoraalladiisa, Jeneraal Kainerugaba ayaa kooxda hubaysan ee Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), oo ka dagaallanta bariga DR Congo, ku eedeeyey inay bartilmaameedsato bulshada Bahima.
Bahima waa bulsho dhaqan ahaan xoolo-dhaqato ah oo inta badan ku nool gobolka Ituri ee waqooyi-bari DR Congo, isla markaana leh xiriir taariikheed iyo mid dhaqan oo ay la wadaagto bulshada Bahima ee Uganda.
Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu taageeri doono in fallaagadu la wareegaan deegaanka Walikale, isaga oo isla markaas difaacay joogitaanka ciidamada Uganda ee DR Congo.
Walikale waa deegaan hodan ku ah macdanta, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah macdan-qodista ugu waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa laga soo saaro daasadda iyo dahabka.
Akoonka Jeneraal Kainerugaba ee barta X, oo ay ku xiran yihiin ku dhowaad 1.4 milyan oo qof, ayaa markii dambe noqday mid aan la geli karin.
Lama oga inuu isagu xiray, sidii uu hore u sameeyey, iyo in shirkadda X ay xannibtay.
Isla toddobaadkan, jeneraalka ayaa ku dhawaaqay:“Qoraalladayda aan barta X ku baahiyo ee Uganda waa amarro ay tahay in la fuliyo.”
Warar dheeraad ah





