You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee bay safaaradda Iiraan ugu isticmaashay barta X hub ahaan intuu socday dagaalka?
Markii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu qorsheeyay kama dambaysta Iiraan ee ah inay ku aqbasho heshiis kahor qaadista weeraro uu la beegsado ''buundooyinka iyo shirkadaha tamarta'' ee dalkaasi ayaa safaaradda Iiraan ee Zimbabwe akoonkeeda barta X ayaa qaab jeesjees leh ay u qortay: ''8pm ma dhowa. Ma awooddaa in aad u rarto 'wakhtiga' marka ay tahay 7pm ama 8pm ee galabnimada ama haddii ay macquul tahay, 7pm ama 8pm habeenimo?''
Intii lagu gudajiray dagaalkiii Maraykanka-Israa'iil oo isku dhinac ah ee ka dhanka ahaa Iiraan, xataa muddadii xabbad-joojinta, akoonada diblomaasiyada Iiraan ee shabkadda X ayaa qayb ka ahaa istaraatiijiyada Tehran ee xiriiradda internet-ka iyo saamaynada siyaasada.
Halkii laga adeegsan lahaa heer luuqad diblomaasiyadeed ah, akoonada ayaa iskudayo aan caadi ahayn u adeegsaday shactirooyin, sawiro qosol leh iyo jawaabo xulusho leh oo abuurayo hadalo, dhaleecayno iyo jawaabo la siinayo saraakiisha Maraykanka.
Markii ay April 10 ahayd, Trump ayaa ku qoray shabakadda bulshada ee Truth qoraal aan toos ahayn oo soo xiganaya ololaha internet-ka ee Iiraan: ''Iiraaniyiintu waxa ay u qabanayaan shaqada si ka wanaagsan sida la tacaalida been-abuurka warbaahinta iyo xiriirada dadweynaha marka loo eego sida ay ka samaynayaan dagaalka.''
Kadib markii uu bilowday dagaalka, akoonada safaarada Iiraan ayaa ka tagay luuqada diblomaasiyada ee dhaqanka ahayd, waxaana taa baddelkeeda ay adeegsadeen dhaleecayno iyo jawaabo shactiro iyo jeesjees leh. Iyaga oo dib u howlgaliyay farriimaha dagaalka.
Istaraatiijiyadan ayaa sidoo kale u muuqata inay qayb ka tahay dadaalada Iiraan ee dib-u-dhisida muuqaalkeeda caalamiga ah ee inta dagaalka lagu jiray, taasi oo timid wax ka yar laba bilood kadib qabqabshadii banaabaxayaasha ee mudaharaadyadii ugu xoogganaa ee ay wajahday jamhuuriyada Islaamiga.
Safiiradii ku jiray furinta hore?
Safaarado dhowr ah oo ay leedaay Iiraan gaar ahaana ku yaala meelo kala duwan ayaa sameeyay saamayno xooggan, iyada oo akoonada safaaradaha ee Koonfur Afrika, Zimbabwe, Hindiya iyo Japan ay kamid ahaayeen kuwa ugu dhaqdhaqaaqa badan marka laga eego sida ay qayb uga ahaayeen shaqada Internet-ka ay ka wadeen.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa sidoo kale xiriir la leh akoonada 130 safaarado iyo qunsuliyado isugu jira, kuwaasi oo intooda badan qayb ka ah olole si dhow isugu xiran.
Farriimaha la daabacay ayaa badanaa u muuqday kuwo leh cod, wakhtiyayn iyo haggitaan iskudaba ridan.
Kuwa ugu badan ee ku jira akoonada ugu xiisaha badan ayaa waxaa kamid ah howlgalka Iiraan ee Koonfur Afrika taasi oo heshay dad aad u badan oo soo raacay, iyaga oo daabacaya sawiro qosol leh iyo muuqaalo oo si dhakhsa badan u noqday kuwo ku baaha internet-ka ayaa dhaliilo iyo jeesjees loogu muujinayay siyaasadaha Maraykanka.
Howlgalka ayaa kamid ahaa ururada ugu horreeyay ee isticmaala farsamadan.
Yeey beegsanayeen?
Farriinta ayaa u muuqata mid si gaar ah loola dan leeyahay dhagaystayaasha caalamiga ah marka loo eego muwaadiniinta Iiraan.
Shabakadda X ayaa ah mid weli ka maqan gudaha Iiraan, maadaama la jaray, waxaana tan iyo bilowgii dagaalka ee Febraayo 28 ay kuwa badan oo reer Iiraan ah ay u lahaayeen helitaan kooban internet-ka caalamka iyada oo weli dansanaanta internet-ka ay weli taagan tahay.
Madbacado badan ayaa lagu qoray Ingiriis, waxaana loola jeeday isugu wicitaanka kooxaha dhaliilaya siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka. Iyo dhagaystayaasha waxa loogu yeero Global South.
Habka curinta ayaa ah mid ah inta badan qosol, jeesjees iyo xadgudub internet oo si gaar ah loogu qaabeeyay dadka dhalinyarada iyo bulshada internet-ka oo shaki galinaya tallaabooyinka Maraykanka.