You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
12 xaqiiqo oo ku saabsan bulshada sirta ah ee Illuminati
Illuminati waa magaca loo bixiyay bulsho la abuuray 245 sano ka hor.
Mujtamaca ayaa sannado badan ahaa mawduucyada aragtiyo, iyadoo dadku ku andacoonayaan inuu yahay urur qarsoodi ah oo hadafkiisu yahay inuu qabsado hoggaanka adduunka.
Marka laga reebo in ay tahay isha kacaano waaweyn iyo dilal adduunka ka dhacay. Waa ayo Illuminati oo miyay dhab ahaantii maamulayeen adduunka?
Maxaan ka ognahay mid ka mid ah ururada sirta ah ee ugu xiisaha badan taariikhda.
1. Ya aasaasay Illuminati?
Illuminati waxay ahayd bulsho sir ah oo laga aasaasay Bavaria, oo hadda Jarmal ah, taas oo jirtay 1776 ilaa 1785, xubnahoodana waxay isku magacaabaan kuwo toosan.
Kooxda waxaa aasaasay barafisoor sharciga ku taqaqusay, Adam Weishaupt. Waxa uu rabay in uu kor u qaado waxbarashada garaadka si uu uga hortago sixirka iyo saamaynta jinnigu bulshada ku dhex leeyahay.
Weishaupt waxa uu rabey in uu wax ka beddelo habka loo maamulo dawladaha Yurub, isaga oo meesha ka saaraya saamaynta diineed ee dawladda iyo in uu adduunku jiho cusub siiyo.
Waxaa la rumeysan yahay in kulankii ugu horreeyay ee Bavarian Illuminati uu ka dhacay kayn u dhow Ingolstadt May 1, 1776.
Waqtigaas, shan qof ayaa aasaasay xeerar lagu maamuli doono xukunka qarsoodiga ah ee Illuminati.
In muddo ah, hadafka kooxdu waxa uu diiradda saarayay in ay saamayn ku yeeshaan go'aamada siyaasadeed iyo soo afjaridda hay'adaha sida boqortooyada iyo kaniisadda.
Qaar ka mid ah xubnaha Illuminati ayaa ku biiray Freemasons si ay u qoraan xubno cusub.
Shimbirka loo yaqaan guumayska ayaa astaan ahaan looga dhigay.
2. Sidee Illuminati loola xiriiriyaa Freemasons?
Masonry waa nidaam walaal la ah oo ka soo baxay kooxihii stonemasons-ka iyo dhisayaashii cathedral-ka ee qarniyadii dhexe.
Waddamada qaar, gaar ahaan Maraykanka, waxaa taariikh ahaan ka jiray xoogaa cadaawad ah oo loo qabo Freemasonry; 1828kii, waxaa la aasaasay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loo yaqaanay Xisbiga Anti-Mason.
Sababtoo ah Illuminati-gu waxay asal ahaan qorteen Freemasons, labada kooxood waxaa badanaa lagu tuhunsanaa inay xiriir leeyihiin.
3.Sidee ugu biiri kartaa Illuminati ?
Si aad ugu biirto Illuminati, waa inaad haysataa ogolaanshaha buuxa ee xubnaha kale, hanti aad leedahay, iyo in aad sumcad wanaagsan leedahay.
Intaa waxaa dheer, waxaa jiray nidaam kala sareyn oo xubinnimada Illuminati ah.
Ka dib markaad gasho adiga oo xubin ah "bud", waxaad u dhiagantaa sidii "macdan qode" ka dibna "Waxaad u dalacaysaa darajo kale oo weyn", Inkasta oo qaab-dhismeedkani uu ahaa mid aad u adag, wuxuu u baahan yahay qiyaastii 13 darajo si aad xubin u noqoto.
4.Illuminati ma waxay isticmaalaan caadooyin?
Waxay adeegsadeen caadooyin - inkastoo qaar badan aan la garanayn - waxayna isticmaaleen magacyo been abuur ah si ay u qariyaan aqoonsiga xubnaha.
Si kastaba ha ahaatee, dukumentiyada sirta ah ee la helay, waxaa la og yahay sida xubnaha da'da yar ee kooxda ay ugu suurtagashay in ay kor ugu dalacaan mansabyada sare ee hoggaanka Illuminati:
Waxay ahayd inay soo ururiyaan warbixin ku saabsan dhammaan buugaagta ay lahaayeen, kadibna ay qoraan liis waxyaabaha ay ku liitaan, oo ay soo bandhigaan magacyada cadowga ay lahaayeen.
Dhalinyaradu waxay markii danbe balan qaadeen inay danahooda gaarka ah gadaal u riixaan una huraan wax walba u adeegida bulshada.
5.Muxuu yahay micnaha ka dabmeeya isha ay isticmaaleen Illuminati ?
"Eye of Providence," oo ah calaamad u eg il saddex xagal ah, ayaa lagu arkay kaniisadaha aduunka, iyo sidoo kale dhismayaasha Masonic iyo lacagta dollarka Maraykanka.
Marka laga soo tago in lala xiriirinayo Freemasonry, waxaa sidoo kale lala xiriiriyay Illuminati oo calaamad u ah xakamaynta kooxda iyo ilaalinta adduunka.
Waa astaan Masiixi ah ishaasi.
Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeeya isha iyo Illuminati.
6. Illuminati Ma waxay maamuleen adduunka?
Dadka qaar ayaa aaminsan in Illuminati ay maanta dunida ka taliso, taasoo u dhiganta in xubnahooda ay si adag u qariyeen sirtooda oo dad aad u yar ay wax ka og yihiin.
Marka la eego tirada xubnaha Illuminati ee si qarsoodi ah u soo galay Freemasons-ka iyo sida Freemasons-ku u galeen Illuminati, way adagtahay in la cabbiro guusha Illuminati, laakiin taariikhyahanno badan ayaa aaminsan in kooxda Illuminati ee asalka ah ay awoodeen inay sameeyaan saameyn weyn.
7. Ma jireen xubno caan ah oo ku biiray Illuminati?
Sannadkii 1782-kii, Illuminati waxay kortay ilaa 600 oo xubnood, oo ay ku jiraan amiirro Jarmal ah sida Baron Adolph von Knigge, oo, hore u ahaa Freemason, ka caawiyay Illuminati istiraatijiyad iyo faafinta ururka.
Markii hore, ardayda Weishaupt waxay ahaayeen xubnaha kaliya ee Illuminati, laakiin markii dambe dhakhaatiir, qareeno, iyo aqoonyahanno ayaa ku biiray.
Sannadkii 1784kii waxa jiray inta u dhaxaysa 2,000 iyo 3,000 xubnood oo Illuminati ah. Ilaha qaar ayaa sheeganaya in qoraaga caanka ah Johann Wolfgang von Goethe uu sidoo kale ku biiray Illuminati, inkastoo tani ay weli tahay mid an la hubin.
8. Maxaa loo waayay Illuminati-ga?
Sanadkii 1784-kii, Karl Theodor,oo ahaa Duke -ga Bavaria, ayaa mamnuucay aasaasida xisbi kasta oo aan si sharci ah loo aqoonsan, wuxuu soo saaray amar gaar ah oo lagu xakameynayo Illuminati.
Intii lagu guda jiray xiritaanka xubnaha looga shakisan yahay Illuminati, waxaa lagu helay dukumeentiyo dhowr ah oo ay kaga hadlayeen arrimo la isku khilaafay sida aaminaadda diinta, ismiidaaminta, iyo ilmo iska soo rididda.
Dukumeentiyadu waxay xoojiyeen aaminsanaanta in Illuminati ay tahay bulsho u hanjabay dawladda iyo kaniisadda.
Intaa ka dib, Illuminati ayaa la rumeysan yahay in la waayay, inkastoo dadka qaarkiis ay aaminsan yihiin in bulshadu sii jirto.
9. Xagee ku dambeeyay Adam Weishaupt?
Adam Weishaupt ayaa aakhirkii laga saaray Jaamacadda Ingolstadt.
Ka dib markii laga saaray Bavaria, wuxuu ku noolaa maalmihii ugu dambeeyay Gotha, Thuringia, wuxuuna dhintay 1830.
10. Maxay caan usii noqotay Illuminati?
Tan iyo markii kooxda la mamnuucay, xogaha beenta ah ee iyaga ku saabsan ayaa noqoday kuwa aad u faafay.
Sanadkii 1797, wadaadkii caanka ahaa ee Jesuit ee Faransiiska Abbé Augustin Barruel ayaa sheegay in bulshooyinka qarsoodiga ah sida Illuminati ay kiciyeen Kacaanka Faransiiska.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka, George Washington, ayaa warqad sanad kaddib qoray wuxuu ku sheegay inuu rumeysan yahay in halista Illuminati la xakameeyay. Warqaddu waxay gacan ka gaysatay in la rumaysto in kooxdu weli nooshahay.
Ka dib, buugaag iyo khudbado lagu cambaaraynayo kooxda ayaa la daabacay, iyadoo madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka, Thomas Jefferson, lagu eedeeyay inuu xubin ka yahay kooxda.
11.Maxay dadku u aaminsan yihiin Illuminati ilaa iyo hadda?
Fikirka in Illuminati ay ka taliyaan dunida waligiis ma dhiman oo weli waxaa lagu sawiraa filimada iyo heesaha.
Sannadkii 1963-kii, waxaa la daabacay maqaalka "Principia Discordia" kaas oo keenay fikrad cusub oo oo loo yaqaan 'Discordianism'. Dhaqdhaqaaqan ayaa kor u qaadayay rabshadaha ka soo horjeeda kalitalisnimada iyo caqiidooyinka beenta ah, mid ka mid ah taageerayaashiisa wuxuu ahaa qoraaga caanka ah ee Robert Anton Wilson.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Discordianism ayaa warqado been abuur ah u diray wargeysyada iyagoo ku andacoonaya in dhacdooyinka ay ka mid tahay dilkii madaxweynihii Mareykanka John F Kennedy ay ahaayeen shaqada Illuminati.
Wilson ka dib waxa uu buug la qoray Robert Shea, "The Illuminatus! Trilogy", kaas oo kiciyay jaantus cusub oo loogu talagalay qorista buugaagta kooxda, oo uu ku jiro buugga caanka ah ee Dan Brown (kaas oo sidoo kale dhalay filimka "Malaa'igaha & Jinka").
Illuminati sidoo kale waxaa la xiriiriyaa 'cibaadada sheydaanka' iyo fikrado kale oo gebi ahaanba ka duwan asalkii kooxda ee qarnigii 18aad ee Bavaria.
12. Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya nidaamka cusub ee dunida iyo Illuminati?
Kuwa aaminsan aragtida Nidaamka cusub ee dunida waxay sheeganayaan inay jiraan koox awood leh oo isku dayaya inay xukumaan adduunka.
Marka laga reebo dhowr madaxweyne oo Mareykan ah, dhowr fanaaniin ah sida Beyoncé iyo Jay-Z ayaa lala xiriiriyay inay xubno ka yihiin kooxda, inkastoo labada xiddigba ay beeniyeen.