TOOS , Sacuudiga: Hawlaha shaqada warshad sifaysa shidaalka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyey kaddib weerar

Shaqaale u dhashay Nepal ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday warshad sifaysa shidaalka oo ku taalla gobolka Jizan ee Sacuudiga

Kooban

  • Sacuudiga: Hawlaha warshad sifaysa shidaalka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyey kaddib weerar.
  • Trump: Haddii aanu dagaalka gelin, waxaa dhici lahaa masiibo nukliyeer ahSoomaaliya deris la yihiin
  • Abiy Axmed: Koboca Itoobiya waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya
  • Elon Musk oo loo ansixiyey inuu hal malyan oo dayax gacmeed geeyo hawada sare

Tebin toos ah

  1. DR Congo oo Uganda ka dalbatay sharaxaad ku saabsan hanjabaadaha Jeneraal Muhoozi

    Jeneraal Muhoozi Kainerugaba
    Qoraalka sawirka, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ayaa u yeertay safiirka Uganda ee magaalada Kinshasa, kaddib qoraallo uu baraha bulshada ku baahiyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha dalkaas.

    Qoraallo dhowr ah oo uu ku baahiyey barta X ayuu Jeneraal Kainerugaba u muuqday inuu taageerayo suurtagalnimada in kooxaha fallaagada ahi la wareegaan deegaanka Walikale ee bariga DR Congo, oo hodan ku ah macdanta.

    Hase yeeshee, waxa uu ku adkaystay in joogitaanka ciidamada Uganda ee gudaha DR Congo uu keliya la xiriiro arrimo amni.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DR Congo ayaa safiirka Uganda ugu yeertay inuu sharaxaad ka bixiyo hadallada jeneraalka, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo “aad khatar u ah” isla markaana dhaawici kara xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Dowladda Uganda ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixin arrintan.

    Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa soo baxday iyadoo labada dal ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen dhinaca milatariga.

    Tan iyo sannadkii 2021, ciidamada Uganda iyo kuwa Congo ayaa si wadajir ah uga fulinayey hawlgallo milatari bariga DR Congo, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Allied Democratic Forces (ADF), oo xiriir la leh ururka Daacish.

    Uganda ayaa sidoo kale ku lug lahayd dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dowladda Congo iyo koox hubaysan oo uu hoggaamiyo Thomas Lubanga, oo hore u ahaa hoggaamiye kooxeed, kana hawlgasha gobolka Ituri.

    Qoraalladiisa, Jeneraal Kainerugaba ayaa kooxda hubaysan ee Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), oo ka dagaallanta bariga DR Congo, ku eedeeyey inay bartilmaameedsato bulshada Bahima.

    Bahima waa bulsho dhaqan ahaan xoolo-dhaqato ah oo inta badan ku nool gobolka Ituri ee waqooyi-bari DR Congo, isla markaana leh xiriir taariikheed iyo mid dhaqan oo ay la wadaagto bulshada Bahima ee Uganda.

    Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu taageeri doono in fallaagadu la wareegaan deegaanka Walikale, isaga oo isla markaas difaacay joogitaanka ciidamada Uganda ee DR Congo.

    Walikale waa deegaan hodan ku ah macdanta, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah macdan-qodista ugu waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa laga soo saaro daasadda iyo dahabka.

    Akoonka Jeneraal Kainerugaba ee barta X, oo ay ku xiran yihiin ku dhowaad 1.4 milyan oo qof, ayaa markii dambe noqday mid aan la geli karin.

    Lama oga inuu isagu xiray, sidii uu hore u sameeyey, iyo in shirkadda X ay xannibtay.

    Isla toddobaadkan, jeneraalka ayaa ku dhawaaqay:“Qoraalladayda aan barta X ku baahiyo ee Uganda waa amarro ay tahay in la fuliyo.”

    Warar dheeraad ah

  2. Ukraine oo raalli-gelin ka siisay Liibiya weerarkii lagu qaaday dekedda Benghazi

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in weerarkii ay Ukraine ku qaadday maraakiibta Ruushka ee ku sugnaa dekedda Benghazi ee dalka Liibiya uu bartilmaameedkiisu ahaa ciidamada milatariga Ruushka, balse aanu ahayn mid ka dhan ah Liibiya.

    Sybiha oo farriin ku baahiyey barta X ayaa sheegay in Ukraine aanay wax qorshe ah u lahayn inay dagaalka ay Ruushka kula jirto ku fidiso Liibiya ama dal kale.

    Axaddii, Ukraine ayaa adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda si ay u weerarto markab dagaal oo nooca Corvette-ka ah iyo markab xamuul oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.

    Wasiirka ayaa sheegay in bartilmaameedyada weerarku ay ahaayeen maraakiibta dagaalka ee Ruushka iyo kuwa xamuulka ee sida qalabka milatariga. Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay adeegsanayso xaqa ay u leedahay is-difaaca.

    Sybiha ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyey, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ka dhashay weerarka ee gudaha Liibiya.

    Dhanka kale, dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli, isla markaana taageerada ka hesha dalalka reer Galbeedka, ayaa cambaareysay hawlgalka Ukraine. Waxay sheegtay in Liibiya aan lagu soo jiidi karin dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

    Dhankeeda, dowladda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa Ukraine ku eedaysay inay isku dayayso inay dagaalka ku fidiso badda Mediterranean-ka iyo badda Baltic-ga, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay mid aad khatar u ah.

    Warar dheeraad ah

  3. Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

    Erling Haaland
    Qoraalka sawirka, Erling Haaland

    Manchester City: Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, oo 26 jir ah, ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu kooxda ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan. Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha uu doorbidayo inuu ku biiro. (El Nacional)

    - Liverpool: Kooxda Liverpool ayaa ka fiirsanaysa inay la soo wareegto khadka dhexe ee Bayern Munich, Jamal Musiala, oo 23 jir ah, haddii ciyaaryahanka xulka Jarmalku uu taam u noqdo inuu garoomada ku soo laabto dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Football Insider)

    - Manchester United: Kooxda ayaa isha ku haysa daafaca kooxda Sporting, Maxi Araujo, oo 26 jir ah. Ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa la sheegay inuu doonayo inuu kooxda ku biiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo. (Sport Witness)

    - Atletico Madrid: Kooxda reer Spain ayaa kalsooni ku qabta inay sii haysan doonto weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez, inkasta oo ay xiiseynayaan Paris Saint-Germain iyo Arsenal. (Teamtalk)

    - Chelsea: Kooxda Chelsea ayaa ka fiirsanaysa inay dib ula soo wareegto daaficii hore ee xulka Jarmalka, Antonio Rudiger, oo 33 jir ah, kaas oo haatan u ciyaara Real Madrid. (Football Insider)

    - Leicester City: Kooxaha Leeds United, Brentford iyo Crystal Palace ayaa dhammaantood la socda horumarka weeraryahanka da'da yar ee reer England, Bismark Owusu, oo 18 jir ah. (Teamtalk)

    Warar dheeraad ah

  4. Abiy Axmed: Koboca Itoobiya waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya

    Abiy Axmed
    Qoraalka sawirka, Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ka hadlay arrinta marin-badeedka Badda Cas, isaga oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkiisa.

    Abiy ayaa sheegay in Itoobiya aanay doonayn inay xoog ku qaadato ama boobto wax ay dal kale leeyihiin, balse ay rabto in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga faa’iidaystaan khayraadka jira.

    “Ujeeddadeennu ma aha inaan wax xadno ama boobno, waxaan rabnaa inaan si wadajir ah u kobocno,” ayuu yiri Abiy.

    Waxa uu sheegay in arrinta Badda Cas aanay ahayn oo keliya mid dhul la xiriirta, balse ay sidoo kale khusayso amniga gobolka iyo hawada sare.

    Abiy ayaa intaas ku daray in Itoobiya ay doorbidayso iskaashi iyo wadajir, isaga oo sheegay in aanay doonayn in dalalka deriska ahi isku dhacaan.

    Waxa uu si gaar ah u xusay Eritrea, isaga oo sheegay in aanu jirin dal Itoobiya uga dhow marka laga eego dhaqanka, deegaanka iyo diinta.

    “Koboca dalkeenna waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya. Waxaan nahay qoys ay deris yihiin,” ayuu yiri.

    Hase yeeshee, waxa uu sheegay in iskaashiga dalalka derisku aanu noqon karin mid hal dhinac oo keliya uu faa’iido ka helo, dhinaca kalena uu khasaaro kala kulmo.

    Abiy ayaa sidoo kale sheegay in haddii helitaanka deked ay Itoobiya doonayso uu dhibaato u keenayo Eritrea, aanay taasi sax ahayn.

    Isaga oo ka hadlayay xiriirka labada dal, ayuu sheegay in aanay sax ahayn in la yiraahdo Eritrea muddo 30 sano ah ma adeegsan waddooyin, isaga oo xusay in boqollaal kun oo Eritrean ahi ay Itoobiya ku nool yihiin, halka dalkiisu uu siiyo shaqo iyo hoy.

    Warar dheeraad ah

  5. Trump: Haddii aanu dagaalka gelin, waxaa dhici lahaa masiibo nukliyeer ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa khadka telefoonka kula xiriiray cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa khadka telefoonka kula xiriiray cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku aanu dagaalka kula jirin Iiraan u gelin dano shidaal, balse uu u galay ilaalinta Israa’iil iyo dalalka kale ee gobolka.

    Trump ayaa hadalkan sheegay khamiistii , xilli uu khadka telefoonka kula hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, munaasabadda maalinta Thanksgiving-ka.

    Isaga oo ka hadlayay sababta Mareykanku uga qayb qaatay dagaalka, ayuu sheegay in dalkiisu aanu u baahnayn shidaalka Bariga Dhexe, maadaama uu haysto kayd shidaal oo badan, isla markaana uu shidaal ka helo Venezuela.

    Trump ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu doonayo nabad ka dhalata Bariga Dhexe, isaga oo ka digay in haddii aan nabad la helin ay dhici karaan dhibaatooyin waaweyn.

    Waxa uu sidoo kale ku andacooday in haddii Mareykanku aanu dagaalka gelin, Iiraan ay hub nukliyeer ah u adeegsan lahayd Israa’iil iyo dalalka gobolka, taasina ay sababi lahayd masiibo nukliyeer ah.

    Iiraan ayaa marar badan beenisay inay doonayso inay samaysato hub nukliyeer ah, waxayna sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka aanu lahayn ujeeddo militari.

    Dhankeeda, Iiraan waxay Mareykanka ku eedaysay inuu dagaalka ku galay talo iyo qorshe Israa’iil, halkii ay ka ahaan lahayd inuu jiray khatar degdeg ah oo amniga qaranka Mareykanka ku wajahan.

    Warar dheeraad ah

  6. Sacuudiga: Hawlaha warshad sifaysa shidaalka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyey kaddib weerar.

    Afhayeenka Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka xuutiyiinta

    Sida aan horey ugu soo sheegnay wararkeenna, shaqaale u dhashay dalka Nepal ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday warshad sifaysa shidaalka oo ku taalla gobolka Jizan ee Sacuudiga.

    Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in qayb ka mid ah hawlihii warshadda si ku-meel-gaar ah loo hakiyey.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in dabkii ka dhashay weerarka la xakameeyey.

    Khamiistii, wakaaladda wararka ee Sacuudiga, oo soo xiganaysay Wasaaradda Tamarta dalkaas, ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay weerarka lagu qaaday warshadda sifaysa shidaalka ee Jizan.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in “shaqaale u dhashay Nepal uu ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen”, kaddib markii gantaal hawada laga soo tuuray uu ku dhacay warshadda.

    Saacado kaddib weerarka, isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerarka ku qaadeen warshadda.